SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 

Nayroobi

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 

Waxaa magaalada Nayroobi telefoon u soo diray mudane kornayl Daahir Riyaale Kaahin. Telefoonka dhawaaqiisa waxaa ka dheeraa codka qabqableyaasha ka buuxey qolka weyn oo uu telefoonka dhacayey derbigiisa surnaa. 

Lix goor markii uu dhacay baa waxaa qabtay jeneraal Moorgan, oo telefoonkii dhegta saaray asaga oo ku qoslayey sheeko ay qabqableyaasha badankoodu ku qosleen, laakiin uusan xaaji Muuse Suudi ku qoslin. Moorgan wuxuu telefoonka dhegta saaray asaga oo soo eegaya rag badan oo uu u qosol badbaa Barre Hiiraale. 

Codka telefoonka ka soo baxay Moorgan si fiican uma uu maqal, waayo waxaa markii uu qosolkii dhammaaday aad u murmayey Axmed Cumar Jees iyo Cismaan-Caato. Axmed Cumar Jees baa mar kasta oo uu Cismaan Xassan arko wuxuu ku eedeeyaa in uu ka gardarnaa jeneraal Caydiid, oo uu fidwowale daallin ah yahay, Cismaanna wuxuu ugu jawaabey:

- Maxaa aniga iyo Caydiid dhexdayada ku geliyey? 

Markii uu Cismaan-Caato sidaas lahaa waxaa indhaha ku gubayey Xuseen Caydiid, oo aammusan. Axmed Cumar jees oo xanaaqsan baa wuxuu eegay Xuseen Cadiid, wuxuuna asaga oo qaylinaya Caato ku yiri: 

- Awowgi la gub ummadda oo dhan baa tuug kuu qaba oo og in aad waagaas fidmo abuurtay, waana lagu karhadaa. 

Moorgan weli ma uu maqlin hadalka uu Daahir Riyaale u sheegayo oo telefoonka ka sharqamaya, wuxuuna asaga oo Axmed Cumar Jees iyo Cismaan-Caato Xasan midba mar eegaya yiri: 

- War naga aammusa, nacallaa idinku yaale, telefoon baannu ku hadlaynaaye! 

Waxaa inta uu hadalkii hoos u dhigay u jawaabey Cismaan-Caato, oo yiri: 

- Nacallaa adiga kugu yaal, doofaar doofaar dhalay! 

Cismaan wuxuu jeebka kala soo baxay tubaako, wuxuuna asaga oo tubaakadii afka gashanaya maqlayaa Moorgan oo la hadlaya Daahir Riyaale, oo telefoonka ka soo diray magaalada Hargaysa. Weli waxaa hoos ka nuxnux leh Qanyare iyo Xasan Abshir oo uu Qanyare faraxsan yahay, Xassanna uu miskiin u eg yahay, wuxuuna jeneraal Moorgan leeyahay: 

- War aamusa waa Daahir Riyaalee? War bal warran Daahir? 

Kornayl Daahir haddii uu Moorgan kala sheekaysan lahaa saaxiibnimadoodii hore wuxuu ka baqayaa in kuwa la joogaa ay ogaadaan in uu Moorgan saaxiibkiis yahay, wuxuuna yiri: 

- Waryaahee ka warran raggii kale annaga Somaliland baa nala yiraahdaaye? 

“Annaga Somaliland baa nala yiraahdaa“ wuxuu maqashiinayey kuwa la joogaa oo uu isaga dhigayey in uu qaddiyadda daacad u yahay, wuxuuna iska ilaalinayey in ay ogaadaan in uu la hadlayo jeneraal Moorgan. Jeneraalka laftiisu waa uu fahmey in uu saaxiibkiis istustus samaynayo, wuxuuna yiri: 

- Ma waxaad damacdeen in aad shirka timaaddaan? 

Kornayl Daahir Riyaale haddii uu hadalka Moorgan la sii wadwado wuxuu ka baqayaa in codkiisa laga maqlo telefoonka, isla markaas haddii uu Moorgan fartiin u dhiibi lahaa wuxuu ka baqayaa in uu illaawo, waayo waxaa ayaamahaan socda cayaar caalami ah oo xiiso badan. Wuxuu yiri: 

- War Maxamed Qanyare dhiib! 

Wuxuu og yahay Maxamed Qanyare in uusan illaaweyn fartiinta, waxaana gacanta u taagey Moorgan oo telefoonkii dhegta ka qaaday, Qanyarena dhaqso ayuu u soo orday. Moorgan markii uu dhegta telefoonka iska dhiibayey xoogaa buu qoslayey, Maxamed Qanyarena daacad buu u ekaa, wuxuuna yiri: 

- Ahlaan! Aryaa Daahir ma roonidoo? 

Daahir wuxuu Dareemay raaxo iyo nasniin markii uu ilaahay Moorgan dhaafiyey, wuxuuna yiri: 

- War waa nabade, dee waxaan kuu sheegi lahaa in aysan xukuumadda Nayroobi laga soo wadaa khusayn Somaliland, ee sidaas u sheeg dhammaan kuwa kula jooga. 

Qanyare wuxuu dareemay in fartiin siyaasadeed oo weyn lagu aamminey, wuxuuna u qoslay si dhixdhix ah, dabadeedna wuxuu yiri: 

- Aryaa beeso dhinnoo aan kuu soo diray ma heshay? 

Qanyare wuxuu hadalkaas uga jeedey in ay qabqableyaasha kale dareemaan in uu kornayl Daahir xariir fiican oo gaar ah la leeyahay, ee lacag uma uu dirin Hayrgeysa. Kornayl Daahir Riyaale wuxuu la yaabay lacagta uu sheegayo Qanyare, wuxuuna yiri: 

- Gaw! Waar ninka ila hadlayaa ma Cabdiqaasim baa? 

Qanyare in uu Daahir u jawaabo ma uu rabo, waayo dantiisu awalba waxay ahayd in ay ragga kale dareemaan in uu lacag siiyo Daahir, wuxuuna jawaab uga dhigay: 

- Aryaa Cabdullaahi Yuusufaa raba inaw kula hadlee ma la hadleydaa? 

Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu xoogaa ku qoslay sida uu Qanyare isugu dirayo asaga iyo Daahir Riyaale, waxaana istaagey Muuse Suudi, oo yiri: 

- Yeehoy minow Daahir nin la hadlaayo anigaa la hadlaya! 

Kornayl Daahir Riyaale xoogaa buu aammusay, waxaana intii uu aammusnaa ku qayliyey Qanyare oo yiri: 

- Xaad la aammustey waraan kaa sugaahe? 

Muuse Suudi wuxuu u dhawaadey Qanyare oo telefoonkii dhegta ku haya, Daahirna markii uu cabbaar aammusnaa buu wuxuu la hadlay rag agtiisa fadhiyey, oo uu ku yiri: 

- Waryaarahee, Cabdillaahi Yuusuf baa doonaya in uu ila hadlee miyaan la hadlaa? 

Khilaaf xoog leh baa dhexgalay raggii xafiiska kornayl Daahir la joogey, waxaana dhegaha Qanyare ku dhacaya muran badan oo ku saabsan in uu Daahir la hadlo Cabdullaahi iyo in kale, Qanyarena wuxuu leeyahay: 

- Aryaa ninaa raba inaw kula hadlee xaad uga baqee?! 

Muuse Suudi weli wuxuu taagan yahay Qanyare agtiisa, wuxuuna isu qabaa ninka uu Qanyare sheegayaa in uu asaga yahay, wuxuuna Muuse telefoonka dhegtiisa ku qabsaday Qanyare oo qoslaya, oo Muuse wuxuu yiri:

 - Xaw iiga baqaa? 

Qanyare xoogaa buu xaaji Muuse gadaal u tururturreeyey, wuxuuna telefoonka ka dhegaysanayaa rag murmaya, oo ka doodaya in uu Daahir la hadli karo Cabdullaahi iyo in kale. 

Muuse Suudi wajigiisa xanaaq yar baa ka muuqda, Qanyarena farxad baa laga dareemayaa. Qabqableyaashii kale waxay eegayaan Qanyare iyo Muuse, oo waxaa qoslaya Barre Hiiraale iyo Maxamed-Dheere. Xuseen Caydiid qaad buu cunayaa oo waxaa laga dareemayaa in uusan danaynayn dhibta kala haysata xaaji Muuse Suudi iyo Qanyare. 

Jeneraal Moorgan debedda ayuu u baxay si uu beeb tubaako ah u daarto, waxayna albaabka isku dhaafeen Cabdiqaasim, oo aysan wada hadlin. Cabdiqaasim markii uu soo galay buu wuxuu yiri: 

- Anigu haddii aan ahay madaxweynaha Soomaa….. 

Intuusan hadalkii afkiisa ka soo dhammaan baa waxaa u jawaabey Maxamed-Dheere, oo yiri: 

- Arhey, madaxweyne beele telefoonaa lagu hadlaa! 

Cabdiqaasim wuxuu ku fariistay kursi u dhawaa kornayl Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna inta xaggiisa madaxa u duwdey ku yiri: 

- Ina walaalow gacaliye waa kee midka lala hadlayaa? 

Markii uu Cabdiqaasim sidaas lahaa wuxuu eegayey xaaji Muuse Suudi iyo Qanyare oo uu mid telefoon haysto midna uu si daacad ah u fiirinayo afkiisa, oo uu aammusan yahay. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu inta Cabdiqaasim eegay ku yiri: 

- Waa ina Riyaale Kaahin, oo waxaa ku cayaaraya ina Qanyare. 

Cabdiqaasim xoogaa buu inta qoslay wuxuu yiri: 

- Xaaji Muuse maad iska fariisatid? 

Waxaa weli hadlaya Qanyare oo leh: 

- Aryaa Cabdullaahi mahuu taagan yahay minaad la hadlaysid! 

Xaaji Muuse Suudi baa Qanyare u jawaabey, oo wuxuu ku yiri: 

- Yeehoy, Cabdullaahi maahiye xaaji Muusaan ahay. 

Cabdullaahi Yuusuf baa wuxuu hadal ku celiyey Cabdiqasim, oo wuxuu ku yiri: 

- Lacago ina Riyaale loo diray baa intii aadan imaan laga hadlayey. 

Cabdiqaasim xoogaa buu naxay, wuxuuna ka shakiyey in uu Daahir Riyaale cabsan yahay, oo uu sheegay xisaabo labadooda shakhsiyan uga dhexeeyey, laakiin naxdintaas wuxuu ku qarsaday laabtiisa ee wajiga wax weyn lagama dareemin, wuxuuna isyiri ”Ma la hadashaa?” oo wuxuu u holladay in Qanyare ku yiraahdo ”Ha iga sii dayn”, haddana wuxuu fahmey in aysan meeshu ahayn meel wax kasta lagaga hadli karo. 

Qanyare wuxuu telefoonka ka maqlay kornayl Daahir oo leh: 

- Waar macasalaamo. 

Cismaan-Caato wuxuu ka shakiyey in ay Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi asaga wada xamanayaan, wuxuuna kursi agtooda ah ku soo fariistay asaga oo niyadda iska leh ”Ninkii talyaanniga ahaa faa’iido xoog leh buu ii sheegay. Haddii uu shirku fashilmo saddex fursadood baan inta la hubo haystaa. Ilaahay waxaan ka baryey in aysan weligeed Soomaaliya dawlad yeelan, haddii ay yeelatana aysan lixda bilood oo soo socda dawladi dhalan”. 

Cismaan oo isla hadlaya ayaa waxaa soo fariistay xaaji Muuse iyo Qanyare oo meeshii telefoonka isku mar ka soo dhaqaaqay, wuxuuna Qanyare Cismaan ku yiri: 

- Aryaa xaad la maahsan tahay, qandho daroogada gadda?! 

Waxaa hadalkii galay Cabdullaahi Yuusuf oo yiri: 

- Haddii uu shirku najaxo wacad allaan Soomaaliya daroogo danbe lagu gadayn, laguna beerayn! 

Cabdiqaasim baa asaga oo ay kahasho ka muuqato wuxuu yiri: 

- Maad naga saartaan toobbigaas? 

Maxamed-Dheere ayaa si xanaaq ah hadalkii u soo galay, wuxuuna asaga oo Cabdiqaasim indhaha ku gubaya yiri:

 - Yee ma daroogaad u doodee? 

Cismaan-Caato ayaa inta uu tubaakadii bushunta hoosteeda carrabka kula riixey wuxuu yiri: 

- Horta yaa loo hanjabi karaa? Dalka sow annagu ma lihin haddii aannu waxii aannu rabno ku beeranno? 

Waa markii ugu horraysey oo uu Maxamed-Dheere qoslay, wuxuuna yiri: 

- Xaad beer iyo walax la beero ka taqaan? 

Waxaa illinka ka soo galay Moorgan oo beeb tubaako gacanta midig ku sida, oo tubaakadii uu soo cabbey qaaceedii qaar ka cocdo. Wuxuu yiri: 

- Midkii reer Boorame oo telefoonka la soo dhalandhoolay…. 

Waxaa hadalkii ka dhexgalay xaaji Muuse Suudi, oo yiri: 

- Madaxweyne yaa naqahaaya? 

Dadkii oo dhan baa qoslay, waxaana u jawaabey Cabdiqaasim oo yiri:

 - Madaxweyne aniga ayaa ah! 

Cabdullaahi Yuusuf baa wuxuu yiri: 

- Markii dawladda la dhiso waa in Muuse loo magacaabaa duqa magaalada Muqdishu. 

Cabdiqaasim baa hadalkii ku soo laabtay oo wuxuu yiri: 

- Anigu haddii aan ahay madaxweynaha ummadda soomaaliyeed… 

Xasan Abshir oo maanta oo dhan iska aammusnaa baa istaagey, wuxuuna asaga oo caraysan yiri: 

- Walaalayaal TNG wakhtigeedii wuu dhammaaday. Ilaahay idankiis hadda ayaa dawlad loo dhan yahay…. 

Maxamed Qanyare ayaa hadalkii dheeraa Xasan ka kala gooyey: 

- Arhey Cabdiqaasim iyo Xasanow warka ka hera! Waxaan beriga hayaa siyaasad weyn oo uu Daahir Riyaale igu aamminey ee aan mugga iga dhegaysta. 

Waxaa farxay Ahmed Cumar Jees oo yiri: 

- Eeggada warka na sii! 

Qanyare markii uu sheekadii u holladay baa waxaa hadal hor leh furay Xuseen Caydiid oo caagad kookokoollo ah ku qayilayey, wuxuuna yiri: 

- Musharrax baan ahay, haddii la i doortana Somaliland waxba ma aha! Aabbahay alle ha u naxariistee wuxuu ahaa halgamaa weyn, Daahir Riyaalana haddii aan la kulmo wuu og yahay arrintaas. 

Barre Hiiraale oo aan rabin in aad looga murmo Somaliland iyo jagada madaxweynaha ayaa wuxuu yiri: 

- Xuseen labadeennu haddii aynu wasiirro helno ayeynu nasiib leenahay. 

Maxamed-Dheere ayaa inta uu Xuseen eegay wuxuu yiri: 

- Arhey madaxweyne lahaane deyntii lagugu xiray waa xaq dadow ee iska bixi! 

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]