SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Kutirikuteen la abuuray.- Myth making in Somaliland

Burhan Yassin Warsame (Dantay)
<don_dantay@hotmail.com>  

Somaliland and the rest of Somalia- Oppressed and the oppressor, the case of 50/50 and what are their differences. Was the stated true or a myth made in Somaliland 

Somaliland iyo Somalida kale – dad wax dulmiyay iyo kuwii gaystay dulmiga, qaabqaybsi 50/50 iyo waxa ay ku kula duwanyihiin labada qaybood. Wixii laga sheegay mar runbaa mase waa kutirikuteen la abuuray. 

Somaliland amaba waqooyiga galbeed ee jamhuurayadii hore ee Somalia, Taariikh ahaan waxaa u gooni ah oo ay Somalida kale kaga duwanyihiin waa inuu kataliyay dhulkaas gumaystihii Ingiriiska muddo tobonaan sano ah iyo inay xornimadii qaateen 4 maalmood kahor markii ay xornimada kaqaateen talyaaniga Somaalidii kale ee gobolada Waqooyi Bari iyo kuwa koonfureed oo dhanba. 

Gumaystihii Ingiriiska/Talyaaniga 

Maxay kukala duwanaayeen labadii gumayste ee Jamhuuriyada Somalia kataliyay? Mid wuxuu kuhadlayay Ingiriis midka kalena Talyaani, dhulkii ay haysteena waxaa lakala oran jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland, lamid ma ahan Djibouti waayo waxaa dagan dad aan Somali ahayn, Canfar. Laakiin labadan  waxaa daganaa Somali kaliya sidaas aawadeedna waxaa laraaciyay mid walba oo wadaag looga dhigay labadooda “Somaliland”. 

Labada dagaanba waxaa daganaa beelo iyo qabaa’il kuwadahadla hal luqada ,  dhaqanka isaga mid ah islamarkaana  ahaayeen dad musliim sunniyiin wada ah. Hadaba waa maxay waxa ay ku kala duwan yihiin oo kala gayn kara labadan dagaan? 

Xornimadii Somaliland 

Madaama ay labadii dagaan wadaageen luqada iyo dhaqanka diimeedba, macquul matahay in aan helno kala duwanaan hadaan tariikh dib ujaleecno? 

Jamhuuriyadii Somalia bilowgii waxay ahayd isu tag qarameed, oo ay ka qayb qaateen mas’uuliyiin ama wakiilo  kasocda labadii dagaan ee gumaystuhu kakacay, iyadoo ay xusid mudantahay in Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Alla unaxariisto) uu ahaa mas’uul caan ah oo si wacan uga mid ahaa dawladii barigaa jirtay marna ahaa Ra’iisul wasaare oo isagu kasocday Waqooyi Galbeed, dowladii sadexaad ee milatariguna waxaan shaki kujirin in mas’uuliyiin badan oo kasocday British Somaliland ay  qayb libaax kaqaateen iyagoo qabtay jagooyin kala duwan sida wasiiro, madax iyo rag katirsan ciidankii xooga dalka iyo kuwa loo diray dibadaha si ay usoo fuliyaan arimo siyaasadeed.  

Si kastaba ha ahaatee waxaa muran kataagnaa qaab qaybsiga  dowladeed ee labada maamul. Dadka taageeraa Somaliland waxay  kudoodayaaan maadaama ay labadii qaybood midoobeen, waxay ahayd in qaabqaybsigu noqdaa 50\50 oo hadii ay qabtii talyaanigu gumaystay helaan Madaxwayne iyaguna waa inay helaan Ra’iisul wasaaraha.. 

Sidoo kale jaga kasta oo ay hesho koonfuri waa mid udhiganta inay heshaa Waqooyi galbeed. Hadaba doodani ma ahan mid raad leh waayo madaxdii kasocotay Waqooyi Galbeen isla markaana qayb kaqaatay heshiiskii lagu midoobay kama aanay hadlin arinkaan mana aanay kadhigin shardi ay kula midoobaan koonfur. Hadaba doodani ma ahayn mid lagu daray qaanuunka, lagama dhigin sharci. 

Marka kuwa wali kudoodaya Waqooyi  waa la dhacay oo xaqoodii ayaa laduudsiiyay waa dad maangaab ah ama xaqiiqda aan wax kala socon ama damacsan inay runta daahsaaraan.  Sharcigii iyo heshiisyadii lagalay kasokow, Labada maamul ma ahan 50/50 xaga dhulka/baaxada, umana ahan xataa xaga tirakoobka dadka marka laleeyahay Waqooyina iyada oo loo wado British Somaliland waa un Waqooyi Galbeen, halka marka laleeyahay Koonfurna loo wado Italian Somaliland ay kakoobantahay Waqooyi Bari, Gobolada dhexe iyo kuwa koonfureedba. 

Maadaama dadku aqoonta isku dhaafeen iskuna xurmeeyaan, majiraan iyadana  wax xaqiijanaya inay dadka British Somaliland ka aqoon badan yihiin kuwa kale sidaas awgeedna ay uqalmaan inay helaan lawadaag siman iyaga iyo Somalida kale oo dhan. 

Jamhuuriyadii Somalia waxay martay maamul shacab sanadihii udhaxeeyay 1960-1969, waxay ahayd mid wax qabad la’a , aadna u musuqmaasuq badnayd, laakiin musuqmaasuqaan ma ahayn kaliya mid Koonfureed ama mid Waqooyi ee wuxuu ahaa mid Somaliyeed. Shakhsiyaad badan oo kasocday Waqooyi ayaa qayb kaqaatay maamulkaas  waxaana khasab ah  inay qayb kaqaadanayaan eedaaas. Musuqmaasuqu wuxuu ahaa mid si aad ah ugu daahsaday maamulkii shacbiga ee waqtigaa jiray sidaas awgeed ayuuna ugu helay jaaniska maamulkii milatariga ee xukunka afganbiga kuqasaday uuna utalinayay Maxamed Siyaad isaga oo ku andacoonaya inuu musuqmaasuqa ladagaalamayo, baabi’ina doona. 

Militarigu wadanka wuxuu qabsaday October 1969, Su’aasha muhiimka ah hada waxa weeyeen muxuu ahaa ficilkee ay sameeyeen reer Waqooyi ama jawaabtii ay kabaxsheen qabsashadii milatiriga iyo markii ugu horaysay ee uu Maxamed Siyaad xukunka lawareegay? 

Waxaa xaqiiqdu tahay muddana in laxuso in wax kasoo horjeed, kacaraysnaan iyo kacdoon midna aanu kadhicin Waqooyi, balse ayba kala mid ahaayeen farxada iyo soo dhawaynta maamulkaas militariga kuwii muqdisho joogay iyagoo balamihiisii aaminay una riyaaqay qabashadii wadanka uu qabtay (Maxamed Siyaad) Militariga ahaydna  waqtigaas ha’ayda loogu kalsoonaanta badanyahay wadanka. 

Maxamed Siyaad Barre  wuxuu ahaa nin adag, macaamil qalafsan , wuxuu tusaale wacan uyahay kaligii taliye Afrikaan ah, Wuxuu qaaday balamo dhulka baaxadiisa ah wuxuuse oofiyay una keenay xumaan iyo burbur Shacabkii Somaaliyeed ee tabaalaysanaa.

Sanadkii 1978 kadib markii ay ciidankii Somalida kusoo jabeen dagaalkii Ogaden, ayay ahayd markii ugu horaysay ee uu maamulkii militari ee Siyaad uu lakulmo afganbi kasoo dhicisoobay,  arintaana ay sababtay in halkaas ka abuurantay Jabhadii Somaaliya ugu horaysay , SSDF (Majeerteen) iyaga oo kadhigtay Saldhig Ethiopia damacooduna ahaa inay xukunka katuuraan Maxamed Siyaad oo xunkunkiisa marakan lagu tilmaamay mid musuqmaasuq kusalaysan. Muddo yar kadib sideetameeyadii iyo waqtiyadii so socday waxaa cidamadii miltariga ee Maxamed Siyaad ladagaalameen jabhadihii kacay ee  SNM(isaaq) iyo USC(Hawiye), Maamulkii militariga waxaa uu isticmaalay waxkasta oo uu awooday si uu uburbiriyo kacdoomadii kasoo horjeeday, waxaa burbur ba’an loo gaystay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, waxaa kale oo ay ciidamadii milatariga burbur aan caadi ahayn ugaysteen Magaala madaxdii Somalia Muqdisho markii ay kula dagaalamayeen USCda, kuli waa taariikh qoran oo uu geystay maamulkii militariga ahaa. 

Arintaana meesha waxaan ukeenay inaan qeexo dooda ah anaga kaliya ayay ciidamadii milatiriga nalaayeen sidaas awgeed  waan ka go’aynaa Somalia. Ma qabaa’ilka Isaaqa kaliya ayaa udagalaamay si ay u tuuraan maamulkii Maxamed Siyaad? 

Hadaad eegto xaqiiqda, waxaad arki karaysaa labada qabiil ee Hawiye iyo Majeerteenba inay dad badan kaga le’deen dhibaato badanna kasoo gaartay Xukunkii milatariga ahaa, waxa lalaayay shacab danbi aan gaysan oo labadan qabiil kadhashay waxaa la kufsaday dumarkoodii waxaana loo gaystay mid lamid ah dhibkii loo gaystay walaalohooda qabaa’ilka isaaqa. Ogowna Hargaysa waxaa kahoreeyay kufsiyadii kadhacay Gaalkacyo waxaana kadanbeeyay qaraxyadii kadhacay Muqdisho. 

Halkaana waxaad arkaysaa dooda ah in walaalahay isaaq loo gaystay dhib kabadan ama kawayn midka loo gaystay Somaalida kale aanu ahayn mid asal leh oo aanu waxba kajirin.

Inkastoo ay xuntahay doqoniinona iitahay inaan isu barbardhigo dhibaatada dadka gaartay ama dhimashada dadkeena, waayo nolosha qofka Soomaliga ah waa muqadas kana qaymo badan waxkasta, laakiin cadaalada ma ahan in la iska indha tiro tiradii ugu badnanyd ee dhimasho kadhacday Somalia inta dadka hada caqliga leh noolayeen, taaso ay kudhinteen ilaa 300,000 amaba inkabadan oo qof oo Raxawayn ah. Waqtigaan xataa ma aanay lahayn wax ciidan ah amaba Jabhad. 

Taageerayaasha gooni isutaaga Somaliland waxay markastaa un soo qaataan laba arimood oo kaliya, Gumaystihii Ingiriiska  iyo dagalaadii sokeeye, taasoo cadaynaysaa in aanu jirin Taariikh kale oo aan ku kala duwanahay oo kahoraysay wixii laga dhaxlay Gurmataha Ingiriiska. 

Sidoo kale waqtigii udhaxeeyay, 19960-1991 ayaa wuxuu uhaa mid aan muhiimad ulahayn una arka inuu ahaa waqti murugeed ayna tahay in la iska halmaamaa waxkastaba haqaadatee. Laakiin khilaafka jiraa ayaa wuxuu yahay qabaa’il kamid ah dadka dagan Waqooyi Galbeen ayaa qaba iyaga fikrad kaduwan midaas, qaarkoodna waxay ahaayeenba kuwii taageeray kacdoonkii Daraawiishka ee kasoo horjeeday Maamulkii Britishka, waxay kuwaas u arkaan waqtii maamulkii Britishka inuu ahaa “Waqtigii Habaarka iyo Geerida” sida uu yiri Sayid Mohamed. 

Qaba’ilkaan waxay u arkaan waqtigii 1960-1991, inuu ahaa waqti uu jaanis inaka dhumay balse aaminsan waqti fiican inuu ahaa isla mar ahaantaana ay Somalia ahayd mid khariirada dunida kamuuqata kana duwanayd qoqobnanta hada ay tahay. 

waxaa fiican qofka inuu fiiriyo shakhsiyaadka, yay ahaayeen dadkii abaabulay kuna caanbaxay kala qaybinta dada Soomaaliyeed. Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Somaliland Abdiraxmaan tuur, waxa uu hogaamiyo kanoqday Somaliland kadib gooni isutaageedii waase isbadelley muddo kadib, ma ahan inuu kasoo horjeestay maamulkii jiray markaa mana ahan inuu mucaaraday madaxdii qabatay xukunka Somaliland ee waxaa uu kanoqday mawqifkiisii ahaa gooni isu taaga Somaliland kadib markii uu xukunka kala wareegay Maxamed Egaal oo isagu laftiisa dawladii hore ee Somalida ka ahaa Ra’iisul wasaare. 

Madaxwaynaha hada hayaa ee Somaliland doodiisa waa mid kakulul kuwii hore, Daahir Riyaale Kaahin waxa  uu  maamulkii militariga kahayay shaqo wacan, waxaa uu Madax u ahaa hay’adii aragagaxa badadayn ee NSStii Siyad Barre taasoo qayb libaax kaqaadatay dulmigii loo gaystay taageerayaashii SNMta iyo gaar ahaan dadkii aan dabiga gaysan ee kadhashay qabaa’ilka isaaqa. 

Hadaba macquul matahay inay isla nimankii kaqayb qaatay maamuladii musuqmaasuqa badnaa, iyo kuwii dulmiga iyo burburka ba’an gaystay  waqtii Milatariga inay noqdaan kuwa hadana hogaamiya wadan ay taageerayaashu doodoodu kudhisantahay kaliya un in Jamhuuriyadii Somalia ay ahayd mid musuqmaasuq badan , tii malatirguna ay dulmi iyo tacadi ugaysatay dadkooda. 

Waxaa kale oo iyadana kutirkuteen ah in Somaliland ay ka nabadgalyo badantahay koonfurta. Hadii aad waqtiga dib u eegto waxaad garanaysaa in bilowgii sagaashameeyadii ay Somaliland kadhaceen dagaalo , iyadoo ay xukunka kudagaalameen Maxamed Egal iyo Abdirahman Tuur, khasaaro ba’an ayuu gaystay dagaalkaas aan micnaha lahayn dhimashaduna ilaa kumanaan ayay ahayd waxaana dib uburburbay gobolo markaa dhibaatooyin hore kasoo kabanayay. Hadana tan waa la iska indha tiray oo koonfur kaliya unbaa dagaal sokeeye kadhacay ayaa layiri, iyadoo ay jirto qayb kamid ah koonfur, Puntland(Waqooyi Bari) ay nabadgalyo ka jirtay in kabadan intii ay jirtay nabada Somaliland, markii uu iska hor imaadka kadhacayna uu ahaa mid kafudud iska hor imaadkii Somaliland. 

Hadaad eegto  dhanka dhaqaalaha, waa kutirikuteen kale marka laleeyahay Somaliland way ka hormarsantahay Koonfur dhaqaale ahaan, sidaas awgeed waa inay goostaan saan dhaqaalahoda ugu qasmin midka liicliicaya ee faqriga badan ee Koonfurta. Muqdisho waa meesha ugu nabadgalyada xun Somalia, laakiin waa halbowlaha iyo isha daqaalaha ee wadanka. Waxaa iyadana xusid mudan Puntland inay tahay meelaha ugu dhaqaalaha shidan marka loo eego Jamhuuriyada Somalia, Magalada Dekada ah ee Boosaaso waxay soo jiidatid ganacsiyo badan waxayna xiriir ganacsiyeed ladeedahay meelo badan oo caalamka ah iyo walibana qaybo kamid ah Somaliland sida Burco iyo gobolka Togdheer, iyadoo ay sabab utahay isdhexgalka dhaqaale ee gobolada Togdheer, Sool, Sanaag iyo Bari. Cid shaki ay kaga jirtaa majirto inay Hargeisa hormartay Sanadihii tagay laakiin ma ahan meesha kaliya ee hortmartay. 

Waxyaabo badan oon jirin ayaa dadka lagu akhriyay, kutirikuteenka ugu wayn ee lagu akhriyay taageerayaasha Somaliland waxaa weeye, Somaliland mar dhaw ayaa la aqoonsanayaa  arintan oo lasheegayay mudo 14 sano ah,  ayaa dadka badankii layaabeen waqtiga dhaw ee lasheegay inta uu yahay. Wali dowlad dunida katirsan oo aqoonsatay majirto, xataa gumaystihii hore ee Britishka ma aqoonsan wallaa kuwa ladirska ah sida Djibouti, Ethiopia iyo Kenya ma aqoonsan, laakiin waxaa wali naloo sheegaa in mar dhaw la aqoonsan doono. 

Soo Koobid Kutirikuteentii oo dhan. 

  • Been abuurka Somaliland waa mid fudud, xukunkii ingiriiska ee tobonaanka sano kaliya waxa uu ahaa mid si gooni ah raad ureebay, kana duwanaysiiyay qabaa’ilka isaaqa qabiilada kale ee Soomaliyeed iyo qarankaba. Waqtii yaraa ee maamulkii Britishka waa mid masaxay wadaagii diimeed, kii dhaqameed iyo midnaantii luqadeedba ay qabiilka isaaqa lawadaageen bahwaynta kale ee Somaliyeed Muddo kumanaan sano ah.
  • Dadka reer Somaliland waa dad si gooni ah ugu rafaaday isu tagii Koonfur iyo Waqooyi, dhibaatadaanna waxaa kasaaray halgamayaashii geesinimada badnaa ee SNM taaso ah Jabhada kaliya ee in laxuso haboontahay.
  • Dadka reer Somaliland waligood ma aqbali doonaan Muqdisho, amaba calanka buluuga ah ama astaan kasta oo ay leedahay Dowlad Soomaaliyeed, mana ahan kuwa ucafinaya amaba halmaamaya xumaanta ay dadka Soomaaliyeed ugaysteen dadka isaaqa. Laakiin waxaa iyada lacafinayaa waxna loo raacan doonin dadkii xumaanta gaystay ee kadhashay Somaliland hadii ay raacaan goosashada, in wax loo raacdo iska dhaafee waxaa abaal marin loo siinayaa Jagooyinka ugu muhiimsan ee wadanka.

Gabagabadii 

Waxaan cid waliba ogtahay in dadka reer Somaliland gaar ahaan qabiilka isaaqa uu yahay qabiil katirsan qabaa’ilka Somalida ayna qayb libaax kaqaateen udagaalankii xornimada lagaga qaadanayay gumaystaha. Waqtigii gumaystuhu Igiriiska/talyaaniga wuxu ahaa waqti ceeb mudan aana kuhaboonayn in luxuso waayo waa waqti uu dhulkeena inoogu talinayay gaal dibada nagaga yimid. 

Calanka Somalida, astaamaha kale ee Somalida iyo magalada muqdisho amaba gobolo kale ma ahan kuwa dhib ugaystay ama baa’biyay qabiilka Isaaqa, ee waxay ahaayeen niman, Niman Soomaaliyeed oo maamulkii Barre katirsanaa kana yimid gobolkasta, kuwa kadhashay qabiilka isaaqa iyo kuwa aan kadhalanba ayay ahaayeen kuwii sameeyay musiibadii loo gaystay dadka Soomaaliyeed ee dagan Waqooyi Galbeed. 

Dadka Soomaaliyeed Meelkasta oo ay joogaan wax colaad ah uma hayaan walaalohooda reer Somaliland, kuma aanay talagalin umana aanay maleegin burbur Somaliland bal waxay jecelyihiin inay arkaan Somaliland oo qani ah, gaar ahaan qabiilka isaaqa oo barwaaqo kujira, ma ahan iyaga un, waa mid anaga ah. 

Wax farqi ah oo kala geeyaa dadka Somaliyeed majiro, waxaa nahay dad fakhri ah, jaahiliin ah, midkasta isla fiican, markasta iyaga  ishaysta. Uma baahnin tafaraaruq kale iyo kutirkuteen horleh in laga abuuro maanta Somalia, kaliya waxaan ubaahanay inaan isu soo dhawaano runtana dib u eegno.  

Burhan Yassin Warsame (Dantay)
<don_dantay@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]