SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Dhibaatooyinka Dhaqaale ee Dagaalka Sokeeye 

Axmad C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Dagaalka sokeeye wuxuu ugaystay bulshada muslimka ah ee Soomaaliyeed dhibaatooyin fara badan oo isugu jira kuwo guud (qaran) iyo kuwa gaar (qabiil, qoys & qof). Dhibaatooyinkaasna waxaa ka mid ah: diin xumo, dhimasho, dhaawac, agoontoow, gablan, barakac, burbur, qaxooti, haantaa wilif (mid badi liqday, mid baraf diley, mid madax kuti cuntay & mid lama dagaan ku asqoobay, kuwo kaniisado dhumiyeen), sicir barar, faqri, darxumo, jahli, jirrooyin, dhaqan xumo, sharaf dhac, sumcad xumo, qaran jab, gunnimo, liidnimo, ihaano, is gadasho (dad la qafaasho ka dibna lacag lagu furto), aano, aarsi, dulmi, kala dambayn la’aan, is dhiib, daba dhilifnimo, dhalan rog & bahalow. Dhibaatooyinkaasi waxay siyaabo kala duwan u saameeyeen bulshada Soomaaliyeed, maqaalkaanna waxaynnu si gaara ugu eegaynaa dhibaatooyinka dhaqaale ee uu inoo gaystay dagaalka sokeeye. Dhibaatooyinkaas dhaqaale waxaynu u kala qaadaynaa: kuwo guud (heer qaran) iyo kuwa gaar ah (heer qabiil, qoys ama qofba). 

Dhibaatooyinka dhaqaale ee heer qaran: 

Hantidii Qaranka Soomaaliyeed lahaa oo dhan dagaalladaani way tirtireen, dakhligii dalka soo gali jiray oo dhanna waa joogsaday. Dhaqaalaha qaran ee burburayna kuma koobna hantida muuqata, ee waxaa ayana xoolo ahaan loo qiimayn karaa: hay’adaha baaba’ay, aqoon yahanka le’day ama qaxay, dukuminti iyo taariikh wixii dalku lahaa oo dhumay iwm. Waxaynu soo qaadaynaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Qaranka dagaalladaani ka lumiyeen:

Burburka dhismayaashii qaranka, sida: dakado, garoommo, waddooyin, buundooyin, biya xireenno, kannaallo, guryo  iyo guud ahaan kaabayaashii dhaqaalaha.

Kaydadkii dhaqaale, sida: baanan, shidaal, cunto iwm.

Ila dhaqaale, sida: 1- warshado. 2-beero waawayn oo burburkoodu keenay inay kororto baahida cuntada laga keeno dibadda, ayna joogsato lacagtii adkayd ee ka soo xeroon jirtay dalagga beeraha, sida: muuska iwm. 3-kalluumaysi: waxaa la ogyahay in ay burburka hay’adihii badaha  iyo joogsigii dakhligii ka soo xeroon jiray ay sii dheer tahay in cid walba ay ka ugaarsato badaha soomaaliya oo aad loo xaalufiyay. 4-xoolo nool: waxaa xoolaha looga ganacsaday siyaabo keenaya dabar go’ooda, sida in la dhoofiyo dhaddigga. Waxay ganacsatadu la kulmeen khasaarooyin is daba joog ah oo ka dhashay fawdada iyo dawlad la’aanta, maxaa yeelay waxaa la dhoofiyaa in ka badan baahida suuqyada, taasoo keentay is jabin, waxaa taa dheer in ganacsatada dalalka loo iib geeyay xooluhu ay dhacaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo waliba iyadoo la dhoofiyo xoolo aan dalab haysan oo ka dibna la iibsan waayo. 5-dhir: waxay dad wax ma garato ahi shaqo ka dhigteen gubista dhirta, kuwa danaystayaal ahina dhoofinta dhuxusha, waxaa dhir abaareedka la gubo aan ka dhib yarayn jarista geed miroodka oo loo isticmaalo alwaax ahaan, waxaana indhahayga ku arkay dhirtii cambaha oo hor rasaysan meel algu sameeyo qalabka guryaha, taas oo ku keentay xaaluf iyo nabaad guur wixii dadka iyo xooluhu ku noolaan lahaayeen. 6-ugaar: oo ayadu si fiican ugu yaraatay dalka iwm.

Adeegyada bulshada,  sida: isgaarsiin, koronto, biyo, gaadiid (kan cirka,dhulka iyo badda), isbitaallo, iskuullo, jaamacado, dugsiyo Qur’aan, hay’adihii nabadgalyada gudaha, kuwii difaaca qaranka iyo dhammaan wixii ay hay’adahaas oo dhani lahaayeen qalab & hanti.

Waxaa meesha ka baxay wax kastoo dakhli u soo xerayn jiray bulshada, sida: dakhligii ka soo xaroon jiray dakadaha, khidmooyinka hawada & garoomada iyo dhammaan ilihii iyo hay’adihii dhaqaale ee dalka oo wada guray. Waxaa kale oo lagu tiriyaa dhaqaalaha Qaranka wax kasta oo  shacbigiisu haysto, waana la wada ogyahay sida dadkeennu u baabi'iyeen dhaqaalihii gaarka ahaa ee bulshada. 

2-Dhibaatooyinka dhaqaale ee gaarka ah:

     Dhibaatooyinka dhaqaale ee dagaalku u gaystay qabiilka, qoyska iyo qofka lama soo koobi karo, waxaanse ka xusaynaa intii aynu ka gaari karno, innagoo ka eegayna dhinacyo badan oo aan ku koobnayn xoolo gubtay ama lumay oo qur ah:

.    Dhaqaale aan loo adeegsan dagaalka oo ku baaba’ay sababtiisa, sida:

    -Guryo, beero, warshado, goobo ganacsi, gaadiid & hanti kale oo la kala  dhacay, la burburiyay ama iskeed u baaba'day markii qofkii lahaa ka qaxay, ama xoola nool oo dhumay markii dadkii jiray ka dagaal tageen. 

.    Dhaqaale dagaalka ku baxaya oo uu ka mid yahay:

  • 1- Raashinka ciidamada dagaallamaya, kuwa taakulaynaya, kuwa gurmadka u diyaarka ah & shar oogayaasha gadaal fadhiya.
  • 2- Waxaa kale oo raashinka soo galaya: Jaad, sigaar, tubaako & daroogooyin kale oo la’aantood dhufaysyada la soo cidlaynayo.
  • 3- Rasaasta qoryaha kala duwan ka dhacda oo tirooyin badan laga rabo.

  • 4- In la dayactiro qoryaha lagu dagaallamo gaar ahaan kuwa waawayn.

  • 5- In la gado hub cusub oo nooc walba leh & gaadiidkii la saari lahaa.

  • 6- In la soo gado raadiyeyaasha ciidamadu ku wada xariiraan.

  • 7- In la dayactiro gawaarida qoryaha waawayn saaran yihiin & kuwa kalaba, lana galiyo qalab cusub sida: batari, taayirro iwm.

  • 8- Shidaal fara badan oo loo adeegsado gaadiidka ka qayb qaadanaya dagaalka.
  • 9- Dawooyin la geeyo furimaha & isbitaallada dhaawaca la keeni doono.

  • 10- Lacag lagula xariiro dadka tolka ah ee dibadaha ku nool, si ay u soo diraan lacag lagu laayo walaalohood.

  • 11- Lacag aad u fara badan oo dibadda loogu qaado dadka dhaawacoodu aadka u liito.

  • 12- Kafanta & xabaasha kuwa ku dhinta dagaalka!!!!.

.    Dhaqaale soo xeroon jiray oo dagaalka dartii u joogsada, sida:

    -Dhaqdhaqaaqa ganacsi oo joogsada ama yaraada oo ganacsatadu ay ku waayaan faa’iidooyinkii ay heli jireen, baabuurrayduna kiradoodii seegaan, kaariyaasha, xammaaliga & dillaalkuna hawlkoodii waayaan, kuwa wax shaxaadana bal daa.

    -Gaadiid,dhakhaatiir, xoogsato & fooniyeyaal badan oo dhaqaale soo saari jiray oo ku mashquula dagaalka lana waayo wax soo saarkoodii muddada dagaalku socdo oo dhan.

.     Ilo dhaqaale oo dagaalku guriyay:

-Gaadiid, xirfadlayaal, xoogsato & fooniyeyaal badan oo dhaqaale soo saari jiray ayaa ku halaagsama dagaalka oo si kama dambays ah loo waayaa dakhligii ay soo xarayn jireen.

.    Culaysyo dhaqaale oo dagaalku ka tago, sida:

  • 1- Nin kasta oo ah qabqable, maalqabeen ama ishu qabanayso wuxuu u baahanayaa dagaalka ka dib ciidan aad u hubaysan oo waardiyeeya. Taasoo kallifaysa xoolo aad u badan oo jooto ah.
  • 2- Agoon, waayeel & garoob laga dilay ninkii u xoojinayay.
  • 3- Dad ku naafooba dagaallada oo aan xoogsan karin, una baahan masruuf joogto ah.
  • 4- Dad dhaawacyo culusi gaareen oo muddo dheer u baahan dawayn, cunto, deegaan & dad u shaqeeya.

  • 5- Balwad ay bartaan dhallinta dagaalka gasha oo u keenta qoysaskooda culays dhaqaale oo aan horey u jirin.
  • 6- Jidadka oo ay ku bataan isbaarooyinka baadda lagaga qaado gaadiidka & rakaabka, taas oo keenta in ascaarta badeecooyinku aad u qaaliyawdo.

  • 7- Ganacsatada oo u baahata qabbaan (waa nin xoolaha nin kale uga ilaaliya dhaca), si aan xoolohooda loogaga dhicin deegaannada aan qabaa’ilkoodu awoodda ku lahayn, taas oo sare u qaadaysa ascaarta wax soo saarka iyo badeecooyinka.

  • 8- Dadka u qaxay dalalka inoo dhaw oo dadkooda ku haya culays dhaqaale oo joogto ah . Taas oo waliba keenaysa in xoolihii Soomaaliyeed ay ka faa’iidaystaan cadawga ummaddu.
  • 9- Dadka barakacay oo xoolayn uga baahda qaraabadooda. 

Baahida dhaqaale ee dagaal maalin dhexmara laba qoys oo midkiiba ay seddex boqol oo mooryaan u dirirayso:  

Magaca

 

nooca

 

tirada

 

qiimaha

 

wadarta

 

Rasaas

AK

36000

0.5

18000

Rasaas

BKM

24000

1

24000

Rasaas

RBJ7

210

23

4830

Rasaas

Jiib

40

50

2000

Rasaas

B10

60

40

2400

Rasaas

Zuu

4000

7

28000

Rasaas

37

3000

15

45000

Rasaas

Shilka

5000

3

15000

Rasaas

Dhashiika

5000

3

15000

Bumbo

Gacan

600

6

3600

miino

 

30

50

1500

miinoyar

 

100

10

1000

Shidaal

 

2400

0.5

1200

Raashin

 

600

0.7

420

Jaad

 

500

9

4500

Sig&tub

 

500

1

500

Dawo

 

50

12

600

Total

 

 

 

167550

     Lacagtaani waa inta hal qoys oo awooddiisu dhexdhexaad tahay ku dagaallamo maalin kaliya, reerka la dagaallamayana wuxuu u baahan yahay intaas oo kale, sidaa darteed halkii maalin waxaa lagu dagaallamayaa $335100. Dagaalka toddobaad socdana wuxuu u baahan yahay $2345700. Lacagtaan marka lagu daro kharashyada kale ee dagaalka waxay gaari kartaa shan laab ama in ku dhaw. sida: lacagta daawaynta dhaawaca culus, diyaar garaynta gaadiidka lagu dagaallamayo, gaadiidka & qoryaha la soo iibinayo, kharashka ciidanka dagaal sugaha ah ilaa inta laga heshiinayo, lacagta ay is daba marinyaan dagaal oogayaashu oo lafteedu aan yarayn, iwm. Waxaa kale oo xoolo ahaan loo qiimayn karaa dadka lagu dilayo dagaalka iyo dhaawacyada ka dhalanayaba. 

Qiimayntaan waxaan sameeyay muddo sannad ka hor ah, haddana waxaa la ii sheegay in qalabka dagaalku aad u qaaliyoobay, ujeeddada aan u soo bandhigay qiimayntaanna waxa weeye inaan dareensiiyo dadkeenna arrimahaan:

1-                xoolaha intaan fara le'eg oo dadkeennu ku bixinayo colaadda waxaa laga helayaa khasaare adduun iyo cadaab aakhiro kaliya, cidina ku heli mayso guul ama gobanimo say la tahay kuwa abaabula colaadda sokeeye, waxaase laga kororsnayaa guuldarro, gunnimo iyo garab la'aan.

2-                Reer kasta wuxuu xoolahaan ku bixinayaa dabargoynta qabiilkiisa, maxaa yeelay haddaysan dagaalka saan xoolo ugu bixin dadka ka le'anaya kama dhinteen. Waxaa u sii dheer reerka ay la dirirayaan cadaw ma aha ee dadka ka dhinta laftoodu waa garabkoodii oo bannaanaaday.

3-                Xoolahaan waxaa bixiya dad inaka mid ah oo laga yaabo in qaar badani Alle u tukadaan, ayna ka qayb qaataan xasuuqidda addoomadiisa, gaar ahaan dadka qurbaha ku nool oo ayagu si qiiro leh ugu bixiya dagaalka xoolaha Alle siiyay, dadkaas oo waxtarkoodiina kala tagay ummadda dhibteedana ka qayb qaadanaya.

4-                Waxaa qayb wayn ka qaata hurinta colaadda sokeeye gaalada, gaar ahaan xabashida oo caado ka dhigatay inay hadba qoladii taag daran siiso hiil iyo hooba, taas oo keenaysa in aan la kala adkaan dagaalkuna dhammaan, waxaa la yiri: Daayeer ayaa u xaqsoorayay laba bisadood oo hilib isku qabsaday marka hilibkii ayuu labada kafadood oo miisaanka midba qayb saaray, ka dibna hadba kii cuslaada ayuu cantuugayay, markii hal rudmo soo hartayna inta uu liqay buu yiri: waa xaquuq alqalinkaygii!! Waana dhab ahaan sida hadda Xabashidu inoo la dhaqmayso. Waxaa kale oo jabhadihii xabashida u galay sheegeen: marka dagaal dhoco oo loo soo gudbiyo saraakiisha xabashida khasaaraha gaaray labada dhinac ee Soomaalida in ay oran jireen isku jimleeya labada khasaare!!! Ka dibna wuxuu barbardhigayaa inta ka dhimatay xabashida dagaalka wax ka gashay, waxay kale oo sheegeen raggaasi in ay xabashidu laba shilin oo Soomaali ah inta ay is ag dhigaan ay ku oran jireen jabhadaha Soomaalida kala sooca labadaan shilin!!!.

5-                Dadkeennu kolley dagaal way galaan aadna waa ugu dhintaan, iyadoo waliba aan kuwa ku dhintay Alle ha u naxariisto cidina oranayn, sidoo kale xoolo badan oo aan cidina uga mahadcelinayn ayay ku bixiyaan dagaalladaas, haddaba miyaysan habboonayn in aynu cadawgeenna kula dirirno ragga iyo maalka aynu macnadarrada ku halligayno maalin walba, miyaanse dadkeennu ogayn in ragga iyo maalka dhexdeenna ku baaba'a uu ku filan yahay xoraynta dhulka Soomaaliyeed. Miyaysan habboonayn in aynu isbarbardhigno dadka ka dhinta reer Falastiin iyo reer Ciraaq iyo kuwa inaka dhinta, sida kuwaasna muslimiintoo dhani ugu ducaynayaan uga naxayaan iyo sida kuweenna loo habaarayo looguna farxayo baaba'ooda?.

6-                Ugu dambayntii waxaan ugu baaqayaa culimada, salaadiinta, maalqabeenka, siyaasiyiinta!, ragga dagaallama iyo dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed in la joojiyo dhiigga sokeeye ee maalin walba macna la’aanta u qubanaya iyo maalka ku baaba’aya xasuuqa gacalka, nin walbana waa inu arrintas uga qayb qaato wuxu awoodo: cilmi. Caqli, waaya aragnimo, xoolo, xoog iyo waji. 

Axmad C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]