SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DULMIGA AY RAG U DHASHAY SOMALILAND KU HAYAAN DANTA SIYAASADEED EE BEELAHA DIR LAGA SOO BILAABO MIDOWGII SOMALIA IYO SOMALILAND.  

adan <daallo1970@hotmail.com>

Gogoldhig: 

Ujeedada qoraalkan ay u diyaariyeen xubno ka tirsan siyaasiyiinta SSNM/SRRC waxay tahay in ay jawaab-celin ka bixiyaan codsi uga yimid Mujaahid Siciid Maxamuud Xuseen (Siciid Indhoole). Wuxuu naga dalbaday Mujaahidku in aanu sababayno arrinta keentay in beelaha Somaliland ee aan Daaroodka ahayn u qaataan saamiga ay beelaha Dir ku lahaayeen siyaasadda dalka ka hor xornimadii. Sidoo kale wuxuu Mujaahidku ka codsaday siyaasiyiinta SSNM sababta ku kaliftay in ay ogolaadaan in beelahaas Somaliland iyo beelaha Dir iskugayntoodu qaataan saami u dhigma kan Hawiye ama kan Daarood. Wuxuu Mujaahidku naga dalbaday qoraalkan ka dib safarkii uu isagu hoggaaminayey ee ka soo noqday Somaliland oo ku soo dhaliyey in ay dhanka siyaasadu keentay tuhun iyo madmadow soo kala dhexgala dadka walaalaha ah beelaha Dir iyo beelaha Somaliland oo lahaan jiray iskaashi qotodheer. Annaga oo qadarin mudan u hayna Mujaahidka ayaanu u soo diyaarinay warbixintan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

1.      Warbixin kooban oo ku saabsan beelaha Dir ee Soomaaliya.

2.      Doorkii ay beelaha Dir ku lahaan jireen siyaasadda Soomaaliya ka hor midnimadii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (1960).

3.      Saamaynta uu midowgii Somalia iyo Somaliland (1960kii) ku yeeshay miisaanka siyaasadeed ee beelaha Dir.

4.      Dadaalkii ay beelaha Dir u galeen sidii ay dib ugu soo hanan lahaayeen doorkii ay ku lahaayeen siyaasadda Soomaaliya ka dib markii ay Somaliland dib ula noqotay qaranimadeedii.

5.      Hagardaamada ay urruro ay hoggaaminayaan xubno ku abtirsada Somaliland kula soo noqdeen koonfurta iyo sida ay u wiiqday halgankii ay beelaha Dir ugu jireen dib u yagleelida maqaamkii ay ku lahaayeen siyaasadda Soomaaliya.

a.       Dowladii Salbalaar.

b.      Shirkii Qaahira.

c.       Shirkii Carta.

6.      Xubnahaasi sheeganaya in ay Somaliland matalaan ma ku jiraan shirka Kenya?

7.      Reer Somaliland maxay ka qabteen sidii loo xakamayn lahaa xubnahaas burburinaya danta beelaha Dir iyo tan Somaliland?

8.      Dareenka ay xubnahaasi kala galiyeen shacbiga walaalaha ah ee beelaha Dir iyo reer Somaliland.

9.      Maxay reer Somaliland ka qaban karaan arrintaas.

1.     Warbixin kooban oo ku saabsan beelaha Dir ee Soomaliya.

1.1.   Beelaha Dir waxay ka mid yihiin afarta qabiil ee ugu waawayn Koonfurta Soomaaliya sida Hawiye, Digil/Mirifle iyo Daarood. Waxay beeluhu u qaybsan yihiin kuwo intooda badan xoolo dhaqato ah oo ku baahsan inta badan gobolada dalka iyo kuwo beeralay u badan oo ku kooban gobolada Shabeelada Hoose iyo Jubbooyinka. Waxay ka koobmaan beelahaas beeralayda u badan Biyamaal, Jiiddo, Warday, Surre (Jamaame) Reer Aw Siciid iyo Mandaluug. Beesha Surre oo u badan xoolo dhaqato waxay ku baahsanyihiin gobolka Gedo, Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo dhulka haatan loo yaqaan Puntland oo ay ku teedsan yihiin gabi ahaan degmooyinkiisa oo dhan.

2.     Doorkii ay beelaha Dir ku lahayeen siyaasadda Soomaaliya ka hor midnimadii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (1960).

2.1.   Beelaha Dir waxay ka soo qaateen door muuqda dowladii daakhiliyada Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in beesha (Surre, Dir) ay yagleeleen xisbi ka mid ah 8dii xisbi ee ugu horeeyey, ee rasmi ahaanna uga diiwaan gashanaa maxmiyadii Qaramada Mibooday 1951, oo la odhan jiran Associazione Gioventu Dir.[1]

2.2.   Waxaa sidoo kale xusid mudan in uu Mudane Maxamed Abdi Nur Juje (Surre, Dir) uu ka mid ahaa Wasiiradii dowladii ugu horaysay ee daakhiliyada ahayd oo golaheeda wasiiradu ka koobnaa 6 xubnood.[2]

2.3.   Marka la darso taariikhda, waxaan mugdi ku jirin in intii ka horaysay abuuritaankii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee ay ku midoobeen Somalia iyo Somaliland ay beelaha Dir ee koonfurta Soomaaliya laahaayeen miisaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo la mid ah saddexda beelood ee Hawiye, Daarood iyo Digil/Mirifle. Waxaa taas laga dheehan karaa habka saami-qaybiga beelahaas ee dowladii dalka ka jirtay mudadii daakhiliyada iyo hab-dhaqanka bulshada koonfurta xiligii uu talyaanigu haystay dalka.

2.4.   Ka hor isticmaarka, beelaha Dir ee ku dhaqnaa dhulkii uu talyaanigu qabsaday waxay lahaayeen taariikh qani ah oo ay ku salaysan xadaarad diinneed iyo saldanado soo-jireen ah oo ay ka mid ahayd saldanadii Biyamaal oo ku xusan qaamuusyada taariikhda casriga ah. Saldanada Biyamaal oo soo gaartay dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii 20aad, waxay ka talin jirtay gobolada ugu qanisan dalka Soomaaliya ilaa uu ku wiiqay gumaysigii talyaaniga halgankii loo yaaqan ‘The Bimal Revolt’.

2.5.   Miisaankaas culus ee ay beelaha Dir ku laahaayeen Soomaaliya wuxuu hoos u dhiciisu bilowday midowgii Somalia iyo Somaliland.

3.     Saamaynta uu midowgii Somalia iyo Somaliland (1960) ku yeeshay miisaanka siyaasadeed ee beelaha Dir.

3.1.   Laga soo bilaabo isku darsankii Somaliland iyo Somalia (koonfurta) ee 1960, saamiga ay beelaha Dir ka heli jireen dowladii daakhiliga ahayd waxaa ku yimid hoos u dhac wayn. Waxay taasi dhacday iyada oo saddexdii beelood ee la saamiga ahaa Dir aysan habayaraatee waxba ka go’in, wax u biira mooyee. Is badalkii ku yimid qaabka loo maareeyo miisaanka saamiga beelaha Soomaaliyada midowday waxay keentay in ay beelaha Dir si wayn loo dhimo saamigoodii, isla markaasna lagu sameeyo dulmi beelaha Somaliland.

3.2.   Xaqa beelaha Dir ay u lahaayeen qayb u dhiganta beelaha Hawiye, Daarood iyo Digil/Mirifle waxaa lagu duudsiyey iyada oo loo xisaabiyo beelo la yimid dowlad u dhiganta tii aanu beelahaas la wadaagi jirnay. Xaga doorashooyinka xubnaha baarlamaanka dowladihii 1960-1969, waxaa lagu sii lumiyey xuquuqdii beelaha Dir qaabka loo jeexay goobaha kuraasta la dhigo. Waxaa taas suurtagaliyey iyada oo raggii xukunka waagaas nufuuda ku lahaa oo ay kolkan ku yaraayeen beelaha Dir oo isku waafaqsanaa in beelaha Dir iyo beelaha Somaliland ee (Isaaq, Gadabursi iyo Ciise) ay leeyihiin dhaqan walaaltimino, taas oo hadii loo ogolaado in uu midkiiba helo saamiga uu xaqa u leeyahay laga dhaxli karo in ay beelaha Daarood iyo Hawiye hanan kari waayaan doorka madaxtinimada dalka. Waxaa la arkay in hadii labadaas qaybood mid walba helo xaqiisa ay samaysan karaan iskaashi aan laga qaadi karin madaxnimada Jamhuuriyadda.

3.3.   Walaacaas ay ku midaysnaayeen Daarood iyo Hawiye wuxuu keenay in la hinsido barnaamij siyaasadeed oo lagu xakamaynayo labadaas garab ee kala ah beelaha Dir iyo kuwa Somaliland ee aan Daaroodka ahayn.

3.4.   Qorshaha lagu wiiqay xuquuqdii siyaasadeed ee beelaha Dir ku lahaayeen Soomaaliya waxaa suurtogaliyey dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanayd iyada oo ay siyaasiyiin hurmood u ahaa beelaha Daarood oo u badan Majeerteen ay ku qanciyeen dhigooda Hawiyaha ah iyo kuwa reer Somaliland (Isaaq) barnaamij ahin laba qaybood xukunka dalka loo qaybsado. Iskaashigaas dhex maray siyaasiyiin hoggaaminayey beelaha waawayn ee koonfurta gaar ahaan Hawiye, Daarood iyo beesha ugu badan Somaliland ee Isaaq oo ku salaysnayd in wax loo qaybsado Irrir iyo Daarood ayaa door wayn ka ciyaartay in ay lunto isku dheelitirkii ka dhex jiray beelaha koonfureed ee Dir, Daarood, Hawiye iyo Digil/Mirifle. Heshiis-hoosaadkaas u danaynayey in ay dhowr siyaasi oo muhiim ka dhex ahaa siyaasadda waagaas in ay hantaan xukunka dalka ayaa keentay in ay burburiso culayskii siyaasadeed ee ay lahaayeen beelaha Dir iyo Digil/Mirifle. Waxaa halkaas lagu hirgaliyey istaraatijiyada lagu xukumo dalka oo ku dhisan laba dhardhaar oo kala ah huwan Irrir loo bixiyey oo ka kooban Hawiye iyo Isaaq oo qol madow wax kula qaysaday Daarood. Qaabkan cusub ee khalkhalka galiyey dhaqankii saami-qaybsiga koonfurta wuxuu dhaawac ku sii kordhiyey xuquuqdii siyaasadeed ee beelaha Somaliland oo asalkiiba looga sadbursaday isku darsankii.

4.     Dadaalkii ay beelaha Dir u galeen sidii ay dib ugu soo hanan lahaayeen doorkii ay ku lahaayeen siyaasadda Soomaliya ka dib markii ay Somaliland dib ula noqotay qaranimadeedii.

4.1.   Beelaha Dir waxay qayb firfircoon ka qaateen halgalkii SNM, iyaga oo furay aagga koonfureed oo ka waday dhaqdhaqaaq military xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, saldhigiisuna ahaa Baaray.

4.2.   SNM waxay go’aansatay in aysan hoggaamin halganka lagu jabinayo xukuumadii militariga ahayd dhanka koonfurta maadaama ay Hawiye ku dhawaaqeen USC, Daaroodna ay yeesheen xisbi cusub oo Ogaadeen hormuud ka yahay oo la yiraahdo SPM.

4.3.   Heshiiskii dhex maray USC, SPM iyo SNM ayaa sababay in halgankii beelaha Dir ee ku socday magaca SSNM uu burburo, wakhtigaas oo ay madaxda SNM go’aansatay in ay hubayso USC iyo SPM, isla markaasna Itoobiya uga samayso xiriir ay ku taageerto labadaas jabhadood.

4.4.   Waxay SNM ugu baaqeen xooggagii SSNM in ay ku biiraan USC oo ka dagaal galaysay gobolada dhexe oo ay u badnaayeen ciidamada SSNM si loo qabto magaala-madaxda Muqdisho.

4.5.   Taasi waxay keentay in SSNM heli waydo taageero militari iyo mid siyaasadeed maadaama Itoobiya la xiratay USC iyo SPM ka dib soo-jeedintii SNM.

4.6.   Ka dib markii la jabiyey xukunkii Maxamed Siyaad Barre, beelaha Dir oo ka qaday taageeradii militari iyo saad ee Itoobiya iyo faa’iidooyinkii ka dhashay oo ah in lagu furto hubkii cuslaa ee dowladu ka tagtay, waxay dib u yagleeleen xisbigoodii SSNM oo aan lahayn awood militari oo ay ku muuqdaan.

4.7.   Wuxuu xisbigu qaaday dadaal siyaasadeed oo aan wadan awood militari.

4.8.   Cudud la’aanta militari ee ku dhacday beelaha Dir waxay dhalisay in Hawiye ku habsado dhulkoodii.

4.9.   Iyada oo ay jirto in aysan beelaha Dir gacanta ku dhigin hubkii cuslaa ayaa hadana waxaa mar walba dhacda marka beelaha reer Koonfureedka gaarka u tashanayaan aanan sinaba indhaha looga qabsan karin miisaanka siyaasadeed iyo kan bulsho ee beelaha Dir. Taasi waxay keentay in SSNM ay ka mid noqoto isbahaysigii qabsaday inta badan gobolada koonfureed ee SNA (1992) oo ka koobnaa USC (Hawiye), SPM (Daarood), SDM (Digil/Mirifle) iyo SSNM (Dir). Qaab-dhismeedka isbahaysigaasi wuxuu tusmo ka yahay miisaanka ay beelaha Dir ku leeyihiin bulshada koonfurta Soomaaliya iyo hab-dhaqankii asalka ahaan jiray ka hor midnimadii 1960kii oo ay beelaha Dir ahaayeen hal ka mid ah afarta beelood ee waawayn.

4.10.     Xiligaas markii xigtay oo ay beelaha koonfurtu shireen oo wax qaybsadeen waxay ahayn mudo dheer ka dib shirkii Awasa ee lagu soo dhisan SRRC oo laga soo qaybgaliyey urrurada siyaasadda ee matala koonfurta oo kaliya. Waxaa xusid mudan in saami-qaybsiga ay iskood u samaysteen xisbiyadaas matala beelaha koonfurtu uu u dhacay 4.5 oo ay beelaha Dir qaateen saami u dhigma kan Hawiye, Daarood iyo Digil/Mirifle, halka beelaha yaryar la siiyey qayb badhkeed.

4.11.     Marwalba oo ay beelaha koonfur wax qaybsadeen kaligood oo aysan ku jirin wax qaybsigaas beelaha Somaliland, waxaa dhacda in ay beelaha Dir ee ku dhaqan Koonfurtu ay helaan saami-qaybta ay xaqa u leeyihiin oo ah mid la siman beelaha waawayn ee kale. Hadii ay meesha soo galaan xubno si rasmi ah u matalaya Somaliland amaba sheeganaya in ay magaca beelaha Somaliland ku hadlayaan, waxay beelaha Hawiye iyo Daarood suurtagaliyaan in ay u adeegsadaan xubnahaas ku abtirsada Somaliland xakamaynta iyo duudsiinta xuquuqda siyaasadeed ee beelaha Dir.

4.12.     Intii u dhaxaysay wakhtigii SNA iyo markii SRRC la sameeyey 2001, waxaa siyaasadda Soomaaliya dib ugu soo laabtay xubno sheeganaya in ay matalaan beelaha Somaliland.

5.     Hagardaamada urruro ku abtirsada Somaliland kula soo noqdeen koonfurta iyo sida ay u wiiqday halgankii ay beelaha Dir ugu jireen dib u yagleelida maqaamkii ay ku lahaayeen siyaasadda Soomaaliya.

5.1.   Isla xiligii la riday xukunkii Siyaad Barre 1991, waxaa jiray siyaasiyiin reer Somaliland ah oo dowlad la dhistay Cali Mahdi, kuwaas oo ka soo jeeday beelaha Isaaq, Gadabursi iyo Ciise sida Cumar Carte, Hussein Ceelaabe Faahiye, Cabdiraxmaan Ducaale Cali oo dhamaantood lagu saami siiyey magaca beesha Dir. Waxaa sidoo kale sheeganayey 1992 inuu SNM matalo Muse Ahmed Sahar, halka uu SDA sheeganayey Ali Xaaji Hersi oo labaduba saxiixay heshiiskii BAHER DAR.[3] Waxaa isla sanadkii xigay ka qaybgalay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee Addis Ababa ka dhacay oo lagu saxiixay heshiiskii xabad-joojinta 8-15kii January, 1993 Maxamed Faarax Cabdilaahi ‘Xasharo’ (Gadabursi, SDA), Cabdiraxmaan Ducaale Cali (Ciise, USF).

5.2.   Si kastaba ha ahaatee, waxay dhibaatada xubnahaas u dhashay Somaliland saamayn ku keeneen qadiyada beelaha Dir taariikhdu markay ahayd 29kii April, 1994 oo ahayd markii Cabdiraxmaan Axmed Cali oo madaxweyne ka ahaa Somaliland, isla markaasna ahaan jiray guddoomiyaha SNM uu ku dhawaaqay in xisbiga SNM uu dib uga laabtay gooni isku-taagii Somaliland, isla markaasna heshiis la galay Gen. Caydiid oo isagu madax ka ahaa USC-da ay xisbiga beelaha Dir ee SSNM iskula jireen isbahaysiga SNA.

a.      Salbalaar:

Xisbiyadii ay SSNM xulufada ahaayeen ee kala ahaa USC (Hawiye), SPM (Daarood) iyo SDM (Digil/Mirifle) waxaa ku dhalatay dareen la mid ah kii 1960-1969 oo ah in aanan loo dulqaadan karin SSNM oo la miisaan ahayd beelaha ay ka soo jeedaan ay hadana u ogolaadaan SNM in ay hesho saami u gaar ah. Soo galista ay raggaas sheeganaya in ay matalaan Somaliland ku soo noqdeen saaxadda siyaasadda koonfurtu waxay keentay in hoos loo dhigo himiladii SSNM oo wakhtigaas ka hor lahayd miisaan le’eg kan xisbiyada ay xulufada la galeen.

Damaca ay ku heshiiyeen beelaha koonfur oo xooggoodu yahay Hawiye iyo Daarood oo haysta xulufo reer Somaliland ah wuxuu caddaaday markii la gaardhay heshiiskii lagu dhisayey dowladii Salbalaar ee ay wax ka saxiixeen  Cabdiraxmaan ‘Tuur’ (SNM), Ismaaciil Hurre ‘Buubaa’ (SNM), Cabdiraxmaan Ducaale (USF) iyo Maxamed Faarax ‘Xasharo (SDA). Waxaa xusid mudan in ay raggaas leh waxaanu metelnaa Somaliland ay magaca Dir ku saami-qaateen iyaga oo ka ogolaaday in ay 31kii wasiir ee la magacaabay ka qaataan 7 xubnood. Mas’uuliyiinta SSNM oo caddeeyey mowqifkooda ku aaddan xubnahaas oo ay qeexeen in aysan xaq u lahayn in ay ku qayb-qaataan magaca Dir ayaa waxay dhalisay tuhun iyo madmadow soo kala dhexgala Gen. Caydiid oo Habargidir (Hawiye) ah oo ay beeshiisu aad u hubaysantahay iyo beelaha Dir oo dhulkoodu ku jiro gacan USC. Xubnahaas oo gabbood ka dhigtay USC ayaa xalaashaday xaqii Dir lahaa oo ka siiyey saamigii 7da ahaa ee ay caadi ahaan iskood u heli lahaayeen hal kursi.

b.      Shirkii Qaahira:

Shirkii Qaahira waxaa ka qaybgalay oo ku saxiixan Jaamac Maxamed Qaalib (SNM) iyo Maxamed Faarax ‘Xasharo’ (SDA) oo la socday wafdigii uu hoggaaminayey Xuseen Caydiid oo Salbalaar xukunkeeda ka dhaxlay aabihiis Gen. Caydiid. Waxaa shirkaas ka dhacday fashilaad balaaran oo ah in magacii Dir gabi ahaantiisaba ay qaataan xubnahaas u dhashay Somaliland oo markii uu khilaaf kulul ku dhex maray raggaas SNM iyo SDA ku fadhiyey shirka iyo SSNM. Waxaa xal loo arkay in beelaha Dir ay saamigooda oo ku soo koobmay 23 xubnood loogu daro beelaha laga tirada badan yahay halka ay raggaas SNM iyo SDA ku fadhiyey shirka ay qaataan 90 xubnood oo ergo magaca Dir ah. Waxaa nasiib-daro ah in beesha Hawiye, Daarood iyo Digil/Mirifle uu midkiiba qaatay 174 xubnood oo ergo ah. Halkaas waxaa ku cad in iska daa beelaha Dir ee koonfurta ay xaqoodii la sinnaa beelaha kale qaataan oo noqon lahayd 174, aysan iyaga iyo kuwa magacii Dir iyo reer Somaliland afduubtay isku gayntooda loo tuuray 113 xubnood.

c.       Shirkii Carta:

Waxaa shirkii Carta ka qaybgalay rag farabadan oo iyagu qaarkood jagooyin ka soo helay goobtaas halka qaar kale ku soo hungoobeen. Waxaa ragga shirkaas ka qaybgalay ka mid ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali ‘Tuur’, Jama Maxamed Qaalib, Ismaaciil Hurre, Maxamed Warsame, Cismaan Kalluun, Xuseen Saalax, Yuusuf Dheeg, Maxamed Faarax ‘Xasharo’, Cabdiraxmaan Ducaale, Xuseen Ceelaabe Faahiye. Waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir. Sidii la caadaystay shirkii Qaahira iyo horteed ayeey raggaasi fuliyeen in lagu jujuubo beelaha Dir in ay qaataan wax aan u dhigmin xaqoodii. Waxay taasi dhashay in xubnihii sheeganayey reer Somaliland oo kaashanaya Hawiye iyo Daarood ay isla meel mariyeen fulinta qorshe lagu tirtirayo xuquuqda siyaasadeed ee beesha Dir. Qorshahaasi waa kii la caadaystay laga soo bilaabo midowgii Soomaaliya 1960 ee lagu lumin jiray dheelitirka afarta beelood ee koonfurta, isla markaasna lagu duudsiin jiray mudnaanta beelaha Somaliland oo xaq u lahaa miisaan la siman kan koonfur maadaama ay ahaayeen laba qaybood oo iyaga oo madaxbannaan isku darsamay. Dulmiga lagu sameeyey beelaha Dir waxaa kuu cadaynaysa qaabka uu baarlamaanka Carta u lumiyey sinaantii afarta beelood guud ahaan maadaama ay Daarood heleen 65 xubnood, Hawiye 55 xubnood, Digil/Mirifle 49 xubnood, saamiga Dirna ku qayb qaataan Isaaq, Gadabursi iyo Ciise oo 42 xubnood, halka beesha Dir lagu tirtiray xuquuqdii ay Daarood iyo Hawiye la sinaan jirtay oo loo tuuray 7 xubnood.

5.2              Hoggaamiyeyaashii beelaha Dir oo dhan (Dr. Cabdicasiis Sh. Yuusuf oo hoggaamiya beesha Surre, Cabdi Warsame Isaaq oo Gaadsan (Biyamaal) ah iyo Cabdulaahi Sh. Ismaaciil oo isaguna Biyamaal ah ayaa garabyadii SSNM ka saaray shirkii Carta iyaga oo ku biiray xisbiyadii iyo maamuladii ka soo horjeestay Carta. Garabyada SSNM waxay ka qayb galeen shirkii Awasa ee lagu soo dhisay golaha SRRC oo ay fadhiyeen dhammaan urruradii iyo maamuladii ka jiray koonfurta. Sida aan kor ku soo xusnay, shirkaasi ma loo ogolaan in ay reer Somaliland ka soo qayb galaan. Taasi waxay dhalisay in ay beelaha Dir hantaan doorkoodii la sinnaa 3da beelood ee kale maadaama ay si saafi ah u qaateen qayb ka mid ah 4.5, isla markaasna ka heleen xubin 5ta guddoomiye ee wareegtada ah ee Golaha SRRC.

6.     Xubnahaasi sheeganaya in ay Somaliland matalaan ma ku jiraan shirka Kenya?

6.1.   Waxaa marwalba dhacda in dowladda Somaliland uusan khusaynin shir loo qabanayo Somalia maadaama ay yihiin qaran madaxbannaan oo la yiraahdo Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas oo kale ayeey u qeexeen mas’uuliyiinta dowladda Somaliland in aysan uga qaybqaadan doonin wadahadalo u dhexeeya qaybaha ku hardamaya xukunka Somalia.

6.2.   Iyada oo ay taasi horeba u dhici jirtay ayaa waxaa haatanna shirka jooga oo loogu yeeray sidii ay u fulin lahaayeen danihii laga lahaa ee cabudhinta beelaha Dir iyo wiiqida qadiyada Somaliland xubnihii u dhashay Somaliland.

6.3.   Garabyada SSNM oo ka tirsan isbahaysiga SRRC oo ku leh qayb la siman saddexda beelood ee waawayn ayaa iyaguna shirka ka matalaya beelaha Dir.

6.4.   Waxay garabyada SSNM si rasmi ah u cadeeyeen in aysan ogolayn xubnahaas sheeganaya in ay matalaan Somaliland. Waxaa taasi keentay in ay ku midoobaan dhammaan qaybihii kale ee siyaasadda oo ay xitaa ka mid yihiin hoggaamiyeyaal SRRC ah oo ku doodaya in aysan dhici karin in beelaha Dir ka horyimaadaan ka qaybqaadashada xubnahaas u dhashay Somaliland shirkan dib-u-heshiisiinta Somalia.

6.5.   Dowlado ay hormuud ka yihiin Jabuuti iyo kuwa carabta oo taageero wayn u haya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa garabka ugu wayn u ah raggaas haatan mar kale loo soo wado in ay dhabarjabin ku sameeyaan xaqa beelaha Dir iyo jiritaanka Somaliland. Waxaa sidoo kale garab u ah raggaas Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ah kuwa haysta qaybo ka mid ah dhulka beelaha Dir ee Jubbooyinka.

6.6.   Waxaan qarsoodi ahayn in culayska ku yimid shirka ee ka socda dowladahaas ay ka midka tahay Jabuuti oo nufuud wayn ku leh maamulka shirka iyo jimciyada carabta oo ay Masar hormuud u tahay ay ku guulaysteen in ay ilaa iyo wakhtigan aanu ku jirno oo shirka gabogabo yahay ay xubnahaas sheeganaya in ay matalaan Somaliland si rasmi ah uga mid yihiin ergada rasmiga ah ee shirka dib-u-heshiisiinta.

6.7.   Wuxuu guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka uu si rasmi ah ugu dhawaaqay bishii August 1deedii, 2003 in ay reer Somaliland qayb ka yihiin shirkan iyo dowladda ka soo bixi doontaba. Taasi waxay markale ku abuurtay beelaha Dir niyad-jab wayn maadaama aysan sinaba u dhici karin xubnahaas oo ka mid ah shirka in ay xaqiijiyaan qaabkii sinnaa ay wax ula qaybsan jireen beelaha Daarood, Hawiye iyo Digil/Mirifle.

6.8.   Xisaabtanka ugu wayn ee ay Jabuuti, Carabta iyo TNG-dii Carta lagu soo dhisay ay u garab taagan yihiin xubnahaas aan matalin Somaliland waxay tahay iyaga oo laf-dhabar u ah codka uu Cabdiqaasim ka heli karo baarlamaanka la soo dhisi doono. Waxaa xusuusin mudan in uusan Cabdiqaasim ku xisaabtamaynin cod xooggan oo beelaha Hawiye uu ka helo maadaama ay xaadir yihiin garabyadii USC oo badankoodu ka soo horjeeda in uu helo jagada madaxweynaha. Hase ahaatee, wuxuu Cabdiqaasim ku xisaabtamayaa raggan aan cidna matalin ee isaga la socda oo loo suurtagalinayo in ay boobaan xaqii SSNM si ay u hantaan kuraas la siman Hawiye oo codkoodu yahay mid aan isaga lagu haysan. Codkaasi waa midka lagu baabi’inayo xuquuqdii beelaha Dir, isla markaasna lagu waxyeelaynayo Somaliland.

7.     Reer Somaliland maxay ka qabteen sidii loo xakamayn lahaa xubnahaas burburinaya xuquuqda beelaha Dir iyo tan Somaliland?

7.1.   Sidii aanu kor ku soo xusnay, Dowladda Somaliland waxay bayaanisay in uusan shirkaasi khusayn oo aysan ka soo qaybgali doonin maadaama ay madaxbannaanidoodii dib ula soo noqdeen. Hase ahaatee, ficil intaas dheer oo ay Dowladu ka qabatay sidii ay u hor istaagi lahayd dadkaas magaceeda sheeganaya ee ergada ka ah shirka Kenya ma jirto.

7.2.   Waxaa tuhun galiyey beelaha Dir iyo madaxda SSNM markii ay ogaadeen in ragga qaarkiis oo ka mid ah kuwa aanu kor ku soo xusnay in ay la xiriiraan mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Somaliland. Xiriirkaasi ma aha mid shaaca laga qaado, laakiin waxaanu haynaa dhacdooyin tiro badan oo tusaalaynaya in ay jirto dabacsanaan keenaysa in aysan dedaal ka samaynin Dowladu sidii ay uga qaban lahayd xubnahaas dhaawacaya beelaha Dir ee dhulkooda iyo beerahooda la haysto, kuwaas oo ah beelihii la soo halgamay SNM markii Soomaalida kale oo dhan ku jireen isirtirka aqlabiyada Somaliland.

7.3.   Waxaa jirta talaabooyin farabadan oo u furan Dowladda iyo shacbiga Somaliland oo ay uga hortagi karaan xubnahaas u dhashay beelahooda ee caadaystay dhibaataynta beelaha Dir. Qaadis la’aanta talaabooyinkaasi waxay sii xoojisay dareenkii ku jiray beelaha Dir ee ahaa in ay Somaliland u hayso dulqaad dadkaas sheeganaya magacooda, kuna dhibaya dadkii la soo halgamay.

8.     Dareenka ay xubnahaasi kala galiyeen shacbiga walaalaha ah ee beelaha Dir iyo reer Somaliland.

8.1.   Sida kor ku cad, beelaha Dir waxay la soo halgameen walaalood reer Somaliland oo ay la wadaageen dhibaatada ay dowladihii dalka ka jiray ku hayeen labada shacbi laga soo bilaabo midowgii Jamhuuriyadda Soomaliyeed. Waxaa kale oo qoraalkan ku qeexan sida ay u luntay xuquuqdii beelaha Dir oo ahaan jiray beel la siman beelaha kale ee waawayn ee ay wadaageen maamul iyo deegaanka. Waxaa kale oo taariikhda ku cad sida ay reer Somaliland ugu xaqirmeen midnimadii ay la galeen qaybtii uu talyaanigu gumaysan jiray taas oo ay ka galeen halgankii buddhiga u ahaa burburintii xukuumadii kali-taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

8.2.   Waxaan shaki ku jirin in shacbiga reer Somaliland ee ku dhaqnaa koonfurta iyo kuwa ku abtirsada beelaha Dir lahaayeen xiriir walaaltinimo oo dheer, kaas oo keenay in ay wadaagaan wax walba. Iskaashiga labadaas qaybood wuxuu gaarsiisnaa in deegaanada Dir oo ay deggaan, ganacsi iyo beero ku lahaayeen beelaha aan Daaroodka ahayn ee reer Somaliland ay wadaagi jireen dhaqan, qaaraan iyo hiil aan lahayn kala hadh. Shakhsi walba oo reer Somaliland ah ee ku dhaqmay deegaan Dir leeyahay wuxuu markhaati ka yahay dareenka walaaltinimo ee ay ka arkeen shacbiga Dir.

8.3.   Hase ahaatee, dhacdooyinka kor ku xusan iyo dhibaatooyinkii ay keeneen waxay dhalisay dareen ay labada shacbi u arkaan in mid walba lagu dulminayo kan kale magaciisa. Beelaha Somaliland waxaa ku soo noqnoqotay in xubno u dhashay Somaliland oo ku qayb qaatay magaca Dir loo adeegsado wiiqida qadiyadooda.

8.4.   Xubnaha beelaha Dir oo dhaqan ahaan ka heli jiray soo dhawayn iyo garab walaaltinimo marka ay u baahdaan walaalahooda reer Somaliland waxaa haatan ka hortimaada dhibaatooyin ay keeneen dad iyaga u dhashay oo ku dhex jira siyaasadda koonfurta. Waxay shacbiga Dir iyo madaxdooda daneeya xiriirinta walaalahooda reer Somaliland dareemaan in dulmigii ay kala kulmeen raggaas u dhashay Somaliland ugu sii darsanto dambigoodii oo iyaga la saaro.

8.5.    Xadgudubkii soo-jireenka ahaa ee ay beelaha Hawiye iyo Daarood ku hayeen beelaha Dir iyo Somaliland iyaga oo adeegsanaya siyaasiin u dhashay Somaliland ayaa waxay haatan u sii siqaysaa in ay waliba sababto kala shaki ku kala dhex dhasha labada shacbi ee walaalaha ah ee lahaa taariikhda dheer ee iskaashi.

9.     Maxay reer Somaliland ka qaban karaan arrintaas.

9.1.   Beelaha Dir waxay kalsooni buuxda ku qabaan in ay Dowladda Somaliland iyo shacbiga Somaliland awoodaan in ay dadkaas sheeganaya magacooda ka hor istaagaan dhaqankan ay caadaysteen oo ah in loo isticmaalo xaqiraadda beelaha Dir ee koonfurta iyo burburinta Somaliland.

9.2.   SSNM oo ku jirta shirka Kenya waxay kala kulantay culays farabadan sidii ay ula xarbiyi lahayd furimada faraha badan ee gaboodka u ah xubnahaas. Sidaas awgeed, hadii ay Somaliland wax ka qabato qaybaha qaarkood ee taageera xubnahaas, waxaa suurtogal ah in ay SSNM iska caabiso qaybaha Soomaalida ee shirka ka taageera xubnahaas.

9.3.   Somaliland waxay leedahay awood diblomaasiyadeed oo ay ku khafiifin karto awoodaha taageera xubnahaas. Waxaa kow ka ah talaabooyinka ugu muhiimsan ee ay Dowladda Somaliland qaadi karto iyada oo kaga bilowda Dowladda Jabuuti. Dowladda Somaliland iyo Dowladda Jabuuti oo haatan xiriirkoodu wanaagsan yahay, waxay dowladda Somaliland awoodaa in ay Jabuuti saarto culays ay uga tanaasusho taageerada aan kala harka lahayn ee uu safiirkoodu u hayo dadkaas sheeganaya in ay Somaliland beelaheeda matalaan ee shirka Kenya jooga.

9.4.   Talaabada kale ee ay reer Somaliland qaadi karaan waxay tahay maadaama ay shacbiga u dhashay Somaliland ku leeyihiin jaaliyad xooggan dalka United Kingdom ay culays la taaban karo saaraan dowladda Ingiriiska iyo ergaygeeda u fadhigaya shirka dib-u-heshiisiinta (H.E. David Bell) oo xubin aan laga maarmin ka ah xubnaha dowladaha caalamka ee taageerada diblomaasiyayeed iyo tan dhaqaale u haya shirka. Taageerada uu ergaygu ku taageero SSNM in aysan xubnahaasi xaq u lahayn in ay ka qaybqaataan shirka waxay wiiqaysaa awooda Jabuuti iyo carabta ay ku taageerayaan dadkaas aan cidna matalin. Hadii aqoonyahanada iyo indheergaradka reer Somaliland ay abaabulaan barnaamij ay ku qanciyaan dowladda Ingiriiska iyo ergaygeeda shirka u fadhiya, waxaanu hubnaa in aanu ka guulaysan karno Cabdiqaasim iyo qolyaha kale ee Mareexaanka iyo Cayrka ah ee haysta Jubbooyinka oo aysan waxba u tari karin dadkaas ay doonayaan in ay ku shaqaystaan.

9.5.   Waxaa jirta in ay Kenya ku dhaqan yihiin shacbi aad u balaaran oo reer Somaliland ku abtirsada oo nufuud culus ku leh gudaha Kenya. Hadii ay aqoonyahanada iyo indheergaradka reer Somaliland ee qurbajooga ahi abaabulaan ganacsatada iyo mas’uuliyiinta u dhashay reer Somaliland ee reer Kenya, waxaanu ku kalsoonahay in ay awoodi karaan ku qancinta mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Kenya in aysan taageerin dadkaas aan matalin Somaliland.

9.6.   Dowladda Kenya oo ah dowlad ku shaqaysa qaab ka duwan badanka dowladaha kale ayaa waxaa suurtogal ah in lagu qanciyo arrimo fudud oo aan caadi ahayn iyada oo la awoodo in wax walba laga fuliyo madaxda ugu saraysa ee dowladaas.

Gunnaanad:

Waxaanu qoraalkan ku soo koobnay dareenka rasmiga ah ee beelaha Dir ee ku dhaqan Somalia iyo culayska ka haysta sidii ay u soo ceshan lahaayeen maqaamkii ay kaga jireen siyaasadda dalka ka hor midowgii Somaliland iyo Somalia. Waxaa kale oo aad ka dheehan kartaan qoraalkan in ay jiraan shakhsiyaad u dhashay Somaliland oo li’di ku ah sidii beelaha Dir u xaqiijin lahaayeen himiladooda siyaasadeed. Somaliland oo dib ula noqotay madaxbannaanideedii maadaama ay ku hungowday himiladii ay ka lahayd midnimada ayaa waxaa sidoo kale ku haya dhibaato isla shakhsiyaadkaas. Qoraalkani waxaa kale oo uu tusaalaynayaa sidii ay isaga kaashan lahaayeen labadaas qaybood sidii loo xakamayn lahaa dhibtaas oo u baahan in ay Dowladda Somaliland iyo waxgaradkeedu gacan muuqata ka gaystaan. Iskaashigaasi wuxuu meesha ka saarayaa tuhunka ku kala dhalan kara labadaas dhinac ee walaalaha ah, isla markaasna soo dhawaynayaa hirgalinta himilooyinka labada dhinac.  

 adan <daallo1970@hotmail.com>

*****************DHAMAAD******************

[1] United Nations Trusteeship Council (REPORT OF THE UNITED NATIONS VISITING MISSION TO TRUST TERRITORIES IN EAS AFRICA, ON SOMALILAND UNDER ITALIAN ADMINISTRATION) 22 DECEMBER 1951). This document registers eight established political parties namely Hisbia Dighil/Mirifle, SYL, Lega Progressista Somala, Associazione Gioventu Dir, Unione Africani Somalia, Unione Nationale Somala, Unione Maniferro Somalia, Associazione Gioventu Abgal.

[2] Members of the First Somali Interim Government Under Italian Administration Established Under ACT NO. 1. 7 MAY, 1956. Cabinet Members were Abdullahi Issa (PM), Hagi Muse Boqor (Internal), Sh. Ali Jumale (Social Affairs), Mohamed Abdi Noor ‘Juje’ (General Affairs), Salad Abdi Mohamed (Finance), Hagi Farah Ali Omar (Economic Affairs). 

[3] The BAHER DAR Declaration and Agreement on the Humanitarian Aspect of The Problem of Somalia Adopted at the All-Party Meeting on Somalia Convened By the Standing Committee of the Horn of Africa, 31 May-3 June 1992.

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]