SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 Aqal Burburay, Waddan burburay buu dhaxlaa

Abdisaid Musse Ali-Koor <aabdisaid@hotmail.com>

 

Saldhiga ummaddu waa aqalka, aqalwalbana hadduu hoosta ka burburo(amase aboor hoosta ku cuno), ummaddaas ayaaheeda waa loo yaabaa.

Maanta iyo shalayba haddaad aqal soomaaliyeed tagto waxaad garan kartaa, aqalkaas ubadka ka soo bixi doona inay yihiin kuwo isku kalsoon amase, kuwo aqalkooda lagu soo bahdilay. Sidoo kale, waxaa kuu soo baxaysa Aabaha aqalkaas inuu yahay mid ku hogaamiya aqalkiisa argagax iyo amar-ku-taagleyn iyo mid naxariis, xoriyad, sinnaan, iyo jaceyl ku haga aqalkiisa. 

Ummad walba way leedahay kuwo sida Okonkwo[1] cabsi ayaga haysata darteed ku amar-ku-taagleeya aqalkooda iyo caruurtooda, waxay nala joogaan Qurbaha, sidoo kalena waxay nala joogi jireen, haddana joogaan soomaaliya.

Aabe, markii caruurtiisu maqasho inuu soo socdo laga kala cararo, hooyadiina argagaxsantahay, ayaduna intii laga gooyay ay ka jarto caruurta iyo dadka kale ee aqalka jooga (sida gabadhaha shaqaalaha amase ehelka ah) waxay ila tahay waxay soo saaraan waa bulsho lagu soo barbaariyey argagax iyo cabsi. 

Maadaama aan aragnay in aqalkii soomaaliyeed sidaa u burburay, waddan basbeelayna uu dhalay, aan isweydiino xagee waxan kasoo bilowdeen? 

Kacaankii

Khadro maalinkii kacaankii shan jirsaday ayey u sheegtay ninkii ay u dhaxday inay ka fasaqatay[2], waxayna ka mid noqotay hooyooyinkii hannuuninta ee Oryanteeshanka joogi jirey. Khadro, waligeed awoodaan ma helin waa gabar afartameeya jirta dhowr gabdhood leh, haddana malaha shaqo cayiman ee ay ku magacaabantahay, isla markaasna waxaa amarkeeda ku shaqeeya ilaa Guddoomiyaha Gobalka, Guddoomiya Degmada…Sababtoo ah dhamaantood waxay ogyihiin maalinkii ay isyara afdhaafeen isu-duwihii warshadda Sonkorta, meeshuu ku dambeeyey, qofwalba wuxuu dhagaystay asagoo loo qaaday ‘samo diidoow’.! 

Khadro, waxaa la dhihi karaa majirin aqoon maadi iyo mid diineed oo ay lahayd, haba sheegin mid waayo-aragnimo, hase yeeshee, waxay isku heshay karti iyo awood u yeelatay inay hoos yimaadaan dhamaan howl-waddeenadii dowladda ee Gobolka Sh/Dhexe, taas oo ay u adeegsatay nooca ugu xun ee qof u adeegsado caqligiisa iyo awoodiisa. 

Kartida

Aqoonyahanada aan ogoleyn in la isdhexyaaco, waxay odorosaan, haddii la isku khaldo kartida aqooneed iyo eexda, oo qof aan karti lahayn loo dhiibo mansab uusan u qalmin ayadoo la fiirinayo eex qabiil (sinnaan, iyo caddaalad) in ay dhacayso burbur hay’adihii howsha kala waday ay isku dhexyaacaan, dhaqankii taas ogolaadana uu noqdo mid hooseeya[3]. Dhaqanwalba oo qof Khadro oo kale ahna ka ogolaada inay noqoto mas’uul inuu yahay dhaqan liita la iskuma hayo.

Haddaba maxaa keenay inaan ogolaano dadka liita inay qabtaan mansab jago? 

Waxbarashada

Dhamaadkii todobaataneeyadii (1970) ayaa waxaa bilowday, in sida fasalka iskuulka loo fadhiyo la arko ayadoo uu nin weyn oo xitaa surwaalku dhibku yahay xirashadiisu, kaas oo inta badan ku yimid bootis, amase sidii waagaas loo aqoon jiray ‘hebel dariishaduu kasoo galay’.

Qofwalba oo wax qiyaasi kara, fahamkiisuna uusan mugdi ku jirin wuxuu garan karay dhibka uu qofkaas oo kale soo wado mustaqbalka, iyo burburka soo foodleh.

Waxaa iska caadi noqotay, in macalinku la gorgortamo gabdhaha uu wax u dhigo, oo haddii aysan u ‘fuutin’ uusan u ‘fuutin’ doonin. 

Sinnaanta iyo Caddaalada

Dadka waxaa isaga khaldmay ereyadan sare macnahooda iyo sidii loo fulin lahaa, oo dhoys walba wuxuu ismooday inuu la simanyahay qofwalba xag karti iyo aqoon ahaaneed. Sinnaanta iyo caddaalada la isugu imaan karaa waa midda sharciga ah ee, ma aha dhoys dhaqanxumadiisa la wada-yaqaan inuu la simanyahay qofwalba, tusaale, reer dariskoo dhan yaqaaniin inay yihiin dad dhaqan xun oon aan ammaan laga helin, ma la midbaa dad la yaqaan xishoodkooda iyo edebtooda? 

Waxaa Xamar ka dhacday, in waagii kalmadahaas sare lagu dikrin jiray in nin ka mid ahaa dhoysyada aan waxba loo dhiibteen haddii ay jirilahayd karti aqooneed ayaa waxaa loo dhiibay maxkamad khusaysay arimaha qoysaska, ninkaas wuxuu gaaray heer uu marwaduu arko oo qurxoon uu ka furto ninkay u dhaxday.

Runtii haddii qof dhaqan, karti, iyo aqoon leh loo eexan lahaa dhibba ma yimaadeen ee waxaa dhacday, in ummaddu wax u dhiibato, dhoys, caaq, iyo caqli xume tiro badan, tayaduna ku yartahay. 

Maadaama dad badan ogolaayeen in dhoysyadaasi ku amar-taagleeyaan, qaarbadana uba hiloobeen hadda in ayagii dib loo soo celiyo oo waagii CARTA ay dikrigii dib u bilaabeen ayagoo leh ‘Dawlad xun, Dawlad la’aan bay dhaantaa’ xitaa waxay qaarkood gaareen heer ay markay C/qaasim waxqabadkiisa sheegayaan yiraahdaan ‘Calankii ayuu ku soo celiyey adduunka’, marka la yaab maleh, in loo arko dadka soomaaliyeed dad guud ahaan tayadu ku yartahay, necebna in karti wax lagu qaybsado. 

In kastoo dadka dunida saddexaad hadda wax ka qoraa ayba leeyihiin, maanta waddamada soomaaliya oo kale ah, maba u baahna horumar aqooneed iyo mid dhaqaale, toona e xaalad degdeg ah darteed, sababtoo ah, mardhow waddamo badan oo soomaaliya ka mid tahay waxay u baahanaysaa sidii ay u noolaan lahay (survival)…Marka si ay u noolaadaan waa inay isku dayaan inay helaan wax la cuno, biyo iyo tamar (Food, Water, iyo Energy)[4]. Laakiinse, waxay ila tahay in arimahaas ay yihiin kuwa ay kusoo hoos gabadaan dadka aan kartida lahayn ee ma gudbayaasha ah, oo qof aan helin xoriyadiisa fikir iyo hannaanka uu ku dhaqi lahaa reerkiisa waxba uma tarayso inuu  nolol bahdilan. 

Waxaan xasuustaa anigoo dugsi Qur’aan u socda in markii Radio Muqdisho ay kasoo gashay hees la dhihi jiray ‘Sama diidoow’ in aqalkii oo dhan argagax hareeyey, oo dad aan soo kici jirin aroorta hore, ay kulligood kasoo kaceen hurdadii, si ay u dhagaystaan subaxaas in ehelkii ku jiraan dadka uu rabo xukunkii foosha xumaa ee Ina Siyaad inuu qoorta ka gooyo. Waxaan tagay dugsigii anigoo naxsan, argagaxsan, laakiinse nasiib darro caruurta dhamaantood aniga iyo gabar kale ma ahane waa faraxsanayeen, oo wuxuu walwalkoodu ku ekaa maka bixi doontaan Qur’aanka. 

Heestaas markay soo gasho dadka qaar waxay u ahayd feesto sababtoo ah, wali qaarkood wajiyadooda ma ilaawin, qaarna waxay u ahayd argagax, la yaab maleh in Taliskaas foosha xun dadka qaarkiis maanta u hiloobaan.

Cusmaan oo ahaa dadka deegaanka Jowhar deggan ee la yiraahdo Shiidlaha dhowr sannona aan isku fasal ahayn, ayaa waxaa dhacday in aan ka waayo iskuulkii, muddo kadib ayaa Aabihiis iyo asagii gurigeena oo markaas biyo la gelinayey ayey noqdeen dadkii howshaas qaban lahaa..Waxaan waydiiyey sababta keentay in Odeygu uu wiilka uga saarey iskuulka, wuxuuna yiri Odeygii, “Adiga faradheeraa tahay, cunugaan iskool hadduu dhameeyo waxba ma noqonaayo, laakiinse waxaan baraa xirfad aad adiga markaad xafiis fariisato aad u baahatid asaga, tuubiste

Odeygaas wuxuu ka mid ahaa dadka yar ee  ka dharagsanaa in kalmadaha lagu dikriyo inay been yihiin, fahmayna xaqiiqada runta ah ee waddanka ka jirtay. 

Dhaqan-Xume

Aabe u cago-jugleeya caruurtiisa, aflagaadeeya afadiisa, laga sugimaayo inuu horseed u noqdo horumarka ummadda, haddana waxaa dhacda inta ugu dhaqan xun inay ku guulaystaan inta badan mansabka siyaasada ee soomaaliya. Waxaad arkaysaa shaqsi dhowr jeer dhacay khasnadii ummadda[5], la ogyahay inuusan lahayn mabaadii’ cayiman ee la sheegi karo, ah jirjiroole shaqsigan sare, waxaad xasuusataan inuu ahaa kii la tartamay Cigaal asagoo markaas aaminsanaa gooni goosadka W/Galbeed. Chineseku waxay ku maahmaahaan “Abley(middi) Saawir ah, waa la soofeyn karaa, laakiinse, qof caaq (stupid) ah, caawin ma leh[6] Marka maadaama aan ognahay in shaqsiyaadkaan aan la ‘soofeyn’ karin, halka lacagtaas ku isticmaalaanna ay tahay caasumado kale, soo arag guriga shaqsigan uu ka gatay 2003-2004 St.Paul, xageey ka keenaan kalsoonida ay marwalba inoogu soo noqdaan? 

Gabadh iskuulka Allaahida dhigata oo markaas xirata khimaar, ayaa waxaa kormeer ku yimid ‘Wasiirkii Waxbarashada’ ee wakhtigaas, markuu soo galay fasalkii ugu horeeyey ayey indhihiisii ku dheceen gabadhaas, waxa ugu horeeyey uu sameeyey ayaa ahayd inuu gabadhii caayo, kana dafo khimaarkii ay xirnayd markaas, kana soo ceyriyo fasalkii isla maalinkaas. Arintaan markay dhacday dhowr cisho kama soo wareegin, markaan arkay isla wasiirkii oo cabsan, gaarigiisiina (XL cad) ku xiray jidka Waddnaha iyo kii Dabka ka imaanayey meeshay iska gooyeen, ninkaas oo ahaa dheer  cabsanna, dhaqaaqi la’ markaas, bistooladna gacanta ku wata ayey dadkoo dhan ku guuxayeen ‘waxaasaa wasiir ah’ hase yeeshee, waxba kama aysan qaban oo waxa la yiraahdaa ‘xumaantu inay ballaarato waxay ku xirantahay ayadoo labo qof oo wanaagsan ka aamusaan’. 

‘Kartida waad boobteen’, haddalkaas waxaa igu yiri shaqsi ay dood culus na dhexmartay oo aan islahaa waxbaa uga bilaaban aqoonta iyo waayo-aragnimada maadaama uu ahaa qof soo qaatey shahaado sare Ph.D History. Waxaan ugu jawaabay in kartida aan ka hadlayaa aysan reer ahayn ee ay tahay fahamka wannaagsan, aqoonta, iyo xaglin la’aanta dadka dhexdooda, waxaase, nasiib darro noqotay markuu ku fasiray xaglintii iyo eexdii xukuumadii Ina Siyaad Barre inuu la simo midda adduunka horumaray hadda caanka ka ah ee ay ugu yeeraan ‘Affirmative action’. 

Waxaan weydiiyey ninkaas bal inay isku mid yihiin qof waalidkiis soo baray ‘sinnaanta, caddaalada, iyo xornimada’ iyo qof aanba intaasba macnayn karin, waxayna noqotay jawaabtiisii Adeer, waxaas yuhuudda ayaa ku shaqaysta, isla markaasna dantooda ayaa ku jirta, idinkuna sidoo kale ayaad tihiin.

Wali, waxaan ka diiday luuqa uu rabo inuu ila galo ee ah ‘Qabiilka’, waxaanan u sheegay, in aan anigu qiyaasi karin sida hal reer ay faa’iido ugu jiri karto in la helo sharcigoo loo sinnaado, caddaalad, iyo xoriyad, ummadda inteeda kalena ay tahay mid ku waayeysa xornimadeedii?

Waxaan uga sheekeeyey nin ay isku jifo yihiin oo lixdameeyadii (1960) lagu soo sheegay inuu Sigaar canshuur la’aan ah keenay magaalada Boorame, oo Booliiskii markay yimaadeen ayna rabaan inay baaraan gurigii ayuu ninkii lahaa Booliiskii waydiiyey bal inay maxkamad warqad ka wataan ay ku baaraan guriga, maadaama aysan wadana guriga magali karaan. Waxay noqotay inay ka doontaan Gabileey taas oo u sahashay ninkii sigaarka lahaa inuu  meelkale geysto sigaarkii, marka waxaan iri, haddii waagaas sharcigu u shaqeeyey ninkaas, sidee ku keentay in sharcigoo la illaaliyo aysan soomaali badankeed dani ugu jirin? 

Qiyaas

“Labo qof oo dhalasho iyo caqli isku mid ku bilaabay, waxa laga yaabaa inay kala darajo noqdaan xaga caqliga iyo kartida, sababtoo ah, kala duwanaanshaha xaaladooda barbaarin, tababareed, iyo waxbarasho.”[7] Marka maadaama halbeega wax lagu qiyaaso uu xitaa soomaalidii waxbaratay ka dhunsanyahay, ayna garanla’yihiin kartidoo la tixgeliyaa waxay ku jirtaa danta ummadda, ayadoo la tirtirana waxay keenaysaa burburkii ummadda. “Waxa khuseeya waddan waa in wax soo saarka ugu tayo wanaagsan, amase mararka qaarkood, kan sare ee dhexdhexaadka ah, uu ku faana fariidnimada, ma u qalmaan sharaftaas”[8] Markay noqoto waddankeena dadka wax soo bartay ee ku faana fariidnimada badaan waa dad liita, oo qiimahoodu hooseeyo, kuna jira xintan hoose oo aan macno lahayn..Taas u geynaysa inay marwalba ka hiiliyaan, in halbeega wax lagu cabiraa uu noqdo kartida, aqoonta, waxqabadka, iyo waayo-aragnimada. 

Maxaan u dhimanay

Intii xukuumaddii foosha xumaday waddanka ay xukumaysay ilaa maanta waxaa la qiyaasaa in dad boqolaal kun gaara oo soomaali ah ay ku le’deen maamul xumadii taliskaas iyo dagaaladii sokeeye ee ka dambeeyey, dadkaas macno darro uma dhiman, loomana baahna in maanta tii oo kale lasoo celiyo, sidoo kale, caqliga nadiifka ah ma galayso, gurigan (soomaaliya) isla aboorkii cunay baa dhisaya (haraagii Siyaad Barre) lasoco dhamaantood waxay ka sharaxanyihiin Nairobi inay dib ugu soo noqdaan inay maamulxumadii kusoo celiyaan waddanka… 

Haddii kuwaas soo celintoodu ay dawladnimadu ku xirantahay, waxay ila tahay waxaan qiima tiraynaa dhimashii dadkii dhamaa ee soomaaliyeed oo ku hoobtay la dagaalanka foolxumada xukuumadaas.

In Dawlad noo qalanta la raadiyo ceeb ma ahan Allow ay nagu qaadataa 50 (konton) sanno, waxwalbana waxay ku wanaagsanyihiin in hoos laga soo bilaabo, dawlad kor laga keenaa ma wado horumar, iyo hogaamin toona, waxa kaliya ee ay keentaa waa haraagii, waxmatarayaashii, iyo karti laawayaashii oo soo noqda, sababtaas ayaa keentay inay marwalba u yeertaan ciidamo shisheeye….Waddanka soomaaliya cidna kuma maamuli karto ciidamo shisheeye, dhib horleh oo ay soo kordhiyaan ma ahane, ma keeni doonaan dawlad lagu nagaado…Waxa maanta keentay in waxmatarayaashii ay wada tagaan Nairobi waa waxa kaliya ee ay maqleen waa 119 million oo kasoo yeeray UN…Lacagtaas umaanan baahan 14 sanno, haddana uma baahnin, haddii Hay’adahan ay ka tahay run waxa kaliya ee ay samayn karaan waa ayagoo ka caawiya mashruucyada waaweyn ee tuulo yar kaligeed dhisan karin…Soomaalida Qurbo-jooga ah ayaa u dirta soomaaliya sannadkii siddeed laabkeed lacagta ay rabaan inay afarta tuug qaybsadaan haddii UN bixiso. 

Afar iyo toban sanno kadib

1991-illaa hadda oo la dhihi karo ummaddu xor bay ka ahayd kaligii taliskii foosha xumaa, ayaa waxaa la gaaray horumar aad u wanaagsan marka loo eego waddamada Afrika ee ka hanti badan soomaaliya sida Congo, Liberia, iyo Burundi…Soomaaliya waxa laga bislaaday waxyaabo badan sida xamaasadii qabiilka, heesihii kacaanka, waxqabad la’aantii, maanta tuulooyinka yaryarka ah xitaa ‘Isbitaal’ bay leeyihiin, halka Geela lagu raaco telefoonka gacanta.

Maanta qof loo dilo majiro (amase mar dhif ah bay dhacdaa hab qarsoon) hadalkuu ku hadaaqo, amase aragtidiisa fikir, way dhacdaa in kooxaysiga loolanka siyaasadu ay qaarkood ku guuldaraystaan.

Waxaa kaloo soomaaliya maanta ka sii xoroobaysaa kooxihii haystay xoriyadda fikirka intii xornimada lahaa, kooxahaas (Al-Islaax iyo Al-Itaxaad) oo lacago badan dibada (inta badan Carabaha) ka heli jiray ayagana waxaad moodaa in lacagtii Carabuhu ay sii gurayso, dadkuna ay ka bislaadeen oo ay ogaadeen inay yihiin dad ‘ganacsato’ ah. 

Waxaa maanta iska caadi ah, in qofkii raba inuu goob ganacsi furo ay ku qaadato saacado ‘warqadaha munishiibiyada’ halka waddama qaarkood ay ku qaadato 289 maalmood[9], halka inaad dhul yeelato ay ku xirantahay adiga iyo qofka iska leh oo heshiiya, kalana wareegsada shatigii guriga…Waddamada qaarkood waxay ku qaadataa inaad si sharci waafaqsan aad ku dhul dhismeed ku yeelato ay qaadanayso lix sanno iyo 11 bilood (6 sanno iyo 11 bilood)[10] 

Sidoo kale, waxaa maanta badan iskuulada gaarka ah, oo dhigashadoodu ay ku xirantahay kartida caruurta iyo qiimahooda ood la timaado, jaamacado badan oo laga furay Gobolo badan oo waddanka ka mid ah, kuwaan oon u baahnayn garab iyo in daaqada lagaa soo geliyo ee aad dadaalkaaga ku geli kartid.. 

Waxaa la hubaa, qofka aan kartidiisa ku kalsoonayn inay dhibayso horumarka noocaas ah ee la gaaray, waxayna badanaa soo qaataan in dad badan lagu dilo waddanka maanta, aan isweydiinee, marka laga reebo dhowr magaalo oo xaalad u gaar ah ay haysato maahane, immisa qof ayaa lagu dilaa soomaaliya sannadkii?

Abdisaid Musse Ali-Koor <aabdisaid@hotmail.com>



[1] Achebe, Chinua, Things Fall Apart. Waa shaqsi cabsi iyo caro darteed ku maamula aqalkiisa amarkutaagleyn, iyo cagojugleyn.

[2] Waa dhacdooyin run ah, laakiinse, magacyada shaqsiyaadka ay khuseyso dhab ma aha

[3] Henry III, William A. In Defence of Elitism.

[4] De Rivero, Oswaldo. The Myth of Development.

[5] Dr.Cali Khaliif Galaydh waxaan shaki ku jirin inuu labadii jeer ee uu xil qabtayba uu dhacay hantidii dadka, Prof.Ibbi oo kamid ahaa wasiiradiisana wuxuu ku eedeeyey inuu ’16 million’ dhacay waraysi uu bixiyey 2002, isla shaqsigaas maanta wuxuu rajo ka leeyahay inuu noqdo mas’uul soomaaliyeed!

[6] Rohsenow, John S. ABC Dictionary of Chinese Proverbs.

[7] Adler, Mortimer J. Six Great Ideas

[8] Barzun, Jacques. The House of Intellect.

[9] De Soto, Hernando. The Other Path

[10] ibid

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]