SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
JAWAAB:: BURBURKA ONLF MALOO DARSAN MISE WAA LAGA RAYSAN?

Hereri Haji <hereri01@hotmail.com>

Rabiga na aburtay ayaa mahadleh magaciisa ayaanan ku bilaabayaa

aniga oo soo gaabinaya ayaan isku dayi bal inaan jawaab gaaban ka dhiibo fikirka uu qoraagu soo bandhigay.

Wadanka soomaaliyeed ee ogaden ilaa iyo maalintii ay boqor tooyaadii xabashidu gacanta ku dhigtay waxaa ay shacabka somaaliyeed ee degaa ay si muruq iyo afba ah uga soo hor jeedeen qabsashada iyo gumaysashada dadkooda iyo wadankooda labada ba .

hadaba aniga oo aan waxba ku dheeraanayn ayaan ka jawaabi suaalahaas dhawrka ah ee uu qoraagu nafteen su'aalay.

Midi waa mide taageerada dhaqaale ee shacabku uhayo ONLF ma aha mid urur ahaan loo siiyo ee waa midku baxda halkii loogu talo galay oo ah kicinta gumaysiga Itoobiya ee xooga ku haysta wadanka Ogadenya ee uu gumaystuhu xooga ku haysto.dhanka maamulna ONLF maaha awood hada laysku dirirayo ee waxay leedahay nidaam iyo barnaamij siyaasi ah kaasi oo lagu hago dhamaan horu socodka iyo hawlaha maamul ee JWXO,isla markaana shacabka reer ogadenya uu aad ugu kalsoonyahay nidaaamka maamul iyo midka hawl galba,isla markaana aysan wadanka hore usoo marin Jabhad leh nidaam madax banaan isla markaana awoodiissu tahay shacabka.

Mida kale sida uu qirayo sooyanka taariikheed ee wadanka ilaa iyo markii ay cadaatay in dhulkii soomaaliyeeed kala jabay waxa wadanka Ogadenya kasocday iska caabin iyo hawl galo lagu xoraynayo ciida Ogadenya hadaba iyada oo ay saa tahay ayaa waxaa majaraha dhaqdhaqaaqyadii wadanka kasocday hogaanka u hayay ururo kala duwaan, lahaana nidaam siyaaso oo kala gadisan, dhamaantoodna lahaa ku tiiirsane dibadeed oo isna wata saamayntiisa u gaarka haba ugu waynaato mida dawlada soomaaliyeed eh.

Ururadaas oo dhan marka mid wakhtigiisu dhamaado shacabku kama dali jirin ee waxaa si deg deg ah loo samayn jiray ururkii qaban lahaa majaraha mustaqbalka umada soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Ogaden,marka ninkii kaa horeeyey meesha uuku kufay hadaadan ka leexan waadku dhacaysa marka halganka shacabaka ku dhaqan Ogaden uu wadaa waa mid ku tiirsan isla markaana ku fula xooga shacabka jirina wax taageere dibadeeda oo caawiyaa, hadaba muhiimada shacabku waa mid iska cad sida muuqatay ilaa iyo maalintii ay xabshidu gacanta ku dhigeen gobalka Ogaden taasi oo ah xoriyuada dadka ku dhaqan wadanka oo la helo.

Marka hadaba hadii maantaba ay ONLF afka dhulka dari lahayd cida u darsanina waa shacabaka soomaaliyeed ee ku dhaqan Ogadenya ,halka kuwa ka raysanina ay yihiin cadawga shacabka ee ah wayaanahaya maanta wadankeenii hooyo xooga ku haysta.

Dhanka kale dhibaatooyinka loo gaystay ee aa carabaabi saw maha kuwa sida joogtada ah xabshidu u gaysanayso dadka soomaaliyeed ay wadankoodii haystaan waa su'aale ?.

haa xoriyadiisa oo shacabku u dagaalamaa dhibaato wayn ayay ku tahay gumaystahay sidaas dhibaato ugu tahay..
 

Mida kale hadii aad rabto inaad wax bayaamiso waxaafiican inaad marka hore ka baaraan degto sax ahaantiisa

hadiiba aad sheegtay dad ah soomaali ethiopia waxa maqan ee meeeshaas ka muuqan karaa muxu yahay?ma xukundoon ayaad ka hadlaysay maanta dhan?.

tan kale sida aan qiray shacabka waxa ka maqani waa xoriyad hadii ba jidkii loo marilahaa la sii xoogeeyo waa sida la rabo laguna gaadhi lahaa hadii EEBE idmo marka fikir ahaan makula tahay inladiidi lahaa mase ogtahay in dhawr iyo tobankii sano uu socday halganka qoriga ahi in arintaa ay miiska taalay

Ugu danbayntii waa kalmad iga qoslisay walaa tani..

hadiiba wadankii intalagu soo duulay la qabsaday laan haysot ilaa maanta islamrkaana lloomaray wado ksta oolagu gaadhi karo xoriyada ciida hooyo muxuu yahay jidka kale ee furan ee lagu baadi goobaa ? waa warnkaaga .

Dhirbaaxooyinka wayaanuhu ku hayaan shacabka waa la arka shacabkuna dhafoorka u dhigan maayo.

tan kale nabada Itoobiya lagaga noolyahay waa mid halkee taala hadii xataa aysan jirin lahayn wax aay isku haystaan Itoobiyaanka dhexdooodi mamulka qalafsan ee TPLF sawta ay la wada dagaalamaan ma kilil aysan xabadi ka taagnaynijirin, saas oo ay tahay soomaali markii hore Itooobiyaan maysan ahayn taariikhdu ma odhan waana ay kasoo horjeedaan, kun iyo kow kow ayaa qaldan marka waa kelidaa xaalku sida aan u arko soomaali dhamaan way taqaan Itoobiyaan.

Hereri Haji <hereri01@hotmail.com>

BURBURKA ONLF MALOO DARSAN MISE WAA LAGA RAYSAN?

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD