SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORAALKU WAA AASAASKA NOLOSHA.

Qormdan waxan ugu talo galay,in aan tacbiirkayga ugu gudbiyo dadka oo dhan gar ahaan dadka wax ku qora bogaga enternetka si ay oga fa,iidaystaan,dadkana ugu fa,iideeyan.

Runtiina maha figrad curis ah ee wa arin soo jiren ah,waxana inagaga filan,ahmiyadda qoraalku leeyahay sida ay shareecadeenu ugu qasaday bararujinta arintan ,ufiirso suuraddii ugu horaysay ee quraanka ee soo degta waxay kahadlaysaa arin kutacaluqda qoraal,marka nabi maxamad s.c.w (Akhri magaca rabigaa wax abuuray).Asalka wax la akhriyo wuxuu kayimaadaa qoraal,suuratul qalam bal eeg(waxan kudhaartay qalinka iyo waxa ay qorayaan malaa igtu)micnaha tafasiirta qarkod.usoo noqo oo bal akhri suuratul qamar (waxkastoo ay sameeyaan kutub ayay kuqoran yihiin,waxkastoo yar iyo waynba waa laqoray)ilaahay subxaanuhu watacalaa wax ma ilaawo umana baahna qoraal ee aadanaha ayaa lagu darensiinayaa oo lagu barayaa ahmiyadda qoraalka iyo nidaamku leeyahay.dhab ahantiina nusuusta diimeed ee kustusinaysa arimanna aad ayay ubadan yihiin oo lama soo koobi karo ishaaro ahaanna intaas inagaga filan,hadanse usoo daadego danta an kaleeyahay mowduucan waxaa weeye inay dadku sidaas uqaataan oo ay ogaadaan inuu qoraalku yahay muqadas loogu talo galay inlagu guto muhimado wax ku ol ah,waayo waxyiga samaawiga ah ayaaba lagu gutay oo uusan jirin wax ka muhiimsan.marka waa inay rag badan oo wax qora umuurtan qiimeeyaan,adeegsadaanna qawaacidda utaal akhris qoraalka.

Maantase waxaa nasiibdarro noqotay in qaar kamid ah ragga wax qora ayan umiidaan dayin qoraalada ay kufaafinayaan bogaga lawda akhrisanayo,iyadoo ay dantoodu tahay inay dad gar ah oo ay udanleyhiin wax kashegaan oo kaliya ,iyadoo qaarkood aan si waafi ah looba garan karin dulucda qoraalkooda,runtiina qoraalku maaha fasaaxad iyo hadal badni oo kaliya ee waa in lagaa faa iidaystaa ,mana aha inaad-

iska daba dhigato rag,siyasiin ah ama qabiillo uu reerkiinu anafo kadhaxeeyo iwm.waxanan intaas ku sii darsan lahaa talo kooban oon rabo inaan usoo jeediyo raggaas waxkuqora somalitalk qaarkood gaar ahaan kuwa ugu badsada ee ugu caansan.waxaan leeyhay waxa aad isticmaalaysaan waa saxaafad ee qoraalada aad qoraysaan hanoqdeen kuwo micno ugu fadhiya oo wax ugu yaalla umadda aad lahadlaysaan ee yuusan noqon kuwo quseeya qabiil ama ashkhas-maskaxdiinuna u furfura somaliween ee kabaxa ufuqa kooban eed kula khidaabaysaan dad yar ood isu danleedihiin. dhab ahantiina,waxad arkin in badan oo bulsho waynta kala afkaarta duwan Inay ka cabanyaan maqaalada akhristyaasha loogu talogalay ee ay qoraan raggan iska hadla ee mooda inay iyaga ama inta ay lahdlayaan ee kooban oo kaliya iska leeyihiin saxaafadda xorta ah ee runtii maanta laga faa,iidaystay ee lagu faani karo.ugu dambayntii waxan kus oo gunanadi lahaa,warkaygan.

marka taasoo kale larko waa loobaahan yahay inay suxufiyiintan bahda somalitalk ah ama bogaga kaleba ah ay baraarugaan oo ay ra,yigooda kadhigaan mid wasac ah maadaama waxa akhrisanaya ay yihiin dad waasac ah.mrka aan sidas leyahyna laasim maha inay maqaal qurihi qorayaashu wax kasta oga hadlaan oo halkii maqaalba toobigyo badan wada taabto ee wxaan ujeedaa inay noqdaan kuwo ay saamayn kuyeelato oo marba arin waqic ah ka hadla, oo wax kaqora arimaha bulshda somaliwayn oo dhan ,oo ayan noqon kuwo hal dad ,halqowmiyad,halsiyaasi,hal aragti,hal gobal iyo wixii lamid ah iska saarnada abid ee ay aragtidoodu noqoto mid intas kasaraysa oo ugu yaraan somali oo dhan kuwajahan jinsiyadeda kala duwan qabiiladeeda oo dhan jiliic iyo jareer (ciddii sida utaqanna) si ay unoqdaan akhyaar sharaf leh oo ay dadkoo dhami ka faa'iidi karaan.

By:C/llaahi Xuseen . makangow@hotmail.com   ama maklangow@yahoo.com 
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD