SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
.Dagaalo dhexmaray ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.
.Hogaanka EPRDF oo laga dayriyay hab maamulkiisa.
.Barnaamijkii dib u dajinta ee Itoobiya oo ay dad badan ka soo baxsadeen
.Agaasimihii isgaadhsiinta ee Itoobiya oo baxsaday
.Madaxwaynaha Eritrea oo ku baaqay in si degdeg ah loo hirgalyo go’aankii laga gaadhay xuduudda  Eritrea iyo Itoobiya
.Barnaamujkii aragtida halgamaaga iyo suugaan halgameed.
 

Dagaalo dhexmaray ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.
 
 Dagaalada dhexmara ciidamada xaq u dirirka xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada dulmiga waheshada ee gumaysiga Itoobiya ayaa u dhaca si joogto ah oo aan kalago lahayn. Dagaaladan oo ay inta badan hab gaadmo ah ugu qaadaan ciidamada xoreeynta Ogaadeenya, ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa ugu danbeeyay kuwan.
 
 Ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ayaa 12.07.2004 ku gubay Yoocaale oo ka tirsan dagmada Dhagax-Buur Baabuur ay ciidamada gumaysiga Itoobiya lahaayeen oo ay saarnaayeen 35 Askari. Baabuurkaas oo noociisu ahaa Uraal ayaa la sheegayaa in aysan jirin wax ka baxsaday ciidamadii saaraa.
 
 05.07.2004 Dagaal ay ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen saldhig ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku lahaayeen Caado oo ka tirsan gobalka Doollo, ayaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 4 askari waxaana lagaga dhaawacay 7 Askari oo kale. Dagaalkaas ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga furtay 2 qori oo kuwa fud fudud ah.
 
Ciidamada xoreeynta Ogaadeenya ayaa15.07.2004  dagaal  ku qaaday saldhig ay ciidamada wayaanuhu  ku lahaayeen Cayuun oo ka tirsan gobalka Nogbeed,waxaana halkaas ciidamada gumaysiga lagaga dilay 5 askari oo ay ka mid ahaayeen ninkii ciidamada maleeshiyada haystay iyo ku xigeenkiisii,iyadoo halkaas lagu dhaawacay 6 Askari oo kale. Dagaalkaas ayaa ciidamada maleeshiyada ee gumaysiga Itoobiya lagaga furtay 4 Qori oo nooca Otomaadiga u dhaca ah.
 
 Isla 15.07.2004 hawlgal ay ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ka fuliyeen saldhig ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku lahaayeen meesha la yiraah Warma-Gaale oo ka tirsan dagmada Baabili, ayaa ciidamada cadawga khasaare xoogleh loogu gaystay waxaana dab la qabadsiiyay dhamaanba saldhigii ay ciidamada Itoobiya halkaas ku lahaayeen, hasa yeeshee war faah faahsan oo tilmaamaya khasaaraha ciidamada cadawga gaadhay wali nama soo gaadhin.
 
 Saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidanka gumaysiga Itoobiya kuna yaala Daara-salaam oo katirsan dagmada Garbo ayay ciidanka qalabka sida ee xoreynta Ogaadeenya weerar ku qaadeen 17.07.2004,weerarkaas ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 askari oo midi yahay taliyihii ciidamada maleeshiyada iyo gudoomiyihii Qabalaha, waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari oo kale, iyadoo ciidamadaas laga furtay 15 Qori.
 
 Hogaanka EPRDF oo laga dayriyay hab maamulkiisa.
 
 Wararka naga soo gaadhaya magaalada London ee cariga ingiriiska ayaa sheegaya in shir ballaadhan oo ay mucaaradka dawlada Itoobiya soo qaban qaabiyeen lagu qabtay magaaladaasi London. Shirkaas oo la qabtay maalintii Isiininta ahayd ayay dadkii ka soo qaybgalay ku sheegeen in haddii uu ururka EPRDF isku dayo inuu Itoobiya mar kale hogaamiyo 5-ta sano ee soosocota ay  taasi keenayso burbur iyo halaag.
 
 Gudoomiye ku xigeenka ururada isbahaysiga ee xukuumadda Itoobiya maaacaradka ku ah oo lagu magacaabo Lidhatu Ayalaw, oo shirkaas ka hadlay ayaa yidhi”Itoobiya waxaa haysta dhibaatooyin bulshadeed, kuwo siyaasadeed iyo weliba kuwo dhaqaale. Dhibaatooyinkaasna waxaa  keenay maamul xumida ururka EPRDF. Lidhatu isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu yidhi” waxaa layaab leh iyadoo ay dad badani macaluul u dhimanayaan in kaadirka dawladu uu u kala tartamo siduu u difaaci lahaa hogaamiyaha kaligii taliska ah ee Itoobiya Melis Zenaawi.
 
 Barnaamijkii dib u dajinta ee Itoobiya oo ay dad badan ka soo baxsadeen.
 
 Wararka naga soo gaadhaya meelo kala duduwan oo ay Itoobiya barnaamijka dib u dajinta ka wado ayaa sheegaya in meelahaas ay dad badani ku dhinteen, isla markaana ay ka jiraan biyo la’aan, raashin la’aan iyo daawo la’aan intuba.
 
 Dad badan oo ka tirsanaa dadka halkaas dagan ayaa sheegay in ay dawlada Itoobiya qasab ku soo rartay oo ay soo  dajisay meel aysan u dhalanin, isla markaana ayan rabin.
Dawlada keligii taliye Meles Zanaawi ayaa hay’adaha deeqda bixiya ee caalamiga ah u sheegtay inay dadku rabaan barnaamijkan dib u dajinta oo ay ka helayaan raashin,daawo, biyo iyo weliba dugsiyo ay carruurtu wax ugu bartaan.
 
 Haweenay ka tirsan dadka halkaas la dajiyay oo ay gabadhi kaga dhimatay ayaa tidhi ” dadkii lagacta haystay waxay u baxsadeen meelihii markii hore laga soo raray, hadda waxa dagan oo kaliya dadkii aan waxba haysanin ee aan gaadhi karin goboladii ay u dhasheen ee laga soo daabulay. Cabashada iyo dhaliisha ka soo baxaya habka ay dawlada Itoobiya barnaamijkan u hirgalinayso ayaa isa soo taraya laguna tilmaamay mid dadyawga xukuumada ku kacsan lagu minja xaabinayo.
 
   Agaasimihii isgaadhsiinta ee Itoobiya oo baxsaday.
 

 Warar xoog-ogaal ah oo aanu ka helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya inuu baxasaday agaasimihii isgaadhsiinta ee Itoobiya Kibrat Alamayaw.
Warku wuxuu intaa ku daray in Kibrat uu xaaskiisii iyo carruurtiisa horay ugu sii diray wadanka Maryakanka.
 
Waxaa baryahan danbe aad u baxsada saraakiisha, siyaasiyiinta, askarta, wariyayaasha iyo ardayda Itoobiya iyaga oo ka cabanaya xukuumada u madaxda kayahay kaligii taliye Meles Zenawi oo xabsiyada ka buuxisay cid kasta oo ay u arkaan in ayna ku qanacsaneyn maamulka kaligii taliska ah ee qoomiyada Tigreega.
 
 Madaxwaynaha Eritrea oo ku baaqay in si degdeg ah loo hirgalyo go’aankii laga gaadhay xuduudda  Eritrea iyo Itoobiya.
 
 Waraysi uu Tilifisiyoonka Eritrea la yeeshay madaxwaynaha Eritrea Mudane Isaysa Afiwarki maalintii isniinta ahayd ayuu  madaxwaynuhu bulshada caalamka ugu baaqay inay si degdeg ah u hirgaliso go’aankii uu soo saaray gudigii loo xilasaaray inay xaliyaan khilaafka soohdineed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea.
 
Madaxwayne Isayas Afiwarki waxa kale oo uu intaa ku daray haddi ay taasi dhici waydo in ay arintani ku danbayn doonto dagaal mar labaad ka dhex dhaca Itoobiya iyo Eritrea.
 
 Gudi ay Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa u xilsaartay xalinta khilaafka Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo saaray go`aan ay ku cadaynayaan halka xuduuda u ah labadaas dal, hasa yeeshee go`aankaas waxaa ku gacan saydhay xukumada Itoobiya, ilaa iyo hadana ma jirto wax talaabo ah oo ay qaramada midoobay ka qaadeen wadanka Itoobiya.
 
23.07.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2004

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD