SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  BAAQ KU WAJAHAN MADAXWEYNAHA IYO G/BAARLAMANKA       MUSTAQBALKA DHOW  EE XAGGA CIIDANKA XOOGGA DALKA  SOOMAALIYEED.

Qore:-G/sare C/qaadir  Maxamed  Cali "Jekey"
          Email:- sabeeye3@hotmail.com    

          

Ku:- MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA .
Ku:-G/BAARLAMANKA  JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA.
 
Magac ahaan marka la yiraahdo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, waa magac sharaf iyo qiimo weyn leh, qof kasta oo wadani ahna  wuu qiyaasi karaa qiimaha uu ciidanka xoogga dalka uu u lee yahay dalka iyo dadkaba.
 
Haddaba markii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed sanadku markuu ahaa 12kii april-1960kii  ilaa 1977kii  xilligii dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya  intii udhaxaysay taariikhdaa iyada ah ayuu ciidanka xoogga dalka soomaaliya qiimo lahaa  wixii taariikhdaa ka dambeeyayna ciidanka waxaa ku dhacay xagal daacin xilligaa soo foodsaartay waxaana usabab ahaa qodobadan hoos ku xusan:-
1-Qabyaalad soo kala dhex gashay ciidankii.
2-Nin jecleysi ay sameeyeen saraakiishii sar sare ee ciidanka.
3-Mushaarka askariga oo aan ku filneyn oo aad u hooseeyay.
 
Intaa ka dib waxaan  talo usoo jeedinaya masuuliyiinta mustaqbalka dhow ee ay warqadani ku socoto
 
Sida in laga tashado dhaqaalaha askariga  fiiro gaar ahna loo yeesho, mushaarkiisa  laguna saleeyo nolosha qoyskiisa, si loo helo ciidan diyaar ah oo muraalkiisuna nisan yahay, waayo marxaladda ay maanta soomaaliya ku sugan tahay waxaa abnigeeda sugi kara  askari muraalkiisu dhisan yahay oo aan ka fekereynin afar arimood oo kala ah:-
1-Nolosha qoyskiisa
2-Markuu xerada ciidanka joogo noloshiisa gaarka ah
3-Rasaasta qorigiisa iyo gurmadka dambe inuusan ka fekerin
4-Askarigu markii uu howlgal ku geeriyoodo in aan la iloobin qoyskii uu ka geeriyooday, si uu muraal dhis ugu noqoto ciidanka ka dambeeya.
 
Waxaan kaloon masuuliyiinta warqadani ku socoto  kula talinayaa mar kale in ay saxaan qaladkii laga galay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed taariikhdu markay ahayd bishii feb-1991kii  iyadoo xilligaa lagu dhawaaqay in ay ciidanka xoogga dalku isu dhiibaan jabhadihii waqtigaa jiray, meeshii ay ku habboonaan lahayd in la yiraahdo ciidamadu waa inay ku sugnaadaan xeryahooda ilaa amar dambe.
Si haddaba qaladkaa dhabar jabka ku ahaa ciidanka dalka soomaaliyeed una sabab ahaa qaladkaasi inay soomaaliya 14 sano dagaalo sokeeye iyo bur bur  ku jirto, si taasi loo saxo ayaa ah in marka horeba loo yeero ciidanka xoogga dalka soomaaliya  lana howl-geliyaa  loona dhiso niyaddii ka dhimatay taariikhda kor ku xusan, marka u horeysa ee lagu dhawaaqo dowladda cusub ee mustaqbalka dhow la filayo hadii uu ilaahay idmo.
 
F/G- Waxaan kaloon dowladda mustaqbalka dhow ku la talinayaa  inay hubiyaan baaraanna darajooyinka been abuurka ah ee la sheeg tay xilligii uu dalku bur-burka ku jiray, taasina waxay niyadda u dhisaysaa dhammaan ciidanka qalabka sida ee soomaaliya, si loo helo ciidan habaysan oo weliba dishibiliin leh, darajadiisuna ay huban tahay.
 
                   TALO USOO JEEDINTA CIIDANKA

Qof kasta oo ka mid noqda ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed waxaan kula talinayaa  inuu dalka ugu shaqeeyo daacadnimo,geesi nimo iyo samir dalkana ka ilaaliyaa cadawga gudaha iyo dibaddaba , waxaan kaloon ciidanka ku boorinayaa :-

-In ay soo celiyaan xasiloonida dalka  iyo dadka.
-In ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo nin jecleysiga .
-In ay meel uga soo wada jeestaan masuul kasta ooisku daya  inuu dalka mar kale dagaal sokeeye geliyo.
-In ay dalka ka ilaaliyaan qal-qal gelinta siyaasadda .
-In ay ogaadaan in ay yihiin ilaaliyaha dalka iyo dadkaba.
 
Isku soo wada duuboo waxaan dhammaan ciidanka xoogga dalka soomaaliya meel kasta oo ay joogaan ka codsanayaa in ay soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan ciidan kasta oo shi-sheeye ah oo ka shaqeynaya  soo celinta abniga iyo kala dambeynta  iyo nabadeynta soomaaliya .
                   
                        M a h a d s a n i d i i n
                       
                        W a b i l a a h i t o w f i i q
 
Qore:-G/sare C/qaadir  Maxamed  Cali "Jekey"
          Email:- sabeeye3@hotmail.com       
                      

 Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD