SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Soomaaliyeey Madexweeyne ii doorta

Hadal badan haan ma buuxsho mana doonayo inaan is fansho cidkastoo magacayga maqashaana way garanaysaa miisaanka iyo haybada aan leeyahay waxaan ahay nin aan waligiis fooda dhulka dhigin inuu kufo mooyaane,dhiiga dadku uu u noqday wax caadiya qaasatan xiligii lawada waalnaa ee dowlad la aantu jirtay, xalaashu ay ku yartahay xaaraantuna daris la tahay aan kala jecleen muslin iyo gaalo kii wax siiya uu saaxiib la yahay leh xaas iyo caruur aan se xadideeyn galmoodkiisa oo habaynba meeshu rabo u tumosha taga sharaabka aad u badsada qaasatan biyoha kulul hilibka waxaan cunaa kan xalaashaa oo ehlu kitaabku qalo xataa haduu yahay mid doofaar, ma jecli inaan arko dad iga aqoon badan dadkana waxaan ugu yeeraa jahliga kaasoo aan waliba qayb weeyn ka qaadan doono mustaqbalka sidii aan u gaarsiin lahaa dhamaan dalka oo dhan si dadku ay u indha beelaan oo ay oga nabad gasho dawladu.

wax walba waxaan ka hormariya oo aan qadariyaa aadna iigu weeyn lehna mudnaanta koowaad qabiilkayga oo cidna kuma doorsanayo waxaan ahay mid usoo huray naf iyo maalba inuu difaaco qabiilkiisa .

waxaan balan qaadayaa inaan dhawro jiritaanka umada kana ilaaliyo in cadow dibada oga yimaado hadiise dhinaca jeebka laygala hadlo waa wax macquul noqon karta una badan inaan jabiyo qodobkaas kor ku xusan.

aadbaan u naxariis badnahay oo ilaa inta aniga layga soo gaarayo uma danqado wixii halaagmaya iyo cidii masiibo haleeshaba.

waxaan balan qaadaya in dalku ahaado mid xasilooni daradu kusoo badato oo kala fogaanshaha iyo isnaceebka bulshada ayaan qayb libaax ka qaadan doonaa.

ma ahi nin kaftama oo hadalkaan iraahdo waa dhahan yahay oo runtu weey igu yartahay.

uma kala eexdo dadka waxaanse gar iyo gardaraba garta siiyaa kan dad ii xiga.

ciidamadaydu waa kuwa marwalba hela mushaarkooda inta ay caafimaadka qabaan ayeeyna qiimo ii leeyihiin mar haday lugi godo ama calooshu kasoo dhacdo iyagoo hawlgal qaran kujira wax shaqo ah oo an ku leeyahay ma jirto.

aadbaan isga ilaaliyaa dadka xaqooda waligeeyse wax xalaala ima soomarin.

daacad nimadeeyda iyo wadaado nacaybkeeygu waa kan ay gaaladu igu jeclaatay hadana aan rabo in umadu igu jeclaato, marka war iyo dhamaantiis qofku waxa uu muraayada isugu fiiriyaa bal inuu iska arko wax dal daloola ama ceeba oo kor kiisa ka muuqata ma u ma laynayo in aniga taas layga heleyo. waligeey iyo alaheey waxaan ahaa nin dadkiisu jecel yahay waadna ogtihiin xiligii burburka saan u bad baadshay qabiilkayga anigoo waliba ku bixiyeey waxaan maal iyo moodba haystay waadna ogtihiin inta jeer ee halis idin haysay aan idinka bad baadshay marnaba ma filayo wax ceeba in ay igu noqonayso xasuuqii ama boobkii yaraa ee mudadii afar iyo tobanka sano ahaa ee cidwalba ay ahayd jaantaa rogon oo shaydaamadu nagu shaqaysanayeen.

hadaba anigoo ah ninkaas kor ku xusan oo leh astaamahas oo dhan iyo kuwo kale oo aan soo bandhigi doono markaad idoorataan ayaan waxaan jeclaan lahaa inaad ii doorataan madaxweeynaha umada  waxaana rajeeynaya oo aan kalsooni ku qabaa marka aan arkay saaxiibadayda kale ee ila tar tamaya in aan ahay ninka ugu danbiga yar marka waxaan marlabaad iyo marsadexaadba idinka codsanayaa in madexweeyne la ii doorto.

saaxiibkiin qabqable dagaal
 
hassan

 Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD