SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

WARARAKA GAROOWE

  • Madaxweyne ku Xigaha DGPL oo Saaka Booqday Taliska Daraawiishta Ee Guutada 54-aad, Ee Garoowe.

  • Duqa Magaalada Garowe oo  Dhagax Dhigay Taallo Cusub

Madaxweyne ku Xigaha DGPL oo Booqday Taliska Daraawiishta Ee Guutada 54-aad, Ee Garoowe.

- Axad July 25, 2004
Galkacyo(Somalitalk)

Madaxwayne ku Xigeenka DG Puntland, ahna kusimaha Madaxwaynaha Md. Maxamed Cabdi Xaashi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa shalay subax booqasho kutagay xerada ciidamada Daraawiishta ee 54-aad ee duleledka magaalada Garoowe. Ujeedada booqashadan ayaa ahayd in Madaxwayne ku Xigeenku uu si rasmi ah Taliska Ciidamada Daraawiishta ugu wareejiyo Taliyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Ciidanka Daraawiishta DG Puntland G/sare C/laahi Jaamac Gayre. Oo uu labo casho kahor xilka ku wareejiyay taliyihii hore G/sare Cabdirsaaq Afguduud.

Md. Maxamed Xaashi oo khudbad gaaban halkaa ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidanku la shaqeeyaan taliyaha cusub, bannaankana la iska dhigo waxyaabaha la isla dhex marayo ee kutiri kuteenta ah maadaama ciidamadu ay yihiin halbawlaha dalka, ayna hayaan hawl miisaankeedu aad u culus yahay.

Wasiirka Maaliyadda DG Puntland iyo taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta oo ka mid ahaa Madaxda wehelisay Madaxweyne ku Xigeenka ayaa ka hadlay muhimadda ay ciidamadu u leeyihiin sugidda aminga iyo ammaanka deggaanka, iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la sugo koboca tayo, daryeel iyo maamuus ee ciidamada.
G/sare Gayre ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay magacaabidda xilka, isla markaana uu Ciidanka Daraawiishta sidii loo baahnaa ula shaqayn doono asagoo si dhaqso ah kormeer uu ugu kala bixin doono dhammaan xarumaha waawayn ee Ciidmada Daraawiishta ee gobollada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay inuu Wasaaraddu ay la shaqayn doonto ciidamada Puntland isla markaana wixii laga bilaabo bisha Agoosto cCiidamada Daraawiishtu ay heli doonaan mushaaraadkooda, wixii hadda ka dambeeyana si joogto ah loo daboolo doono baahida dhaqaale ee Ciidamada Daraawiishta.

Ayaamahan ayaad moodaa in dhamaanba masuuliyiinta xilalka cusub la wareegtay ay ka firfir coonyihiin kuwii hore wallow aan lagaranayn in ay noqon doonto maxay-kanuugtaa maxayse ku nuugtaa.
Waayo waxaa ay xilka hayn-doonaan muddo lix bilood oo kaliya.

Waxaana muuqata balan qaadyo is daba joog ah iyo shirar kala duwan oo ay wadaan dhamaanba maamulka cusub ee haatan howlaha wadi doona wallow ay jiraan shacabka reer PL in ay sheegayaan maah maah oranaysa saadaashu waa ma is af garanaa.

Duqa Magaalada Garowe oo  Dhagax Dhigay Taallo Cusub.
- Axad, July 25, 2004
Galkacyo(Somalitalk)

Duqa magaalada Garoowe Md. C/salaan Xasan Gujir ayaa shalay subax dhagixii ugu horeeyay dhigay dhisme taallo laga hirgaliyay halka loo yaqaan Barxadda ee bartamaha magaalada Garoowe. Oo ay isugu yimaadan dadwaynaha iyo gawaarida gobolada.

Barxadan ayaa kulmisa afar waddo oo kala goyska ah sababtan loo dhagax dhigayo ayaa lagu tilmaamay in ay tahay shilalka oo ku badan wadadan ayadoo ay maalmihii ugu dambaysayna ay gawaaridu gaysteen qasarooyin aad u farabadan oo dhimasho iyo dhaawacba keentay ama qasaare ku yimaada darawalada naftooda.
Faa'iidooyin aad u balaaran ayaa la filayaa in laga dhaxli doono hirgelinta taalladan ayadoo ay shacbkuna ku tilmaamayaan in ay tahay midi ugu wanaagsanayd ee laga hirhaliyo magaalada garoowe.

Taalladan ayaa waxaa isku hawlay hirgelinteeda Ururka Dhallinyarada Gobolka Nugaal (MUDAN) oo taageero ka helaya ciidanka ilaalada waddooyinka ee taraafikada.

Xaflad loo qabtay dhagax dhigga taalladan waxaa ka hadlay duqa cusub ee degmada Md. Gujir oo sheegay inay tahay wax aad loogu farxo in dhalinyarada gobolka oo is-xilqaamay ay qabtaan hawl itaasi le'eg. Waxaa uu dhallinyarada gobolka ku booriyay inay qabtaan hawlo badan oo ay dawladdu tabar ay ku qabatay wayday.

Taalladan dhismeheeda ayaa kusoo beegmay 3 maalmood kadib markii lamagacaabay duqa cusub ee degmada Garoowe Md. Gujir.
ayadoo aytahay wax qabadkiisii ugu horeeyay ee uu kaqabtay magaalada lamase garanayo illaa inta ay ku e kaan-doonto.

sahrasiglan siglan <sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2004

Qardho oo Lagu Qabanayo Nadwo Cilmiyeed
Nadwo cilmiyeeda oo socon doonta muddo hal asbuuc ah,  waxay bilaaban doontaa Axada July 25, waxaana.. Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD