SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 Geerida Marwo Moi

Wargeyska afka Ingiriiska ku soo baxa ee Sudan Vision ayaa maanta boggiisa uu kaga faalooda arrimaha Afrika, wuxuu ku sheegay afadii madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arap Moi in ay maalintii ina dhaaftay ee khamiista aheyd ku geeriyootay dalka Kenya. Sidaasina waxaa sheegtay buu yidhi xogheynta warbaahinta ee madaxweyne Moigii hore Lee Njiru.

Marwo Lena waxa ay ifka kaga tagtay 7 caruur ah oo uu ka mid yahay mudanaha ka tirsan xildhibaannada Kenya ee laga soo doorta Baringo Central mudane Gideon Moi.

Ooridi hore ee Moi geerideeda waxaa si tiiraanya leh uga tacsiyeeyay madaxweynaha dalka Kenya hadda majaraha u haya Mr. Kibaki oo geeridaas ku tilmaamay mid naxdin u leh dadka reer Kenya waa siduu hadalka u dhigaye.

Sida laga soo xigtay Lee Njiru waxey marwo Moi geeriyootay inyar un kaddib markuu seygeeda booqday beerteedi.

Mrs. Moi waxey in mudda ahba la ildarneyd xanuunka ay u godgashay.

Dhanka kale waxey dadka reer-Kenya ka dhursugayaan sida loo dhigi doona aaska afadii hore Moi oo isagu dalka soo xukumayay mudda rubuc qarni ah, laguna tilmaama in uu galay falal dambiyeed sida xasuuqii Waagala ee ay ciidamada Kenya ku gummaadeen Soomaalida dagan N.F.D.

 
By: Stanza Somalitalk.com Khartoum Sudan.
ayaandhalad5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2004

SHIR KA DHACAY GUDAHA JAAMACADDA CAALAMIGA EE AFRIKA

July 16, 2004

Waxaa habeenkii xalay (July 16, 2004) gudaha jaamacadda caalamiga ee Afrika, lagu qabtay shir si heer-sare ah loo soo abaabulay loona soo agloolay. Waxaa shirkan qabatay soona qabanqaabisay Jamciyadda Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, oo horraankii sannadkan lagu aasaasay magaaladan Khartoum. Waxaana madasha shirka lagu gorfeeyay lagna gunbaaray arrimo doora  oo ku wajahnaa howlaha jamciyadda iyo sidii sare loogu qaadi lahaa kaalinta dhallinta, gaar ahaan kobcinta iyo kaabidda suugaanta Soomaaliyeed iyo suugaanyahanada ku cusub saaxada fanka iyo suugaanta.

Waxaa kaloo goobta lagu falanqeeyay xal u halidda ummuuraha gurracan iyo jawiga cakiran ee ay ummadda Soomaaliyeed ku sugantahay iyo wacgalinta jiilka cusub ee marinhabaabay.

Waxaa kaloo halkaas lagu lafaguray doorka ay suugaan-ruugyada Soomaaliya  ku yeelan karaan howlaha sammatabixinta bulshada iyo badbaadinta shacabka tabaaleysan ee Soomaaliyeed.

Shirkan oo billoowday 10-kii fiidnimo ayaa dhammaaday 2-dii dambe ee habeennimo, waxaana ka soo qeygalay suugaanyahamiin iyo suugaan-jecel fara badan, waxaa kaloo hareersocday haasaawe iyo hadalo murtiyeed oo ay xubnaha iyo howlwadeenada jamciyadda soo jeediyeen.

Waxaa kaloo goobta lagu ansixiyay wargeys afka Soomaaliga ku soo baxa oo billo ah, laguma soo qori doona suugaanta cusub iyo curiyayaasha dhallintayar taariikhdooda iyo maqaalo kale oo wax-ku-ool ah, kaasoo qeyb ka ah dadaalka bulshada lagu wacyigalinya iyo ladagaalanka qabyaaladda.

Waa sida hadalka loo dhigaye.
 
By: Stanza.
Aabbaha suugaanta <ayaandhalad5@hotmail.com>

SomaliTalk.com | July 16, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD