SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAARDHEERE

 

Saxafi booqday Baardheere 

Baardheere waa magaalada ugu weyn magaalooyinka gobolka Gedo, waana magaalada labaad ee ugu tuulooyinka badan magaalooyinka Soomaaliya,  waxaa ku xeeran 142 tuulo, oo ay degan yihiin dad aad u fara badani. Gudaha magaalada waxaa  degan dad lagu qiyaaso ( 65000 ) oo qof in ka badan. nabadgalyada iyo daganaanshaha baardheere aad ayuu u wanaagsan yahay, marka loo eego gobolka intiisa kale mana jiraan dhalinyaro hubaysan oo ay qabanayaan indhahaagu intaad magaalada joogto.

Dhaqaalaha ama nolasha dadkaasi waxay ku xiran tahay tiir dhexaadna u ah  beeraha iyo xoolaha nool, waxaa soo raaca ganacsi aad u yar oo uga yimaada kenya iyo soomaaliya labadaba. Basasha oo ka mid ah dalagyada Baardheere ay u dhoofiso wadanka intiisa kale dhaqaale badana ay ka heli jirtay waxaa uu hadda u wareegtay magaalada Baladweyne oo qaar ka mid ah beeraleydii Baardheere ay dageen ka dib markii ay ka guureen magaalada.

Nolasha bulshada degan magaalada iyo hareeraheeda aad ayay u hooseysaa, mana helaan daryeel caafimaad, isbitaalka magaaladuna ma shaqeeyo maamul xumo iyo qabiil si xun loo adeegsado darteed. Waxay dadku cabaan biyaha wabiga oo aan la sifayn. Magaaladu waa mugdi maxaa yeelay korontada ama dabka ku jira magaalada waxaa leh shirkad khaas ah oo hadafkeedu yahay faa’iido doon kaliya, sicirka shidaalkuna kor ayuu u kacay xilliyadan danbe taas oo sababtay in ay shirkadani dabooli weydo baahida dabeed ee magaalada. Telefoon  wey leedahay magaaladu mase leh meelo enternetka laga galo.

Sadex iskuul ayaa ku yaal baardheere, heerkooduna waa hoose dhexe, manhajkooduna waa kii wasaaradii hore ee waxbarashada iyo barbaarinta ee soomaaliya oo xilligan ardeyda soomaaliyed meel kasta ay joogaan aysan waxba ku baran in yar mooyee. Baardheere waxay leedahay Airport nasiib darose  isna ma shaqeeyo sababtaan kor ku  soo sheegnay mid la mid ah awgeed. maamul iyo kala denbeyn kama jirto magaalada , waxaana  lagu degan yahay qabiilkii dumiyay qarankii soomaaliyeed, kaas oo hortaagan horumar kasta oo ay sameyn lahayd magaaladu.

Baardheere waxaa ay halis ugu jirtaa in ay u  kala go’do baay iyo gedo ka dib markii ay dhamaadeen alwaaxdii buundadu ku dhisnayd, intii aan joogay magaalada ayaa gabar dhalinyaro ah oo dul mareysay buundada ay ka dhacday meel ay buundadu ka dalooshay, nasiib wanaag ilaah waa badbaadiyey gabadhii in kastoo ay miyir doorsoontay dhaawacyo badana ay soo gaareen.

Si kastaba ha ahaatee baardhreere waxay horseed u tahay magaalooyinka gobolka gedo dhinac walba , laga soo bilaabo 9/8/1996 oo ay burbisay xabashidu iyo dabadhifyadeedu, nolashii ka jirtay magaalooyinka kale ee gobolka,  waxayna mudan tahay in ay gaadho magaalooyinka soomaaliyeed ee dadka degeni isku bahaysteen gudaha iyo dibadaba sidii ay u horumarin lahaayeen, uguna noolaan lahaayeen nolol wanaagsan.

Waxaa isweydiin leh ayadoo laga ambaqaadayo xikmada ah (dal walba dadkiisaa dhisa)  baardheere ma heleysaa mase isku kaashan doonaan dadkeedu sidii ay ku hormari lahayd  ? ? ?. 

                                                    Qore: cumar maxamuud cabdi

                                           Omar@toamg.com / xanaf2001@hotmail.com  

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD