SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Emaaraadka Iyo Baasaboorkii Somalida

Dawlaadda Imaaraadka carabtu (UAE), waxay ahayd waddanka keli ah ee Khaliijka ku yaal ee Soomaalidu sharaf ku lahayd . Fiiso la'aan ayaa lagu imaan jirey. Marka Hindida, Baakistaanta iyo dad kaloo badan suuqa laga qabqabto si loo tarxiilo Soomalida lalama hadli jirin. Sidii ayey Qunsuliyadda iyo Safaaraadduba u joogeen. Qunsuliyadda oo qaabilsanayd arrimaha Baasaboorada iyo Jaaliyaddaba waxaa madax ka ahaa nin reer Puntland ah intii ka dambaysay burburkiina si fiican u shaqaynayey sharaftii Somalinamadana ilaaliyey jirey, haddii uu wax cunayana si hufan u cuni jirey, dadka la socon jirey odayaasha maqli jirey, ruuxii kharashka baasaboorka waayana u dhaafi jirey, kii tabar yarna awooddiisa ka qaadi jirey.somalida meel kasta oo ay ka yimaaddana aan kala xigsan jirin, cid ka soo cabatana aan la arki jirin.

Iyadoo badhaadhahaa lagu jiro waa tii belaayadu Carta iyo Ina cumar Geelle innakaga timi. Waxaa halkaan Imaaraadka noogu yimid Xasan Abshir Waraabe oo sheeganaya Wasiirka Koowaad ee DKM Soamaliyeed. haddaba kaligiis ma imane wuxuu noo keenay wiil carab Soomaali ah oo waxay isu yihiin iyo waxay isku samayn jireen aanan hadda sixi karin. wiilkkii ayuu qunsuliyaddii u magcaabay.

Wiilkii markiiba wuxuu bilaabay hawshii loo tababaray. um-dheh dam- dheh. waa kan Baasaboorkii iibka ugu dhaqaaqay. malaha qof Imaaraadka jooga oo aan haysani ma jirin. waxaa la qabtay Hindi iyo Baakistaan sidata, Filibiin sita, Ugaandha nacas lagu qabtay oo Basaboor somali ah sita. dhillooyin Ruushka laga keenay oo Baasabor somali ah sita. dadka qaarkii dameero iyo daayeer sitana waabay sheegayeen. waxaa nala tusay nin Maali u dhashay oo lix Baasaboor oo somali ah oo isagu leeyahay lagu qabatay. iska dhaaf dawladda Imaaraadka ah e dadkayagii suuqa joogay baaba anfariirey. sidaa daraadeed dawladda Imaaraadka Carabtu gar bay u lahayd in ay baasaboorka mannuucdo. wiilkaa yari dhibta iyo sharaf dhaca uu geystey ma aha mid ay maydhi karayso dawlad Emabaghaati ka soo baxdaa.

Xasan Abshir in uu sidaas yeelay wax weyn ma aha oo mid ka daran baa laga filayey.

Dugsiyadii macalinkii kacaanka dadkii kasoo baxay wax weyn baa innooku dhiman. waxaabaan la yaabaa weli rag bay qoodh u yihiin Eydii Maxamed Siyaad Allaah ha u naxariistee adhigha raacsan jirey.

Maxamed Siyaad wuxuu ahaa sida la isku raacay nin Xiniinyo badan. In ku dhow rubuc qarnina waddanka soomaliya wuxuu u ahaa sida reer uu isagu leeyahay .oo cid kale ula arrimin karin. Wiilkii uu wax bidana xadhig buu ku hubsan jirey. Weligii nin aan doqon ahayn wax uma dhiiban. waayo ninka qoodha ahi diric la xisaabtama amba la dooda wax kuma qaybsado. nin weyn buu ahaa oo dadka si fiican u kala yaqaannay weliba ragga ay ciidamada soo wada mareen. waxaan muran ka joogin in uu reer kasta uu kan ugu doqonsan wasiir ama Janaraal ka dhigan jirey. miyuu sidaa ku gafsnaaa?

ninka uu Maxamed Siyad sirtiisa ku aamminey amaba uu soo dhoweystey nin uu raganimadiisa hubsay buu ahaa.

Haddaba waxaan la yaabaa raggii uu Maxamed Siyaad wax ka dhigay in a weli dad qaarkiis halyeeyo u yihiin. Ilaah igaga sarreeyee colkii Afweyne Alle ha u naxariistee Muse Yalaxow baa isku dhaama waayo Muse Yalaxow raganimadiisa ayuu ku soo baxay oo cidna ama naagtiisa ma gabadhiiisa duhur uma sii hullaabin.

Beri anigoo yar oo dibadda arday ka ah ayaan la kulmay nin aqoonyahan ah oo uu Maxmed Siyaad mar ku khaladamay Toddbaantakiina wasiir ka dhigtay. in sannad ka yar bay ahayd markii madax la isla galay ninkaasi istiqqala uu geystey Maxmed Siyaad Barrena ka aqbalay. Marka ninkaasi ii sheekaynayey waan la yaabay oo nin waalan baan u qaatay, waayo waxaan is idhi ninkaan aqoon yahanka ah maxaa waddankii ka keenay oo uu dawladda ula shaqayn waayey. sow aniga toban sano ka dib u garaabay ma aha markaan u kuurgalay sida xaalka dawladdu yahay.

Nabadgelyo

Cawl Mareero.
Cawl_mareero@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD