SADDAAM XUSEEN MUXUU KU SUGAN YAHAY?
“Saddaam oo tiriyey gabay uu ku caayayo Bush”
Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq oo imminka
ku jira xabsiga ayaa noloshiisa intiisa badan la sheegay in uu
ku qaato akhriska iyo tirinta gabayada, waxaana gabayadiisa la
sheegay in uu ka mid yahay mid uu ku caayayo Madaxweyne George
W. Bush, Saddaam Xuseen sidoo kale waxa uu waqtigiisa ku qaataa
akhrinta Qur’aanka Kariimka ah iyo daryeelka dhirta ka baxda
xabsiga gudihiisa.
Saddaam Xuseen wuxuu qaataa
cuntadiisa caadiga ahayd, inkastoo culeyskiisuu uu wax badan
iska dhimay, wuxuu aad u jecel yahay cunista Buskut-ka iyo
waxyaabaha mac-maaanka ah.
Muuqaalkan ku saabsan nolosha
cusub ee Saddaam Xuseen waxaa daaha ka rogay Wasiirka xuquuqda
beni’aadamka ee dalka Ciraaq Bakhtiyaar Amiin, isagoo arrintan
gaarsiiyey wargeyska lagu magacaabo “The Guardian” ee ka soo
baxa waddanka Ingiriiska. Saddaam Xuseen sida
mas’uuliyiintii maamulkiisa ayaa la sheegay in uu cuno cunto
dhameystiran oo weliba kala duwan, telefishinka ma daaawdo,
Raadiyaha ma dhegeysto, wargeysyadana ma akhristo, balse taa
beddelkaada waxa uu akhristaa oo illaa iyo hadda u yaalla
145-Kitaab oo intooda badan ah riwaayado iyo sheekooyin, kuwaas
oo u soo mara Bisha Cas ee Adduunka, kuwaasoo ergooyin ka tirsan
6-toddobaadba mar u taga Saddaam Xuseen.
Bakhtiyaar Amiin wuxuu kale oo uu
yiri “Saddaam Xuseen waqtigiisa intiisa badan wuxuu ku qataa
akhrinta Qur’aanka Kariimka ah, isagoo howlo yar-yarna ku dhex
qabta xabsigiisa, sidoo kalena xoogaa jirdhis ahna waxa uu ku
sameeyaa xabsiga gudihiisa, dhinaca kalena beer yar oo ku taalla
xabsiga gudihiisa ayuu mar walba waqtigiisa qaarkiis isku howlaa
sidii uu u hagaajin lahaa.
Bakhriyaar oo hadalkiisa sii wata
waxa uu yiri “Saddaam Xuseen waxa uu tiriyey gabay uu ku caayayo
Bush, balse waqti uma aanan helin akhrintiisa”. Saddaam Xuseen
inkastoo uu xabsi ku jiro haddana noloshiisu waxa ay u muuqataa
in uu yahay nin ku qanacsan dhibaatada uu ku jiro, wuxuuna aad
isugu howlaa dhinaca akhriska oo lagu fasiri karo in uu doonayo
in uu ku baabi’iyo dhibaatadii baaxadda lahayd ee soo gaartay
iyo goobta aan munaasabka u ahayn ee uu ku jiro.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|