SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA
DOWLADDA MAREYKANKA OO 100-KUN OO DOLLAR MAGDHOW U SIISAY LABO NIN OO SOOMAALI AH!!
 

Laba bilood kaddib qaraxii 11-september ee ka dhacay dalka Mareykanka ayay ciidammada amaanka ee Mareykanku waxay si sharci-darro ah ku galeen goob xawaalad ah oo ay Soomaali lahayd kuna taallay Rainier Valley ee dalka Mareykanka.


Abdinasir Ali Nur
Sawirka: http://www.aclu.org/

Waxaa intaa dheer baaritaanno kale oo iyagana sharci-darro ah oo ay ugu dhaqaaqeen goobo fara badan oo ay tuhunsanaayeen, waxaana ka mid ahaa laba dukaan oo ay kala lahaayeen C/naasir Cali Nuur iyo C/naasir Khaliif Faarax.

Saraakiishii weerartay goobahaasi waxay cagta mariyeen dhammaan wixii alaab ahaa ee dukaamada yaalay, kana daldasheen iyagoo ku andacoonaya inay baaritaan rasmi ah ku qaadayaan; waxaa dukaamadaas lagu iibin jiray qalabka farshaxanka oo la isku hadiyadeeyo iyo qudaarta iyo hilibka oo Firintijeerrada la geliyo, waxayna alaabtaasi kala daadiyeen iyagoo aan u aabbo-yeelin laga soo billaabo hilib qaboojiye ku jira illaa waraaqaha afka lagu tirtirto.

Intaasoo dhan waxay ahaayeen qalad dhacay markii xaqiiqda loo daadagay, toddobaadkii la soo dhaafay waxay dowladdu go’aan ku gaartay in ay bixiso lacag gaaraysa 100-kun oo Dollar, lana siiyo dhibanayaashii iyadoo taasi looga dhigayo magdhaw.

Xaajadaas dowladda Mareykanka lala gaaray kuma jirto in cudurdaar laga bixiyo qaladkii ay dowladdu gashay waxayna ku tilmaantay oo keliya dhacdo nasiibdarro ah oo ka dhashay dagaalkii argagaxisada lala galay.

Dhowr maalmood kaddib markii dukaamadooda la weeraray ayaa loo sheegay labadaasi nin in ay yimaadaan si ay u qaataan wixii ka haray alaabadooda oo tiillay garaash; markii ay doonteenna waxay la kulmeen alaabtoodii oo ay soo gaartay kharaaso ba’an; si ay u rarataan alaabtana waxay kireysteen gaari oo ay jeebkooda lacag ka siiyeen, iyadoo ay gacan ka siiyeen saaxiibbo Soomaailyeed. dib ay isugu dayeen inay u furaan dukaamadoodii waxaase u suurogashay in mid keliya uu dukaanka furto, kii alaabada hadiyadaha lagu gadi jiray ayaa suuqa ka baxay, sidaasi waxaa sheegay garyaqaankii u doodayay C/naasir Faarax oo la yiraahdo Donohue; kaasoo aan wax lacag ah aan ka qaadan howsha garyaqaannimo ee uu u qabtay, wuxuuna garyaqaanku ka tirsanaa ururka la yiraahdo American Civil Liberties Union (ACLU).

Iyagoo adeegsanaya jamciyadda (ACLU) waxay dhibbanayaashu yiraahdeen: “Dowladdu waxay weerartay ganacsigeennii inkastoo aynan gelin wax khalad ah ama fal dambiyeed ah. dukaamadeennii waa la xiray; alaabteenniina waa la dayacay, sumcaddeeniina waa la dhaawacay, magdhowgan yar ee aan helnay ma ahan mid u dhigma dhibkii na soo gaaray; waxaanse dareemaynaa in xoogaa caddaalad ah ay meesha ka dhacday” sidaana waxaa yiri Milkiilayaashii dukaamadooda la xiray.

Waxay u mahadnaqeen walaalahooda Soomaaliyeed, Kaniisadihii, Ururradii kale iyo cid kasta oo gacan ka siisay howlaha aan soo sheegnay

"Laba bilood ka dib weerarkii argagixisada ee Sept. 11, xubno ka socda dawlada dhexe (Maraykanka) ayaagoo aan wadan fasaxa maxkamadeed ay ku baari karaan ayey galeen Xafiis xawaaladeed oo ku yaal Rainier Valley oo looga shakiyey in ay maal geliyaan Al-Qaida. Sidoo kale waxaa la xaalufiyey "grocery iyo gift shop" isla gurigaas ku yiilay, halkaas oo laga qaaday dhamaan wixii yaaley laga soo bilaabo hilibkii ilaa waraaqaha musqusha...

Waxaa muuqaata in dhamaan arimahaasi ay khalad ahaayeen.. "

Sidaas waxaa qoray shabakada TV-ga NBC ee msnbc

“Waxaan rajenaynaa inaan sii wadno adeeggii aan u haynay mujtamaca Soomaaliyeed iyo ummadaha kale ee deggan Magaalda Seattle; waxaana rajeynaynaa inaan ku noolaanno nolol nabad iyo deggenaasho leh” ayay ku soo gabagabeeyeen eraydoodii labadaasi wiil.

Haweeney Afhayeen ah oo u hadashay waaxda socdaal ee dowladda Mareykanka loona yaqaan Immigration and Customs Enforcement (ICE) waxay sheegtay in howlgalka looga hortagayo argagaxisada uu ahaan doono ahmiyadda ugu sarreysa ee ay qabato (ICE), nasiib-darrose waxaa dhici karta in dad badan oo aan dambi gelin uu howlgankan galaafto, waana taas midda keenaysa in dowladdu ay isku waajibiso inay bixiso magdhow

W/D: C/nuur Xaaji Maxamed
Qoraa iyo Filim sameeye

E-mail:
nuuru2003@hotmail.com

Kala xiriir

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2004

MAQAALADA LOOGU AKHRISKA BADNAA TODDOBAADKAN:

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD