SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -QARDHO
  • QARDHO:: Nadwo Diini ah oo ka furantey Masjid Cumar Ibnu Al-khataab Magaalada Qardho.

  • MUQDISHO:: Seminaar laba todobaad ka socday xarunta ibnu baaz oo la soo gabagabeeyay 

Nadwo Diini ah oo ka furantey Masjid Cumar Ibnu Al-khataab Magaalada Qardho.

Ismaaciil Siciid Muuse
awmusse2002@yahoo.com
 Qardho, Somalia

Waxaa habeenkii xalay oo ku beegan 27.07.2004 ka furmay Masjid Cumar Ibnu Al-khatab ee magaalada Qardho Nadwo diini ah, nadwadan ayaa loogu magacdaray Hagaajinta dadka(Islaaxul Umah).Nadwadan ayaa ah tii sadexaad ee nooceeda oo kale lagu qabto gobolada Puntland sanadkan gudihiisa. Nadwada ka furantey magaalada Qardho ayaa waxaa ka soo qaybgalay culimo aad u faro badan kuwaas oo ka kala yimi inta badan gobolada Somalia waxaana ragaas ka dhexmuuqdey

  • Prof. C/qaadir M C/laahi (Rektorka Jaamacada EAU)
  • Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ( Kuxigeenka Rectork EAU) Sh. Daahir Aw Cabdi
  • Sh. Maxamed Macalim Axmed
  • Sh. Xassan Maxamed Muuse
  • Sh. C/laahi Cali Xaashi
  • Sh. C/rizaaq Xussen Ceeljaale

waxaa kale oo imaanaya caawa

  • Sh. Cabdiqaadir nuur faarax (gacamey)

Furitaankii nadwadan ayaa waxaa ka soo qaybgaley Gudoomiyaha Degmada Qardho Cismaan Buux Cali, kuxigeenka Duqa magaalada Yaasiin Siciid Xussen, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay salaadiin iyo madaxdhaqameedyada Gobolka.

Bilowgii xaflada furitaanka ayaa waxaa hadalo qiimi badan kasoo jeediyey kuxigeenka duqa Magaalada Yaasiin Siciid Xussen isaga oo sheegay in laga faa'iideysto fursadan qaaliga ah ee u soo hoyatey gobolka, wuxuuna mahad balaaran u soo jeediyey dhamaan intii ka qaybqaadatay in ay qabsoonto nadwadan maanta loo fadhiyo. Sidoo kale waxaa isla goobtaas ka hadley Nabadoon Maxamed Aadam Cali, nabadoonka ayaa sheegey in culimadu dadka ay baraarujiyaan oo tusaan dariiqa xaqa ah. Kadib intaas waxaa mikrofoonka lagu soo dhaweeyay Prof. C/qaadir Maxamed oo ku qornaa muxaadarada furitaanka, Sh. C/qaadir ayaa soo jeediyey muxaadaro aad u sareysa oo ka hadleysa cilmiga isaga oo u kala qaaday qaybaha cilmigu u kala baxo isla markaasna waxa uu aad ugu dheeraadey cilmiga sharciga ah ee ah kan barashada diinta islaamka, muxaadaradan ayaan lagu soo koobi karin sadaro laga qoro balse istaahishey in lagu qoro qalin dahabi.

Dadweynihii ka soo qaybgaley ayaa ahaa kuwo aad ugu riyaaqey nadwadan waxaana ka soo qaybgaley dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada iyada oo ay xirmeen daafaha wadooyinka ku dhaw Masjid Cumar Ibnu Al-khataab sidoo kale dadweynaha Qardho ayaa kula socdey Nadwadan khadadka taleefanada ee shirkadaha Golis iyo Somtel, waxaa intaas dheer Idaacada SBC oo ku caanbaxdey u adeegida bulshada ku dhaqan Puntland oo ka baahineysey hirarkeeda FM yada Magaalooyinka Bosaso Qardho iyo Garoowe, sidoo kale magaalada Carmo ayaa si toos ah iyadana looga dhegaysanaayey Nadwadan ayaa ah mid socon doonta muddo sideed (8) casho ah waxaana aad loogu qaadaa dhigi doonaa sidii mujtamaca loo hagaajin lahaa, isku soo wada xooriyoo waxaa allaah uga baryeynaa in mujtamaceena uu ku dhigo mid wanaagsan dhibtana uu ka korqaado aamiin

Qore: Ismaaciil Siciid Muuse
awmusse2002@yahoo.com
 Qardho, Somalia

KULAN DIINEED ISLAAMI AH OO LAGU QABAN DOONO MINNEAPOLIS

<><><>

Seminaar laba todobaad ka socday xarunta ibnu baaz oo la soo gabagabeeyay 

Aroornimadii talaadada 27/7/2004 wxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta ibnu baaz seminar muddo laba usbuuc ah uga socday in ka badan 500 oo wiil oo wax ku barata jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee muqdisho iyo nawaaxigeeda .xafladdii gabagabada waxaa hadallo ka soo jeediyay dr.yuusuf maxamad cilmi oo ka mid ah hawlwadeenka jaamacadda islaamiga ah, sh.maxamuud sh.axmad xasan (abuushayba) oo ka tirsan maamulka xiriirka ardada soomaaliyeed ee caalamiga ah, cabdulaahi khaliif bullaale madaxa xarunta ibnu baaz iyo marti sharaf kale oo dhammaantoodba tilmaamay ahmiyadda ay leeyihin seminaarada noocan ah .

Xafalddan oo aad loo soo agaasimay waxay ardadu kaga qayb qaateen bandhigyo aad u soo jiitay goobjoogayaasha oo ay kaga hadlayeen xaaladda dalku marayo , xagga googoyna waddanka iyo isku haysiga xukunka iyo xilalka, waxaa kale oo ay ardadu soo bandhigeen gabayo aad u qiima badan oo qaarkood ay kaga hadleen seminaarka iyo sida ay uga faa'iideysteen iyo tixo kale oo halku dhaggoodu ahaa (qoomamo ) iyo ( dhaqankeenna ma aha) waxaa sidoo kale gabyo wacdaro leh xafladda ka tiriyay raage axmad cumar .

Ardadii ku guulaysatay tartannada iyo imtixaanaddii la qaaday waxaa xafladda lagu goddoonsiiyay abaalmarinno qiiam leh.

Seminaarkan oo loogu magac daray mufasirka caanka ah ee ibnu jariir al-dabari waxay ardadu ku qaateen duruus kala duwan oo khusaysa aakhiradooda iyo adduunkoodba waxaana wax ka bixiyay in ka badan 10 macallin oo aqoontooda ku tabarucay

Seminaarkan oo ka mid ahaa silsilad seminaarro ah oo sanadkan 2004 loo qabtay ardada fasaxa ah waxaa maal galiyay dadweynaha deggan muqdisho .

Ardada ka faa'iidaysatay seminaarkan oo qarkood ka yimaadeen marka ayaa ii sheegay inay aad ugu riyaaqeen seminaarkan wax badanna ka kordhsadeen,  garaadkoda iyo qaab fakarkoodana ay wax badan iska baddaleen ilaa heer ay qaybo ardada ka mid ahi dib u xiiren timohooda si ay u baabi'yaan qaabab aan wanaagsanayn oo ay horay ugu jarnaayeen.

Seminarada noocan ah ayaa lagu wadaa in sanad walba ardada loo qabto xilliyada fasaxa si ay wakhtigooda uag faa'idaystaan khataro badanna uga badbaadaan ilaahay idnakii. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada soomaaliyeed 

dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD