SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -KENYA

WARARKA SHIRKA EE MAANTA:::

  • Leelkase oo Ku Gacansayrtay Qaabka Qaybinta Xubnaha  Baarlamaanka  Beesha Daarood
  • Warqad maanta ka soo baxday Xafiiska Guddomiyaha Shirka Kiplagata,
  • Hogaamiyayaasha Siyaasada Mudulood iyo Duubabka  kama soo yeerin...
  • Beesha Banaadiriga oo  shir balaran Kuyeeshay magaalada Nairobi

Warqad maanta ka soo baxday Xafiiska Guddomiyaha Shirka Kiplagata, iyo Qeylo dhaan ka soo yeertay beelaha Dir Iyo Daarood iyagoo ku hanjabay.............

Xafiiska guddomiyaha Shirka Dib-u-heshisiinta Somalida Ambassador Bethuel  Kiplagat ayaa maanta waxa ka soo baxday warqad uu  beelaha Somaliyeed ugu dalbanaayo  in ay soo gudbiyaan  sida ugu dhaqsiyaha badan magacyada xubnaha baarlamaanka  ugu midnoqon lahaa beel walba.
 
Warqadaasiisa Kiplagat waxaa uuna sidoo kale Kiplgat sheegay  go'aankii ugu danbeeyay ee ka soo baxaa shirkii ay yeesheen Wasriirada arrimaha Dibada ee IGAD in uu ahaa In 31julay Somaliya Dowlad loo dhiso,taasna  ilaa yo hada aysan waxba iska badalin mowqifkoodiina  ay ku taaganyihiin, waxa una beelaha u jeediyay si taas loo gaaro in soo  gudbiyaan magacyada xildhibaanada.
 
Kiplagat ayaa beelaha Somaliyeed ka codsaday in 29 julay  ay tahay maalinta ugu danbeeysa ee la qabanaayo magacyada xildhibaanada,30 julayna ay Naibi imaandoonaan Wasiirada arimaha dibada  ee IGAD,waxa uuna cadeeyay in uu ku rajo weynyahay in ay Somaliya Dowlada  heli doonto Dowlad  loo dhanyahay.

Dhankale  Beelaha Dirta Koofureed iyo Daarood  ayaa iyagu maanta kawada dhawaajiyen in ay shirka qaadaceen hadii aan la badalin  qeybitii ay soo saaren Gudiga xalinta khilafaadka,iyagoo maanta Nairobi ku qabanaayay  shir gooni gooni ah,iyagoo badankood eedeyn ka dhan ah dusha ugu tuuraayay Safiirka Dowlada Jabuuti u qaabilsan  Shirka  Ambassador: Isliimaaciil  guulaal bodane.

Ambassador Ismaaciil oo shabakadaan maanta mar uu u waramaayay ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in  uusan Eedeyn  ka mudneen Beelaha Somaliyeed,laakiin uu ka mudanyahay Amaan,maadaamo uu ka midyahay wadamada safka hore ee Somaliya Xalka u raadinaayo,waa sida uu hadalka u dhigayee.

Si kastaba ha'aatee Kheylo dhaanta  Beelaha ayaa iyadu cirka isku siii shareereysa kadib markii xalay  fiidnimadii ay guddiga xalinta khilaafaadka ay u qeybiyeen Beesha Daarood,iyadoo gudiga xalinta khilaafaadka qaarkood lagu Eedeynaayo in ay qaateen Laa-luush.

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin)  Nairobi, Kenya
 <nasrudiin5@journalist.com>

Beesha Leelkase oo Ku Gacansayrtay Qaabkii Xubnaha Baarlamaanka loogu Qaybiyey Beesha Daarood

Qoraal SomaliTalk kasoo gaarey beesha leeklase ayaa shaaca ka qaaday in ay aysan aqbalayn qaabka hadda beesha daarood loogu qaybiyey kuraasta baarlamaanka. Qoraalkaas oo ku qoraa luqada Ingiriisiga, waxa uu go'aanka gudiga qaybinta ku tilmamay 'mid aan caddalad ahayn isla markaasna la aqbali karayn".

Qoraalkaas oo uu ku saxiixnaa Faysal Faarax Nuux ( Fiqi Faysal ) , afhayeenka beesha Tanade Darood (leelkase) waxa uu intaas ku daray in shanta xubnood ee laga siiyey 61ka xubnood ay tahay mid aan la aqbali karayn. Qoraalkii oo Af-Ingriisi: Halkan ka akhri... Guji

Cabashooyinka Kale:::

Cabashooyinka kale ee ka soo yeeraya beesha Daarood ee joogta Nairobi waxaa kamid ah in aanba la xusin beelo ka mid ah beelaha Daarood; gaarahaan aanba la xusin qaybo kamid ah Koombe Kablalax iyo Ciise Daarood Waxa keliya oo la xusay (sida dadka arintaas ka cabanayaa tibaaxeen) waa sidan:

Xubnaha baarlamaanka ee loo qoondeeyey Beesha Daarood

BEESHA Xubnaha Loo Qoondeeyey
Awr-table 3
Lelkase 5
Absame 12
Mareexaan 14
Harti 27

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2004

<><><>

 27-luuliyo,Mbagathi,Nairobi.

Hogaamiyayaasha Siyaasada Mudulood iyo Duubabka  kama soo yeerin... .

Beelaha Mudulood ee ka tirsan beesha Hawiye ayaa ku guda jira qaybsiga kuraasta jufooyinka ka tirsan Mudulood,Beesha Mudulood ayaa heshay 15-kursi.

Hadaba waxaa isa soo tarataya warar suuqeed sheegaya in jufooyinka qaar looga cabsi qabaa in ay kuraastaasi waxba ka helin.

Waxaa hadaba wareysikooban la yeeshay siyaasiyiin ka socda beelaha Hillibi Darandoole Mudulood iyo Moobleen Cismaan Daran Doole Mudulood :-

Nuradiin Haydar Mohamed oo ah Siyaasiga Beesha Hillibi iyo Prof.Mahdi Abuukar Maxmuud oo ah siyaasiga Beesha Mobleen Cismaan ayaa ka wareystay rajada ay ka qabaan qaybsiga xubnaha Baarlamaanka ee Beesha Muddulood.

Wareysigii ayaa u dhacay sidan :-

Abdikarim: Muddane Nuuradiin miyaad qaybsateen xubnaha Xildhibaanada Kuraasta Baarlamaanka ?

Md.Nuuradin :- seddex usbuuc ayaa laka aamusan yahay walina waxba lama qaybsin,oo waa sidii guud ahaan tirada looga soo qaaadey Beesha Hawiye,sababta oo ah iyadoo qaybsiga lala  lasugayey

Muuse Suudi oo ku maqnaa soomaaliya,mide kale beelaha kale ee soomaaliyeed oo iyaga laf ahaan wali waxba qaybsanin sida beesha Daarood iyo Dir oo iyaga shaley guddiga khilaafaadka u qaybiyey,beesha Daaroodna Maanta lagu guda jirro.

Waxaa nasiib wanaag inoo ah in aan noqonedy beeshii ugu horeysay oo ku heshiisay qaybsiga  xubnaha Baarlamaanka ,waloow ay jiraan qabiil qaarkood oo cabasho ka qaba qaybsagaaasi.

Abdikarim:-waxaa jira warar sheegaya in wax xubnaha ah beeshiina loo heynin ee maxaa wararakaasi ka jira ?

Prof.Mahdi:-wararkaas waxba kama jiraan oo wax sal iyo baar leh ma aha ee waxaan ku kalsoonahay  duubabkeena iyo siyaasiyiin Beesha Muddulood ,dhaqana uma laha beesha mudulood in ay qadiyaan walaalahooda.

Abdikarim:-Siyaasad ahaan yaad isku siyaasad tihiin?

Mr.Nuuradiin:-hadafka iyho siyaasadeen waa midowga Mudulood iyo in la dhameeyo khilaafka dhexdooda ah oo marar dhaliya in dagaal gacan ka hadal ah,danteena waa danta iyomaslada beesha muidulood iyo tan shacabka soomaaliyeed.

Dhamaad.
Abdikarin Aden Hussein.
<abdikarimhussein@hotmail.com>

<><><>

Beesha Banaadiriga oo  shir balaran Kuyeeshay magaalada Nairobi

July 26

Waxaa maanta Shir is kugu yimid beesha baraadiriga Gudoomiyaha Beesha Banaadiriga Maxamed cusmaan maye oo maanta u waramayay shabakadaan ayaa yiri Beeshu waxaay kawada hadlayeen sidii aayahooda ay oga tashan lahaayeen

Maye ayaa wuxuu warkiisa ku daray waxaan kawada hadalnay shirka meeshuu maraayo oo ah meel xaasaasiya oo waliba ay harsantahay waqtigii loo khabtay khadar yar maye oo laga dareemayay sida gudiga khilaafdku wax u kheybiyeen in ay ku qanacsanyihiin beesha banaadirigu

Kulankaas oo manata furmay ayaa lagu balamay in markale bari la is kugu soo noqdo siduu noo cadeeya gudaamiye maxamed cusmaan maye oo warkiisa siiraaciyay waxaan beesha horkeeni donaa sidii aan horayba aan u balan qaaday Xubnihii beesha banaadiriga kusoo aaday qeeb ahaan barlamaanka

Sikastaba ha ,ahaateen waxaa maalmahaan socotay beelihii kuguuleestay qeebsigii koowaad in aay soo xulayaan magacyadii hoose ee noqon lahaa Xildhibaanada waxaa lagu waad in maalinta bariya ay beesha baraadirigu aay soo bandhigaan magacyadii xildhobaanada ay yeelan doonto dowlada DKG soomaliya

Maxamed Axmed Cali
sandiir1@hotmail.com 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD