SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Xaalufin iyo Dhibaatooyin laga soo sheegayo Xeebaha gobalada Mudug iyo Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya xeebaha u dhexeeya Cige ilaa Garacad waxay sheegayaan in maraakiib waaweyn oo si ba,an u xaalufinaya khayraadka badda soomaaliyeed ay haddana dhibaatooyin u gaysteen Kalluumaysato ka jilaabanaysay deegaanadaas.

 
Maxamed Salaad oo ku sugan Marsada Cige ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in maalintii Bishu ahayd juun 30 keedii ayaa maraakiibta shisheeya ay cagta mariyeen ilaa iyo 20 doonyood iyo shiraaqyadood,isla markaana ay waxyeelo u gaysteen dadkii ka kaluumaysnayay sida iyagoo biyo xowli ku socda ku soo furay,waxuuna intaas raaciyay in hadda waxaa ku cusub yihiin Maraakiibtaas ay si wayn ugu soo dhawaaday beriga oo xitaa buu yiri ay gaareen heer ay dhacaan waxoogaaga kallumaystadu ka hesho wixii ugu dhaca shabakadaha daadsan Meelaha dhow,maadaama ay hadda baddu kacsantahay oo ayna gaari karin meel sii fog.
 
Sidoo kale xeebaha udhexeeya Garacad iyo Hobyo ayaa laga soo sheegaya dhibaatooyin taas la mid ah,waxaa kaloo ayaamaha lagu arkay dhulkaas ka ag dhow xeebaha cuduro lagaranwaayay oo dad badan soo ritay ,taasoo dad badan shaki gelisay in waxaane sababeen qashinka ay maaakiibaha shisdheeye ku daadinayaan badaha soomaaliyeed.
 
Xeebaha Dalka Soomaaliya oo lagu tilmaami jiray kuwa ugu dihin aduunka oo uga kaluun iyo khayraad badan ayaa hadda waxuu ku dhowyahay inay taasi meesha ka baxdo waayo waxaa si naxariis darro ah uga socda xaalufin aan loo aabo yeelin ,maadaama ayan jirin cid xil iska saarta badbaadinta khayraadka badda,sidoo kale waxaa xaalufin aan la koobi karin ku socotaa dhirtii oo loo jarayo dhuxul loo iib gaynayo wadamo kale,meelo ahaan jiray dhul kaymo ah ayaa hadda u muuqda dhul lama degaana ,waxaa maalin walba xeebaha iyo marsooyinka dalka soomaaliya laga raraa maraakiibo dhuxul ka buuxdo,ayadoo hadda la jarayo xitaa geed miiroodyadii beeraha ku yiil.

Sawirada Deegaanka la xaalufiyey... Daawo...

 
 
Cabdi Xasan   Somalitalk.com/Muqdisho
<abdi172@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD