SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Munaasibad Si wayn loo soo agaasimay oo lagu Maamuusayay Maalinta Midowga Soomaaliya iyo Xoriyadda Gobaladda Koonfureed ee 1-da Luulyo ayaa Xalay ka dhacday Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska.

Munaasibadan oo ay ka qayb qaateen Soomaali fara badan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Daadihiye Somali Development Organization oo ah Urur Waddaniya oo ka dhisan Dalka Ingiriiska. Waxaana Munaasibadaasi Qudbado Taariikhiya ka jeediyay Aqoonyahanno Soomaaliyeed.

Dahabo Ciise "Dahabo Dowlo" oo Madax ka ah Ururka soo qaban qaabiyay Munaasibadaasi ayaa sheegtay inay Sannad Kasta caadiyan xusaan Maalmaha Qaranka Soomaaliyeed. Waxayna Munaasibadan awgeed Hambalyo u jeedisay Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool Shanta Qaaradood.

Dahabo Dowlo waxay sheegtay in Soomaalida ku nool Magaaladda London inay xalay muujiyeen Shucuur Wadaninimo. Isla markaana ay si wayn uga qayb qaateen Fantisayaha Kowda Luulyo oo xalay ka dhacay Bartamaha Magaaladda London. Waxayna sheegtay in Soomaalida Munaasibadaasi ka qayb galay ay dhamaantood jeclaan lahaayeen in Sannadkan Sannadka xiga ay ku xusaan 1-da Luulyo Gudaha Dalka Soomaaliya.

Dahabo Dowlo waxay sheegtay in Maalin ay dib u dhigeen Xafladda 1-da Luulyo kadib markii ay Soomaalida London codsadeen in isla maalintaasi lagu beego Munaasibadaasi isla habeenkaana la soo gaba gabeeyo. Taasoo ay sheegtay inay dib u dhigtay Qorshahoodii ahaa inay Xafladda ku soo beegaan Saqda Dhexe ee Habeenka 1-da Luulyo ay soo galayso.

Mar ay ka hadlaysay Dahabo Dowlo Waxqabadka Uruka ay Madaxda ka tahay ee Daadihiye waxay sheegtay inay dib u dajin ku samaysay Soomaali farabadan oo Qaxooti ah. Waxayna sheegtay inay Sharciyo u soo saartay Soomaali fara badan oo muddo dheer aan helin Sharciyadda degenaanshaha Dalka Ingiriiska.

Dahabo Dowlo waxay sheegtay in sidoo kale ay Soomaalida ka caawiyaan dhinaca Tarjumaada marka ay la xiriirayaan Hay’addaha qaabilsan Magangalyada ee Dalka Ingiriiska. Waxayna sheegtay inay ku guulaysteen in dad Badan oo Soomaali ah loo oggolaado Lacagaha Cayrta loo yaqaan ee ay qaataan Dadka Qaxootiga ah.

Dahabo Ciise oo sidoo kale Madax ka ah Bogga Internet-ka ee Somalidoon waxay ka mid tahay shaqsiyaadka Soomaalida ah ee sida wayn isugu xilsaaray inay wax u qabtaan Soomaalida timaada Dalka Ingiriiska ee aan Eheladdu u joogin. Waxayna sidoo kale gacan siiso Caruurta da’da yar ee aan Cidna wehlin ee looga taggo Garoomadda Diyaaradaha ee Dalka Ingiriiska. Sida lagu qoray Cilmi Baaris ay samaysay Wakaaladda Wararka u faafisa Qaramadda Midoobay ee IRIN.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Sawirada Deegaanka la xaalufiyey... Daawo...

 
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD