SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL

C/hi & Xasan Abshir: intii Cali Khaliif Carta ka Helay baan Rabnaa! 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

July 29, 2003

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

  • “Mira-tirisku goormuu muhdiyow kula macaanaadey?”

Mise “waa la jiifiyaana bannaan”?! Dad badan waxaa ka yaabiyey sababta ay maamulka Puntland hadda, Carta iyo sidii wax loo qaybiyey usoo qaateen! 

Dhowrkii sano oo ugu dambeeyey, ayaa taageerayaasha kornaylku na barayeen “meel libaax soo galay lo’ ma joogayso” iyagoo ka wada meesha uu odaygu soo galo in, madaxweynanimo iyo xubnaha ugu badan baarlamaanka uu gacanta ku dhigi doono.  

Akhristayaal maalin baa nin reer baadiye ahi  soo martiyey reer ka koobnaa: aabbo & hooyo, labo wiil iyo labo gabdhood. Reerkii maalintaas waxay qado ahaan u sosheen/shiisheen hal digaagad ah. Markay diyaar noqotay ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa la yiri noo qaybi. Reer baadiyihii wuxuu yiri: madaxa (tunka) digaaga waxaa iska leh madaxa reerka (ninka), dabada ugu dambaysana waxaa leh cajuusadda (hooyadii). Labada garabna waxaa leh labada gabdhood, labada lugoodna waxaa leh labada wiil, intii soo hartayna  waxaa iska leh ninka martida ah. Qofkii hilibka digaagga wax ka yaqaan wuxuu fahmayaa in laba lugood maahane, hilibkii kale oo dhan uu reer baadiyihii qaatay. 

Maalintii dambe ayaa ninkii guriga lahaa wuxuu shiilay shan digaag ah dabadeedna markay diyaar noqdeen baa reer baadiyihii lagu yiri noo qaybi. Ninkii reer baadiyaha ahaa wuxuu yiri: waxaan filayaa inaydaan u bogin qaybtaydii shalay, marka iga daaya qaybta! Waxaa lagu yiri dhib ma lahee noo qaybi. Reer baadiyihii wuxuu yiri ma tiro is-le’eg baan wax idiin ku qaybshaa (dhaban) mise mid is-dheer (kisi)? Waxay dhaheen mid is-dheer (kisi) wax noogu qaybi. Reer baadiyihii wuxuu yiri: odayga & habarta iyo hal digaag ah waa isku seddex (tiro is-dheer); labada wiil iyo hal digaag ahna waa isku seddex; labada gabdhood iyo hal digaag ahna waa isku seddex; aniga iyo labo digaag ahna waa isku seddex! Reerkii waxay dhaheen mayee tiro is-le’eg wax noogu qaybi. 

Fiicnaan lahaydaa hadday qaybtaas ku qanci lahaayeen laakiin ninkii reer baadiyaha ahaa wuu yeelay oo wuxuu yiri: hooyada & labada gabdhood iyo hal digaag ah waa isku afar (tiro is-le’eg); odayga & labada wiil iyo hal digaag ahna waa isku afar; aniga iyo seddex digaag ahna waa isku afar. Reer baadiyihii wuxuu yiri: tirada is-le’eg waxaan saas ahayn kuma timaaddo. Marka isagoo Ilaah ku mahadinaya sida uu qaybta u baray buu inta seddexdiisii digaagga ahaa dhinac ula jeestay, cunid ku bilaabay. 

Hadda reer Puntalnd waxay diideen qaybtii Cali Khaliif soo helay ilayn Cali Khaliif wuxuu yaqaannay in “raggu wuxuu walaaloow ku dhaamo aysan jirin” wuxuu qabiiladii kale ee Daarood ka dhammaystay in Hartigu hammuun-gorgor qabaan ee wax loo kordhiyo dabadeedna waa ka yeeleen iyagoo dhibsanaya arrintaas. Reer Puntland waxay Ismaaciil ka dalbeen inay sidii reer baadiya aysan diyaar u ahayn tiro is-dheer (tii baarlamaanka ee badnayd) ee ay rabaan tiro is-le’eg (qaybta ka sii yar tii Carta)! 

Markii Cali Khaliif tirada intaas le’eg ka soo helay Carta, waxaa joogay Harti yar, muddadu inta Mbagathi waa ka yarayd, qarashkuu Cali Khaliif isticmaalayna aad buu uga yaraa kan C/hi. Halka C/hi oo haystay waqti labo sano ah, malaayiin doolar oo Maraykan ahna ku khasaarshay shirkaas, boqolaal qof oo ehelkiis ahna soo dilay, xataa suldaamo soo dilay, welibana xukunka Puntland boos ku haysta, muxuu soo kordhiyey? 

  1. Inuu dadkii Soomaaliyeed nagu sii diray
  2. Hantidii Puntland oo uu dhacay
  3. Dadkii Puntland oo uu isku diray
  4. Baddii oo uu xaalufiyey
  5. Xeryihii dowladda oo uu gatay
  6. Suldaamo uu dilay
  7. Dagaal-oogayaashii ka soo horjeeday oo uu isu keenay
  8. Xataa qabiiladii Puntland oo hadda kala irdhoobay
  9. Diintii Ilaahay oo uu la dagaalay
  10. Dalkiisii oo ku sheegay in la dukheeyo
  11. Iyo tiro xubno baarlamaan oo tii Cali Khaliif ka yar.

Si kastaba ha ahaatee C/hi oo labo qasri ka kiraystay Eldoret iyo duleedka Nairobi oo lacagtii Puntland oo dhan dabka saartay hadduu caawa Puntland u keeni waayey wixii Cali Khaliif oon taageero badan haysan keenay haddee waa taariikh. Saasooy tahay qabiilkii xitaa Cali Khaliif ka dhashay qaarkood baa weli C/hi halyeey u haysta iyo inuusan jirin nin Soomaaliyeed oo ka horreeya! 

Haddaan C/hi ahaan lahaa waxaan ergadiisa ka dhaadhicin lahaa in 27 xubnood ee Mbagathi la siiyey ay ka miisaan culus tahay tii Carta oo intaas ka badnayd maxaa yeelay tii Carta Xamar keliyey xukuntay laakiin tan hadda Mbagathi ka soo baxaysa xitaa Hargeysay xukumi doontaa! Waxaana dhici karta inay u sacabbiyaan markuu saas dhaho. Waxaan idiin hubaa ergada C/hi iska soo hormarisay inay taasi ka degayso. 

Haddaan usoo noqdo arrinta qaybta, waxaan Soomaali u sheegayaa horta maxaa wax lagu qaybsaday? Soow hab qabiil maaha? Haddee sheeko qabiil is-haysi kama baxdo. Runtii waxaa sharaf mudan dadka wixii loo qoondeeyey iyagu qaybsaday laakiin qolyihii wax qaybsan waayey, yaa wax u qaybiyey? IGAD dheh. 

Qof IGAD wax u qaybisay ka dib markuu qaybsan waayey, hadal ma u furan yahay? Maya runtii. Bal fiiri Daaroodkii oo dhan baa cabanaya! Yaa la dulmay marka? Teeda kale qolyaha leh xaq baa naga maqan oo waa nala dulmay waxaan weydiinayaa goormaa qaybta qabiilka, badnaan lagu saleeyey? Ma Hawiye iyo Digil & Miriflaa is le’eg? Ma Daarood iyo Digil & Miriflaa is-le’g? Ma Hawiye iyo Dir baa is le-eg? Ma Daarood iyo Dir baa is-le’eg? Sidoo kalana Hawiye iyo Daarood xitaa tiro ahaan isma le’eka. Marka wax saas loo qaybiyey cidna raaligelin maysee qola kastaay waxa lagu siiyey iimmaanso oo danta guud ka raac. 

Anigu maqaalkeygii ahaa (gabar reerkoodii laga soo masaafeystay, qaalliga oon muslim ahayn iyo markhaatiyaashii oo mid keliya markhaati furi karo) oon sanad ka hor soo qoray ayaan ku saadaaliyey sida wax noqon karaan. Marka hadday ergada Soomaaliyeed xukunka IGAD raali ku noqdeen haddee waa inay aqbalaan qaybtooda. 

Mar horaba Cali Khaliif wuxuu Carta ka helay ergo baarlamaan oo badan iyo ra’iisulwasaaranimo halka ilaa hadda C/hi ergo yar helay mana filayo in cidi u dooranayso wasiir koowaad. Saasooy tahay, in badan oo cidda  Cali Khaliif ka dhashay  weli taas ma arkaan oo weli waxaa indhahoodu arkaan halyeey C/hi! 

Marka qormadaydu waxay ku socotay reer Puntland iyo hogaamiyahoodee waxaan ku leeyahay: 

“Godashaye u yeer yeer gaanaha aad maashide” 

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD