SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -SOOMAALIYA
GABA GABEYNTA SEMINAARAKA WACYIGALINTA GABADHAHA JAAMACADAHA IYO DUGSIYADA SARE EE MUQDISHO

Waxaa manta oo KHAMIIS ah  taariikhduna tahay12/06/1425H kuna began 29/07/2004M lagu qabtay xarunta Al-Imaam Al-bukhaari ee wacyigalinta iyo horumarinta bulshada ee magaalada Muqdisho xaflad Qalin jabin Seminaar socday hal toddobaad oo loo qabtay gabdhaha wax ka barta jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada  Muqdisho iyo nawaaxigeeda, Xafaladdan oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida: hey’adaha waxbarashada, shirkadaha ganacsiga, ururada ardeyda  dalladda culimaa udiinka soomaaliyeed, xariirka ardayda Soomaaliyeed ee caalamiga ah,maraakizta dacwada, maamulka xarunta A-Imaam Al-Bukhaari, macallimiintii Seminaarka wax ka dhigtay, waalidiinta ardayda, warbaahinta Muqdisho iyo marti sharaf kale.           

Waxaa halkaa hadallo ka soo jeediyay qaar ka mid ah mas'uuliyiintii ka soo qayb gashay xafladdaas waxayna u mahadceliyeen una duceeyeen dadkii suuragaliyay Rabbi ka dib qabashada Seminaarkan.

Xafladan ayaa waxaa abaal marino qaali ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha  hore kagashay imtixaanka , sidoo kale waxaa iyana abaal marino  la gudoonsiiyay kooxihii katirsanaa ardeyda ee sida wanaagsanaa uga soo shaqeeyay cilmi baaristii loo diray kuwaasoo khuseeyay qaar kamid ah cudurada bulshada iyo daaweyntooda Siminaarkaas waxaa kaqeyb galay in kabadan 200 oo ardey, kuwaasoo si wanaagsan u qaatay duruustii lasiiyay

Duruusta lagu qaatay Seminaarka waxaa ka mid ahaa: Ahmiyadda Tawxiidka, Tilmaamaha Ahlusunnaha, gabdhaha  iyo diinta, Tilmaamaha Jannada iyo Naarta, Humuumta gabadha  muslimadda ah, Raacista nabiga, Xirfadaha wax akhriska, fakarka toosan iyo hal abuurka, zinada iyo wadooyinka la isaga dhowri karo, Dahaarada, Salaadda, dagaalka dhaqanka ee gaaladu kuwadaan muslimiinta, ilaalinta sharafta, cadawga iyo sokeeyaha, walaalnimada islaamka, Kaalinta warbaahintu ku leedahay samaynta afkaarta, cilmi barashada iyo Aadaabta maashaakilaadka gabdhaha iyo xalkooda,dhibaatooyinka lagu haayo muslimiinta qaar, sida:  falastiin ciraaq iyo kuwo kale.

Waxaa ka qayb qaadanayay bixinta duruusta 9 macallin oo ka mid ah culimada iyo ducaadda Soomaaliyeed, waxaa kale oo hawsha fulinteeda u taagnaa xirirka ardayda Soomaaliyeed.  

Waxaa dhinac socday duruusta nashaadyo kala duwan oo ay ardaydu qabanayeen muddadii Siminaarku socday, sida: Cilmi baaris, Qoris maqaallo, Gabayo, Booqashooyin lagu tago goobaha adeegyada bulshada iwm. 

UJEEDDOOYINKA SEMINAARKA WAXAA KA MID AHAA:

1.     In gabdhaha wax laga baro diintooda, lana siiyo tarbiyo islaami ah

2.     In firaaqadooda lagu buuxiyo wax anfacaya adduunkooda iyo aakhiradooda.

3.     In laga hortago afkaarta iyo dhaqamada xun xun ee lagu faafinayo gabdhaha Soomaaliyeed.

4.     In la dareensiiyo xilka ka saaran hagaajinta iyo horumarinta bulshada, laguna wacyigaliyo qaddiyadaha umadda islamka, lana baro cadawgooda iyo sokeeyohooda.

5.           In sare loo qaado hankooda, isku kalsoonidooda, hal abuurkooda, kala dambayntooda iyo ka dhabaynta waxqabadka wanagsan.

6.           In ay isbartaan, isuna kaashadaan khayrka iyo ka hortagga xumaanta

Ugu danbeyntii waxaan u mahad celineynaa dhamaan dadkii nagala qeyb qaatay hirgalinta siminaarkaan qiimaha badan anagoo rajeyneyna in uu sanado kale soo noq noqdo inshaa’allaah.

Abuukar yaasiin
abuukarsom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD