SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gunaanadka Qawaniinta Taariikhda iyo Gafka Soomaali Gashay 

Taariikhda banii’aadamka waxaa la yirahdaa waxaay ka soo bilabataa wakhtiguu banii’aadamku bartay sida wax loo qoro. Dadku haddii ayan ka duulin taariikhda waa habaabaan, god bay ku dhacaan ilaa waayuhu u caqli-celiyaan ama u garnoqaan. Qawaaniinta taariikhdu waa kuwo ahaaday dabiici, cidna ma raali geeliyaan ama ha jeclaato ama nebcaatee. Tariikhdu waxaay leedahay dhowr qawaaniin oo qofka yaqaan uma gafo: 

 (1) Dadka dhulkaa dega waxay u kala baxaan seddex   (a) mid taariikhda qora (b) mid taariikhda dhacaaysa  eegta (c) iyo markay dhacdo yiraahdo “maxaa dhacay” 

(2) Dadka dhulkaa dega hadday kala diin yihiin, laakiin isku tol yihiin, dhacdona in ay  hal  mabda’a oo siyaasadeed hoos yimadaan aakhirka waxay ku damayaan inay kala guuraan oo kala go’aan; tusaale, wixii ka cay Bosniya, waxaa  dhacaya Naygeriya, Hindiya iyo Sudaan.  

(3) Dadka dhulka dega hadday isku diin (dhaqan iyo ilbaxnimo) wadagaan, laakiin ay dhacdo in mabda’a siyaasadeed kala ooday, goor ay ahaataba aakhirka waxay ku damayaan kuwo midooba; tusaale, dhagixii la kala dhexdhigay dalka garmalka.  

(4)In dadka dhulkaa dega le yihiin cadow shisheeye iyo dagaallo aan dhamaan; tusaale dhow;  cadoowga Soomaaliya ma yahay mid ka nastay khayraadka dheeriga  ee dhulka Soomaaliyeed le yahay, waxaa tusaale noogu filan khudbadii wiilka uu awoowaha u yahay Hayla Salaase (Ermias Sahle-Selassie Haile-Selassie) ka jeediyey Jamacada Florida International University (USA) bishii April 8, 2004, wuxuu yiri “Madaama ay gacanteena ka baxday xeebta Eratereya waxan ku han-weynahay xeebaha Soomaaliya, su’aasha aan isweydiinayno waxaa weeye sidii aan u difaaci lahayn markaan hanano oo gacanta ku dhiigno” ujeeddada socdaalkiise wuxuu ahaa sidii looga dhacdhacsiin lahaa reer galbeedka in faa’idada ugu jirto Itoobiya  kala go’aanta Soomaliya. 

(5) Haddii ay dhacdo in dad ilbaxnimo hore  haystay  lagu khasbo ama lagu muquuniyo ilbaxnimo kale, mar ay ahaatoba dadka wuu iska turaa heeryadaa gumaystaha; tusaale, gumaystayaashii reer galbeedka, muquuniska maanta diidan tahay Baqdaad, shuucigii iyo Soomaaliya . 

(6) Adduunka dadka ku nool kama baxsana shantaan ilbaxnimo oo dhaqankoodu ka soo jeeddo; Ruuska ( dad haysta mad-habta Kiristanka Orthodox sida Giriiga iyo Itobiya ) , Yuurub (reer galbeedka iyo inta la wadaagta mad-habka Kiriistaanka Catholiga iyo wixii ka sii farcaymay sida Protestant) , China (diimaha iyo dhaqanka laga haysto Eeshiya oo la wadaagto India) , Japan  oo iyadu dhaqankeeda iyo ilbaxnimadeedu gaar ku tahay iyo wadamada Islaamka oo dhulka u dhexaya min Moroko ilaa Intunuusiya.  

Bal aan eegno taariikhda iyo hoggaamiyaasha Soomaali; kuwa Soomaali soo hoggaamiyey iyo kuwa hoggaamiya, dadkoodu waxay u arkaan hoogayaal  habaar-qabayaal ah oo hanaqa gooyey, halka ummada kale qaar u arkaan hoggaamiyaashooda waayeel waajib iska saaray dhibka ilaalinta ummadaa; tusaale, Madaxweynihii Bakistaan 1876-1948 khudbooyinkiisa waxaay u badnaayeen sidaan “Dodyohoow anigu doonimaayo inaad faan iyo  mahadnaq aad shahaado igu sii saan…waxba salaan iyo sacab ha iigu mahadniqina…dhimashadayda ka dib buggagaagta taariikhu ha qirto, Jinnah wuxuu ahaa caaddil, difaacay, ka turjumay, horumariyey ilbaxnimada iyo dhaqanka ummadan”  khudbadii Madaxweynaha Jinnah, the All India Muslim League session, 1939. Buggaagta taariikhdu waxay qiirtay inuu ku jiro dadka taariikh wax ka bedelay, waxayna ledahay sidaan; “Few individuals significantly alter the course of history. Fewer still modify the map of the world. Hardly anyone can be credited with creating a nation-state. Mohammad Ali Jinnah did all the three.” halka dadka dhulka Bakistaan ku nool afkood ugu yeeraan kuna xusuustan Qaid-i-Azam [Great Leader].  

Waxaa isweydiin mudan su’aalahaan inata aan laga murmin midnimadeena iyo xornimadii 1960;

(1)   Xerada Soomaali degto (Itelian Somaliland, British Somaliland, NFD, Ogadenia iyo Djabuti) ma lahayeen xuduud gumaystayaasha ka hor?

(2)   Dadkii xornimada soo hoyey ma ahaayeen kuwo ka turjumay (qoray) tariikh?

(3)   Burburkii iyo kala guurkii Soomaaliya ka dhacay ma ahaa mid la xiriiray burburkii caalamiga ee shuuciiga?

(4)   Ma shacabka baa ka masuul ka ahaa hurgankii Hargeysi-iyo holocaust-gii Baydhabo mise masuuliyiin loo adeegsaday shacabka Soomaaliyeed?

(5)   Soomaali oo aan inkirsanayn cadaawada dowladaha xuduud la leh, ma faa’idaa ku  jirta midnimada konfor iyo waqooyi? 

Jabaabtoodu ma aha kuwo fuduud, buggaag baa laga qoray, Soomaali weli ma fahansana wax ku dhacay, dakhar weyn ee ay sidato ma garan cida gaarsiisay. 

Geeka  Afrika mudo 20 sano ah waxaa ka dhacayey qiyaame, waxaa dumay qar, iyada oo weli qaafilo jiifto ( dhiig daadanayo). Soomaali waa isdishay, waa kala caraartay iyada oo isdiidan. Laakiinse, weli garaadkeedu ma u kala cadayn sida dantu ugu jidho, marka haday taariikhdu  u gar noqi weyday (ku garaadsan waayeen)  waayahaa Soomaali u garnaqaya. Iyada oo aan faraha laysku taagin ama middi-middi ku taaga layska ilaalinayo, bal adiga oo maankaaga garaadkaaga adeegsanaya qadarinaya xornima u fekerka (iska ilaali lab-la-kaca iyo qadarinta qabiilkaaga), ka jawaab su’aalahaan. 

?Dowlad goboleedka, diyaarado raaca, dal kala googayta, doorashada beenta, doqonku runmooday, qaranka dayeysan (laab-lakac) dariiqii ka leexdey, dantii garan waaga, qabiilo u doodka, dofaartiyo gaalka irsiqa u doonka… Maxaa ka damaya? 

? Cadow shisheeye, daalimka (dagaal-ooge) iyo gaalka sirtooda dahaaran dalkeena ku aadan, in layna dulaysto, dadkeena la laayo, layna dabargooyo, intaan dayi weeyney dantii garanwaaga… Maxaa ka damaya? 

?Kuwii dadka laayey, degaankiiyo beesha, dagaalka ku qaaday, haddaan lala doodin, warkooda la diidin, qabiilka la dayrin, dad weyne israacin, dowladnimadeeni doraato haloowday aan haatan la doonin…Maxaa ka damaya? 

Dhibkasta waa laga baxa, dadka garaadsay  waxaa lagu yaqaan waxay ka waayo aragnimo qataan dhibkaa dhacay iyada oo laga  cashar, cibro iyo cabir qaadanayo, si ay dib dame ugu soo noqon caaqiba xumidaas. Marka aan gaarno garaad aan ku maansoonkarno maankeena, waxay noo suurta gelinaysaa, inaan ka tashano masiirkeena mustaqbalka. Waxaan nahay ummad aan wax-akhrin, waxay markaa sababtay inaan wixii dhacay iyo waxa dhicidoona ka indho-la’aano. Qiimaha iyo muhiimada ay leedahay inaan diintena (ilbaximadeena) iyo tariikhdeena AKHRINO, maaha mid oraah lagu soo koobi karo “waa laasim lagama maarmaan ah, haddii aan doonayno inaan ka baxno baalka mugdiga ee taariikhdeenu ku jirto.”  

  • Akhri nin aqoonla ogaan uma qoslee waa ilko cadayse

  • Akhri nin aqoon leh adduun wow sicir sareyaaye

  • Akhri akhris la’aan waa indho la’aane

  • Akhri ikhraa  Ayad u horayse

  • Akhri adaa sidii aar libaax ooda soo jebine

  • Akhri adaa ummad oo idil sidii Owr hogaaniyine

  •  

  • Akhri wax kaa maqan wale kii arkaad noqone

  • Akhri talaad amar ku soo gonyne

  • Akhri aakhiro imaan wax akhrin lama amaanayne

  • Akhri yuu Amxaar adoonsi ooda soo geline

  • Akhri adigoo arkaaya yaan faraha lagu iibsanine

  • Akhri urugada akhris la’aantu waa uur ku taalada e

  •  

  • Akhri dulinimada goortaan arkaan qulub wareeraaye

  • Akhri yaan gocasho owgeed ilmada kaga goboc layne

  • Akhri naclad baa ku taal umminimo waa indho la’aane

  • Akhri nin aar doonayaa uur nugayl malehe

  • Akhri qalin baa ummada ku aflexeen odayadoodiiye

  • Akhri tariikh la qoray, tusmo toosan iyo talo abwaan baa leh

  •  

  • Akhri dhalinyaranimo wixii kaga tegay waa aqoon xumo e

  • Akhri nin aflaxay, aqoon yahay mahdiyey waa abaal sare e

  • Gayigeen ka gees iyo gees waxaa gaaray godobo waa weyne

  • Ummad weliba waxaay ku hormartaa waa halyey hadaf la soo baxa e

Waa maqaal aan ugu talagalay inaan kaga qayb galo “Dood-cilmiyeed Maalmihii xornimada iyo midnimada Soomaaliyeed” oo dhacday 24/07/04,  soo qabanqaabiyeen Ururka Daadihiye. 

 
Middlesex University, London, UK
Ismail Mohamoud (Jeenihaar)
Jenihar18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD