SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Tigidhada Cadaabta Lagu Tago oo Qaaliyoobeen!! (Taqi)

Ugu horeen waxay mahadi usugnatay Allaha abuuray samada iyo dhulka waxa kujira muddo lixmaalmood gudahooda, naxarisi hayeelo subanaheena mohamad(csw) aamin

Waa yaabee!! Waxaa isweediin mudan maxay yihiin tigidhada naarta lagu galaayo? hadaba waxaan muran kujirin in meel kastoo lagaleeyoo ubaahan tahay tigidh ama ID card oo cadeen inaad ruqsad uleedahay meesha aad galeeso –sidaa silamida ayaa ruux kasta looga baahan yahay maalinta qiyaamo inuu heesto tigidh ama ID card uu kugalaayo 2da daarood midood waa janada iyo cadaabta, waayo waxaa waaradiyeeyo daarahaas askar aan laqiyaami karin oo foojar lagu siri karin!!

Tigidhaha cadaabta lagu galo waan noocyo badan yihiin midkastaana qiimo gooni ayuu leeyahay. Waxaana kamidaa tigidhada lagu galo rubaayahada, fashion display, shineemooyinka, garoomada munkarka lagu ciyaaro iwm dhamaan tigidhadaas qiimahooda waan garan karnaa intay joogan iyo helididooda dhibka loomaro. Tusaale ahaan hadaad dooneeso inaad daawato rubaayad cusub si aad kuhesho kursi waa adagtahay waxayna kugu qaadan waqti dheer. xitaa hadaad hesho tigidh inaad dhaqso ugaarto goobta waa waxaan sahal aheen- waayo isdiyaarinta iyo isku qurxinta ayaa ah qarash kale oo indirect kuu galaayo -dhanka kale waxaaba suura galaa in daawashada ruwayadaas loogu safro wadan ama magaalo kafog meesha aad joogto –marka ilaah ayaan kugu dhaarshee waqti iyo maal intee la,eg ayaa kaaga lumay shaygaas munkarkaa misana cadaabi kaaga danbeeso – waxaabo yaab sii leh marka dadku maqlaan in film ama rubayad cusub soobaxeen aad layskugu dhibo inay galaan habeenka ugu horeeso oo qarshkeedu kabadan yahay habeenka xiga –ujeedaduna waa inaan looga siisheeken munkarkaas oo cidina uga hormain –subxaana laah! hadal heenta munkarkaas waa waxaan dhahahaagu kajiifi karin oo warbaahinta ayaa kugu soocelcelin habeen iyo dharaar halka ay suura gal tahay in muxaadarooyinka diiniga mar iyo labo lasheego- waxaana kuu cadeen kara taasi –hadda magalada London waxaa kasocdo muxaadarooyin diiniyaa oo culimada islamka kuwooda ugu aqoonta iyo dadaalka badan jeedinayaan aduun iyo aaqiyo waxtar kuuleh- Radio, VT, journal, ama wibesite sheegay majiro midka ugu roon halmar ayuu sikooban uga hadlay waliba maalinta ay bilaabatay kahor masheegin –balse muxaadarooyinka munkarka aysoo jeedinayaan fanaaniinta hore ama danbe nus sanad kahor ayaa maqli xiliga iyo goobta iyo qiimaha muxaadaradooda yaa ilaahii!! sidda cadceeda qofkastaa ugu iftiimiso ayaa laysku dayaa in qofkasta loogu iftiinsho munkarada. Ruuxa wanaaga dadka fara 2 ajir ayuu leeyahay oo ah sheegida iyo qofka aad usheegtay wanaaga haduu sameeyo adna waa laguu qori ajir isagoon laga nusqaamin dhanka ajirka xumaantana waa lamid ee ogsoonoow!!

dhanka zinada (dhilaysiga ) oo ah tigidhka ugu weyn ee cadaabta lagu galo shirkiga kadib heerka uu dunida maantay kajooogo waa heer aad udaran haday noqon laheed sameenteeda ama daawashadeeda –TV-yada, book-ta webside-yada shineemooyinka ugu deqliga badan waa kuwo ugu soodeen badan zinada xitaa actor-ka ama actress-da jaazada waxaa lagu siiyaa hadba intay xumaataas film-keeda kusoo bandhigto filciyaado bilaah!

dhanka muqaadaraadka wadankeena waxaa looga iibsadaa naf aadamiyaa macnaa, hadii ruuxa muqadariistaha uu waayo lacag uu ku,iibsado wuxuu udilaa naf muslimaa oon wax galabsan –mayara inta aad maqashay hebel isbaraa lagu dilay! Ruuxa waxdilaayo baahi cunto maheeso ee baahi muqaadaraad ayaa heeso sidaa darted 2 tigidh oo cadaab ayuu ku,iibsaday muqadaraadkaas –qofka ugu roon waa kan intuu sooxamaasho misana dib nafsadiina ucadaaba oo maandoriye kugata wuxuu kusoo dhibtooday intaan Ilaah cadaabin ayuu iscadaabay waayo wax dheef oo kujirto malahan muqaadaradka.

Ilaahay caadil sanaa oo baarisanaa!! Nimcada uu ubalan qaaday adoomadiisa wanaagsan waa lacag la,aan, (bilaash)waqti tiro badan kaagamo lumaayo –Tusaalo ahaan salaada ugu dabnaan qofku 10 daqiiqo ayuu kugutaa halkii salaad 5ta salaadood waxay kugu qaadan 50 daqiiqo 24saac gudahood maasha alaah sidaa ayuu eebe ugu fududeeyey adoomadasiisa acmaasha janada qarash kaagamo baahna aad kusoo iibsato iimaan saalaxaa mooyee –basle shaydaanka dhibka uu kuugu yeeraayo oo ah naarta waxay kaaga baahan tahay tigidhka lagu galo lacag adag (hard currency) iyo waqti badan.

culimada economics- waxay sheegeen inaysan jirin shay bilaashaa waxaan ka,aheen hawada dadku kuneefsado wixii kasoo haraa waa qarash. Waxay moogyihiin in Ilaah wax kastoo heesano bilaash nagu siiyey uusan naga dooneen wax charges ah—marka aqristoo shaydaanku wuxu kuleeyahay wax xumaan oo bilaash majiraan xitaa daawashadeeda ayuu charges kaaga qaadan halka Ilaah wuxu kugu yeeraayo bilaash yihiin tusaale ahaan ninka iyo naagta isqaba markay isku galmoonayaan oo dhibka shahwo iska soosaarayaan 2 xasanaad ayey helayaan mid aduun iyo mid aaqiro waa haday ajir niyeestaan maasha ahaal midka aduun waa dhib kuhaayey oo lagaafududeeyey kan aaqiraa waa ajir aad uqiimo ween ayaa lagaaga qoraa shahwa kastoo dibada iskaga soosaarto marka adigay kujirtaa sidaad ukala dooran laheed shayga bilaasha ooilaah kuugu yeeraayo iyo dhibka ibliiskuugu yeeraayo aduunka aaqina cadaab kaaga siidanbeeso

Haweeneey kamid aheed qoomkii nabi nuux(cs) ayaa loosheegay in umada nabi Mohamed(csw) uu cimrigoodu yahay 60-70 sano waxay kucalaacashay maxaam uga mid noqon waayey umadaas? waayo cimrigeega oo dhan waxaan kubilaabi lahaa kuna dhameen lahaa sujuud – intaas doonto joog aduun, waxad doonto kuheeso aduun, waxaad doono cun,cab xiro waxaa shaki kujirin in maalin un aad katagi adigoo usocdaali meel aan kategid laheen -adiga iyo garaadkaa ilaah adoomadiisa madulmiyo wax kasta waa kala cadyihii.  

Ogoonoow: waxaa shaki cidina uga jirin natiijada cuntada lacunaayo waxay kudhamaan macnaa ruuxa waalan, caqliga leh, ciyaalka, wayeelada, muslim iyo gaal, cadaan iyo madoow waxaa lawada ogsoon yahay shaykastoo lacuno inuu aaqirkii kudhaam saxaro(xaar) hadaad cunto shayga ugu qaalisan, ugu raqiisan, ugu carafta badan aaqirkii adigaa sanka kaqabsan urkisiisa –marka aduunku waa sidaa ruuxii kaweecda wadada toosan sidaa ayaa maalinta uu geeriyooda muqluuq-yada Ilaah sanka uga qabsan halka markiisii hore ay kaheebeesan jireen intuu dunida kunoolaa- aduunyo wuxuu daar uyahay qofaan daan aaqiro kulaheen marka dhamaanteen waxaan isku dardaarmeenaa in ilaah laga cabsado intii la,awoodi karo, wixii aan kuqaldamayna ilaah ayaan saamaxaad weediisan, waadna mahadsan tihiin walaahu waliyul mutaqiim, wabilaahi toowfiiq wasalamo calaikum.

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD