SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TOLOW TOOKADAANNA YAA ORAN DHEESHU FIIG MA LEH 

Sida la wada ogsoon yahay shirar badan oo gaaraya 13 shir ayaa Soomaalida loo qabtay. Ujeedada shirarakaas loo qabtay waxay ahayd in Soomaali la heshiisiiyo , dawladana loo dhiso. Nacam, shirarkaasi kama marneyn ujeedooyin hoose oo ay wateen qaar ka mid ah dawladaha marwalba ka dhex boodayey shirarkaas.

Si kastaba arrintu ha u dhacdee shirarkaas wax natiijo ah lagama gaarin waxayna ku dambeeyeen nahaayo xun oo isku mid ah waxayna eersadeen dhammaantood mabd’a Soomaali wiiqay ee kaga lahan badan qaryadihii ka soo gaaray dagaalka sokeeye, kaasoo ah (( MAR HADDII ANIGA LA I DOORAN DHEESHU FIIIG MA LEH)) Yacni Soomaalay ama la I dooray ama daadku idin qaad. Akhiristoow bal hadde si kale u dheh ileyn afkeenu waa hodane. ((HADDII NIN  TOLKAY AH LA DOORAN BADDU FIIG MA LEH )).

Haddaba, sidaan la wada socono arrinkasta oo qofka soo marta waayo aragnimo (khibrad) ayuu kala baxaa , sideedana waayo arag laa'aantu (khibrad la'aantu) waxay dhaxashaa farsamo xumaata, fal kasta oo lagu guuleystana wuxuu ka yimaadaa khibrad iyo xarfadnimo la kasbaday. Laakiin Soomaali haddii aan nahay waxaad moodaa inaan wali ka faa’iideysan khibradna kala dhex bixin wixii hoog iyo haantooley nagu dhacay ama haddaba wali nagu socda ama nagu soo food leh haddii Eebbe naga soo gaarin. Marka mar haddii aan wada ognahay arimihii burburiyey shirarkii hore sow inaan ka weecanno waddadii hore ma ahan.

 

Shirkaan kuwii hore kama duwana, waxa kaliya uga duwan yahay sidaan qabo waa ka muddo dheer yahay oo waa kaas labada sano ku dhawaadka soconaya walina faro kama qodna faanoole. Muxuu kaloo kaga duwan yahay? Ileyn wajiyada is hor fadhiya waa kuwii shirarkii hore is hor fadhiyey (ha ahaadeen kuwa la heshiisiinayo iyo kuwa wax heshisiinaya). Sidoo kale ballan qaadyada is daba dhacaya shirkaan sida ciidamo shisheeye ayaa la keenayaa, hubka la uruurinayaa iyo deeq badan baa loogu deeqayaa Soomaaliya horey ayaan uga dharagnay shirarkii hore, annaguna gorodda ayaan iska laad-laadinaynaa oon wax walba iska rumeysanaynaa, ninbaa laga sheegay sow sagaaro ima barato!! War wallahay waxaanu annagu Soomaali ahaan qabsan ineysan ciddna inoo qabaneyn ee meesha aan ka kacno. War Soomaali isku tasho adigu  oo Rabbi intaad talo saaratid mushkiladdaada xilliso adigu, ileyn horaad ugu maahmaadaye : (hal geel hadday fariisato ninkii leh baa madaxa qabsada, deedna dad kale ayuu  u ciirsadaa si ay dabada ula qabtaan). Anaga arinteena qaaruumo kale ayaa 14 sanno madaxa noo haya annaguna madaxa iska daaye xitaa majaha inaan qabsano waan kari weynay. Lama soo koobi karo dhacdooyinka in lagu cibro qaato u baahan, laakiinse akhristow fadlan waqti yar sii oo aad ku akhrido khabarkaan deg-dega ah maqaalka intiisa kale haddaad doontid ha akhrin:

MAANTA LAGA BILAABO WAXAAN DADWEYNAHA U SHEEGAYNAA RUUXII LAGU HELO ISAGA OO WADDANKA GUDIHIISA GEED KA GOYNAYA OO DHUXUL SHIDAYA IN LAGU XUKUMAYO XARIG DHEER IYO GANAAX BADAN. WAXAAN KALOO OGEYSIINEYNAA GANACSATADA DHUXUSHA IN MAANTA LAGA BILAABO WAX CANSHUUR AH LAGA QAADAYN DHUXUSHA AY DIBADDA KALA SOO DEGAAN OO WALIBA LOO HAWL FUDUDAYNAYO.  SIDAAS DARTEED WAA IN DHUXUSHA AAD KA SOO GURATAAN SOOMAALIYA…………. Taasi waxay ahayd goos-goos ku jirey shir jaraa'id ee uu qabtay nin madaxa oo lagu soo qorey bogagga ugu horeeya wargeysyada ka soo baxa waddankaas, waliba warkaas wuxuu ahaa wareegto rasmi ah. Rabbi tallo ku filan. La iima sheegine waan akhriyey (Wa leysal khabaru kal mucaayanah). Halkaas maxaa kaaga baxay?  Jawaab: In dawlado badan danneynayaan inay Soomaaliya sidaas ku abaado oo aysan marna dawlad ka dhallan.War isku yaxyaxa oo idinku socotee dhallaanka ha dhaxal tirina. Haddaba maadaama aan wada og nahay inay shirarkii hore ku fashil meen dheeshu fiig ma leh haddii aan la I dooran soo ma habboona in meel la isla dhigo sidii laga yeeli lahaa doorasho dabadeed ninkii yiraahda dheeshu fiig ma leh. Qof baa oran dustoor baa jira iyo horey baa IGAD uga saxiixday dagaal ogayaasha oo idil inay u hogaansami doonaan wixii shirkaas ka soo baxa. Taasi socon mayso oo hadday soconeyso horey u socon lahayd ee war Soomaaliyey idinku hor Illaahay cahdi iyo miisaaq kala qaata, intaad dustoor qalaad iyo saxiixaan laabta jirin nagula wareegeysaan. War Soomaali rag hadduu tartamo kolley mid unbaa guuleysan lahaa midkuna qabiil buu ka dhashay, haddii la barbardhacana kolley qori tuur ayaa lagu kala baxaa, sidaas darted haddii nin nasiib xun aad noqoto oo madax weyne laguu doorto (Aragtiday waa nasiib xun yahay ninkii madax maanta soomaali u noqda) waa inay inta kale la shaqeyso si Soomaali dhibka uga baxdo ee aan la oran - adiga iyo waaridkaa alla cadaab bal reer hebel ha kuu taliyo maanta. Qofka taas aaminsan marka horeba inuu madasha shirka tago ma ahan ee waxaa uga fiican inuu iska jabhadeeyo inta noloshiisa ka hartay intuu noqon lahaa nimaan qawl iyo cahdi toona lahayn..

 

Sidee looga hor tagi karaa cudurkaan dheeshu fiig ma leh: waa in haddeer gurmad loo diyaariyo dawrka ugu weyna waxay saarantahay odayaal dhaqmeedyada waayo ninka markuu waayo xubintii uu rabay orannaya dheeshu fiig ma leh, wuxuu isku haleynayaa waa shan wiil oo qabiilkiisa ah, qabiilkiina waxaa hor boodaya waa oday dhaqmeed (khayr allaha siiyee). Marka oday dhaqmeedkii hawl adag baa u taal – Illahay ha la garab galee – waxaanse ducadaas u raacin lahaa yaan la idin qalin daarin. Waa la fataxaytaa haddii meel yamaarug leh (qodax) aad mareyso, yaan la idin aakhiro seejin, qarrankana dambi ha ka galinina idinkoo qabiil kalkaalinaya.

Eebbow IGAD ha nagu haleyn.

Said Warsame (Abu sami)

London - UK

bursaalah@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD