SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Guuldaraddu waa aqbaladda waxqaybsigii Shirkii Carta
Mohamed Cabdi Koronto
koronto01@yahoo.com

 

Waxaan ayaamahan si taxadar leh ula socday qoraaladda iyo haddalada ka soo baxayay madaxda beesha Harti ee ku sugan shirka somalida ee Kenya. Waxaan aad u xiisaynayay jawaabtooda ku aadan sidii xaqdarada ahayd ee gudiga xalinta khilaafaadku xubnihii baarlamaanka ugu qaybiyeen beesha Daarood taas oo u dhacday sidaan:Beesha Harti 27, Beesha Mariixaan 14. Beesha Absame (ogadeen) 12. Beesha Leelkase 5. Beesha Awrtable 3. Waxqaybintaas oo qof walba oo og tirada iyo deegaanka beelaha Somalida garanyo inay xaqdaro cad tahay ayaa isla markiiba waxaa soo baxay diidmo qayaxan oo arintaas ay uga dhiidhiyayaan horjoogayaasha beesha Harti ee Shirka oo ay ka mid yihiin C/laahi Yuusuf, Cawad Casharo, Bardacad, Gen. Cadde, Xasan Abshir, Cali Jaamac Jengali, c/risaaq Doorqun  iyo rag kale oo Badan oo u ka mid yahay Gen. Moorgan naxdina meel cidla ah la fadhiya. Waxyaabihii ragaas ku hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa in guddiga waxqaybiyay aysan ahayn kuwo aqoon u leh beelaha Somalida iyo inaysan waxqaybsigooda ku salayn sidii hore wax loogu qaybin jiray beelaha Soomaalida. Beesha Mariixaan ayaa wali iyaduna kuma qanacsanayn sida wax loo qaybiyay iyagoo og inay buro sitaan. Sabab? Yaa garan kara…waa loolan qabiil. Oo hadii beesha Mariixaan sidaas u ficilo badan yihiin aaway xoolihii Xamar looga qabsaday? Jawaab caqli gala loo heli mayo arintaas oo salfudaydka iyo caadifooyinka qabiilku ujeedo iyo aragti la fahmi karo ma laha.

 

Arinta Haddaba iga wareerisay oo aan aad uga xumaaday ayaa waxay tahay in madaxdaas beesha Harti shirka u jooga ay sheegeen inay aqbali lahaayeen haddii sidii shirkii Carta wax loo qaybin lahaa oo ay sidaan u dhaami lahayd. Maxaan arintaas ula yaabay? Sida laga yaabo in dad badan xasuusan yahay Shirkii Carta Beesha Harti waa ay qaadacday gabi ahaantiis wixii ka soo baxay, mana aysan ka qaybgalin marka laga reebo kuwo dhuuni qaatayaal ah. Sababta ugu weyn ee loo qaadacay shirkaasna waxay ahayd sida wax loo qaybiyay. Qasaare ka wayn miyaa jira 4 Sanno ka dib shirkii Carta iyo iyo 7 sanno kii Qaahira in Madaxda Puntland ku haddaaqaan in sidii Shirkii Carta wax nalooku qaybiyo. Waxaa taas ka sii daran markii aan maanta ka akhriyay website-yada Allpuntland iyo Mudugonline warbixin qaybtii ay beesha Harti ka heli jirtay Dawladihii hore, ayna soo raacsheen shaxdii shirkii Carta beesha Harti oo aan ka fahmay inayba leeyihiin malaha war Cartadeena wax hanalgu qaybiyo. Oo maxaan beenta isugu sheegaynay?

 

Haddaba Ciddii dhego leh ee wax maqlaysa aan u sheego siday arintu tahay: Somali qabiil ayay isku dagaashay. Dagaalkaas sababta ugu weyn ee uu dhacay waxay ahayd in beesha Harti hoos loo dhigo qaybta muhiimka ah ee siyaasad ahaan ay kaga jirto dawlad kasta oo dhalata. Rag baa arintaas ka shiray(u qayilay) Waxay soo saareen qorshe arintaas wax looga qabanayo. Waxay u bixiyeen habka 4.5 ee wax qaybsiga beelaha. Taas oo ah in hadda ka dib wax loo qaybsado qabiil ahaan, 4 beelood oo waaweyn(Daarood, Hawiye, Raxanweyn, Dir iyo nus beel la siinayo beelaha laga badan yahay) qaab xisaabeedkaas ayaa laga soo dhirin-dhiriyay maanta sidaan wax loo qaybiyay. Qaacidadaasi waxay soo bilaabatay 1997 iyo shirkii Qaahira oo beesha Harti ku gacansayrtay. Waxaa qaab xisaabeedkas ka soo baxay tusaale ahaan in beesha Ciise ee dirta waqooyi hesho 8 kursi… Maxaa ku soo hagaagi doona Saleebaanadii?. Ninbaa laga sheegay; “Annagiyo Saleebaanadii waa na sidateeyeMaxaan lagu diiday shirkii Qaahira iyo shirkii Carta? Maxaa Puntland isugu kalsoonan la’dahay oo ay ugu soo jeesan waayeen horumarinta deegankooda inta la helayo cadaalad?

Su’aasha qofka caqli lihi isweydiin karo ayaa waxay tahay maxaa beesha Harti uga qaybgashay shirka Kenya iyagoo ogaa arimahaas? Jawaabta waxaan umalaynayaa inay u dhawdahay oo laga agraadin doono dadka madaxda u ah beesha ee lahaa go’aanka ay kaga soo qayb galeen shirkaan lagu duudsiyay xaqoodii.

 

Maxaa la gudboon beesha Harti maanta? Waxaan oran lahaa laba mid ayaa la gudboon: 1) Inay ogolaadaan xaqdaradaan, ogolaadaan in siyaasaddii laga badiyay, ayna illaahay ka baryaan in la helo Dawlad Cadaalad ah oo wadanka ka abaabusha doorashooyin iyo tirakoob taas oo ah sida kaliya ee beel walba ku helayso xaqeeda. 2) Inay siday hadda ku hanjabeen ka dhabeeyaan oo isaga baxaan shirka oo sida ugu dhaqsaha badan wadankoodii ugu noqdaan haddaan arinta wax laga qaban. Waxaan hubaa in iyagoo isku duuban hadday ka baxaan shirka aan Dawlad ka soo baxayn shirka sidii dhacday Carta, cidinana ku qasbi karin inay qaataan xaqdaro cad.

 

Mohamed Cabdi Koronto
koronto01@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD