SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hadaad Dowlad Heshaan Diinta hala Dagaalina

By:c/llaahi xuseen (makalangow@hotmail.com ama kalangow@yahoo.com)

 

Waa mowduuc Yool Durugsan Doqonse waa moogtahay,Waa dardaran qotodheer dadkuse inta badan ayan dareensanayn,waa dadaal muddo kar ah laakin si dalanbaabi ah laysu Dhaafinayo,waa dowga kaliya ee dadkan dulloobay lagu soo dabaali karo,waa dariiqii inta laga weecday ee sawabtiisa damaarkan kuyimi,waa midda aydantu umaddanu kujirto markan iyo markastaba,waa daleelkii markii aan duminay uu dayacanu inagu yimi,waa midka qura ee  dartii daartan dunida nalooku dul uumay diidnayaa ama doonayaaba.waa midda ayan labo isku diidanayn inuu daawo inoo yahay.

allow yaa inooga diga markaan iska dayacaynay saa dulmigan isuma aanu dilneene,allow yaa inoo dardaarweriya markaan katanasulaynay oon koodisho kadoorbidaynay maanta anagoo dadka ugu dooroon ayaan dunida dacal kaga naali lahayne,allow yaa inoo diriteeya goor hore cadligiisa ayan ku daaqi lahayne,allow yaa inagu dabaqabta hadda daryeelkiisa ayaanu diiftan kaga bixi lahayne,

allow yaa diinta nagu haga waanu uducayni lahayne,allow yaa duxdeeda inoo maala waanu daba geli lahayne,allow yaa daacad kanoqda ku dhaqankeeda dadkuuba ugu sare mari lahaaye,allow yaan ladiririn diinta,allow yaan xirxirin dadkeeda,allow yaan gaalo uloogin.alow...allow....allow....
 
waa iska  lisanul xaalka dadka samaha jecel iyo inta caqliga fiican usaaxiibtay,waxanse oga danleeyahay afeef, waayo hora loo yiri ama afeef hore lahow ama adkaysi dambe lahow,dadka soomaalida ah iyo dowladda udhalandoonta (hadayba nasiibkaas yeeshan)ayaan oga digayaa inayan diintooda ladiririn ducaadda diintana cadow unoqonin,maxaa yeelay waxan xusuusanayaa darxumadii laga dhaxlay taas,waa laga yaabaa inay dadku qaarkood biciidsadaan arintan,ama ay rajman bilqayb kasoo qaadaan,laakiin waa arin iska cad inay aakhirka fashilmi doonaan cidkasta oo alle diintiisa iyo dadkiisa dagaal u iclaamisa,wxan filayaa in ay arintaasi marag madoonto tahay,waayo taariikhdaa umarag ah cidkasta oo wax kadarasaysay halka ay kubiyo shubteen siraac kasta oo dhex maray xaqqa iyo baadilka ,waxa kaloo iyana arin iska muuqata ah ciddii diinta wax kataqaanna cimi dhagoodba alla hakadhigee goodiga loo yaboohay cidkasta oo isku dayda inay dulmi kuwajahdo xaqa,iyo gargaarka meel oolka u ah ciddii raacda oo saacidaysa xaqa.
dadka amma dawaaqiidda wax xukuma intooda bdan way iska adag tahay inay dadku ka raaridaan sidii dagaal qayaxan loogu qaadi lahaa diinta iyo inta sida dhabta ah ugu dhaqanta ,hase yeeshee geed ayay ugu soo gabadaan oo marba wax aan jirin ayay marmarsiinyo kadhigtaan markasay duufsadaan waxmagratada iyo inta garaadkooda hooseeyo si ay birta oga aslaan xaqa iyo inta ku taagan,hase yeeshee maxaa dhaca?akhristow ma iswaydiisay waxa dhaca marka uu baadilku duulaan cirka iyo dhulka ah kusoo qaado xaqa?welise madhacday oo taariikhda malagu hayaa in baadilku guulaystay guulaysi taam ah oo dhamaystiran oo xaqiina meesha laga saaray saarid an soo noqosho lahayn?waxa laga yaabaa inay dadka maangaabka ah intooda badan maskaxdooda kuqafilan tahay dhibaatooyinka iyo imtixaanaadka ay marayan saalixiinta markasta iyo marar badan oo dulmiga iyo darxumada loogu gaysto dariiqa alle ay ufahmaan guul baadilku gaaray,fahamkasina waa mid khaldan marka lasaaro miisaanka dhabta ah ee qawaacidda guusha iyo guuldarada.waxase kugu filan hadad kamidtahay kuwaas uu fahamkoodu hooseeyo tusaalahan.imisuu suulay badil xoogbadnaa oo arlada ku qooqayoo cayrsanayay xaq tabardarnaa oo liita iyadoo uu xaqiina baaqi noqday.meeshatanu waxa laga hadlayo waa ciribta dambe iyo caaqibada yaaleh?waxanan filaya inadan adigu jawabta su aashas kabadin karin kii lahaa koomkan iyo inta ku uuman  oo caaqibada iyo ciribta dame siiyay kuwa xaqa kutaagan markasta.imisa la arkay badil xoog badnaa oo awood waxa looyaqaano urursaday oo waqti kadib meel lagu sheego lawaayay,halka xaq daciif ah oo si kasta oga tabardarnaa uu muddo kadib intay doontaba ha la ekaatee uu  si mucjiso ah ucamimay cariga oo uu baqi noqday .
taasina waa sunada alle oon marna ayan dhici karin wax khilaafa.
waxan xusuustaa hadan tusale yar halkaas ku laro,aniga oo kamid ahaa kuwa ugu da,da yar kooxdii fanka ee horseed miyusikadna ugaawin jiray,mar anu qaadaynay hees kamid ahayd kuwii uu markaasi kula dagalayay diinta iyo dadkii fidinayay nidaamkii jaalle siyaad waxanaba iska caadi ahayd sida uu og yahay qofkasta oo soo gaaray ama kucaqlistay nidaamkaas marka uu arin damacsan yahay wuxuu kashan jiray suugaanta.bal ila eega heestan oo aan kaxusuusto xoogagan dhab ahantiina kamid hayd waxyaalha aniga markii dambe igu kalifay inay saamayn igu yeelato oon kadhiidhiyo dulmiga dabdeedna aan markii dambe kusoo biiro kuwaas lacayrsanayay muddo kadib.
halku dhaggu heestu wuxuu ahaa seeftii dilkiina,miraheeduna waxan kaxusuustaa.
 
Bidciyada ladiriyow diinta iyo dadkoodaba sunuud lacag kadoortyee,
duruflay yahuud iyo kiristaha dugsadayow,dadku idin ogaayee,
seeftii dilkiinaa yaa idin dulsaarane maadse dib oga noqotaan intaan dadku kula tagin.
dadkiinaas ayaad tihiin uu wahaabi soo diray,hablaha qaar kadoorshee dabool wayn kurogaye dabadeed salaaxdaan,dadku idin ogaayee,seeftii dilkiina yaa idindulsarane,maadse dib oga noqotaan intaan daadku kulategin,
dadkase nebiga diiday ladagaalay weligiii,waalidiinta darajada xusaskooda diidoow dadku idin ogaayee,seeftii dilkiina yaa idin dulsaarane maadse dib oga noqotaan intaan daadku kulategin.culimadeena dowrka ah diintana wakiilka ah ayaa idinku daba jira,duur hadaad gashaan iyo derbi hadaad kaboodaan,way idin daydayayaan oo durba waydin soo qaban.seeftii dilkiinaa yaa idin dulsaarane maadse dib oga noqotaan intaan daadku kulategin.
 
Bal akhristow iswaydii ma udhaceen wax sidaas uu baadilku ku goodiyay mise arintii caksi ayay noqotay?tariikhdaa marag ah,arintii waxay noqotay in baadilkii burburay,xaqii iyo ragiisii yaraa ee  lacayrsanayayna guulaysteen oo maanta iyaga daahir ah,oo waa kaas dacwadoodiina tanaaday ilaa ay kusoo biireen qaar kamid ah kuwii ladagaalamayay oon anigaba kamid ahaa.

marka arintan waa namuudij ay kuwaano qaadan karaan dadka iyo dawladaha imaan doona hadiiba alla qadaro,waxaan dhihi lahaa haysugu dhowaanina ladagaalanka diinta horay ayaa loo eedaye,oo kolayba hadaydan idinka ugargaaraynin,xoriyad siiya oo faraha kaqaada kuwa fidinaya ,ha usamaynina koofiyad castii iyo nsstii jaalle siyaad oo kale,hobalada waaberi iyo horseed ha udirina si ay hees lagula diriro ugu qaadaan,ilaa waa la eedaye.oo kolayba hadaydan diinta wax ku xukumaynin,hala diririna,markaas waa laga yabaa inaad iska sii jiri kartaan xataa xiin inta ay dadka aad xukuntaan diinta kafahmayaan oo ay iyaga idinka codsandoonan inad si shuruud la,aan ah ugu xukuntaan,ogoobey hadaydan diinta faraha lasoo gelin oo aydan cadowga alle iyo gaalada aydan kala qayb qaadanin ladagaalankeeda iyadoo halkudhaggu yahay argagaxiso,ood wax uun cadaalad samaysan,waa laga yaabaa inaad xoogay kusii firigfirglaysaan cadaaladaas,sheekh ibnu taymiya oo culimadii salafka ka mid ahaa waxa laga sheegay (dowlad kaafirad ah waxa laga yabaa inay cadligeeda kudhisnaato,halka dowlad mu,minad ah laga yaabo inay ku burburto dulmigeeda).waxan ku soo gunaanadi lahaa,dadku hanoqdeen kuwo usoo daadega xaqiiqda dhabta ah iyo waxyiga samaawiga ah,hana iska daayeen oo yeyan ku kadsoomin dhaldhalaalka iyo huuhaaga ladhoodhoobayo een salka udhigneen hana ogaadeen inay guushooda ku xiran tahay hadba inta ay ujirsadaan manhajka samaawiga ah.si ay unoqdaan dad liibaana oo ku badbaada labada daaroodba.

 
By:c/llaahi xuseen (makalangow@hotmail.com ama kalangow@yahoo.com)

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD