SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Nadwooyinka ku dhisan Diinta islaamku ma noqon doonan Halbeega Hagaajinta Bulshada Islaamka ah?

Raage Osman
Cairo,egypt
<raage6@hotmail.com>

Casrigan ay manta dunidu marayo ayaa ah mid keena ismaandhaafyo badan dhankasta hadey ahaan lahayd diin, dhaqan, iyo waxkaleba, casrigan manta oo lo yaqaan casriga cawlamah ama globozitaion ayaa ah mid dadka qaarkiis aamineyn inuusan suurta gelinayn in badan oo ah hagaajinta mujtamaca, waxaase muuqata taaasi inay tahay qalad marka an eegno diinta islaamka.Qofkasta oo dalmar ah amase ku nool galbeedka wuxuu dareensan yahay sida dhaqanka galbeedku yahay amaba laga yaabo in dadk islaamka ah qaybtood ay ku dhaqmaan taaso ah keli noolaansho, dadkii la socday kacaankii warshadaha ee kku yimi galbeedka, wuxuu u keenay dadkii xiligaas joogay dhibaatooyin badan oo ay ugu weyn tahay kala taga bulshado oo ah in qoysaskii ama dadkii qaraabada ahaa ay kala durkaaan iyadoo qofwalba uu iskiis u shaqeesanayo madama ay shaqooyinkii noqdeen wax la helayo taasna ay keento in aabaha iyo caruurtiisi uu ad u yaraado xiriirkoodi waalidnimo.

hadaba hadan u soo noqdo Somaliya iyo mawduucayga Nadwada Puntland oo si aad ah maanta diinta islaamku ugu fiday ama si fidayso taasne uu ilah leeyahay abaalkeeda ka dibna intii ka shaqaysay ayaa waxaa hubaal ah inay in badan ka geysanayso isbedelka iyo hagaajinta mujtamaca. dadka yaqaan cilmiga bulshada waxay casriga manta ah ku magacaabeen casriga danaysiga ama intrest uu qof walba fiirsado taaso ay sheegeen inay keentay isbedelka bulshadeed ee ku timi wadamada galbeedka taaso aynu maanta arki karno dhibta ay ku hayso oo an laga aqoon xiriirka qoyska ama u ku wada dhacay cudurka kala tagtaga bulshada, arintaas oo ku noqotay musiibo ama balaayo la so deristay ayey ilaa maanta xal u la'ayihiin. iyagoo taas ka duulaya ayey samaysteen ururo bulsho si ay u hagaajiyaan bulshadooda una xakeemaayan kala tagtagan bulsho ee sii fidayaa, waa meel aan diin ale lagu hayne waxaa la sheega in ilaa maanta aysan waxba ka bedelin ururo bulshoodkooda ay samaysteen taasi ay sababteedu ku sheegeen xata raga u ah wadaada ee faafiya diint kiristaanka in ay tahay diiintii o ay ka tageen dadkoodu ( waa diintoode'e).

Umaddeena Muslimka ah

Hadaba umad kastaabi leh dhaqankeeda, aqoonteeda iyo fikirkooda diimeede'e, umaddeena islaamka ah waxay salka ku haysa diin an nuqsaan ahayn, isbedelkasta ee ka dhaca dunida waxa hubaal ah inuu la yimaado amaba ay barbar socdaan isbedel bulshadeed taaso bulshada bedesha dhankey doonto ha ubedeshee, hadaba umadeena islaamka ah waxaa hubaal ah in ilaah ku manaystay nimco tii ugu saraysey taaso ah diin koobaysa dhamaan qaybaha bulshada iyo hagaajintooda. isbedelka caalamku la yimaado sidan horey u so sheegnayba waxaa ka mid ahaa kala taga qoysaska ama waxa loo yaqaan (tafakuk al-usrah) hadaba diinteena islaamka ayaa ah waxa keliya ee umada islaamka ka babbaadisay inu ku dhoco cudarkaas taaso ilaah kaga sheekeeyey xuquuqda qoyska iyo xiriirkooda iyo sidey alle agtiisa uga leedahay qiimaha weyn, waxaa hubaal ah haddii reer galbeedku diinta islamka fahmi lahaayeen in cuduro badan oo ku dhaca bulshada ay ka badbaadi lahaayeen taasne aan ku sheki ku jirin, hadaba Nadwooyinkan ka soca gobolada puntland hadda-horeyna uga dhacay kuwo la mid ah somaliya-waxaaan sheki ku jirin in ay wax badan ka bedelayso korne u qaadayso wanaajinta umadda taasne ay tahay mida keliya ee lagaga badbadi karo dhibta iyo qalooca ku yimada mujtamaca. umadkastaaba leh dhaqankeeda mar haddi reer galbeed samaysteen ururo bulsho kuwaaso ku dhisan qaanuun la dejiyey madankoodna ayba cadahay siday u garab marsan yihiin halbeega hagaajinta bulshada ayaa waxaa laga marmaan ah in hagaajinteena bulshado ku dhistaano diinta islaamka inagoo ka turjubo qaadanysa kuwas hore oo an ognahay sababta ay u najixi waayeen iyado ay keentay fashalkooda diin la'aanta ay ku shaqeenayaan.hadaba culimada islaamka waxa xil gaar ah ka saaran yahay hagaajinta islaamka waxaana lagama marmaan ah in la siii wado hagaajintooda taasne laga hormariyo waxkasta markaasne loogu si gudbo diinta inteeda kale.

Raage Osman
Cairo,egypt
 <raage6@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD