SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hoogaha, yaa la Harti ah
Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK

 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Soomaalidu markay arkeen naxariista dumarka iyo sida ay isu bed-bedelaan ayey soo tiriyeen gabayo ay ku jiraan meerisyo ka hadlaya arrintaas. Waxaa ka mid ah tuu Cali Dhuux lahaa:

· Haweenkaan dhankii loo dhigiyo dhinacna diideyne
· Dhedigoodshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada e
· Haddaysan dhiilka caanaha ah lahayn laguma dhaarteene.


Waa isagii isna Abshir Bacadle lahaa:

· Duf ku baxa ilayn caamo waa dumarka noocooda.


Sidoo kale Khaliif Shiikh Maxamuud wuxuu yiri:

· Gabar caalim kuu meheriyey waa inaad caruustaaye
· Inay cayshka kuu soo dhigtiyo gogol cas mooyaane
· Codkar lagama dhowriyo haween geesi caan baxaye.


Inkastoo seddexda gabyaaba aad mooddayso inay dumarka liidayaan laakiin anigu waxaan ka fahmayaa in naxariistooda darteed lagu caayayo. Dumarku waa dad naxariis badan oo qalbi jilicsan. Waxaa dhici karta in arrintaasi ka mid tahay waxyaalaha loogu diiday inay hogaamiye noqdaan ama qaaddi. Arrintaas darteed ayaad ku arkaysaa in suugaanta Soomaaliyeed ay caay u miistay dumarka. Ma u malaynaysaa in hooyo qaaddi ahi ay qof dil ku xukumi karto? Wey adagtahay, marka si aan naxariistaas dambiilayaashu uga faa’iidaysan inta isu boohiyaan ayaa la yiri hooyo adigu iska dhaaf kaalintaas ee waxaad tahay qof marka adiga iyo aabbuhu sinmaan aad adigu kow tahay markay noqoto qofka soo dhowaynta koowaad iyo saaxiibtinimada leh.

Waxaan shaki lahayn qolada uu kornayl C/hi cir-bixiyeen u yahay inuu gabal u dumay; waxaana cad inaysan lahayn cid uga miciinta ninkaas. Xitaa hadda waxaa la waayey odayo-dhaqameedyadii marxaladdaan oo kale loo baxsan jiray.

Su’aasha aan qabiilkaas weydiinayo waxay tahay goormuu kornaylku Harti u damqaday? Maxaanse dumarka keliya u cayrsannaa? Miyeynaan xasuusan markii bilo ka hor la yiri hala soo xulo hogaamiyayaasha siyaasadda ee Soomaaliyeed qaar ka mid ah si ay axdi-qarameedka ugu saxiixaan qasriga madaxtooyada ee Kenya? Marka bulshada rayidka laga reebo, yey ahaayeen nimankii halkaas wax ka saxiixay? Aan xusno magacyadooda:

1. Maxamed Dheere
2. Muuse Suudi
3. Maxamed Qanyare
4. C/Qaasim oo madaxweyne ahaan u fadhiyey waxaan u saxiixay wasiirkiisa 1aad
5. C/hi Yuusuf.

Imisaa Daarood ah iska daa Hartiye? Ma garanaysaan waxa C/hi oo maqiiqani halkaas ugu jiray? Waxaa khiyaamay C/Qaasim oo ku yiri: C/hiyoow waxaad noqonaysaa madaxweynaha, anna waxaan noqon ra’iisul wasaare; marka haddaan labadeenu israacno ma jirto cid na hollin karta, marka ii ogoloow inaan xafladda madaxweyne ahaan u soo xaadiro, adna tag meesha oo saxiix. Haddii C/hi xukun jacayl u sharfay C/hi maxuu hadda u haystaa qabiilo kale oo Daarood?

C/hi wuxuu is yiri si aan Daaroodku kuugu dhibin soo xulka baarlamaanka, waa inaad ka dhowrtaa in qof ka mid ahi maalintaas uu wax saxiixo isagoo cid matalaya. Waa la ogaa ceebtii ka dhacday iyo in kornaylku yiri waxaan saxiixnay waraaqo cad-cad!

Haddeertaan oo kornaylku Harti u doodayo oo uu leeyahay xubnaa ka maqan, haddii la yiraahdo jago saraa lagu siine naga aamusi ergadaada wuu yeelayaa; waxaadna arki doontaa Casharo iyo Xasan Abshir oo leh waan u tanaasulnay walaalahayaga Daarood!

Horta intaan C/hi Harti ahaan noogu doodin, ma xasuusannaa dowladdii uu Puntland ka soo dhisay dhowaan? See buu usoo dhisay? Dekedihii, garoomadii diyaaradaha, kalluumaysigii iyo ciidankiiba wuxuu ku koobay jufadiisii ama oday ama labo gaboobay. Xitaa beelo dhan oo aad usoo dhoweeyey markii hore buusan waxba u magacaabin, qaarkood hadday leeyihiin waxaan taageeraynaa siyaasiyiin kale ama waan goosanay degmooyinkayaga, marka “nin hooyadiis qorrax u jiiday miyaa aayadi hoos harin”?

· “ U digay oo u digay oo duulka waa loo danleeyahaye
· dabada ha iska raacshee bal maan daysto hadalkeyga”


Gabyaa kale waa tuu lahaa:

· “odayaal dhitaysigu murtidu waa dhabcaalnimo e”


Runtii waxaan ku faraxsanahay inaan dadkayga uga digay in ninkaasi uusan kheyr u galayn sidoo kalana uusan Soomali kale usoo dhowayn karin.

Waxaa maanta Hawiye iyo Digil iyo Mirifle sharaf u ah inay waxoodii qaybsadeen halka Daaroodkii u xukun tageen daaquut (IGAD). Ceebta kale waxay tahay iyagoo diiday xukunkii!

Talo: Waxaan ku talin lahaa haddii Hartigu leeyahay culumo, odayaal-dhaqameed, waxgarad kale, dhallinyaro, iyo haween fahmay caqliga kornaylka inaynaan u noqon jaranjaro uu C/hi ku gaaro xukun jacaylkiisa. Isaga iyo ergada la socota ayaa qaatay go’aan ah in IGAD wax qaybiso dabadeedna way qaybisay marka waa in qaybta la qaataa. Soow innagu ma dirsan?

Dhowrka qof oo Hartigu leeyihiin waa naga maqan yihiin yaa siisay? Ma qaalli Huurshe? Si kastaba ha ahaatee shantaas qof halaga jaro qolyaha C/hi ka dhashay iyo kuwii taageeray. Waxaan soo jeedin lahaa in 5-taas qof seddex ka mid ah laga qaado qaybta ay heli lahaayeen Maxamuud Saleebaan; halna laga jaro Dhulbahante; kan kalana reer Bicidyahan.

C/hi wuxuu aad uga helaa meerisyadaas uu Khaliif yiri ee ah:

· Gabar caalim kuu meheriyey waa inaad caruustaaye
· Inay cayshka kuu soo dhigtiyo gogol cas mooyaane
· Codkar lagama dhowriyo haween geesi caan baxaye.


Wuxuu u haystaa in dadka Puntland jooga oo dhami aysan wax ka qaadi karin oo inay isaga u khidmeeyaan oo dantiisa u qabtaan maahee aysan ka hor imaan karin. Haddaad beentay mooddaan markasta oo Mbagathi wax ka soo baxaan haddii C/hi ku farxo iyo hadduu ka naxaba waxaa Puntland laga sameeyaa bannaan-baxyo arrimahaas ka turjumaya laakiin haddii C/hi dilo boqolaal qof, ama suldaamo toogto ama culumo Amxaaro u dhiibo ama masaajid albaabada u laabo ma jirto cid muddaharaad samaysa.

Hartiga waxaan u sheegayaa in Daaroodku ama Soomaalida kale aysan ahayn dad C/hi dilooday laakiin ay yihiin dad xisaabtamaya oo aan gabayadaas kore qabanayn.

Marka waxaan siyaasiyiinta Hartiga ee Kenya jooga kula talin lahaa inay 27 qof qaybsadaan, C/hi ha yeelo amase yuu yeeline.

Ma filayo inay jiraan qolo Harti ah oon haysan siyaasiyiin ka fiican C/hi, marka qabiil kastoow ha u dulleyn siyaasiyiintiina C/hi. Mar horaa qolooyin siyaasiyiintood u dulleeyeen C/hi ilaa haddana C/hi waxba ma hayo.

Madaxweynanimadu ma ahan wax Harti baxsho ee waa wax Ilaah baxsho.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD