SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL

 MA AKHRISEY MAQAALKII SHACTIROOLAHA..?

w/q faysal cadicasiis cabdalla, mogdishu somalia
faymush@hotmail.com

 31/07/2004

Maqaalka waxaa ciwaan looga dhigay: CABDIQAASIM IYO TARTANKA MADAXTANIMADA, waxaana lagu soo daabacay bogagga WEB-ka SOMALI TALK iyo Wargeyska AYAAMAHA maalinlaha ah ee ka soo baxa Muqdisho.

Waxaa qorey Maqaalkaasi Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo fadhigiisu yahay magaalada London, hase ahaatee dad badan oo wax akhriya isla markaasna akhriyey wixii uu ku falaadey ninka isku sheegey qoraaga waxa ay ku sifeeyeen inuu yahay SHACTIROOLE ISA SOO SHAAC BIXINAYEY.

Maxaa lagu yaqaanaa haddaba ninka sifadaas oo kale yeesha? Waa Beenlow, inta badan laguma kalsoonaado qoraalkiisa, waa marka saddexaadee waxaa muuqata cudur xun oo u diidaya in uu qof sameeyo horumar, wuxuu taasi ka jeclaan lahaa sharaf dhaca iyo inuu qiimo tiro qofkaasi.

Haddaba qoraaga lagu nisbeeyey SHACTIROOLAHA waxaa intaas u dheer aqoon dari, waa nin haddana ay la tag-tey caadifad qabiil iyo laab la kicid, wuxuuna isku qaldayaa danta guud iyo tan shakhsiga, waxaa ka lunsan markaasi in uu helo marka uu qof wax ka qorayo xogta dhabta ah iyo taariikh nololeedkiisa.

Intaas kaddib, markii aan akhriyey maqaalkii taxanaha ahaa ee ka qorey Md. Cabdiqaasim waxaa labadii saderba dhexdooda aan ka dheehday naceyb fog in ay ninkaasi ku aasan tahay, taasoo aan u fahmey aargoosi qabyaaladeed markii uu wax kale qaadi waayey.

Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu ka mid yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaqa u leh in la doorto iyo in uu wax doorto, markaasi cidna kama qarsoona taariikhda taxanaha ah ee uu ku leeyahay dalkiisa, muddo dheerna waxa  uu ku soo jirey arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, isagoo markaas door muhiim ah ka soo qaatey dhismaha dalkiisa.

C/LAAHI YUUSUF IYO TARTANKA MADAXWEYNE
Waa qormadii qiimeynta tartama-yaasha jagada madaxweynaha dalka Soomaaliya ee 2004.... Guji

Tuulada Carta waxaa labadii kun loogu doortey inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, doorashadaasi waxaa ka dambeysey gogol xaar badan sidii shacbiga Soomaaliyeed looga saari lahaa mugdigii uu ku jirey, ayna horseed u ahaayeen qab qablayaal dagaal, laakiin Md. Cabdiqaasim marna kuma sifoobin dagaal ooge iyo khiyaamo Qaran, taariikhda ayaana caddeyneysa qof waliba wixii uu galey.

Isma dooran ee waa la doortey, waa run markaasi in dowladdii lagu soo dhisey Carta kaddib ay la kulantey dhibaatooyin fara badan, waxaa ka shaqeeyey cadowga ummadda Soomaaliyeed, kooxo Soomaaliyeed oo ku filan jalaafooyinka ayaa lug weyn ku lahaa, waxeyna hor dhigeen caqabooyin ka hor joogsadey socodkii bilowga ahaa ee siyaasadda KMG ah.

Md. Shactiroole, markaad qalinka kula ordeysay maqaalkii aad ku dheeraatey aflagaadada Madaxweynaha, waxaa muuqatey in  uusan aheyn maqaal nuxur leh oo barakada qoraalka laga qaadey.  Waxaad u adeegsatey ereyo aad marna marisey malab mar kalena dacar, yaa kaa caqli xun haddaba, wey muuqatey in ay daruufahaaga ciil baxa ah iyo carada, laakiin ma aheyn in aad kula dul dhacdo mas’uul sare oo bulshadiisa sharaf ku leh.

Aan is weydiinee, ama ma is weydiisey, muddadii ay dowladda ku meel gaar ka ay jirtey in ay heshay taageerada beesha Caalamka, ma baartey in ay dhaxashey dowladaasi dhul ka bad baadey bur bur iyo dagaallo sokeeye, maskaxdaada maka shaqeysiisey in ay ka badbaadey shirqoolaha diblomaasiyadeed ee xukuumadda Melles Zenawi oo ayadu ka turjumeysa siyaasaddii fogeyd ee ABASIINYA.

Adigu ma ogid, laakiin waxaa kuu muuqda waxa xun sheegistooda oo laga fogaado, ma waxey kula tahay Shactiroole in ganacsatada Muqdisho iyo Hoggaamiye kooxeedyada in ay caleemo qoyan ku soo dhoweeyeen dowladda KMG ah markii ay is tiri wax ka qabo dhibaatada shacbiga ku dul habsatey.  Ma maqal miyaa doorka ay dowladda ka qaadatey dib u heshiisiinta..?, Dowlad maxey ku shaqeysaa? Su’aalahaasi jawaabahooda ma baartey.

Dowlad kasta waxa ay shacbigeeda ugu adeegtaa dhaqaalaha ka soo gala canshuuraha, dowladda KMG-na mowduucaasi uma hirgelin, waxayna ka mid tahay caqabooyinka lagu hor gudbiyey.  Waryaa yaa ku shaabadeeyey in meelo ka mid ah dalka ay ka jiraan xeryo lagu tababaro argagixisada.

Ii sheeg Shactiroole haddaad adigu ahaan lahayd Madaxweynaha J.S. intaas oo dhibaato ahna aad la kulmi lahayd malaha qeyladaada waxaa laga maqli lahaa dacalada adduunka, waxaana laguu fahmi lahaa in aad tahay fuli daalim ah, oo gacmaha kor u taagey isagoo leh “Waxba waan qaban waayey, waan is casiley”.  Ma tihid markaasi mas’uul ummadeed oo dulqaad leh oo la qeybsada dhibaatada shacbigiisa.

Waxaad ku deg degtey dhaliilaha aan jirin ee Md. Cabdiqaasim, waxbaad  iska qor qortey, waad bururtey, mana ogid waxaad la bururtey, laakiin waxaad soo gashey in nin waliba saarkiisa loo tumo.  Shacitoore ma aha mas’uuliyada qoraaga sidaasi, waa ka fog tahay, waa qof dhaliilahiisu ay wax dhisaan, waxaa adiguse kaa darnaadey kuwa kuu faafiyey wixii aad ku falaadey oo aan ka fikirin in ay dib ugu soo laabaneyso.

Maqaalkii Gardarro ee aad ka qortey Md. Cabdiqaasim waxa uu ahaa mid ka sii liitey qof aan wax qorin, waa nasiib darro markaasi in adiguna aad xisbigaasi ku biirtey adigoo ku faanaya in aad LONDON jooga.  Dhanka kale markii aad Muqdisho soo caga dhigatey adigoo London ka imaanshahaada kula weyn tahay waxa aad dhaliishey waddada WADNAHA oo ku burburtey  dagaalladii sokeeye, ma laha ma tihid Muwaadin Soomaaliyeed oo dalkiisa u soo hiloobey, waxaad u hadashey, sidii adigoo aan u dhalan dalka, taasna waxey caddeyneysaa in lagaa siibey markii aad London tagtey xididkii wadaninimada.

Aad baan uga xumahay, in aad ka faa-fisey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wax aan u qalmin, bal u fiirso waxaad qoraalkaaga ku caddeysey in uu kugu soo dhoweeyey Madaxweynuhu xarunta Madaxtooyada, waxaan qiyaasayaa in laguu soo dhoweeyey si baahsan, laakiin adigu xaqiiqadu waad ka fogaatey, waxaadna ka boodey dhammaan qodobada asaasiga u ah SAXAAFADDA, xagee bey ku qoran tahay in anshaxa laga tago oo eex loo gudbo, taasi micnaheedu ma aha in si KMG ah looga soo qaatey fasax saxaafadda af lagaadada iyo qiimo dhac qof  loo geysto.

Ma laha Soomaali Talk tababar saxaafadeed kuma siinin, intaan waad dhaami laheyd, qabyaaladna kulama fogaateen.  Iga raali ahow waxaad ii sheegtaa bisha iyo maalinta uu Muddane Cabdiqaasim booqashada ku tagey dalka Itoobiya intii aan loo dooran Madaxweyne-nimada..?, adigu been baad ka sheegtey, goormuu noqdey Wasiirka Waxbarashadda..? Ma kala taqaanaa Tacliinta sare iyo Waxbarashada..?, Cakuye aqoon la’aaneey suxuufi aan dalkiisa waxba ka aqoon laakiin ka sheekeyn kara luuq luuqyada dalka Ingiriiska, kaasoo kale waa qasaare, iga dhaaf ma rabo inaan ka sii hadlo qof isaguba liita ee caloosha ka buka.

Shacbiga Soomaaliyeed, bur-burkii ku dhacey ka sokow, waxa uu tobaneeyo sano ka maqnaa golayaasha caalamka, haddii aaney dhicin dhawaaqii Sep-1999 ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaga dhawaaqey fadhigii guud ee Qaramada Midoobey isagoo ku ballan qaadey in Soomaaliya dowlad u soo dhisi doono, haddii aan la helin dulqaadkii xukuumadda iyo shacbiga Jabuuti, haddii aan 2800 ee ergeda Soomaaliyeed ee Carta ku shireysey isu tanaasulin, ma dhismeen golayaasha barlamaanka iyo xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya lama doorteen Madaxweyne, Calankii Soomaaliyeed dib loogama taageen Qaramada Midoobey, Soomaaliya dib uga muuqateen golayaasha caalamka, kuwa goboleed, nasiib uma yeelateen iney ka mid noqoto saxiixayaashii Midowga Afrika iyo kan SIIN-SAAD, ma gartey Md. Shactiroolow.

Haddaba fidnadaada ma waxey ku tusi weysey in aad wax yar ka xusto doorkii dib u heshiisiinta ay ka qaadatey dowladda KMG ah iyadoo u martey wadada wadahadalka.  Ma is weydiisey hal daqiiqo in aad ka fikirto shirka haatan gabagabada maraya ee Embigati Nayroobi cidda hal abuurkeeda laheyd..? wax waa la dhaliilaaye ma sidaas ayaa wax loo dhaliilaa, ma tihid qoraa aqoon duruqsan leh, maxaad ka oran laheyd danta guud, mise NATIONAL INTERESTI, Waxaa tahay qoraa bar barad ah oo doonaya in uu ku barbarto dadka sharafta leh isagoo doonaya inuu ku tunta xaquuqda waxaan ku leeyahay soo barbaar Md. Shactiroole.


w/q faysal cadicasiis cabdalla, mogdishu somalia
faymush@hotmail.com


C/Qasim & Tartanka Madaxweyne: Madaxweynaha D.K.G. waxaa Guji

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD