SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

 Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay. 

  • Ciidmada Caga jiidka ah ee taliska Addis abeb oo xabsiga u tixaabey dad shacbi ah.
  • Abaaro ba’an oo ku habasadey nawaaxiga tuuladda Miir Khaliif ee gobolka doolo.
  • Ciidamadda gumaysiga Itoobiya oo uu baxsadkoodu sii kordhayo maalinba maalinta ka danbeysa.
  • Kililka Herarida oo qas wayni ka taaganyahay.
  • Itoobiya oo hubaynaysa qaar ka mid ah madax kooxeedyada soomaaliyeed.
  • Dalka Djibouti oo wal-wal wayn ka muujiyay in uu Cudurka Aids-ku dhinca Itoobiya  kaga soo bato.
  • Kofi Annan oo qaar ka mid ah madaxda Afrika kala xaajoonaya isku dhacyada ka jira qaarada Afrika.
  • Barnaamujkii Aragtida halgamaaga oo aanu ku soo qaadan doono qaybtii Labaad ee goroyooy gabal kuu dhac iyo suugaan kala gadisan.

Ciidmada Caga jiidka ah ee taliska Addis abeb oo xabsiga u tixaabey dad shacbi ah. 

Ciidamadda cadawga  wayaanaha ayaa xidhxidhey dad shacbi ah, Ciidmadan oo caaddo ka dhigtey ku xad gudbka shacbiga ayaa sabab la’an dadkaas ugu xidhxidhey tuulada Cayun 17/07/04. Dadkaas shacabka ah ee la xidhxidhey waxaa ka mid ah: 

  • 1-     Sawda Shariif Xuseen.

  • 2-     Bishaaro Caqiil Bile.

  • 3-     Fadumo Cabdulahi Siyaad.

Iyo dad kale oo badan oonaan weli magacyadoodu na soo gaadhin. 

Dadkaas sida dulmiga ah ay u xidxidheen ciidamada caga jiidka ee gumeysiga Itoobiya  ayaa laga dayrinyaa guud ahaan xaaladooda caafimaad iyo nololeedba.           

Abaaro ba’an oo ka jira nawaaxiga tuuladda  Miir Khaliif. 

Abaaro ba’an ayaa lagu soo warramayaa inay ka jiraan nawaaxiga Tuulada Miir Khaliif        oo ka tirsan gobolka Doollo ee dhulka Ogadenya, iyadoo xilli roobaadkii ugu denbeeyay ayna degmadu wax roob ah helin. 

Dadwaynaha ku dhaqan Tuulada Miir-khaliif, oo dhawaan ay ka dheceen dagaallo sokeeyo oo la xaqiijiyay inay Itoobiya ka denbaysay, ayaa haddana la liita waxyeello iyaga iyo xoolohoodaba ka soo gaadhay abaaro deegaankaas ku habsaday. 

Abaartan ayaa lagu soo warramayaa inay gobolka Doollo intiisa kale ayna la wadaagin, balse waxaa la sheegayaa in dhinaca Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Galguduud ay sidoo kale abaartu saamaysay, iyadoo dadwaynihii nawaaxigaas ku dhaqnaa ay meelo kale xoolohoodii iyo naftoodii ula hayaameen. 

Ciidamadda gumaysiga Itoobiya oo uu baxsadkoodu sii kordhayo maalinba maalinta ka danbeysa.  

Sida uu noo soo tabiyey wariyaha RX oo gobolka Nogbeed waxaa ciidanka caga jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya ka baxsadey askar aad u tiro badan tan iyo bilowgii bishan July. 

Askartaas ayaa ka baxsatey ciidankii ay ka tirsanaayeen ka dib kolkii ay u adkaysan waayeen

 Duruufaha adag ee ay ku nool yihiin iyo dhirbaaxooyinka kulul ee kaga imanaya ciidanka geesiyada wadaniga  xoreynta ogaadeenya. 

Askartaas baxastey kuwoodii ugu danbeeyeyna waxay ka fakadeen goobihii ay ku sugnaayeen, ee loo geeyey in ay ku gumaadaan dadka shacabka . 

19 bishan July , Magaalada jigjiga waxaa ka baxsaday 8/ askari oo hubkoodi wadata. Askartaas  kolkii ay baxsatay ee ay  marayaan meel u dhow tuulada Dhagaxle ayaa ciidankii gumayisga Itoobiya ee deganaa tuuladaas lagu amray inay qabtaan 8daas askari ee baxsadka ah, hase yeeshe ciidankii meeshaas deganaa si toos ah ayey u diideen amarkaas, kadibna waxaa xabsiga loo taxaabey 50 askari oo ka mid ah askartii amarka diidey, kuwaas oo  loo sii qaaday magaaldda Jigjiga. 

17 bishan July, waxaa tuulada Farmadow ka fakadey  10 askari.

Sidoo kale ayey 20 bishan July isla tulaadaas Farmadow ka goosteen  9/askari  .

Ciidamadaas baxsaday, lama hayo meel ay maanta ku sugan yihiin. 

Isla  20 bishan july , Warmagaalo tuulada la yidhahdo oo Baabili u dhow ayey sida oo kale 10 askari ka goosteen ciidanka maxaysatda cadowga. 

23/7/04, Fiiq waxaa iyana ka goostay 10 askari oo uu watey Saddex Alifle magaciisa la yidhaahdo Friim wato.

 Dhanka  kale Wasaarada warfaafinta ee Eritrea ayaa cadaysay dorraad oo ay taariikhdu ahayd 27kii July, in ay 5 askari  ka baxsadeen xukuumada Addis Ababa. Askartan ayaa sheegtey in ay  ciidamadamo aad u tiro badani  si isdaba joog ah uga soo goostaan ciidmada gumaysiga Itoobiya, taas oo ay bilihii ugu danbeeyay  wadanka Eritrea isu soo dhiibeen askar ka badan 200 askari oo ay ku jiraan 6 sargaal oo sare, afar hogaaamiye diineed iyo lix wariye,  oo idilkoodba diidan hab dhaqanka maamulka habawsan ee  Meles Zenawi.

 Askartaa baxsatay ayaa sida uu warku sheegey u badan qoomiyada Tigreega ee uu kaldhashay kaligii taliye Meles Zenawi,  taasina waxay  cadaynaysa in ayna ku qanacsanayn maamulkiisa  xataa qoomiyada uu ka dhashay.

 Kililka Herarida oo qas wayni ka taaganyahay.  

Wariyahay wakaaladda wararka Ogadeniya u jooga magaalda Harar ayaa sheegaya in uu qas aad u wayni ka taaganyahay kililka Herarida. Qaskan ayaa waxa uu bilaabmay markii ay isku dhaceen labada urur ee laka la yidhaahdo OPDO,oo sheegata in uu qoomiyada Oromada matalo iyo Harari League oo isna sheegta in uu matalo dadka Herarida ah. 

Khilaafkan waxa uu sababay in ay qorshayn kari waayaan miisaaniyadii kililka ee sanadkan .

Waxaa kale oo khilaafkani keenay in laga eryo howshoodii 9 xubnood oo ka tirsanaa golaha Kililka Herarida.  

Labdaas urur oo dabo dhilif u ah ururka TPLF ayaa ku guuldaraystay in ay  wada hadal ku xaliyaan khilaafka u dhaxeeya, taas oo sababtay in ay dawlada uu wayaanhu ka taliyo ay marmarsiiyo u hesho in ay si toos ah u soo faro galiso maamulka kililkaas. 

Itoobiya oo hubaynaysa qaar ka mid ah madax kooxeedyada soomaaliyeed. 

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya, oo caado ka dhigatay inay kala jabiso dadwaynaha soomaaliyeed, isla markaana dadaal badan ku bixiso abuurista  Caqabad kasta oo ay carqaladayn karo in dalka Soomaaliya ay dib uga dhalato dawlad loo dhan yahay, ayaa maalmahan denbe wadda qorshayaal ay ku doonayso inay ku fashiliso natiijooyinka la filayo inay ka soo baxaan shirka dib u-heshiisiinta ee soomaalida uga socda dalka Kenya 

Warar xog-ogaal ah oo aanuu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Qabridaharre ay joogaan ergooyin ka socda qaar ka mid ah kooxaha isku haya talada Soomaaliya, kuwaasoo ay xukuumadda Itoobiya doonayso inay hubayso, si ay dagaallo cusub uga oogaan deegaannada ay ka taliyaan.  

Dhinaca kale wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo mid ka mid ah raggii dhawaan maamulka cusub kaga dhawaaqay gobalka Hiiraan ayaa isniintii booqasho ku tegay degmada Feerfeer ee dalka Ogadenya, halkaasoo ay kula kulmeen saraakiil ciidammada gumaysiga Itoobiya ka tirsan. 

Waa markii labaad ee muddo yar gudeheed uu wafti kooxdan ka socda la shiro saraakiisha Itoobiyaanka ah, iyadoo la filayo in Itoobiya ay ka leedahay dano dhan ka ah soo celinta qaranimadii Soomaaliya ee dhawr iyo tobankii sano ee u denbeeyay baylahda ahayd.  

Dalka Djibouti oo uu wal-wal wayn ka qabta in uu Cudurka Aids-ku dhinca Itoobiya  kaga soo bato.  

Wargayska Reuters ayaa qoray maalintii axada in  dawlad Djibouti ay cabsi wayn ka qabto in uu cudurka Aids-ku  wadankeeda ku sii bato. Walaacan ayaa ka dhashay badashada ay ku soo badanayaan dalkaas  dumarka jidhkooda ka ganacsada ee ka soo gudbaya dhinaca Itoobiya.  

Sida ay qortey jariiradaasi, gabadh ka mid ah dumarkaas u soo hayaan dalka Djabouti, si ay u iibiyaan jidhkooda ayaa sheegtey in ay dib ugu noqon doonta dalka Itoobiya kolkii ay taajirad noqoto.

Si kastaba ha ahaate waxaan shaki ku jirin in ay dumarka jidhkooda iibiya ee ka hayaama dalka itoobiya ku hayaan dhibaato weyn caafimaadka guud ee dalalka geeska afrikada bar. 

Kofi Annan oo afrikaanka kala xaajoonaya isku dhacyo Afrika ka jira. 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa dalka Ghana kula kulmaya madaxda 11 waddan oo afrikaan ah, kuwaas oo uu kala xaajoonayo isku dhacyo seddex ah oo ka jira Qaaradda Afrika. 

Wadahadallada uu Kofi Annan madaxdan la yeelanayo waxaa markii hore loogu talagalay dhibaatada ka jirta dalka Ivory Coast oo kaliya, hase yeeshee madaxda afrikaanka ah ayaa codsaday in sidoo kale laga wadahadlo dhibaatada Liberia.

 Kofi Annan ayaa isaguna soo bandhigay in mar haddii wadahadallada la ballaadhinayo lagu soo daro dhibaatada ka jirta dalka Suudaan, gaar ahaa gobolka galbeedka Suudaan ku yaalla ee Darfur. adaxwaynaha Nigeria, oo ah madaxwaynaha xilligan ee Midowga Afrika, ayaa ku baaqay in dhibaatada Darfur loo helo xal ay gaadhaan dalalka Afrika.

 30.07.2004

Mohamed Cabdi Gaafane
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD