SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Baryo iyo baqdin
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se



Xagg diinta islaamka waxaa ”baryo” iyo ”baqdin” labadaba lagu caabudaa Rabbi, laakiin nin dhallinyaro ah, oo magaciisa la yiraahdo Fahad Yaasiin xaaji Daahir ayaa wuxuu qoray labo maqaal oo uu mid ku baryey Cabdiqaasim Salaad Xassan, midna uu kaga baqay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Inta aanan aragtiyo koobkooban ka dhiiban qoraallada wiilka ayaan waxaan in yar ka saxayaa hababka markii dad wax loo sheegayo wax loo tebiyo. Horta qofku labo waddo ayuu mid maraa markii uu arrimahaan oo kale qorayo.

Midda kowaad waa in uu qoraalka oo dhan hadalka ku wajaho akhristaha, oo uu tusaale ahaan sidaan u wado ”Cabdiqaasim wuxuu jeclaa Maxamed Siyaad”. Midda labaad waa in uu hadalku qofka laga qorayo toos ugu aaddan yahay, tusaale ahaanna waa sidaan ”Cabdiqaasow waxaad jeclayd jaalle Siyaad”.

Labadaas siyaalood isku maqaal gudihiis la iskuma qaso, oo waa in mid la raaco, laakiin Fahad waxaa la moodaa in uu cusbo iyo saliid isku soo walaaqay, oo mar wuxuu toos ula hadlayaa qofkii uu wax ka qorayey marna wuxuu la hadlayaa akhristaha, taas oo muujinaysa in uu mudane Fahad Yaasiin u baahan yahay in wax loo sheego.

Waxaa laga yaabaa in ay dad badan oo ogaa in aanan dhallinyarada internetka kula murmin ay la yaabaan in aan haatan Fahad Yaasiin xaggiisa xoogaa ereyo ah u tuuro. Run ahaantii waa arrin wanaagsan in dhallinyarada qaarkood marmar lala hadlo.

Ugu horraytii wuxuu Fahad hadalka ka bilaabay “Cabdiqaasim wuxuu siyaasadda ku biiray asaga oo da’ yar!”. Haddii runta loo hadlo wuxuu Cabdiqaasim siyaasadda Soomaaliya ku lugdarsaday markii la abaabulayey shirkii Carta, waxayna da’diisu ahayd 62 sannadood, filkaas oo ah cimriga ay dadka reergalbeedku madaxa la galaan marxaladda hawlgabka.

Dadkii kacaanka la soo shaqeeyey laguma tilmaami karo in ay siyaasad ku jireen, laakiin Maxamed Siyaad keli ah baa la oran karaa wuxuu ku jirey siyaasad maddaama uu keligiis lahaa dhammaan siyaasadda kacaanka. Dadka kale xataa guryohooda ayeysan u madaxbannaanayn, oo in ay reerkooda gaar u dhaqdaan uma uu oggolayn Maxamed Siyaad Barre.

Xubinta labaad oo hadalka Fahad waxay ahayd “Nasiib wanaag waxaa bilawday hindisihii walaaltinnimo ee ka soo baxay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle”. Hadalkaani ma aha hadal uu Fahad asagu leeyahay, ee waa halhayska Cabdiqaasim, waana hadal aan wax macne ah u lahayn danaha ummadda soomaaliyeed. Maskaxda aan bislayn waxaa lagu gartaa in ay ka buuxaan sawirro aysan ayadu lahayn iyo in uu ka soo baxo hadaaq aysan caddayn karin meel uu ku sal leeyahay.

Hadalladii Ismaaciil Cumar Geelle oo sidoodii ah ayuu Fahad wuxuu ku saleeyey maqaalka uu Cabdiqaasim kaga hadlay, oo tusaale ahaan wuxuu qoray waxyaalo ay dadku ku qoslaan sida “Waa tii ay soomaaliyi Carta ku dhisteen barlammaan”!

Ereyga “Soomaali” waa uu og yahay Ismaaciil Cumar in uu ku xadgudbayo, laakiin danihiisa gaarka ah ayaa ku jira in uu sidaas u bahdilo, hase ahaato ee Fahad wuxuu iska qaatay wax uu maqlay. Waxaa jira xaddiis oranaya “Qofka waxaa xumaan iyo shar ugu filan in uu iska tebiyo wax allaale oo uu maqlay”. Wuxuu xaddiiskaasi ka digey in sida Fahad oo kale la iska weriyo wax laga maqlay Ismaaciil oo kale.

Aayad Qur’aanka ka mid ah baa waxay leedahay: “Haddii uu qof faasiq ahi idiin keeno war cusub waa in aad hubisaan, si aysan dad xogmoogeyaal ahi ugu kedsoomin oo aydnaan hadhow uga qoomamoon”.

“Faasiq” waxaa ku sifoobey mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana “xogmoogeyaal” ah dad badan oo uu ka mid yahay Fahad Yaasiin. Sidii uu ilaahay u sheegayba waxaa qoomamooday dad badan oo markii hore ku caasiyoobey aayaddaas Qur’aanka ah, waxaana dadkaas aayadda khilaafay ka mid ahaa shiikh Cumar-Faaruuq.

Yarka Fahad ahi ceeb weyn ma uu laha, oo wuxuu aayadda kaga jiraa ereyga “bijahaalatin = xogmoogi”, isla markaas kalmadda ay aayaddu leedahay “naadimiin = qoomamaysan” waxaa ku sifoobey dad badan, oo haddii ay Rabbi u soo laabtaan laga yaabo in uu iska cafiyo, maxaa yeelay naxariistiisu waa waasac.

Waxaa qoraalka Fahad ku jira ereyo sidaan ah “Dadka shakhsiyadda Cabdiqaasim yaqaanney waxay yiraahdaan waa nin aftahan ah….. isku daya in aad ku qanacdid fakraddiisa”! Horta dad gaar u yaqaan loogama baahna Cabdiqaasim in la weydiiyo hadalkiisa, oo waxaa jira idaacado badan oo asaga oo hadlaya laga maqlo.

Aftahmadu ma aha wax uu qof kastaa caadifad iyo jahli ku jasuureeyo, ee waxay leedahay xeerar caalami ah, waxaana dareen sare u leh dad gaar ah. Anigu waxaan weligay ahaa dadka jecel aftahmada, waxaana jeclahay in aan ka shaqeeyo wax hadal curintiis iyo qiimayntiis ku saabsan. Ereyada “aftahmo” iyo “qancin” waxaan caddaynayaa in uu Fahad gef ku sameeyey, waxaana sababay “bijahaalatin”!

Fahad wuxuu soo qoray “Waxaan ka mid ahaa dadkii diiddanaa in laga horyimaado dawladda uu Cabdiqaasim madaxda ka ahaa”! Nebiga CSW ayaa waxaa u yimid nin u sheegay in uu sinaystey, wuxuuna nabigu ccw ku yiri “War armay si kale wax u dhaceen?”. Wuxuu nebigu csw la yaabbanaa ninka weyn oo la soo taagan “Waxaan ahay saani”! Waxay soomaalidu ku maahmaahaan “Wax ay duul xil moodaan bay duul xarrago moodaan”.

Hadallada Fahad uu Cabdiqaasim ka qoray waxaa ka mid ah “Aad baan ugu farxaa markii aan Cabdiqaasisow kugu dhex arko shirar caalami ah”! Markii laga faalloonayo arrimaha Soomaaliya waxaa fiican in dhexdhexaad laga yahay sida aniga iyo Mawliid Macaane, ee in nin aan ummadda waxba u qaban oo hanti iyo xoolo u harraadan lagu farxaa ma aha wax uu nin dhallinyaro ah oo maskax furani qoraal iyo aragti ka dhigto.

Guud ahaan sida uu Fahad uga hadlay Cabdiqaasim waxaa ka muuqatay in uu baryootamayo oo uusan lahayn aragti aan ahayn in uu jecel yahay, isla markaas waxaa la dareemayaa in uu Fahad dawladdii millateriga ahayd jeclaa. “I dooro aan ku dayacee!” waa oraah miskiinnimo ah oo la moodo in nin iyo reerkiis ay isweydaarsadeen, ee aan labo nin oo qaangaar ah ka dhexayn karin.

Intaas wuxuu nuxurkiisu ahaa qoraalladii Fahad Yaasiin xaaji Daahir intooda baryada ahayd, waxaanna uga sii gudbaynaa intii baqdinta ahayd. Ninka la yiraahdo Cabdullaahi Yuusuf buu wuxuu ku tilmaamay in uusan la saaxiibin qofkii garasho iyo aqoon ku dhaama.

Aniga laftaydu mar aan fakrad sidaas u dhow aamminsanaa baa jirtey, waxaanse aragtidaas xooray markii aan daraasad tartan ku sameeyey dad asaga la saaxiibka iyo kuwa uu loolanku ka dhexeeyo. Run ahaantii dadka oo dhan baa iska liita, oo haddii loo fiirsado kuwa asaga ka soo horjeeda laftooda waxaa la ogaanayaa in ay xaabo kale yihiin, oo aysan saaxiibbadiis iyo mucaaradkiisu isdhaamin. Sidaas darteed ninkii suxufi ah waxaa la gudboon in uusan noqon tulud il la’ oo geedaha ay isha xigtaa fayowdahay keli ah daaqda, ee waa in uu isu eegaa dadka ka soo horjeeda iyo kuwa kale oo uu markaas caddaalad sameeyaa.

Kuwa la saaxiibka ahi waxay rabaan in uu jago iyo magac u yeelo, oo waa uu ku yar yahay mid aragti dadnimo iyo fiiro dheer kula shaqeeya, isla markaas kuwa ka soo horjeeda waxay muujiyaan in ay asaga neceb yihiin ee aragti siyaasadeed oo ugu yaraan tiisa la mid ah nama ay tusin. Siyaasi meesha uu joogo u dhashay oo aragti dadka soo jiidan karta kala horyimid weli lama hayo, waxaanna u malaynayaa in dadkii caqliga lahaa ay ku dhammaadeen xabsiyadii iyo toogashadii ama dagaalladii sokeeye.

Dhammaan dadka siyaasadda ku jira haddii isha la mariyo waxaa la dareemayaa in ay meesha ceebi ka dhacday, oo ay u badan yihiin xoolo kale. Qaar darajooyin ciidan ama dawladeed soo maray ayaan waxaan iskula hadlaa “Sidee qof caykaan ah loo gaarsiiyey mansabka noocaan ah?”, haddana waxaan isku qanciyaa in ayba arrintaasi tahay sababta kharribtay dalkii oo dhan, oo dalka hore iyo gadaalba waxaa lagu walaaqayey xididnimo iyo xigtonimo.

Cay ma aha haddii la yiraahdo soomaalidu waa dad guud ahaanba tayo liita, waayo qof siyaasi ah oo hadal macquul ah ku hadlay oo soomaali ah weligay ma aan dhegaysan, mana aan arag ama maqal siyaasi wax la taaban karo meel ay soomaaliyi joogaan ka qabtay.

Waxaan soo aruuriyey boqollaan cajaladood oo ay duubeen wadaaddo soomaaliyeed oo loo hanweyn yahay, waxaanna ka waayey mid keli ah oo hadalka si saxan oo fiican afkeenna ugu gudbin kara, ama uu hadalkiisu bilow iyo dhammaad macquul ah leeyahay. Waa dad iska durqamaya oo aan la aqoon afka ay ku hadlayaan in uu soomaali yahay iyo in kale, isla markaas aysan inta af soomaaliga ahi qaab ahaan iyo ereyo ahaan midna u hagaagsanayn.

Wadaad, siyaasi iyo qof kale oo arrinta uu metelayo si af fiican iyo qaab qurxoon u sheegi kara oo soomaali ah lama hayo, isla markaas lama hayo qof soomaali ah oo wax muuqda bulshada u qabtay, wuxuuna qof kastaa doonayaa in la ammaano ama uu helo wax uusan astaahilin, oo uusan fahamsanayn sidii uu ugu guulaysan lahaa.

Maaddaama aynu dhammaanteed caaqyo nahay ayeynaan ka faa’iidaysan karin haddii midkeen ay ajnabi aqoon baraan. Dadka ay qofka soomaaliga ah isku jaamacadda ka baxaan wuxuu kaga duwan yahay in uusan dadkiisa aqoonta ugu gudbin karin afkooda si macquul ah, isla markaas wuxuu rabaa in uu dad meel gawaan ah dhooban ugu faano shahaado uusan waxba ugu qaban. Sidaas awgeed ilaa hadda lama hayo qof soomaali ah oo faa’iido leh, waxaana daliil u ah sida uu dalku yahay iyo in 2 sannadood shir loo fadhiyey oo barlammaankii qabiil lagu qaysaday. Haddana qabiilkii in lagu heshiin la’ yahay, oo ay dad ajnabi ahi u qabinayaan beel kasta intii ku soo aaddey iyo in ay qabiilooyinka qaarkood rabaan in ay dalka intooda goostaan.

Hadalka Fahad waxaa ku jirta in uu nin gaar ah ku eedeeyey jabhadihii qabiilooyinka oo Soomaaliya uga caray Maxamed Siyaad. Anigu waxaan aamminsanahay in aysan qabiilooyinkii kacaanka debedaha uga qaxay oo soo jabhadeeyey ku khaldanayn dagaalladooda, waxaanna rumays nahay haddii ay wax jihaad la yiraahdaa sidoodaba jiraan in lagu tilmaami karo dagaalladaas.

Qabiilooyinka soomaalida haddii aan dalkooda lagu cabburiyeen oo ay xorriyad ku helaan uma ay kala firxadeen dalal kale, waxayna ummaddu dareemeen in aysan gobannimadoodii ayaga gacanta ugu jirin, ee madaxa lagaga taagan yahay, oo uu cadow buntukh iyo katiinad sitaa ku hareeraysan yahay.

“Gobannimadu ma ahayn in uu, bahal garqaadaaye
Ma ahayn dhurwaa in uu la galo, god iyo booraane…
Gablama ee ka kaca waxaad tihiin, gun iyo shaashleye”.

Waxaan rumaysnahay in uusan Khaliif shiikh Maxamuud mirahaas beenabuur iyo turufo ula jeedin, ee uu dhibaato uu dareemay kaga jawaabey. Ninkii doonaaba ha bilaabo ee in dawladdii kacaanka dagaal lagala horyimaado qofka diidani wuxuu diiddan yahay madaxbannaanida soomaalida.

Waxaa jira dad aan fakarayn oo iska yiraahda “Si aan jabhadayn iyo dagaal ahayn baa lagu beddeli karey nadaamkii cadowga ahaa!”. Haddii lagu beddeli karey may ayagu ku beddelaan? Sidaas dadka u hadlaa waa kuwii ahaa jawaasiista iyo kuwii ummadda cabburinayey, waxayna afka ka dhawrayaan in ay dadka la horyimaadaan in ay kacaankii jeclaayeen, waayo waxay og yihiin in ay meel kasta ka buuxaan dad la soo dhibay, isla markaas waxay rabaan in dhibaatadii nadaamkaas ka farcantay ay dusha u saaraan ummaddii inta dalkooda lagu silciyey debedaha u firxaday.

Haddii aynu tusaale xoog badan u soo qaadanno dhibtii dadka soomaalida loo geystey Cabdullaahi Yuusuf laftiisa waxaa la xiray isla markii uu kacaanku dhashay, wuxuuna xirnaa sannaddo iyo sannaddo! Haddii imminka Fahad la weydiiyo “Ma wuusan xaq u lahayn in uu dalkiisa ku noolado asaga oo aan la dhibin? Denbigeese lagu xiray?” ma uu helayo jawaab aan ahayn in uu Maxamed Siyaad lahaa xuquuq ka sarraysa midda ummadda inteeda kale oo ah in uu qofkii uu rabo dilkiisa iyo xabsigiisu u bannaanaa!

Haddii uu qof dadka ka mid ahi xaq kuugu yeesho in uu markii uu rabo qofkii uu rabo xiri karo ama uu toogan karo maxaa diidaya in dalka looga baxo oo qorigii uu dadka ku taagey mid la mid ah lagu taago? Maxaase diidaya in inqilaab lagu beddelo dhibaatada ummadda lagu salladay iyo heesaha ciqaabeed oo aroortii dhegaha la isaga naaray.

Xoogaa yar oo xagga taariikhda ah baan waxaan ka saxayaa hadalka ah “Ninkii ugu horreeyey oo soomaali u jideeyey in xoog wax lagu kala qaato iyo ninkii ugu horreeyey oo soomaali baray keligitalisnimo waa kornaylka!”. Waxaasi taariikh run ma aha! Maxamed Siyaad dalka xukunkiisa ma doorasho ayuu ku qabsaday? Midda kale yaa tiriyey goorma ayaase la tiriyey gabaygii ahaa:

”Maqrib dumey sidiisii xeryaha, ma u madooyey”?

Ciwaan hoosaad ah ”Guusha ama geerida” ayaa ka mid ah qoraalka mudane Fahad, wuxuuna uga jeedey in aannaan aniga iyo asagu waayadaan dhimanayn, laakiin uu Cabdullaahi Yuusuf dhawaan geeriyoon doono! Waxaa la sheegay in oday cirro badan uu wiilkiisii ku yiri: ”Aabbow malaggii ku dili lahaa miro badan baa sanada u soo go’aya”. Wuxuu uga geedey in ay cirradu daliil u tahay in uu dhaqso u dhiman doodo, odaygiina wuxuu ku jawaabey ”Maandhow malaggu miraha curdanka ahna waa uu gurtaa”.

Waxaa jira hadal Cabdullaahi Yuusuf ka soo yeeray oo gef ahaa, kaas oo uu Fahad Yaasiin ka sharqamiyey oo ahaa in haddii uu soomaali si fiican u yaqaan uusan bilaabeen dagaalkii uu kacaanka kala horyimid. Run ahaantii in uu Cabdullaahi waxaas ku hadlaa waxay ahayd iska miskiinnimo, waayo jahaad ay ummadda soomaaliyeed soo galeen in uu ka shallaayaa waxay noola muuqataa caaqnimo ama xoolonimo.

Horta ninkii wax qoraya waa in laga dareemo in uusan qof ka baqayn. Waxaa hadalka Fahad ku jira ereyo fuleynimo ah oo ahaa: ”I dooro aan ku dilee”. U aan malayn mayo nin maanta dil u xiisoqabaa in uu jiro, waayo waxaa la soo wada ogaadey in uusan dhiig soomaaliyeed oo la daadiyaa qofna u soo jiidin sharaf iyo mustaqbal.

50-60 qof baa madaxweyne u sharraxan shirka Keenya, una aan malayn mayo in uu ku jiro mid maanta dili lahaa Fahad Yaasiin, waayo dilkii uu dagaallada sokeeye iyo geeridii ku timid dadkii uu kacaanku xasuuqayba haddii uu ka badbaadey ma wuxuu ka baqayaa shirka biduheshiisiinta soomaaliyeed iyo murraxiinta?! Baryo iyo baqdin uusan ilaahay ku jirrabin buu Fahad asagu isku jirrabayaa!



Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD