SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
.Maxaa lagu nacay Gen. Barre? oo loo rabaa Labada Col. C/llahi iyo Riyaale
Yooye Kaarshe
M.M.M
warfaa2oct@yahoo.com

Waxaan salaamayaa dhamaan danyarta Soomaaliyeed ee ku dhiban dhamaan dacalada aduunyada. Waxaan Allah ooga baryayaa in uu dhibaatada ka dul-qaado, iyo in uu  garansiiyo meesha dhibku kaga yimid...aamiin..aamiin.

 
Waxaan salaan qaasa u dirayaa danyarta garatay tala xumada dagaal ooga yaasha, aaminsan in dhulka Soomaaliyeed aan lagu kala lahayn qabiil balse qof waliba xaq dhulka ugu leeyahay guriga iyo dhulka uu ku ganacsado ee uu warqada lahaanshaha u haysto, dadka ku qiimeeya aragtidooda balse aan ku qiimayn qoyska uu ka dhashay, tix-geliya ama qiimeeya aragtida qofka kale haduu doonaba yuusan ku raacine, aaminsan in hadalka Allah ee ku qoran kitaabka uu yahay sax, sidaa daraadeedna cidii aan wax ku xukumin kitaabka Allah in aysan aaminsanayn Allaha ay sheeganayaan. Sidoo kale bani aadamku wuxuu leeyahay sharci iyo xeer ay degsadaan, hadii aysan ka hor imaan sharciga Allah in la raacaa waa waajib kamana hor imaanayso kitaabka raacidiisa, waa haduu ku quseeyo sharcigaa.
 
Akhristow, inta aanan gudo gelin tuducda ama gogol dhiga qoraalkan ka hadlaya General Barre iyo labada Col.C/llahi iyo Riyaale een cinwaanka ku soo qaatay, waxaan jeclaa in aan waxyar milicsano taariikhda taxanaha ah ee aduunku soo maray iyo halka ay ka bilaabatay ilbaxnimada aduunka, inkastoon la soo koobi karin hadana waxaan ka soo qaadanaynaa in yar oon ku fahano ujeedada qoraalkan
 
Akhristow, aqoontu ama ilbaxnimadu waa wax guura oo hadba meel taga. Waxay ka bilaabatay, Middle-East..Iraq.. waxay tagtay Europe..Paris. waxay hadana aaday North America..New york. waxay waayadan saadaaliyaan in ay aadi doonto Asia sida China, Aqoonta aan ka hadlayaa waa mida technologyada! ma ahan mida Diinta. Hadaba su'aashu waxay tahay ilbaxnimada iyo xadaarada Soomaaliya xagay ka bilaabatay? xagayse ku danbaysay? mise waliba nama soo gaarin? su'aalahan jawaabtooda waxaan u daynayaa qof waliba iyo aragtidiisa aqooneed halka ay gaarsiisantahay, balse ujeedadeenu waa in aan ogaano waxa Generaalka loo diiday Col- kana loo rabo, ma wax la xariira ilbaxnimadaa? mise waa aqoon guur astaanteed?
 
Soomaaliya iyo Qarniga Kow iyo labaatanaad "Warlordism Era" 
 
Akristow, dadka qaarkii waxay yiraahdaan Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari way kaga horeeyeen gobolada kale xaga xadaarada oo ah qorista iyo akhrinta, waxay yiraahdaan waxaa taa u daliil ah, goboladaasu waxay ka hormareen dhinacyo badan marka loo eego gobolada dalka intii lagu jiray xiliga Warlordismka, waxay haystaan maamul iyo kala danbayn aan ka jirin wadanka intiisa kale, waxaa ka jira iskuulaad ilaa heer jaamacadeed ah in kastoo aan la hubin tayadooda aqooneed, dadku waxay u ganacsadaan si xor ah oon cidina isbaaro aan sharci ahayn u dhigan, iyo hadii dawlad Soomaaliyeed la helo goboladan waxay gaari doonaan horumar la mid ah midka ka jira dunida hor martay, sababtoo ah waxay leeyihiin dad badan oo aqoon u saaxiib ah. arimahan iyo kuwo la mid ah waxay ina tusinayaan dadkan in ay Soomaalida kale wax dheeryihiin.
 
Dad ka mid ah kuwa u dhashay labadan gobol ayaa waxay is moodsiiyeen, in ay Soomaali iyagu ugu horeeyaan marka loo eego xaga, dhaqaalaha, aqoonta, cududa millateri, siyaasada gudaha iyo dibadaba, sidoo kale waxay is tuseen in Soomaali aysan samaysan karin waxay iyagu u sameeyaan mooyee, ayna yihiin dadkii Soomaali ka xoreeyay gumaysigii Talyaaniga iyo kii Ingriiskaba, isla markaana ay masuul ka ahaayeen rididii dawladii dalka ka jirtay 21-ka sano, waxayse diideen masuuliyada ah in ay qaataan dhibaatada laga dhaxlay dawlad la aanta!
 
Akhristow, in badan oo kamid ah shacab weynaha Soomaaliyeed waxay qabaan aragti ka duwan mida aan kor ku soo aragnay, oo waxay leeyihiin, dadka ku nool labadaa gobol ma aha dad xor ah oo ka hadli kara ama cabiri kara rabitaankooda siyaasadeed, iyagoo tusaale u soo qaadanaya arimo badan oo ay ugu danbeeyeen labadii dhacdo ee ka kala dhacay Burco iyo Gaalkacayo, waa muxaadaradii Gaalkacayo laga mamnuucay iyo aqoon isweydaarsigii ka dhici lahaa Burco. Sidoo kale: xarigii Boqor Buur madow iyo Xassan Abshir oonan tagi karin gurigii uu ku dhashay, in ruux kastaa oo loo arko in uu Allaah ku xiran yahay loo gudbiyo dhinaca Ethiopia, xabsiyadii lagu xukumay dadkii ka qaybgalay shirkii Carte, arimahan iyo kuwo badanba waxay muujinayaan  dib u dhaca siyaasadeed ee ka jira labada gobol, dadkana lagu hayo caburin joogta ah. Hadaba waxaa shacabku is weydiinayaa maxay tahay waxa ka xun qofku in uu aragtidiisa xor u ahayn? mase la waayay wax dhaama labada Col? aawayse aqoontii iyo xadaaradii labada Gobol sheegan jireen?hadiise dan la mooday Col. maxaa loo diiday Generalkii dalka xukumayay? malaha dad baa qaba labada Col. in ay ka fiicanyihiin Generaalka! bal aynu eegno
 
Is-barbar dhigid Generaalka iyo labada Col. si aan u ogaano waxa lagu nacay Generaalka iyo aqoonta goboladan ay dheeryihiin Soomaalida kale.
 
Waxaan ku hormarayaa Waqooyi Bari Col. C/llahi, marka la eego xaga aqoonta wax barashada, Alle ka cabsiga, Gumeysi diidka, Wadanka oo daacad loo ahaadaa, dhawrista hantida qaranka, daryeelka danyarta, wacyi gelinta bulshada, illalinta iyo dhawrista dadka iyo deegaanka, dhamaan arimahan iyo kuwo aan la soo koobi karinba Generaalkii dalkan xukumi jiray wuxuu kaga fiicnaa ama kaga horeeyay in badan Col.C/llahi.
 
Xaga qaladaadkii dhacay, Generalka wixii xukunkiisa ka horyimid wuu la dagaalamay, sida SSDF, SNM, iyo USC. Col. kuna sidoo kale wuu la dagaalamay wixii xukunkiisa ka horyimid cid walibana way la socotaa dagaaladii ka dhacay Waqooyi Bari wixii sababay. Generalka waxaa lagu eedeeyaa in uu laayay dhawr culumo ah. Col-C/llahi wuxuu xasuuqay in ka badan dhawr boqol oo culumo ah. Generaalka waxaa lagu xaman jiray in uu xukun jeclaa, waxaa'se ka daray Col.
 
Muxuu Generaalku kaga fiicnaa Col? Generaalku taladiisa ama go'aankiisa xor buu u ahaa, Ethiopia iyo wixii Soomaali cadaw ku ah in uu wax u sheego mooyee wax uma aysan sheegi jirin, xaga aqoonta iyo soomali nimada wuu kaga fiicnaa Col, Generalku wuxuu daryeeli jiray ama tix gelin weyn u hayay dadka laga tirada badanyahay, Col. qoyskiisa mooyee cid uu wax u ogalyahay ma jirto, taa waxay sababtay in beesha uu ku abtirsado ay qaybsan weyday xubnihii 61 ahaa ee ay baarlamaanka ka heleen, kadib markuu codsaday in la siiyo ku dhawaad 40 saami la' eg. Generaalku wuxuu xurmayn jiray odayaasha dhaqanka, tolkiina ma layn, Col.C/llahi wuxuu laayay odayaashii xurmada lahaa sida Suldaan Hure, sidoo kale tolkii wuxuu ka dilay Soomaali kama aysan dilin.
 
Generaalku, wuxuu ka toobad keenay culumadii la laayay markuu xukunka hayay, wuxuuna yiri waxay ahayd shirqool ay ii dhigeen ragii daba dhilifka ahaa ee ku jiray golihii sare ee kacaanka oo rabay in ay shacabka iga horkeenaan, iyagaa u codeeyay in culumada la laayo, ragaa badidood waxay ahaayeen kuwii u dhashay Gobolada Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed ee ku jiray labadii gole. Col.C/llahi kama toobad keenin ee wuu ku faanaa culumadii dhawrka boqol ahayd ee uu ku laayay deegaanka uu ka taliyo, welina wuxuu u malafsanayaa haduu talada wadanka faraha ku dhigo in uu culumo badan kurka ka goyn doono ama Ethiopia u dhiibi doono.
 
Hadaan u gudbo dhinaca Waqooyi Galbeed, Col. Riyaale iyo duqii xilka ooga dardaarmayba, marka loo eego xaga garashada ama waaya aragnimadaba, waxaa kaga horeeyay Generaalkii, Generaalku horumarka uu gaarsiiyay W/Galbeed ma aysan gaarsiin Col. Riyaale iyo qolyaha la shaqeeyaa. Generalku intuu talada hayayna wax lataaban karo ayuu qabtay, sida: dhisida iskuulaadka, goobaha caafimaadka, wadooyinka iyo dekedaha, abuuritaanka shaqooyinka, dhiira gelinta bulshada in ay gacantooda wax kula soo baxaan, joojinta mu-qaadaraadka oo lagu yaqaan gobolkan, horumarkii uu ka hirgaliyay Gobolada W/Galbeed kama uu san hirgalin deegaankuu ka yimid, taa waxay cadaynaysaa in uu ka Soomaali jeclaa kana cadaalad badnaa Col.Riyaale iyo qolyaha doortayba, Generaalku wuxuu yiri Soomaali way simantahay dhulkuna wuu ka dhexeeyaa, Col. Riyaale wuxuu yiri Soomaalida aan u dhalan Qabiil hebel waa in ay ka guuraan Waqooyi Galbeed. Generaalku wuxuu aaminsanaa bigger is better in la mideeyo dhamaan shanta Soomaali, si ay u wada isticmaalaan qayraadka wadankooda una wada ilaaliyaan mid-nimada iyo sharafta dhulkooda. Col. Riyaale iyo qolada dooratayba waxay aaminsanyihiin in qabiil waliba iskii dawlad u noqdo iyagoo taageeray taladii gumeystuhu wadanka ku kala qoqobay.
 
Xaga qaladaadkii dhacay, Generaalka waxaa lagu eedeeyaa in uu kula dagaalamay jabhadii Xabashidu soo hubaysay ee SNM gudaha magaalada Hargeysa kuwaa oo ka horyimid maamulkiisii, Col. Riyaale iyo Duqii ka horeeyay sidoo kale markii ay xukunkoodii ka hor imaadeen haraadigii SNM ee uu hogaaminayay C/rahman Ahmed Ali (Tuur) waxay kula dagaalameen gudaha magaalada Hargeysa, Generaalka waxaa lagu eedeeyaa in uu xir xiray dad mudaaharaad ku sameeyay ama ka hor yimid xukunkiisa. Col. wuxuu ka dheereeyay Generaalka oo wuxuu xabsi goor habeenima ah u diray arday gaaraysa boqolaal, Generaalku wuxuu xurmayn jiray oday dhaqameedyada oo inta ay maamulkiisa caayaan ayuu inta lacag siiyo ku odhan jiray, kala saara dhaqanka iyo nidaamka dawlad leedahay ee muusan xiri jirin, Col. Riyaale odayaashii wuxuu ka dhigay kuwo uu xiro sida Boqor Buur-Madow iyo kuwo uu yiri hadaad nabadayn Xamar u aadaan waan idin xirayaa.
 
Gunaanadkii
 
Generaal Barre philisophy, markuu talada la wareegay iyo maalintuu ka tagayba wuxuu umada Soomaaliyeed kula dardaarmayay in ay illaaliyaan midnimada iyo sharafta wadanku leeyahay, gacan shisheeyana ka xoroobaan, in dagaal wiil ku dhinta mooyee uusan wiil ku dhalanayn, in laga faa'idaysto qayraadka wadanka "Biyo sacabadaadaa looga dhargaa" in laga fogaado fadhi ku dirirka iyo huu-haada meelaha lala taagan yahay loona soo jeesto in beeraha la qoto, qayraadka badana lala soo baxo, in aqoon la'aani ay tahay iftiin la'aan "Bar ama Barro".
 
Maxaan ka faa'idnay labada Col. iyo kuwa lamidka ah
 
Warlords philosophy,Talada wadanka waa in lagu saleeyaa hab ku dhisan qabiil 4.5, dhulka soomaaliyeed waa in lagu kala lahaadaa qaab qabiil, qabiil walibana waa in uu deegaankuu haysto loo xalaaleeyaa, Madaxweyne waxaa iska leh Hawiye/Daarood, Ra'iisal wasaare waxaa leh Daarood/Hawiye inta kalana yeelkeed, dadka golaha baarlamaanka loo dooranayaa waa in Ethiopia laga soo ansixiyaa magacyadooda lana hubiyaa in ay san diin shaqo ku lahayn, qofkii la arko isagoo diinta sida ay tahay u fulinayaa waa in Xabashida gacanta loo geliyaa waayo waa argagixiso,
 
Somali philosophy
 
Dabcan, waxaan muuqan wax weyn oo Generaal Barre lagu nacay, Col. C/llahi iyo Col. Riyaale na lagu doortay. Balse inta badan Soomaalida waxay ula muuqataa in labadan Gobol ay yihiin kuwo ku caanbaxay xaga qabyaalada iyo nin jeclaysiga, oo aysan ahayn dad ka hormaray xaga aqoonta iyo in qofka lagu qiimeeyo aragtidiisa balse aan lagu qiimayn qoyska uu ka dhashay. Taa waxaa daliil u ah, Xassan Abshir iyo Cismaan Jaamac Kaluun waxay doonaan ayay Xamar iyo dalka intiisa kale ka sheegi karaan, balse W/Bari iyo W/Galbeed kama sheegi karaan Xorna uma ahaa in ay cabiraan aragtidooda siyaasadeed ama ay soo booqdaan eheladoodii.
 
 Waxaa kaloo Generaalka lagu nacay!
 
1- Wuxuu yiri Soomali way simantahay, dadka u dhashay Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeedna waxay la siman yihiin Soomaali inteeda kale.
 
2- Wuxuu diiday in qabiil wax lagu qaybsado 4.5
 
3- Russia iyo America ayuu ka diiday in uu Ethiopia iyo wax la mida ay war u sheegaan ama uu hoostago
 
4- Wuxuu xor u ahaa taladiisa, wuxuuna samayn jiray sida uu u arko in ay Soomaali dani ugu jirto, wuxuu ka fogaan jiray in uu noqdo oday qabiil, balse wuxuu ahaa oday Soomaali u siman, qalad iyo saxna uu ka dhici karo.
 
Qoraalka oo igu dheeraaday awgeed, la soco qaybta danbe oo aan ku soo qaadi doono dhinaca Koonfureed ee dalka. Insha-Allah
 
Yooye Kaarshe

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD