SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

ISKA ILAALI  !  WAA HABDHAQAMEEDKII SOOMALIYEED

 

Halka shakhsi kastoo somaali ah maanta uu ku miir baxayo dhacdooyinka siyaasadeed ee ka socda waddanka gudahiisa iyo  is-horfadhiga siyaasadeed ee dheeraaday ee ka socda dalka Kenya    , waxaan  ku mashquulay inaan ka fekero khatar weyn oo nagu soo food leh  , baaba’na u ah guud ahaan jiritaanka somaliya.

Khatartaasoo keeni karta  khasaare aan la cabiri Karin  . waxa taa ka sii daran  in ay dad yar  mooyee  aan somalida inta badan u jeedin waayo indheergaratada badigood baa waxa  maanta saameysay sunta qabyaalad kadibna mirqaamisay.

       Waxa jirta in wadamo tiradoodu yar tahay ay matalaan astaamo ayaga keliya u gaar ah sida af, ilbaxnimo . taariikh iyo dhaqan halka wadamada kale badigoodu la qeybsadaan waddamo la jiiraan ah .

Wadamadaa yari waxaa dabiici ah iney noqdaan kuwa difaaca astaamahaa u gaarka ah ineysan ka tirtirmin dunida oo ay badbaadiyaan jiritaankeeda. Tusaale ahaan

 

·       Boqortooyada Ingiriiska waa ilaaliyaha  quruxda iyo fidinta afka ingiriiska  ayadoo ay Mareykanka , Australiya iyo kanada taageerayaan dabcan.

·       Waddanka Giriiga waa hoyga falsafadii caamka aheyd ee giriigga , taariikhda faylasuufyada giriiga iyo afka giriiga.

·       Waddanka Israel wuxuu halgan ugu jiraa inuu yeesho awooda uu ku badbaadin lahaa , uruurin lahaa dhammaan dadka yuhuuda ee dunida ku nool , afka Cibraaniga iyo taariikhda qadiimka ee yuhuudda.

·       Dalka Shiinaha waa badbaadiyaha cilmiga qaddiimka ah ee daawada shiinah , afka shiinaha iyo barwaaqasoorka dadyow ka badan hal bilyan ee ku nool dunidan .

·       Dawladda faransiiska waxey ku jirtaa olole ay ku muujineyso af faransiiska iyo hawsha ka hortagga baaba’a afka faransiiska. 

Haddaba walaalayaal wadamadaa waa kuwo difaacaya astaamaha u gaarka ah ee nasiibka u yeeshay dadyowgooda.

Somaliya nasiib wanaag waxey ka mid tahay wadamadaa fara ku tiriska ah eel eh dadyow isku dhaqan , af , diin , taariikh, u gaar ah , haddaba waxa waajib ah in ay Somaliya noqoto badbaadiyaha burburka astaamhaa noo gaarka ah haddii kale waxa dariishadda ka baxaya  wax walboo la xiriira magaca somaliya , qiimaha iyo muhiimka somaliya ku leedahay dunidan.

Maadaama uu ihtimaamkeena ku foorarsan yahay qalalaasaha siyaasadeed ee na heysta , waxaa sii adkaanaya awooda aan u yeelan karno inaan hawshaa muhiimka ah ee ka hortagga burburka magaca qaranka iyo qiimaha Somaali.

Mar la weydiiyey safiir faransiis ah oo ku sugan bariga dhexe sababta uu dalkiisa xooga u saarayo inuu tartan xoog leh la galo Af ingiriiska , una halgamo inuu af faransiiska dunida ku fido , jawaabta uu bixiyey baa cajaaib leh.

Wuxuu yiri haddii aynu ka seexano hawshan ah fidinta afkeena , waxaa dhici doonta iney dunida ku soo harto in ka yar 50 qof keliya ee ku hadasha af faransiiska . wuxuu farta ku fiiqay iney taariikhdy ilaawi Karin in afaf badan sida Afka Sanskritka iyo dadyow  hore u jiray ay maanta ka mid noqdeen taariikh tegtay oo aan hadda jirin.

Sideynu la wada socono baasaboorkii qaranka Somaliya waxaa meelo qaarkood looga aqoonsaday inuu yahay warqad aan qiime laheyn , taana waxey daliil u tahay  baaba’a qiimaha qaranimada somaliyeed iyo talaab ku sii jeeda in Somali jiritaankeeda halis galo hadaan waxba laga qaban.

Sidaad ka war heyso magaca Somaliya maanta wuxuu noqday mid dadyowga caalamka xasuusiya qaxooti , dagaalo sokeeye , abaar iyo mugdi .

Waxaa la gaaray waqtigeynu faraha ka qaadi laheyn wax walboo aan heyno oo u soo jeesano ineynu murugoono.

Haddeynu murugoono waxa dhici karta ineynu xal waara ah helno , kana badbaadno khatarta noogu soo food leh.

Side bey kula tahay haddii ay dhacdo in marka haweeney somaliyeed oo ganacsato ah ay aado  matalan  dalka Turkiya , kala kulanto hotelka ay degan tahay dad ku hadla afaf caalami ah ee dunida  af Soomalina uu ku jiro?

Haddii la gaaro in dadyowga koofu bari aasiya aaney isku qaldeenin Somaliya iyo Suudaan?

Marka aan loo baahneed in dadyowga caalamka la tuso maabka juquraafiga si loogu sharxo halka somaliya kaga taal.?

Dhibaatooyinka aynu manta ku luga xiranahay ee aynu anaga mas’uul ka nahay  - legdanka siyaasadeed ee ma dhaamadaha noqday , burburka wadahadalada siyaasadeed ee ka socda Kenya , amni xumada dalka gudihiisa , is naceybka qabyaaladu abuurtay dhammaan waxey ka mind yihiin calaamadaha lagu garto  qaran taariikhda ka tirtirmaya , kana mid noqonaya  beelo aan laheen waddan u gaar ah.

Dadyowga loo yaqaan Balujistaan , kurdistaan iyo reer Tibet waa tusaale habboom beelaha seegay qaran u gaar ah . 

Walaalkeyga somaliyeed , waxaan ku xasuusinayaa in taa noo dambeyn doonto haddii aan fekerin , dadaalin , sare u kicin oo aan ka hortegin khatartaa weyn. 

Waxaa kale oo taa sii dheer iney marwalba jiraan waddamo ka faaideysta marka waddan dariishada ka baxo.

Aynu sare u kacno maadaama xalka gacanteenu ku jiro , ku dhaqaaqmo sideynu dhab uga dhigi laheen riyada ah in somaliya noqoto tusaale  loo soo qaato guul iyo horumar. Marka dadyowga caalamka meel walboo ay joogaan ay noogu daydaan karti hufan , isjaceyl , wada shaqeyn, cadaalad , horumar iyo daacadnimo oo dhaqanada wanaagsan aan la mataano noqonay , marka la gaaro in dadyowga dunida , laba kastoo balamaya ama heshiis gaaraya ay is xasuusiyaan habdhaqameedka somalida  halka ay ka dhihi jireen Bundameendo alaromaano  ay afkooda ku adkeeyaan  “ (Iska ilaali ! waa habdhaqameedka somalida ee ha goynin walaal) 

Awes A.Cusmaan
thenewsomaliagroup@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD