SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Cali Khaliif Galeyr oo Nairobi Soo gaaray”Waxaan Diyaar u ahay in aan ka qeyb qaato Dhismaha Qaranka,waana joogi doonaa ilaa…….

 Ra’isul Wasaarihii  ugu horeeyay ee Dowlada KMG-ka Prof: Cali Khaliif Galeyr ayaa  maanta Nairobi soo gaaray,Isagoo ka soo kicitimay Magaalada Dubai ee isku taga imaaraad-ka Carabta oo uu mudooyinkaan danbe ku sugnaa.

 Galeyr ayaa isagu maanta Duhurnimadii waxa uu ka soo dagtay Airporka Caalamiga ah ee  looyaqaano Jomo Kenyatta International Airport,halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen  Eryooyin, Mas’uuliyin, Aqoonyahano, Haweyn iyo Dhalinyaro, iyagoo ku dhawaaqaayo  ereyo ay ku amaanaayaa Galeyr,waxaa ka mid ahaa ereyadaas ”Sama wada Caliyoow Soo dhawaaw,Waxaan ku sugeynee Soo dhawoow

 Prof-ka oo isagu  la hadlaayay Dadkii soo dhaweeyay,ayaa waxa uuna u  mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen iyo sidii ay ugu dulqaateen Shirka Dib-u-heshiisiinta Somalida intii uu ka socday Nairobi,waxaana uu  sidoo kale ku nuuxnuuxday in ay tahay markii saddexaad ee uu Nairobi imaanaayo inta uu shirka socdo,waxa uuna Yiri”Imaanshadeyga waa dhiiro galin aan dhiiro galinaayo shirka  iyo in aan la socdo Xaalada meesha ay mareyso mar walba,Waana  joogi doonaa shirka Ilaa  mudo badan.

 Waxa   uuna Sigaar ah  ugu mahadceliyay Gabagabdii Dowlada IGAD,IFP-ta Midowga Yurub,Midowga Africa Dowlada America oo dhamaantood isku howlay sidii ay Somaliya Xasilooda dib ugu soo celin lahaayeen,mudo 14-sano  kadib.

 Khadiijo Maxamed Diriye oo iyadu ka mid aheyd  Xildhibaanadii Dowlada KMG-ka  oo maanta mar  iigu waramaysay Shabakadaan ayaa waxa ay tiri”Galey waa nin mudan in la soo dhaweeyo,Dhamaanteena waan wada ogsoonahay in uu  yahay Mawaadin Somaliyeed,wadanka u baahanyahay,lama mid ahan Hoggamiyaasha Kooxaha oo iyagu inta loogu hortago Airporka  laga codsanaayo In uuu Baarlamaanka kugu daro,waana nin soo celin karo  karaamadii ay Soomaaliya ku leheed Aduunka oo iyadu mar qura luntay.”

 Si kastaba ha ahaatee  imaatinka Prof :Cali Khaliif Galeyr  ayaa ah oodin  ku taagan Taageerayaasha C/qaasim Salaad Xasan oo iyagu  ka cabsi qabo in uu Galeyr  ka fara maroogsado Xilka Madaxweynimada Somaliyeed,Maadaamo uu yahay nin Sumcad  weyn ku leh Beesha Caalamka iyo Shacabka Somaliyeed.

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi ,Kenya
<nasrudiin5@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD