SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Lixda lixaad Allaha na qabto haddaad lix bilood ku darsatid 

Cabdulwaaxid Khaliif 

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

“Gorgor garab ka jaban meelna waa uma gurguurtaane

Laga guurye odaygiina yaa gurada saaraaya”. 

Allaha u naxariistee waa sheeko uusan Aadan Carab soo gaarin. Meeqa jeer baa Ina Cabdi Xaashi  go’aan soo saaray dabadeedna inta C/hi Puntland tagay beeneeyey? Isla Aadan-Carab wuxuu markaanoo kale dhahaa: 

Afartaa inaan dhahay bal yaa igu dhalliilaaya? 

Arrintaas aan sheegay yaa shaki uga jiraa? Teeda kale odayga wax qabsada ma la  waayey? Muxuuse dad dambe hortiis, C/hi dabadii la tegin? Teeda kale haddaan hadalkiisu soconeyn maxaa waalaya, muu iska fiirsado sida C/hi wax yeelo? Yaa hadda u musaafurinaya halka ehelkiisu joogo? 

Oo ma C/hi baan aqoon maansada Aadan-Carab? See buusan u aqoon! Waxaan filayaa inuu C/hi ka helo tixdan markuu Cadde Muuse, Maxamed Cabdi Xaashi iyo C/Raxmaan Faroole haysto: 

  • Siduu Xayle madax reer tolkii ugu muraaddeeyey

  • Uu kii is-muujaba xabsiga ugu malaasaayo

  • Yaa ii malowdaye intii muuqataan dilaye

  • Isaguba masuuliyad u diid reer-Mokaannniba e’

  • Ina-Mililiq buu Xabashi yidhi hooy mid ka ahoow e’

  • Iyagoo manjaha ciid ka badan ama malyuunaada

  • Inuu kaligi malabkooda cuno waydin maqashaane

  • Goortuu xanjada muudsadee miidda ka idlaysto

  • Uu waxa macaan kala baxuu murudka siiyaaye

  • Ma muddaahaneeyee haddana waa maroorsadaye

  • Anigana ninkaan mood i odhan waan maraanmariye

  • Mandheeraan idiin dirin dadyow ii musuusuqiye

  • Maqsin baan idiin furin hadhuudh lagu masruuftaaye

  • Baddaa murugtay baan moolka dhexe idin muquursiine

  • Waa idin masaafurin ilaa toban kun oo mayle

  • Haddaan Samatar meeshuu fadhiyey kaga maqnaan waayey

  • Uu Cumar markaan maagganaa moosin ila jiidhay

  • Ma cid baan martabad siinaya malaki soo maahi?  

  • Runtii C/hi taas wuu ku run sheegay oo meesha isagaa diiq ka ah. Markuu Aadan yiri: 

  • Ina-Mililiq buu Xabashi yidhi hooy mid ka ahoow e’ 

C/hi wuxuu Cadde Muuse ku leeyahay ninyahow ina-boqorkaaga ma aqaanne meel cagaha dhig oo dadkaas Puntland jooga mid ka mid ah noqo. Markuu Aadan-Carab leeyahay: 

Waa idin masaafurin ilaa toban kun oo mayle 

C/hi wuxuu Puntland ka saaray Maxamed Abshir, Xasan Abshir iyo Jaamac Cali Jaamac. Nimankaasi ceeb ma leh ee cidahooda baa ciilay halka C/hi ood arageen ay ciddiisu u haysato inuu caalim yahay, caddaaladdana ku fiican yahay. Kaaga daran waxay u caleemo-saarayaan inuu carrada (Soomaaliya) hogaamiyo halka qolyahaasi raggoodii ay carri shisheeye u direen. Ogaada hadda la ma joogo waqtigii dowladdii kacaanka. Qofkaan ciddiisu ciilin, cidi ma ciili karto. Weligiin ma maqasheen hogaamiye-kooxeed Xamar oo C/Qaasim Xamar u diiday? Maya oo nin qabiil haysta C/Qaasim Xamar uma diidi karo laakiin wakaas C/hi dadkii wada cayrshay. Markuu Aadan-Carab leeyahay:  

  • Haddaan Samatar meeshuu fadhiyey kaga maqnaan waayey

  • Uu Cumar markaan maagganaa moosin ila jiidhay

  • Ma cid baan martabad siinaya malaki soo maahi?

C/hi wuxuu leeyahay haddaan Faarax Dheere ku dilay Garoowe dhexdiisa, Hurrana duhur ku toogtay kala-bayr, Gaalkacyo dhexdeedna rag ku dilay ma Ina Cabdi Xaashi baan u daahayaa oo iga hor imaankara? Maya allaylehe suu toban jeer ka badan buu qoraal aan micno lahayn soo saaree. Cali-Dhuux Allaha u naxariistee markuu lahaa: 

Dhambaal lalama yaaciyo waraaq sida dhabiilleede 

Horta wixii dhacay dhace laakiin waxaan shaki lahayn inay C/hi uga dhammaatay Puntland marka la gaaro 31 Juulaay/Luuliyo 2004. C/hi wuxuu bartay sida kubbad-siyaasadeedka loo ciyaaro oo wuxuu gartay in loo dhigay ilaa 6 rigoore marka wuu yaqaan in inta jeer ee la tuurto rigooraha la yareeyo ilaa lakala raynayo. Marka faraq uma dhaxeeyo haddaad labo sano sheegatid iyo haddaad hadba lix bilood ama seddex ku darsatid laakiin: duq gaboobay iyo wiil yar baa loo dadaa hadal. Qamaan Bulxan baa taas noo dhigay. Marka C/hi waxaan xasuusinaynaa in horay loo yiri: 

Toddobaatan ruux jira, tunkeyguba ma qaadee, tasho baan ku leeyahay. 

Marka hadda sideetankii baad gashaye adna tasho. 

Sida Soomaalidu u tiraahdo: ido indhahood waa riyo marka reer Mudugga ayaa Puntland indho u ahe bal marka  iyagu ha  u hor bilaabeen rididda C/hi. C/hi annaguu naga yimid, annagaana ridayna. Marka Cadde Muuse iyo Maxamed Cabdi Xaashoow, shacabka reer Mudug iyo C/hi mid  taageera.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa lehqoraaga ku saxiixan.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD