SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

LOOMA OOYAAN, LOOMA AARAAN!!!! 

C/rahma Eelay eediran@yahoo.com

Cabdullaahiyow Waxaan seexday goor danbe oo inta aan sheydaanka iska naaray baan barkimo iga yara durugsaneyd soo jiitay go’na suray madaxa iyo lugaha. Waxaan soo shaqeeyey 13 saacadood oo xiriir ah sidaa daraadeed baan noqday aakhiro iyo adduunba moog. Mar ay ahayd waa bari dhowaadkii oo aan isnabayo salaadiina dhowdahay shaydaankuna uu doonayo inuu isbaaro ii dhigto oo uu ileeyahay maad iska sii yara seexatid baan mar keliya cirkaa u booday. Gidaar halkan iga xigay baan dhex quusay markaasaan ka soo booday oo gacmaha iyo lugahaba marba meel u tuuray. Xuub caaro ayaa meel waxba iiga baxay oo aan doonayaa in aan iska furfuro. Gurxan, hiinraaq iyo sanqadh badan baa iga baxaysay. Markii aan awoodi waayey in aan iska furfuro ayaan iskala dhigay bal si aan qayla dhaan iyo waawareey afka u saaro. Xuubkii baa marba dhinac u sabeeya sidii ay dabeeli wado; marna wuu isku darsamaa oo wuxuu noqdaa sidii mara cad oo iswadata, marna wuu kala fidaa sidii fiidmeerta oo kale isagoo iga sii furfurmaya. Wuxu waxay yihiin ma garan waxaan isku hayaa ma xuub caaraa, ma indhahaygaa, miyaan riyoonayaa, mise waan dheelaloowsanahay; waxba waa kala sixi waayey. Markii aan is idhi wuu iga dhamaaday ayuuba intuu gadaal u duulay sidii wan dagaalamaya isa soo maqiiqay. Waxaa ka soo hor maray wax buuran oo gees yar oo kale ah oo ay ka soo baxayaan hadal sida sameecada u gariiraya oo kale wuxuuna xuubkii bilaabay in uu mar kale isku kay marmaro sidii ay xajiin hayso!. Codku wuxuu ahaa mid tabar daran oo meel fog ka soo burqanaya wuxuuna lahaa: “I afuuf, I afuuf, I babi, I babi, I xog, I xoq-xoq. Alla biyo igu shub miyaadan Muslim ahayn!

Waxaa igu bilaabatay gariir aanan koontarooli Karin oo xataa uu waxan qaylinayaa ila gariiray. Ciribta ilaa iyo tinta ayaa ikurbatay, joodarigii jilicsanaa ee aan ku dul jiifayna wuu ila quusay! Indhihiibaa I weynaaday cabsi, aamusnaan iyo dheeygag aanan indhaha ka jeedinayn meel aan waxba jirin ayaa bilaabatay. Waxani waa hadlayaan, laakiin sidii dhawaaq meel dheer ka soo dhacaya oo kale ayuu iisoo gaarayaa, waxna kama fahmayo waxa uu leeyahay. Mar kale ayaa xuubkii isku kay mar maray isagoo sidii oo kale qaylinaya: “I afuuf, I afuuf, I babi, I babi, I xog, I xoq-xoq. Alla biyo igu shub miyaadan Muslim ahayn!”

Mar keliya uun baa waxaa iga soo baxday anigoo hashkadeynaya: “ Yaah, Yaah! Maxaa waaye”

Xuubkii: Cod aad moodid in uu sii dhimanayo ayuu ku yidhi: “I afuuf, I afuuf, I babi, I babi, I xog, I xoq-xoq. Alla biyo igu shub miyaadan Muslim ahayn!”

Eelay: Waxaan bilaabay afuufid iyo shukumaan ku hurgufid: Fuuf, Fuuf, Fuuuuuuuuuuf,

Xuubkii: Haah, Haah, Haaaaaaaaaah! Iska wad afuufida ha ka daalin inta ay iyaduna wado!

Eelay: Maxaan wadaa! Maxay wadaa! Yaa wax wada! Iyadee?

Xuubkii: Iyadu arxan ma leh,  Iyadu naxariis ma leh miyaadan la socon? Miyaadan ogayn?

Eelay: Hadda waxaan ku dhiiraday inaan hadlo; Iyada, naxariis iyo Arxan! Maxaad ka hadlaysaa? Maxaad adigu tahay? Maxaa ku haya?

Xuubkii: Qayla dheer iyo taah buu mar keliya ku dhuftay: “ Aah, Aaaaaaaah!. I qabo, I soo gaar, yaan dhulka ku dhicine! Haddaan dhulka ku dhaco waan ka sii darayaa! I qabo oo ila gaar Yaasiinka, Towxiidka ii qabo! Miyaadan Yaasiinka garaneyn! buu ku yidhi cod naxariis doon ah!. Afkii baa I kala tegey, waxaan is idhi ma jinni baa, ma sheydaan baa! Markii aan ka aamusay buu hadalkii sii watay. “ Ma maqlaysaa sawaxanka, ma maqlaysaa dabaaldega, ma maqlaysaa Falashka sawirka dhacaya, ma maqlaysaa qosolka, ma maqlaysaa garaaca ulha, siliga iyo biraha, ma maqlaysaa taaheyga, ma maqlaysaa dhuunraaga nafta iska kay sii guraysa, ma maqlaysaa dhuun yeerkeyga, ma maqlaysaa lafahayga jajabaya, ma maqlaysaa dhiigayga sidii tuba la furay ciida qodaya, ma maqlaysaa ashahaadada geedka aan ka laalaado, ma maqlaysaa shimbiraha subxaanaleysanaya, ma maqlaysaa alalaaska dumarka, ma maqlaysaa habaarka iyo catowga Naagta! Ma maqashaa! Ii jawaab intaanan is raacin!

Eelay: Ma maqashaa aa? Is raacin aa?

Xuubkii: Alla dhoohanow, miyaad dhega beeshay? Ma sidii Ururo ku sheega u dooda xuquuqda ee Soomaaliyeed ee markii dadkooda wax la yeelo sanqadha,, kuwa kalena iska dhega tira baad aamustay? Ma sidii Culumaaudiinka is rediya ee is caydhsanaya baad adiga iyo naftaadu is haysaan? Ma sidii warlaliyaasha iyo warbaahiyaasha beeleedka hubeysan baad cidlo ka dhawaaqaysaa? Alla dhegwaynow I dhegayso inta aysan naftan iska kayguraysa iga bixin aan kuu warramee! 

Waxaan u dhashay qowmidaha la takooro mid ka mid ah oo la yiraahdo Jareerweyne. Waxaanu ahayn dad shaqaysta oo muruq maal ah. Waxaa lagu hayey inta takoor ee lagu hayo qowmiyadaha kale oo aanu sii dheernahay tima takoor, midab takoor iyo qaab takoor. Laakiin guud ahaan dowladii jiri jirtay nooma darnayn oo kala danbeyn baa jirtay. Waxaa soo baxay qowmiyad aan ku tilmaami karo Juud Wama Juud: Diirato, Xuubsato, Mooryaan, Jirri iwm. Waxaa loo kala baxay Beelo hubeysan iyo Kuwo aan hubeysnayn. Waxaa khasab noqotay in Beelihii hubeysnaa ay la wareegeen wixii Mood iyo Nool aanu lahayn kadibna ay sidey doonaan naga yeelaan nana adoonsadaan.  Waxaanu shaqaale la garaaco, la kufsado, la gumaado, ka ihaaneysto ka noqonay beerahaygii iyo guryahayagii. Waxaanu u qaxnay meeshii Soomaali joogtaba haba u sii badnaatee meelaha nabadu ka jirto. In kastoo dadka Gobolada Sare ee Soomaaliya ay guud ahaan Diiratada Koonfurta ka roon yihiin, haddana Aflagaadada iyo dilku ma yara. Saaxiibow qofkii la’dayaa sariir gogladee, calalkeyga yar baan meelaha dhigan jirey! Iskool iyo dugsi ha sheegin oo qotulyoonkaan la diriraa.  

Waxaan meelaha miraafaba waxay ii geysay inaan  Islaan Jileec ah ama Aji ah oo degan Kismaayo u adeego. Waxay ahayd mid cirka laga soo hindhisay, laakiin dirxigu qudhunkiisuu bakhtiga ugu jiraaye, waan iska adkeysan jirey wixii laygu sameeyaba.  Ajigu xaasidsanaa, qof kaala hadlaya islaantaas ma leh, qof la talinaya ma leh, qof aakhira xasuusinaya ma leh. Tolow miyeeysan isqaban!  

Eelayoow tolow Ajigu ma Faranjibaa naxariis daranaa! Ma ogtahay Farenjigu wuxuu ku nool yahay badanaa meel qaboow oo sanadka intiisa badan wuu koksan yahay, dabeyl iyo duufaan baraf wadata oo jirkoo dhan qalajinaysa ayaa ku dhacda, farxad iyo qosol badan ma leh naxariisna warkeeda daa.  Wixii uu qoonsado ama uu ka yara xanaaqo seeftaa saaran oo weliba si biniaadinimada ka baxsan ayuu ula dhaqmaa. Markaasaa waxaa la yidhi Frenji ha laga dhigo ciidamada loo dirayo meelaha dhibtu ka taagan tahay: waaba dhib dhib u dir! Waxay sameeyaan wax yar baa laga arkaa inta kale Eebe ayaa og!. Waxaad ogaataa riyaaqa iyo furfurnaantu cimilada kulul ee wanaagsan kama soo hadho! Tolow maxaa islaantan iyo kuwaa isu galay! Haah Aah Aaaaaaaah! Aamusnaan iyo Hingo ayuu bilaabay Xuubkii!

Eelaay: Shifo! Shifo! Buuf! Buuuuuuuf! Bismilaahi! Maxaa kugu dhacay? Ma dhimatay? Maxaad ku mergetay? Yaad la hadlasaa? Ii dhamaystir?

Xuubkii: Walaale ma aragtaa labadaa muuqaal ee soo taagan ee igu doodaya! Waa lay kala jiidanayaa! Waxaan filayaa in aan arkayo wax qurxoon! Alla meeshaasi indhaha u roonaa! Alla aan gaaro! Aan kuu boobsiiyee dhegta iisoo dhowee.  

Kadib waxaa timid maalintii madoobeeyd ee islaantaan u adeegayey ay sidii aarka ka soo gurxantay qolkeedii iyadoo biro iyo ulo ku raran. Waxay igu dul wareegto oo muusanow, garaac, qaylo iyo cay is daba dhigtaba mar danbe ayay inta maryihii oo dhan kor iiga rogtay I tidhi: “ Mee Faraantigeygii dahabka ahaa!”. Waxaan ugu jawaabay: “ Faraanti sidee ah” Ma arag faraanti dahab ah!. War danbe iguma soo celine inta ay maryihii iga sii xayuubisay bay qayla dhaan afka saartay. Waa lay xirxiray iyadoo lay laadayo, lay garaacayo oo lay caayayo. Inta laysoo jiiday baa geed layga soo laalaadiyey anigoo qaawan. Markaasaa wax aanan kuu sheegi Karin, soo koobi Karin, kuu sharxi karin oo caqligu uusan suuraysan Karin laygu bilaabay. Saaxiibow markii aan ku lahaa I afuuf waxaan ahaa naf. Jirkaygii la goosgoostay oo meel waliba laalaado ayaa islaantii basbaas iyo cusbo marba ku dhoobaysay oo waxaan islahaa bal dabeeyshii socotay wax ka tari weydaye in afuufidu qaboojiso!.Bal I afuuuuuuuuuuuuuuuuuuf! 

Eelaayow imaadan fahmine bal ii dhug lahaw: naftiibaa dhiban, jirkiibaa xanuusanaya, afkiibaa juuqda gabay, xididadii baa togmay, dhiigii baa sidii miig maqiiqan ah, wadnihii baa durbaanka ka dhawaaq dheer, indhihii baa jalaadmay,  illintii baa dhamaatay, timihii baa soo daatay, madaxii baa kala dheeraaday, gacmihii iyo lugihii xirnaa baa sidii maro duug ah dilaacay, sankii baa ka la tegay sidii gamaan la eryayey, dhabanadii baa laalaada, labada dhafoor baa dalooshamay, lafdhabartii baa buda ah, meel walbaa qori iiga jaban yahay, qayladii iyo baroortii baanan awoodeyn, Ashahaado iyo yaa Muslimeey iyo yaa Islaam ah mise cidina iima juuqdo. Alla naagtu arxan daranaa ma eedey(aayo) ahaan jirtay!.  

Murduq baan ahay oo cirkaan u sii jeedaa laakiin ilqoodha ayaan ka arkaa humaag tira badan oo gacmahoodu laaban yihiin kuna hayaan laabtooda sidii iyagoo tukanaya. Afkoodu labada dhinac buu u kala waaxan yahay wuxuuna u egyahay inay muusoonayaan. Waxay naagtan aan u shaqayn jiray ila dhacaysaa qaaro waaweyn, silig kurtumo leh iyo biro halkii ay waagii hore ii isticmaali jirtay cayda, ulo roon roon, dharbaaxo iyo feer jilib. 

Dhoohanow waxaan kuu sheegayaa in laga bilaabo maanta haddii aad maqashid qof baa la dilay, la ceejiyey ama si silic ah loo dilay in aad suureysatid in adiga ay waxani kugu dhacayaan. Bal is dhig booska qofkaa la silic dilayo? Maxaad dareemaysaa? Wax xanuun ah ma ku hayaan? Bal suureyso taaha, dhuun yeerka iyo sakaraadka uu qofkaasi la kulmayo! Ayuu yidhi Xuub la moodkii isagoo sii taahaya!

Eelay: Allaha kuu naxariisto Adiga iyo inta la silic dilay koley ku tahay wiilkii yaraa!

Halkan ka akhri GUJI

Xuubkii: Ma qof kalaa la soo mariyey waxaan soo maray! Aah ha I maqashiin? Miyaan waddankani biniaadam ku noolayn! Saaxiibow Dulmanaha ducadiisa waa la aqbalaaye, Eebe islaantaas iyo kuwii la mid ah ha iga daba keeno iyagoo dhibtan oo kale soo maray!

Eelay: Aamiin! Aamiin! Ma ogtahay in Faraantigii la helay! Yaabaye ma Faraantigii Calaadiinbaa!

Xuubkii: Yaaaaaaaaaah! Salaamaad! Salaamaad! Yaa Salaam! Masabid weynaa! Xaqdara badanaa! Naxariis daranaa! Alla ka cabsi yaraa! Qadarin daranaa! Garasha yaraa! Ayuu yidhi isagoo si tartiib tartiib ah iigasii libdhaya codkiisuna sii yaraanayo gacantana iisii ruxaya!

Eelay: Hiiiiiiiih! Neef kulul baa iga soo booday anigoo ilmaynaya oo ku hadaaqaya Cabdullaahiyow!* Cabdullahi Makalangow!*  

Cabdullaahiyow iga daa caloolyowga!

 *Tixraac: Cabdullahi waa ninkii dhiidhiyey ee ka gubtay sida gabadhaa yar loo galay iyo sidii ka yaab badnayd ee ahayd aamusnaanta Soomaalida gudaha iyo dibadaba. Wuxuuna soo qoray qoraalka ah (Dhabta may ka hadlaan)

Ogow: Aamusnaantu waxay la micno tahay sii wad hawsha, ha ka caajisin, waan kugu raacsanahay! Waana ta halkaa na dhigtay!

C/rahma Eelay eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa lehqoraaga ku saxiixan.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD