SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • ·        Maxadax waynaha Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya oo shacabka Soomaaliyeed ugu hanbelyeeyay munaasabada 1 Luulyo.

  • ·        Xaflada lagu maamuusayay 1 Luulyo oo ka dhacday caasimada wadanka Denmark ee Copanhagen.

  • Ogadeniya oo la sheegay inay abaari ku soo food leedahay.
  • Magaalo ku taalla Kililka Tigreega oo bandow lagu soo rogay.
  • Liibiya oo mar kale soo jeedisay in xarunta Midawga Afrika Addis Ababa laga wareejiyo.
  • Barnaamujkii argtida halgamaaga iyo suugaan halgameed.

Maxadax waynaha Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya oo shacabka Soomaaliyeed ugu hanbelyeeyay munaasabada 1 Luulyo. 

Madaxwaynaha jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya Adr. Mohamed Omar Ismaan ayaa munaasabada sanad guurada 44 ee ka soo waregtay xoriyada Soomaaliya ugu hanbelyeeyay guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. 

1 Luulyo oo ku aadaneed maalintii ay gobolada koonfureed ee Soomaaliya madax banaanida qaateen isla markaasna ay midoobeen gobolada waqooyi iyo koonfur ayuu madaxwaynuhu ku tilmaamay maalin taariikh ah oo ay guushii ugu wayneed gacanta ku dhigeen shacabka Soomaaliyeed. 

Maxdaxwaynuhu waxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u soo jeedsadaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka sababay in mudo 14 Sano ah la waayo dawlad u adeegta danaha shacabka uu dagaalka sokeeye aafeeyay, waxuuna shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay midnimo iyo isku duubno iyo in uu Illaah u soo celiyo qaranimadoodii iyo karaamadii dawladanimo. 

Xaflada lagu maamuusayay 1 Luulyo oo ka dhacday caasimada wadanka Denmark ee Copanhagen. 

Manaasabad si aad ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay 1 Luulyo ayaa waxay ka dhacday magaalada Copanhagen ee xarunta wadanka Denmark. Munaasabadaas oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Denmark ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u badan oo ka kala socday qayba bulshada ee kala duwan. 

Munaasabadda kowda Luulyo, oo sannad walba looga dabbaal dego meel kastoo ay soomaali joogto, waxay dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Denmark ku soo dhaweeyeen farxad iyo murugo isku jirta, iyagoo Eebe ka rajeeyay inay sannadkan midkiisa kale ku gaadhaan iyadoo qaranimadii iyo dawladnimadii Soomaaliya dib loo soo celiyay. 

Xafladdaas, oo ay ka soo qayb galeen dadwayne soomaaliyeed oo aad u fara badan, ayaa laga akhriyay khudbad dheer oo dadwaynihii oo dhan qiiro gelisay, taasoo uu soo gudbiyay Hooggaanka Warfaafimta ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya. Haaggaanka Warfaafintu wuxuu si fiican uga xogbixiyay xaaladda uu dalka Ogadenya ku sugan yahay iyo meesha uu marayo halganka ay hormuudka ka tahay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya ee lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya. 

Hooggaanka Warfaafintu, isagoo dadwaynihii xafladdaas ka soo qayb galay tusaalaynaya horumarka uu halganka Ogadenya sameeyay, wuxuu yidhi; “Saw arrin lala yaabo ma aha in ciidammada xabashida laga seexan waayo magaalooyinka Luuq, Balad-xaawo, Baladweyn, Kaalgacyo, Burco iyo Hargaysa, dhanka kalana sow arin lagu farxo ma aha in iyaguna ay ciidammada waddaniga xoraynta Ogadenya ka seexan waayaan magaalooyinka Dhagaxbuur, Qabridaharre, Wardheer, Qallaafo iyo dhammaan dhulka Ogadenya” 

Hooggaanka Warfaafintu wuxuu dadwaynihii xafladdaas ka soo qayb galay si fiican ugu qeexay sida ay xukuumadda Itoobiya uga go’an tahay inaan dib loo soo celinin qarankii Soomaaliya, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in shacabka Soomaaliyeed midnimadooda iyo wada jirkooda adkeeyaan una soo jeedsadaan sidii dalkooda dib loogu dhisi lahaa. 

Dhanbaalkaas hogaanka warfaafintu wuxuu kaloo dadwaynaha soomaaliyeed u tibaaxay daannooyinka gobollada qaarkood loogu gaysto dadwaynaha rayadka ah ee soomaalida Ogadenya oo iyagoon waxba galabsanin la xidhxidho ama cadowga Itoobiyaba gacanta loo galiyo. Dadwaynihii soomaaliyeed ee xafladdaas ka soo qayb galay ayaa sacab aan kalajoogsi lahyn ku sagootiyay wakiilkii khudabdaas akhriyay markii uu dhammeeyay.

Ogadeniya oo la sheegay inay abaari ku soo food leedahay. 

Warbixin ay soo saaratay hay’adda ka hortaga masiibooyinka ayaa sheegatay in uunan roobkii gu’gu sidii la rabay uga di’in sanadkan Ogadeniya, waxaana la saadalinayaa inay dalka Ogadenya abaaro ba’ani ku soo food-leeyihiin. 

Warbixintu waxay kaloo intaas ku dartay in durba laga dareemay Ogadenya roobkaas gu’ga ee aan sida fiican u di’in oo xoolihii laga qixiyay meelihii uu roobku aadka  ugu yaraa, waxaa kale oo ka jirta meelaha qaarkood biyo la’aan. 

Dawlada Itoobiya ayaa abaaraha ka dhaca Ogadenya qarisi ilaa ay xaaladu gacanta ka baxdo, waxayna u isticmaashaa waxii caawimaad ah ee dunidu u fidiso gobalka Ogaadeenya arimo siyaasadeed oo lagu naas nuujinayo hadba kooxaha ciidamadeeda gacan saarka la leh.  

Magaalo ku taalla Kililka Tigreega oo bandow lagu soo rogay. 

Wararka naga soo gaadhaya magaalda Abi-Adhay ayaa sheegaya in magaaladaas ay isku xeereen ciidamada Iihadhiigtu oo ay bandow ku soo rogeen. 

Wararkan oo aanu ka helay ilo muhiim ah oo lagu kal soon yahay ayaa intaas raaciyay in maamulka magaladaas iyo kaligii taliye Meles ay isku dhaceen , ka dib markii ay shacbiga magaaladaas sameeyeen mudaharaad lagag soo horjeedo maaamulka Melis Zenaawi. 

Saraakiil ku dhadhaw Zenaawi ayaa maamulka magaaladaas ku eedeeyay inayna waxba ka qabanin mudaharaadyo rabshado watay oo magaaladaas ka dhacay, sidaas darteed ay dawladu ka qaadayso xilkii maamul ee ay hayeen. Hase yeeshee waxaa si wayn ugu gacan saydhay xubnihii maamulka ee dagamada Abi-Adhay oo sheegay in si dimoqraadi ah loo soo dooratay oo uu shacbiga oo kaliya uu ka qadi karo masuuliyada loo soo dooratay. 

Muduharaadyo isdabajoog ah oo lagaga soo horjeedo maamulka xukuumada Adis-Ababa ayaa waxay ka dhaceen bilihii lasoo dhaafay magaalada Abi adhiy iyo magaalooyin kale oo gobalka tigreega ka mid ah, taas ayaana sabab u ah khilaafka hada soo ifbaxay ee kalifay bandawga. 

Liibiya oo mar kale soo jeedisay in xarunta Midawga Afrika Addis Ababa laga wareejiyo. 

Dawlada Liibiya ayaa mar kale soo jeedisay in xarunta Midowga Afrika laga wareejiyo magaalada Addis Ababa, oo intii muddo ahba fadhi u ahayd, waxayna soo jeedisay in shirwaynaha Midowga Afrika oo talaadadii billowday lagaga doodo sidii xarunta Midowga Afrika loogu rari lahaa magaaloo kale oo wadamafa Afrika ka mid ah. 

Liibiya waxay codsiganoo kale soo dhex dhigtay kulan ay madaxda Afrika ku yeesheen dalka Toogo sannadkii 2000. Ajandayaasha kale ee dawlada Liibiya ay shirwaynahan soo dhex dhigtay waxaa ka mid ah qoraal dood ah oo daaha ka rogaya qaabka ay u doonayso in dib loogu habeeyo qaab dhismeedka Midowga Afrika iyo qorshaha istiraatiijayadeed iyo bajatka ergada sare ee Midowga Afrika. Waxaa kaloo ka mid ah in la xoojiyo Golaha Nabadgelyada iyo Xasilloonida ee dhawaan la sameeyay. 

02.07.2004

Dhiidhi Nuur
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa lehqoraaga ku saxiixan.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD