SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Madaxweynaha DMG ah oo ka hadlay maalmaaha 26juun iyo 1da luulyo.
"somalinimadu maahan wax la qorto lagana bixi karo ee waa jiritaan".
 
Canab max'ud,mumtaz.
Somalitalk.com.
 
Madaxweynaha dowladda KMG ah C/qaasim salaad xasan oo xaflad  ku qabtay madaxtooyada KMG.ayaa ka  hadlay qiimaha ay u leeyihin mujtamaca soomaaliyeed maalmaha 26 juun iyo 1da luulyo.
 
Waa maalmo mudan xusuus iyo waynayn baal dahan ahna kaga jira taariiqda somaliya ayuu yiri C/qaasim kuna xusay qudbadiisa in ay jireen maamul xumo iyo qaladaad ka dhacay maamuludii dalka soo maray midii uu ka mid ahaa ee milatariga iyo kuwii ka horeeyayba intaasna ku daray in kuwii talada ka qaaday taliskaas 21sano xukumayay dalka ee jabhadihii' yirina waan soo halganay ay dhibaatadan dabada dheeratay abuureen muhiimna ay tahay in ay ku dadaalaaan sidii ay wax uga badali lahaayeen mowqifkooda siyaasadeed ee ay hadda wadaan si dalka uu uga baxo dhibka iyo fowdada.
 

C/qasin Salaad (File photo)
Mar uu ka hadlayay shirka kenya waxa uu sheegay madaxweyne C/qaasim in ay u dirayaan dhawaan xubno matali doona DMG ah,si ay uga qaybqaataan wajjiga 3-aad Dowladiisuna ay mar walba u taagan tahay in ay ka qaybqaadato wado kasta oo nabad lagu heli karo.
 
Cidda soo xulaysa Baarlamanka mar uu ka hadlayay ayuu sheegay in mudnaanta la siiyo madax dhaqameedyada waayo hogaamiyayaasha sheegaynaya in ay wax soo xulayaan waxay wax dhisi lahaayeen mudadii dhawrka iyo tobanka sano ahayd ee ay dadka hortaagnaayen uguna baaqay in ay odayaasha ka raadsadaan xil ummaddana aysan ka qasaarin waqtigooda mar kale si ay wax un ugu dhismaan.
 
Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday C/qaasim xasuuqi dhawaan loo gaystay qaar ka mid ah ciidamada milatariga ee ku sugnaa xerada maslax in ay ahayd fal ka fog bini'aadaninimada ahna wax laga xumaado.ciidanka milatarigu  waxay mudan yihiin in la siiyo mudnaaan gaar ah waayo waa astaanta qaranka iyo jiritaanka ummadda. 

C/qaasim ayaa qudbadiisa ku xusay in aysan soomaalinimadu ahayn wax la qorto laga baxo ee ay tahay mid loo dhasho oo jiritaan iyo qaranimo ah.somaliya waa hal waana ay ahaan doontaa waxayna midowday 1da luulyo 1960 taariiqdana baal dahab  ah ayay kaga jirta caalamkuna sidaas ayay ogyihiin cid badali kartaana ma jirto. 
 
Ugu dambayn waxa uu amaan usoo jeediyay halgamayaashii maalmahan xusuusta mudan ee midawgii labad gobol ee koofur iyo waqooyiba keenay iyagoo u huray naf iyo maalba si ay uga xoreeyaan dadkooda iyo dalkooda gumaysataashii reer yurub. 
 
Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen gollaha wasiirada iyo Baarlamanka Dowlada KMG waxa ay ahayd mid lagu sagootinayay maalmaha 26juun iyo 1da luulyo.

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD