SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
MADAXWAYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SOO GAABIYAY XILLI KORDHINTII AY SAMEEYEEN GOLAHA BAARLAMANKA PL.

Galkacyo (Somalitalk) :: Faafin:: Sabti July 03 2004
sahrasiglan  | sahrosiglan@hotmail.com

Madaxwaynaha Puntland C/laahi Yuusuf Axmed oo dalka dib ugu soo laabtay horaantii todobadkan ayaa sheegay in aan loo baahnayn in xilli dheer dawladda xilkeeda loo kordhiyo , arintan oo madaxwaynuhu latashiyo kala duwan kala sameeyay baarlamaanka iyo golaha wasiirada ayaa baarlamanku ay ku adkaysteen in xilli kordhinta dawaladdu ay ahaato labo sanadood sidii horayba loo sheegay , arintaasi waxaa sidoo kale ka horyimid madaxwayne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo sheegay in arinta uu madaxwaynuhu soo jeediyay ee ah in xilli kordhinta 6-da bilood lagu soo koobo ay tahay mid asaga ku gaara.

Madaxwanaha ayaa soo saaray habaynimadii 1-da luulyo qoraal uu kaga hadlayo mudada 6-da bilooda asagoo ku xeerinaya qoraalka dastuurka sida uu qorayo waxa uuna Madaxwaynuhu ka soo saaray qoraalkan xafiiska madaxwaynaha ee caasumadda PL, ee Garoowe Qoraalkan oo ah kii rasmiga ahaa ee ka soo baxa xafiiska waxa uuna u qornaa sidatan


DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

Xafiiska Madaxtooyada  

PUNTLAND STATE OF SOMALIA

 

Office of the President

 

 

XEER No: MW/DPS/Xeer300604/2004

Garoowe, Juun 30,2004

 

MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND,

 

MARKUU ARKAY Dastuurka Dawladda Puntland,

 

MARKUU TIXGELIYEY Xaaladda Guud ee Dalku haatan ku  suganyahay,

 

MARKUU ARKAY Dekreetooyinka  Madaxweyne iyo Qoraallada Madaxweyne Ku Xigeenka, Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ku saabsanaa Kordhinta Golaha Wakiillada,

 

MARKUU SAMEEYEY Wada-tashi ballaaran ee Ergeda Puntland ee Shirka Qaran joogta, Dhamaan Golayaasha Dawladda, Isimmada, Odayaasha iyo wax-garadka Puntland,

 

ANIGOO TIXGELINAYA jiritaanka, xasiloonida iyo midnimada Dawladda Puntland ee Soomaaliya sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 54aad (1),

 

WUXUU XEERIYEY:

 

  1. In kordhintii Golaha Wakillada ee Xilka Golayaasha mudo labo sano ah ayan waafaqsnayn Dastuurka Dalka.

  1. In Golaha Wakiillada haatan dhisan uu sii jiro mudo lix biloood ah oo keli ah, oo ka bilaabanaysa Koowda Luulyo 2004, dibna jiritaankiissa loo kordhin karin.

  1. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka xilka ay sii hayaan mudo lix bilood ah.

  1. In Golaha Garsoorka haatan dhisan uu sii jiro mudo lix bilood ah oo keli ah.

  1. Isagoo la tashanaya Madaxweyne Ku Xigeenka, Madaxweynuhu wuxu si dhaqso leh u soo dhisayaa Xukuumadda  Cusub.

Cabdullahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda

 

-dhammaad-

Galkacyo (Somalitalk)
sahrasiglan  | sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2004  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD