SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
MAXAA XAL U AH UMADDA SOOMAALIYEED ?
 
 mohamed abdi jimcaale  huseen2002@hotmail.com  

Waxaan salaan halka ugu tabinayaa dhamaan shaqaalaha somalitalk Online oo dadaal dheer ugu jira soo bandhigida fikradaha dadwaynaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan mar labaad ayaan idin salaamayaa .

 
 
waxaan qabaa in dib dhaca soomaaliya ku yimid ay sabab u tahay hawiye oo aan heshiin karin dad kalane la noolaan karin lana heshiin karin, waxaana la soconaa ayaan darada hawiye iyadoo burburkii soomaaliya la marayo 14 sanadood oo ay jilba xirantahay hawiye ,
 
Waxaan qabaa in Abdullahi Yuusuf la doorto madaxwaynaha jamhuuriyada soomaaliya  si uu hubka uga dhigo jamahuuriyada is magacday ee waqooyiga soomaaliya & beelaha hawiye oo xitaa ku heshiin waayay inay dekadda & garoonka diyaarada dadkooda u furaan maadama aan la taraxin illeen dadkii guryaha iyo maaliyadda ku lahaa waa u diideen inay ku noolaadaan degaanadii ay xooga ku qabsadeen.,
 
Dalka waxaa imaanaya ciidamada AFRICAN UNION ah ee hub dhigista kana  bilaabi doona waqooyi galbeed kuna xijin doonaa beelaha hawiye illeen soomaalida kale caqli ayay leeyihiin mana aqbalayaan in xoog hubka looga qaado ee waa hore ayay iska dhigeen wax is dilaya & gobola dagaal ka socdaan midna ma jiraan .
 
waxaa kaliya ah dagaal ka socdaa waa waqooyi galbeed oo ajaanibta lagu laayo & hay,adaha gargaarka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya waxbarashada, caafimaada biyaha iwm.
Halka magaalada muqdishana ay soo baxeen waayadan danbe qabqablayaal haween ah oo qaarkooda aan maqalay magacooda labadii bilood ee ugu dambaysay oo habeen & maalin waa isugu mid  dhaca ,boobka dilka, loo gaysto shaqaalaha gargaarka noocay doonaanba ha noqotee waxaan qabaa in aan la qaadan karin
 
Dowladda lagu soo dhisaan Nairobi waxaa la gayn karaan meel alaale meeshii dhulka soomaaliya ka mid ah waxaana la adeegsan doonaa awooda AFRICANKA & soomaalida nabadda jecel si loo soo celiyo wixii beelaha hawiye ay diidanayeen 14 sano oo ay ku doodaan dowlad anga ma rabno dekaddo macmal ayaan haysanaa & garoomo gacan ku samays ah oo ay u jeedaa garooamada kala ah CIISALEY , NR50 ,DAYNIILE , BALIDOOGLE, Halka dekadaa macmalka ahna ay ka wadaaan MARKA ,CEEL MACAAN, haddaba suur gal matahay in caasimadii & dadkii ku noolaa haddii ay wax samayn waayeen in sidaa soomaalida kale ku baa,bado oo ay is hortaagaan nabadda , wadahadalada ...& dib u heshiinta soomaaliyeed
 
Aniga shakhsiyan waan ka soo horjeedaa in abullahi yuusuf uu noqdo hogaamiya soomaaliya dhan maxaa yeelay Abdullahi waa la yaqaanaa waa qabqable  walibana mujrim ah diinta islaamkana neceb dabdhilif amxaaro & maraykana ah oo qabiilkiisa kan dhan & guud ahaa soomaalida kale ka fikrada duwan oo aan ogolayn isga mooyeen qof kale in uu wax noqda xitaa walaalkiis laakiin su,aasha  meesha taal waa
sida
 
Macquul ma tahay in soomaaliya oo aan dowlad lahayn 14 sano in la waayo DICTATOR  ama nin caadi ah umadduna ku baa,bado kolba qabqable soo baxa umadda laaya illaa aan soo gaarnay qabqablayaal dumar ah oo isku hardinya MUQDISHO,
 
Waxaan aaminsanahay in 3 fursadood oo hawiye lahaa dhumiyeen midda
 
1 waa xukuumaddii ALI MAHDI 1991 ee lagu soo dhisay DJIBOUTI oo xoogay aqoonsi heshay laakiin ay burbursheen caydiidi & taageerayaashii
 
2 xukuumaddii salbaadh ee uu dhisay isal GENERAL CAYDIID 1996 taas oo guul daro ku damabaysa markii dad haybtiisa leh ay ka diideen halkaas dagaal sokeeye ee ugu dambaystii isgii dhisay lagu dilay keenay
 
3 Waa dowladdii sharci ahaan ugu dambaysay  ee Abdi qasim salaad  ee lagu dhisya CARTA  2000 taas oo KMG ahayd oo taageero guddo & dibadaba heshay markii xamar la geeyay dad 2 million oo dad ah lagu qiyaaso ayaa isugu soo baxay shawaarcida magaalada muqdsiho xitaa mucaaridakii diidanaa in dowladaa  MUQDISHO la keeno ayaa soo dhaweeyay laba bilood kadib waxaa diiday dhamaan qabqablayaashii xamar & taageerayaashoodii  wayna burburtaya  walow si daciif ah ay u shaqayn jirtay , waxay kaloo ka shaqayn wayday cadowga koowaad ee soomaaliya oo ah ETHIOPIA sida mar walba ay sheegayeen afhayeenada dowladda KMG ah
 
Isku soo wada duuboo waxay ka shaqayn waday mucaarada hawiye & faragalin Ethiopia waxaan loo baahanyahay in la badbaadiyo dadka inta ka hartay oo aan waraabaha lagu sii dayn si loo badbaadiyo dadka & dalka si loo sugo amaanka gobolada soomaaliya oo dhan loona qaybsado khayraadka dhuleena ceegaan aanan loo hoorsan gacmaha dibadda qurba joogana ay yimaadaa dalkooda hooyo
 
 
Wabillaahi Towfiif
 mohamed abdi jimcaale  huseen2002@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD