SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Waxgaradka Beesha Isaaq ee Magaalada Muqdisho oo ka codsaday maamulka Somaliland inay soo daayaan dhalinyaro ku xiran Jeelka Haragaysa.
 
 
Dad isugu jira odayaal, Ganacasadayaal, iyo aqoonyahano ka soo jeeda beesha Isaaq ee Somaliland ayaa ka codsaday maamulka Somaliland inay si shuruud la,aana usoo daayaan dad la sheegay inay ka soo jeedan Koofurta Soomaaliya oo u xiran maaamulka magaalada Hargaysa, iyadoo loo xirxiray arrimo ku saabsan Xagga Argagaxsinimada iyo waliba Dilkii loo gaystay gabadh u dhalatay Dalka Kenya .Balse dad badani ku doodayaan in dadkaasi isugu jireen arday waxbarasho u socotay iyo dhalinayaro tahriibayaal ah oo aan inaba shaqo ku lahayn Argagixisnimo.
 
Xasan Awmuuse oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay inay u gudbiyeen Madaxweyne Riyaale codsi ah inuu dadkaas ku eego il naxariisa oo aan filayno buu yiri  inaan si dhaqo leh uga heli doono Jawaab na qancisa.Xasan waxuu kaloo sheegay in dadka u qoray codsiga Riyaale ayan wax siyaasada shaqo ku lahayn,oo arrintoodu uun tahay maslaxad Jacayl iyo isku soo dhawaynta walaalaha soomaaliyeed.
 
Sidoo kale waxaa maalintii arbacada ee bishu ahayd 7da,codsi udiray maaulka Somaliland arday wax ka barata qaar ka mid ah dugsiyada Magaalada Muqdsho gaar ahaan kuwa lagu barto Culuumta diinta, ayagoo codsaday in si degdega loo soo daayo ardada ku xiran jeelka Hargaysa,waxayna ku hanjabeen inay dhigi doonaan banaabx wayn oo looga soo horjeedo waxay ugu yeereen gabood falka lagu hayo dadka barta diinta Islaamka oo maamulka Riyaale iska xirto kuna tilmaamay argagixiso bay yiraahdeen.

 

Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
<abdi172@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2004


Waxqabadka PL iyo Waayaha Gobolka Sool
Warbixintii uu maanta Laascaanood kasoo diray Asad Cadaani Guji

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob
Kulankaas oo loogu magac daray 'nolosheena ayaa ku jirta Islaamka' ayaa waxaa...  Guji July 8

Soomaaliya iyo Qabqablayaasha Dagaalka
Faaladii Toddobaadka ee Maxamed Xaaji (Ingiriis) Guji July 8

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD