SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

          

Su'aal aan baaris lahayn, iyo Jawaab aan sugnayn

Abdisaid Musse Ali-Koor <aabdisaid@hotmail.com>

Akhristow imisa jeer ayaad akhrisay su'aashan, "Maxaa burburiyey dawladnimadeenii?" haddana aad ka dhexweyday maqaalkaas amase qormadaas jawaabtii aad islahayd waa laguu bidhaamin?

Marar badan ayaan maqaalo aan islahaa waxbay kugu kordhin aan ku hungoobey, dhamaantood cinwaankoodu waxay u badnaayeen sidan;

Xalka soomaaliya, Taariikhda soomaaliya, badbaadinta soomaaliya, Qaran, sidee Dawlad ku helnaa, iwm

Ogow maanta inaad wax uun qorto waxay u baahantahay kaliya, inaad hesho shabakad aad isku aragti tihiin amase isku hayb ee soo daabacda waxaad qorto, ileyn majirto faafreebkii taliskii foosha xumaa ee Ina Siyaad Barre....Annaguse annagoo kala aragti ah ayaan somalitalk.com ku wadaagi karnaa fikradaheena.

Haddaba maadaama aan helnay inaan fikrado isdhaafsan karno, ka sheekayn karno dhibkii lasoo maray maan isdhaafsano fikrado ku dhisan baaris salaysan oo qofku uu si fiican uga soo baaraan degay....

Uma arko fikradaha xamaasada ku dhisan ee soomaalida aan degganayn soo bandhigaan inay yihiin kuwo dadka wax akhriyaa ay wadaagi karaan...

Tusaale haddaan soo qaato, dad badan oo xoogsato soomaaliyeed ah ayaa aaminsan in haddii qabqablayaasha oo dhan la xiro, amase la dilo uu xal imaan lahaa...Wuxuu qofka wax kala garanayaa isla markiiba fahmi karaa in ay aragtidaas tahay mid fudud oo aan baaris dheer ku sulaysnay, sidoo kale aragtidaas oo kale, ma aha mid uusan garankarin wiilka Geeljiraha ah, ileyn wuxuu u dagaalamaaba waa reer hebelbaa na hortaagan maahane, marhoraan soomaali oo dhan xukumi lahayn..

Aragti kale ee dadka qaarkiis aaminsanyihiin ayaa iyana ah "Haddii soomaaliya Diinta lagu xukumi lahaa in dhibkoo dhan dhamaan lahaa", annigoon diidanayn in dadkii aaminsan shareeco inay isku xukumaan ay yeeli karaan, ayaa haddana qofkii yaqaana dhaqanka, aragtida, iyo fahmada soomaaliyeed uu garankaraa in ay tahay aragtidaas mid aan ku dul fadhin aasaas hoose oo culus, waxaa dhaqanka soomaalida ka mid qofka naf la cararka ah in haddii uu ku hagoogto qof la xurmeeyo oo tolka ka mid ah inaan la dilli karin, laakiinse, hadduu qofkaas Masjid galo, waxay u badantahay in lagu dhexdilo masjidka...Haddaba maxaa keenay in qofka tolku sharfaan uu fakin karo qof naf-la-carar ah, Masjidka Allaahna lagu dhexdili karo qofkaas?

Sidoo kale, waxaad ogaataa dadka soomaaliyeed isku wakhti dawladnimadooda inaysan wada-dhumin oo waxaa laga yaabaa C/qaasim Salaad in haddii la yiraahdo goormaa soomaaliya dawladnimadeedii ugu dambaysay, inuu ku jawaabo, 26 Janaayo 1991..

Sidoo kale, isla su'aashaas nin kale haddii la iwaydiiyo waxaa laga yaabaa inuu ku jawaabo, 21kii Oktoobar 1969, marka shaqsigaas iyo C/qaasim isku si uma arkaan dawladnimo, sidoo kalena isku si uma arki karaan xalka soomaaliya....

Waxaa laga yaabaa xitaa dadka inay ku kala duwanyihiin tixraaca shaqsiyaadka ka hadla arimaha soomaaliya, sida qofkii soo qaata Prof.Cabdi Ismaaciil Samater iyo David Shinn, waxaa laga yaabaa inay qof u yihiin shakhsiyaad jecel in burburka soomaaliya sii dabo dheeraado ,(ileyn dantoodaa ku jirtee) oo qaarkood aysan qarsan inay lacag ka qaataan Gooni Goosatada Waqooyi Galbeed, qaarkalena lagu eedeeyo hay'ado kale oo aan dan inoo ahayn, qofkii tixraacay raggaasna uuba u arko aqoonyahano mudan in lasoo qaato aragtidooda....(nasiib daro, taariikh xumo iyo baaris aan sal lahayn darteed)

Waxaa dadka waxmagaratada ah u fudud in shaqsigii shalay soo dhacay '16 million" US Dollars, uu isla maanta noqdo shaqsi sharaf ku leh soomaalida dhexdeeda, marka xalka Geeljiruhu ma yahay mid shaqayn kara?

Dhibka ka jira soomaaliya waa dhibaatooyin ka quransan aasaaska soomaalida, sida;

Akhlaaqda, aragtida, xishood la'aanta, xurmad darada,  dhac-ku-faanka, jahliga, faqriga, xamaasada, xadgudubka aad xadka lahayn, iyo arimo badan oo ka qaldan aasaaska ummadda....Qofkii intaas qayb ka mid ah hagaajiya wuxuu ka midyahay qof soo dhowaynaya xalka soomaalida, midkii intaas sii badiyana sida kuwa been-abuurka badan, faansha tuugada waddanka dhacda, asna wuxuu sii dheereynayaa in la helo xal soomaaliyeed.

Haddaba waxaa isweydiin leh, maxaa keenay in aasaaska ummaddu burburo?

Su'aashaas maqaalka dambe ayaan uga jawaabi doonaa..........

Abdisaid Musse Ali-Koor <aabdisaid@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2004


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]