Ururka Dhalinyarada Xididdada Soomaaliya "UYSR"
Beesha 5aad Soomaaliya
Bosaso Soomaaliya 07/07/04
QODAXDA KU TAAGAN XUQUUQDA IYO AWOOD QAYBSIGA
XUBNAHA BEESHA 5AAD
Ku:Mudane: BETHUEL kiplagat
Guddoomiyaha guddiga fududeynta IGAD ( TRANSALATED COPY
ATTACHED) Mpagathi
Ku:Dhammaan xubnaha Guddiga Fududeynta IGAD
Ku:Dhammaan xubnaha Dowladaha IPF
Ku:Dhammaan Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda ee Soomaaliya
Ku:Dhammaan Ergada rasmiga ah ee Soomaaliya
Ku:Dhammaan Hoggaamiye Dhaqameedyada soomaaliya
Ku:Dhammaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Shirka Soomaaliya
Mudanayaal, iyo Marwooyin
Marka hore waxaad naga guddoontaan salaan kal iyo laab ah, salaan kadib,
Waxaa hubaal ah in aan "Qorraxda sacabbo lagu qarin karin" waayo maanta caqabadda hortaaga isfahamka iyo in la qeybsado xubnihii 31ka ahaa ee beesha 5aad uga mid noqon lahaa golaha baarlamaanka dowladda soomaaliya loo dhisayo hadii uu ilaahay idmo, ugudambayn dabayaaqada bishan jul-2004 waxaa hortaagan ninka layiraahdo mowliid macaani oo ah hoggaamiyaha siyaasadda beesha jareer weyne,.
Sababtoo ah mowliid macaani waxaa isaga qaldan macnaha beesha 5aad iyo xuquuqda uu uraadinayo beesha jareer weyne, iyo cidda ay xuquuqdiisa kaga maqan tahay.
Mowliid macaani waxa uu xilligan umuuqdaa aalad halis ah oo loo adeegsado baabi'inta iyo burburinta xuquuqduudsiga lagu majara habaabinayo ergooyinka beesha 5aad.
Mudanayaal iyo marwooyin
Waxaa nasiib darro ah oo wax laga xumaado ah i mowliid macaani oo ah hoggaamiyaha siyaasadda beesha jareer weyne kuu sifoobo kala qeybinta iyo kala qoqobidda xuquuqda beesha 5aad, Isagoo weliba beesha 5aad beelo ka mid ah uu ku xad gudbay kana been sheegay nasabiyaddooda kuna tilmaamay asal ahaan meelo aysan ka soo jeedin tasfiirtooda dhalasho isagoo aan aqoon ulahayn, wuxuuna beelahaa ku tilmaamay in ay yihiin dulun wax boobaya oo weliba xaqdarro udirir ah,
beelahaasina waxaa ka mid ah: Beesha madhibaan,Beesha muuse dheri, Beesha tumaal iwm. Isagoo hadaladaa foosha xun oo xaqiiqda ka fog uu ku muujiyay qoraal uu udiray mudane Bethuel Kiplagat oo ku taariikheysneyd mpagathi 31st march,2004 Qoraalkaasoo uu ciwaan uga dhigay "DHOWRISTA XUQUUQDA BEESHA 5AAD" Isla warqaddaa wuxuu ku been abuurtay Go'aan lagu gaaray shir ay ku yeesheen Hoggaamiyayaasha siyaasadda ee soomaaliya guriga mudane: MWANGALEH Taariikhdu markay ahayd 15/12/2002 Eldoret Go'aan kaa oo u qornaa in haftida(5) ee xuquuqda dalka in ay qeybsadaan beelaha aan sinna uga tirsaneyn Beelaha Hawiye, Daarood, Dir, iyo Digil iyo mirifle midnaba.
Go'aankaa ay hogaamiyeyaashu gaareen mowliid sidii loo dhigay wuu ka marin habaabiyay, Isagoo go'aan kaa u fasirtay sida ugu fudud ee uu wax u marin habaabin karo, Isla qoraalkaa wuxuu mowliid wax ugu dhimay oo uu ku sheegay in ay arimaha soomaaliya isaga marti uga yihiin isagoo eegaya xuquuqul insaanka waa sida uu hadalka udhigaye beelo ka mid ah Beesha 5aad oo la xuquuq ah Beesha Jareer weyn Beelahaana waxaa ka mid ah: Beesha Yibir, Beesha Yaxar, Beesha Baajuun, Beesha Carab soomaali, Isagoo habqoraaleedkiisaa gefafka badani ay ku jiraan isku lammaaniyay beesha banaadiriga sida ku cad qoraalkiisa, Taasina waxaa laga rabaa inay Beesha Banaadiriga Siyaasiintooda, Isimadooda , Aqoonyahanadooda iyo dhammaan waxgaradkoodaba ay cadeeyaan in ay fekerkaa la qabaan mowliid macaani iyo in kale , maadaama uu magacooda iyo sharaftooda maamuska leh uu ku lifaaqay qoraalkiisa.
Waxaa kale oo uu mowliid macaani magacoodii iyo sharaftoodiiba uu ku tuntay Beesha jareer weyn isagoo iska indho tiraya wadada loo maro raadinta xuquuqda soomaali weyn kaga maqan beesha uu metalo,Wuxuuna abuurayaa colaad hor leh oo ka dhex bilaabata beesha 5aad ee soomaaliyeed dhexdeeda iyadoo xilligan loo baahnaa xoojinta midnimada beesha 5aad maadaama lagu jiro sidii soomaali loo nabadeyn lahaa.
Haddaba waxaan mowliid macaani ku boorinaynaa in uu ka fogaado kala qoqobidda iyo iska horkeenka qaawan ee uu kula dhex jiro beesha 5aad iyadoo weliba la og yahay halka uu ka shidaal qaato iyo fekerka uu ku shaqeynayo oo ka baxsan middii ay u wakiilatay Beesha Jareer weyn somaliya.
UGUDAMBEYNTII MUDANE: guddoomiye iyo dhammaan xubnaha uu qoraalkani ku socdo, waxaan idin ku wargelinaynaa idinkana codsanaynaa inaad fiiro gaar ah oo naxariisi ku dheehan tahay ku saleysaan eegidda qoraalkan qeexaya , kana turjumaya "QODAXDA KU TAAGAN XUQUUQDA IYO AWOOD QAYBSIGA XUBNAHA BEESHA 5AAD EE 31ka AH" Taasoo ay wax ka dhammaan la' yihiin, Qalalaasaha iyoxagal-daacinta uu mowliid macaani kula dhex jiro ergooyinka Beesha 5aad iyo weliba fashilinta uu ku hayo isfahamka dhexdooda ah
Waxaan marlabaad idinka codsanaynaa masuuliyiinta ay warqadani sida toos ah ugu socoto in ilgaar ah lagu eego fashilinta awoodda xubna qeybsiga Beesha 5aad ee uu mowliid macaani ku howlan yahay.
WABILAAHI TOWFIIQ
Guddoomiyaxa Ururka Dhalinyarada XIdidda Soomaaliya
(U Y S R)