SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Suldaankii Nabada oo Geeriyooday; Suldaan Mohamed Suldaan Faarax

Marxuum: Suldaan  Mohamed Suldaan Farah 

 

Alle ha U Naxariistee Shalay Galab waxa Geeriyooday Suldaan-kii Nabada Ee Somaliland Suldaan  Mohamed Suldaan Farah  oo Ahaa Nin Door weyn ka Ciyaaray Nabadda Iyo Horumarka Somaliland Suldaan Mohamed Suldaan Farax waxa Lagu Xasuusan Doona  isku Keenistii Maleeshiyooyinka Hubaysan Ee Hargeysa Sanadii 1994 ...

Suldaan Mohamed Suldaan Farax oo Beelweynta ARAB  ee Degta Koonfurta Hargeysa Ilaa Ethiopia Suldaan Guud u ah ..waxa Uu Taladda Suldaanimo uu hayey 60 Sanadood ..waxa Uu Ahaa Nin haybadd leh oo Umadda Somaliyeed oo DHan ay Ku Taqaanay Nabad  u Olloleeyen   waxa Uu Ahaa Hogaamiye Nabadeed .


Sawirka Suldaanka Geeriyooday ..Midig-ninka Taagan Actor-ka Reer Scotland,iyo ninka Fadhiya Wiil-ka Suldaanka Geeriyooday uu Dhalay ee Loo Caleema Saaray Suldaanimadda Maanta

Suldaan Mohamed Suldaan Farax waxa uu ka Geeriyooday Bahada Jecel Nabada iyo Horumarka .

Hadaba Suldaan Mohamed Suldaan Farax .oo wax laga waydiiyay xaaji Cabdi waraabe  oo ah Isaguna Hogaamiye Nabadeed Oo ka Tirsan Golaha Guurtidda Hargeysa Ayaa Yidhi wuxuu ahaa Nin daacadda ..Anigaa qoray Ciidamadda . isagoo 17 jir ah ..xaaji Abdi waraabe waxa uu ku tilmaamay Nin Nabad Jecel.


Suldaanka Waxa Booqoday Mar isagoo Deegankiisa Jooga  Actor-ka Caanka Ah Ee  nabadda u Ololeeya ee Reer Scotland  Mr johnson oo Sheegay in uu Nasiib u Helay in uu la Kulmo Hogaamiye Nabadeed.

Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax (Suldaanka la caleemo saray)

Alle ha u Naxariistee Suldaan Maxamed waxa  shalay galab uu ku  geeryoodey gurigiisa, magaalada Hargeysa, isaga oo 83 jir ah, kadib markii uu in muddo ah u jiifey xanuun. Waxa uu ahaa suldaanka ugu Faca-Weyn Uguna  da'da weyn saldanadaha Somalida , isaga oo ka dhaxlay aabihii Suldaan Faarax.

Aaska Marxuumka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxda Saddexda Xisbi, mudanayaasha labada gole ee Baarlamaanka, Wasiirro, Salaaddiinta beelaha Somaliland iyo dadweyne aad u fara badan.

Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo Ummadda Somaliland geerida ku timi Marxuun Suldaan Maxamed Faarax.

Dhinaca kale, waxa isla galabta loo caleema-saaray suldannada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed, wiilkiisa Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. waxaana damaashaadka suldaanka cusub laga dareemay magaalada Hargeysa oo lagu soo wareejiyey suldaanka la caleema-saaray oo lagu gelbinayey baabuur fara badan.

Qore: abdiaziz ahmed 
abdiaziz2@hotmail.com
SomaliTalk | India

<><><>

Abshir cadami oo Ku Geeriyoodey Boosaaso

       TACSI
Waxaan tacsi u direynaa eheladii iyo qaarabadii uu ka geeriyoodey (Abshir cadami) marxuumkaas oo ku geeriyoodey magaalada Boosaaso taariikh markey aheyd 8.06.04 anaagoo kale ah.

  • 1 Ahmed cali kaarad (koongo)
  • 2. Mahamed cali baasnood
  • 3. Diiriye salaad xidig (Duceysane)
  • 4. Idiris mire saalax
  • 5. xuseen cabdiraxmaan Daarood
  • 6. C/risaaq muuse cabdulaahi
  • 7. Suudi salaad Ahmed.

wexeyna ilaaheyn iga rajeynayaa marxuunka inuu janadii fardowsa  digaan uga dhigo. Eheladiisii iyo qaraabadiisiina uu samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin aamiin. 

Walaal osman intaan ayaan kaa codsanayaa inaad iigu qortid website hadaad awoodid haddii aad codsigeygaan ii tixgelisana waan kaaga mahadcelinayaa si wanaagsan. Waad mahadsan tahay walaal.

         Qore: ahmed kaarad
Boosaaso, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD