SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

WARARKII MAANTA:

  • Dagaallo ka billowday Deegaanka Biyooley

  • Musharrixiinta ka qayb galaya shirka oo wada olole ugu dambeeyey…

  • Dr. Maxamed C/qaadir: “Magaalada Muqdisho waxay lahayd dhaqan so jireen ah.."

Dr. Maxamed C/qaadir: “Magaalada Muqdisho waxay lahayd dhaqan so jireen ah..

Waxaa warqad qoraal ah na soo gaarsiiyay Dr. Maxamed C/qaadir Maxmamed waxayna u qornayd sidan:  

“Muqdisho / Xamar;  Jowharadda Badweynta Hindiya waxay ka mid tahay Magaalooyinka ugu faca weyn uguna xadaaradda badan xeebaha Bariga Afrika, magacyada loo yaqaan  waa ay faro badan yihiin, waxaa soo xukumi jiray min 379 illa maanta ay caynaanka hayso TNG-da Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya 2004 – XIMYIR – TNG.   

Sannadkii 766M, waxaa soo dagay Magaalada Xamar Qabaa’il Carab iyo Cajabba leh, Qabiil ka socday dalka Yemen ayaa qabtay jagooyinka QAALI iyo KHATIIB masjid, iyagoo harsanaya karaamada aqoonta diineed, Fiqhiga iyo Axkaamta kansina u noqotay faraca illaa maanta ku tilmaaman magaca afar Qabiil Xamar, wuxuu soo ifbaxay sannadkii 1269M. oo dallad ah kulmisayna ugu yaraan ilaa 26-30 qabaa’il kala duwan kana kooban qowmiyadaha asalkooda ka soo jeedo carab iyo cajabba.  

Muqdisho waxay muddo dheer ahayd xarun ganacsi ayna caasimad noqotay waqti ku beegan sannadkii 1927-kii Miilaadiyada, oo gumeysigii Talyaanigu qabsaday gobolladii lagu magacaabi jiray Soomaalida Talyaaniga, Muqdisho waa Magaalo Qadiimo ah oo jirtay ka hor dhalashadii Nebi Ciise 1500 – 1400 sano, sannadkii Fircoon SEANKLANE MENTUHOPTES IV iyo boqorradii HATSCHEPSUT ee Masar. Magaca Xamar, wuxuu ka soo jeedaa XIMYIR oo ahaa magaca dowlad Carbeed kana hana qaadday dalka Yemen islaamka dhalashadiisii ka hor; baddel haleelay awgii, ayuu magacii ku dambeeyay Xamar, dalkeenna Soomaaliya waxaa ku habsaday Masiibo Rabbaani ah oo 14-jirsaday lana tacbaday xiqdiga xaasidka badtay caalimka iyo caamiga la isku qasay, cisiga iyo sharftuna aan la isku ogolayn nin welibana xirfaddiisa ku ekaanayn ee uu u hanqal taagayo mid kale..  

Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa ku howlan fidno wadayaal aan ehel u ahayn inay dab dhaliyaan mooyee aan daminayn, nabadda Soomaaliya waxay ku jirtaa gacanta Soomaaliya, EEBBE ha la badiyo ILAAHAY waa dambi dhaafe naxariis badan, damaca hala yareyo hana lagu kalsoonaado QADAHA iyo Qaddarta EEBBE”

Dagaallo ka billowday Deegaanka Biyooley

 

Wararka naga soo gaaray Deegaanka Biyooley ee gobolka Bakool waxay sheegayaan in ay halkaasi ka billowdeen dagaalo u dhexeeya laba beelood ee halkaas wada dega, wuxuuna dagaalkaan xooggiisu ahaa deegaanka Biyooley oo uu ku aasan yahay Sheekh Aweys dheere, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaan ay ku dhinteen 4-ruux ayna ku dhaawacmeen tabaneeyo kale, waxaana la sheegay in dagaalkaan uu ku sii faafay tuulooyin kale oo ku yaalla deegaanka Biyooley.

 

Odayaal iyo waxgarad nabaddoonno ah ayaa u dhaqaajiyay deegaankaasi kuwaasoo ka tagay magaaloo-yinka Xudur iyo Baydhabo waxayna doonayaan inay kala dhex galaan labada beelood.

 

Dagaalladaan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa illaa iyo haatan wax xal ah laga gaarin waxayna ku soo beegmeen xilli gobollada Bay iyo Bakool ay ka jiraan dagaallo kuwaasoo ka socda deegaano ka tirsan degmada Diinsoor, Baydhabo iyo Buur-Hakaba.

 

Musharrixiinta ka qayb galaya shirka oo wada olole ugu dambeeyey…

 

Wararka ka imaanaya madasha shirka dib u heshiisiinta waxa ay sheegayaan in musharrixiinta ka qayb galaya Madaxweynenimada Soomaaliya ee tiradoodu ku dhowdahay illaa iyo 27-musharrax in ay haatan halkaasi ka bilaabeen olole ay dadka ugu sheegayaan ama kaga dalbanayaan in ay gacan ku siiyaan ololohooda doorashada  ee xilka Madaxwey-nenimada.  Ragga ugu cad-cad waxaa ka mid ah Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu kulammo la leh odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaana uu ka dhaadhicinayaa sidii ay u siin lahaayeen codka.

 

Waxaa kale oo iyana halkaasi olole ka wada C/llaahi Axmed Caddow, Xuseen Maxamed Ceydiid, Faarax Weheliye Caddow (Sendiko), Maxamed Qanyare Afrax iyo xubno kale, waxayna dhammaantood doonayaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen jagada ugu sarreysa dalka ee Madaxweynenimada, illaa iyo haatanna DKMG ah ma aysan soo gudbin cidda musharraxa u noqon doonta, balse waxaa loo malaynayaa in uu noqon doono C/qaasim Salaad Xasan

 

W/D Amiin Yuuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD