SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SPR

SOMALI PEACE RALLY

Galkaio, Somalia, June 14kii 2004

PRESS RELEASE SPR/INFltlk/M5/288/2004

Xeesha Keliya ee Cabdullahi Yaqaan: Kaba Qaad Garta Iigu Dhiiba

sprally@hotmail.com

Galkaio City, Somalia, June 14kii 2004 - Somali Peace Rally - Waxaa shaashadaha Internetka lagu faafiyey in Beesha Darood isku raacday doorashada guddiga khilaafaadka. Qofkii hoos u eega wuxuu arkin in badida dadka shanta ah ee liis garaysan ay yihiin dad ka tirsan taageerayaasha aan waxba ka diidin Korneylka. Iyadoo qof iyo labo aysan garanayn SPR haddana waxaa cad in meesha waxa ka muuqdaa ay tahay wixii Cabdullahi hiddo iyo dhaqan u lahaa - "QOF AAN HORE U SOO TUUJIYEY KELIYA BAAN WAX U DHIIBAN KARAA, DHEX-DHEXAAD IYO WAXGARAD WARKIIS IGA DAA".

Waa nasiib darro in shirka hadda Somali u hanqaltaagayso uu ku bilowdo in hal shakhsi soo qorto ciddii asaga berri u hiillin lahayd ama dooran lahayd. Sida ay qortay Burtinle-Online, liiska soo shaacbacay ee ay la soo boodeen shabakadaha qaar waa mid Cabdullahi gacantiisa ku qoray. Waxaa ugu horreeya ninka la yiraahdo Maxamed Saleebaan Bootaan oo hore Cabdullahi u yiri wuxuu matalaa Puntland, asaga oo illaaway in meesha wax lagu qaybsanayo imminka qaab beeleed tahay. Waxaa xiga Cali Ismaacill Cabdi-Giir oo loo yaqaan inuu yahay dabadhilif 1aad ee ka baxsan xigtada Cabdullahi. Waxaa asna guddiga ka mid ah Cismaan Cawad oo asna ka mid xerta Kornayl Cabdullahi u digrida kana tirsan maamul ku sheeggiisa.

Falka Kornayku waa kuwiisi hore oo xitaa aan xaraf laga beddelin. Waxaa ka maqan oo keliya asaga oo dabadhilifyo cusub keensaday, kana tagay kuwiii uu caanka ku ahaa ilaa Itoobiya sida Jinni Boqor. Waa tii ka dhacday Qardho (1994), Gaalkacyo (1998) iyo Harar (1983). Tuugo burar sidata oo la yiri shirguddoon baad tihiin.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa oontii araggeedu ku deeqaa anfaceedu ku deeqaa. Sida Cabdullahi iyo burcaddiisu rabto inay Somali wax xaaraan ah u mariso ma dhicin doonto. In Cabdullahi ku waashay inuu Somali mar madaxweyne ka noqdo waan wada ogyahay. Wuxuusanse meesha ku darin in Somali wada ogtahay meesha shiddadu ugaga timid oo ah keligi talis xabbad caaraddeed, guulwadyaal ama dabadhilfyo, xigto aammin iyo been abuur wax ku raadin. Timirtii hore miyaa dab loo helay.

Somalida nabadda iyo wanaagga jecel waxaan ugaga digaynaa inay ka horyimaadaan cawaaqibka ay keeni karto dad been ah oo hal dhinac ahi in loo doorto inay berri noqdaan kuwii dadka kala hagi lahaa. Dabadhilif haddii garsoore laga dhigay, shirku waa nabadeey. ASAGOON BILAABAN BUU FASHILMAY.

Somali Peace Rally  sprally@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh SPR

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD