SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 

Daraasad Gaaban Oo Ku Saabsan Dhibaatooyinka Soomaaliya Iyo Xallintooda 

Annaga, oo ah aqoonyahanada soomaaliyeed oo halkaan hoose ku saxiixan, waxaan baarnay xaaladda soomaaliya. Waxaa hallaabay wax aan la koobi karin, hase yeeshee waxaan in yar ka soo qaadanay qodobada halkaan hoose ku tixan:

 

·        CUDURRADA SIYAASADDA SOOMAALIYA 

Dalka soomaaliya waxaa ka dhashay cudurro siyaasadeed wax lagu tilmaami karo oo wixii ka dambeeyey sanadkii 1969kii marba marka ka dabeeysana soo xoogaysanayay ilaa ay keeneen burburka dawladdii dalku lahaa jiray sanadkii 1991dii, haddana sii laba kacleeyeen markii fowdo durdurineysaa dalkii oo dhan jibaaxday. Cudurradaas waxaa ugu waaweyn damaca waalan ee madaxtinimo; danaha shisheeye oo ku qasmay kuwii qaranka; qeybsanaanta dadweynaha soomaaliyeed; garaad la’aanta shacbiga; hanti shisheeye oon dalka aallin; islaamka oo kooxo loo kala yeelay; colaad diinta loo qabo; dowlado siyaalo kala duwan wax u raba; fashilkii UNOSOM ku dhacay; shakigii adduunku arrintaan dambe ka qaaday; hubka dadweynaha gacanta u galay; go’aan loo wada dhanyahay iyo qaar kale. 

Haddii midba mar lasoo qaado, lana fiiriyo bal wixii daawo u noqon kara waxaa soo ifbaxaaya arrimaha halkaan hoose ku tixan: 

1.     DAMACA WAALAN. 

Markii la qaatay dawladnimadii ugu horreysay waxaa xibnihii xukuumadda iyo kuwii baarlamaanka laga dareemay isbeddel dhaqaale iyo mudnaan bulshadeed oon horay loo aqoon, waxaana arrintaasu abuurtay maseyr ku dhacay rag fara badan, oo indhahoodu qabteen rag aan aqoon ama caqli ka badneyn, oo bulshada dusha uga baxay, taasuna waxay keentay in qofkii doonaaba tartan u galo jagooyinka sarsare ee dawladda. Waxay noqotay in xoolo iyo laaluush lagu bixiyo doorashada xibnaha golaha shacbiga, qabiilna leysugu habar wacday, taasoo aakhirkii keentay in leysku dilo.  

Damacaasu wxuuu saameeyey madaxdii ciidamadii qalabka siday, oon ku qancin inay ka amar qaataan raggii ay laftoodu ugu soo shubeen waraaqaha beenta ah. Dareenkaasu wuxuu dhaqaajiyey hawooshadi, keentay afgambigii 21-kii Oktoobar, oo askarti kula wareegeen awooddii dalka, kadibna waxaa la galay tartan nooc kale ah, in wax kasta lagu raalli geliyo odaga meesha heysta,

halkaasoo uu ka sameysmay kalitalis aan soohdin lahayn, sharcina ay noqdeen wixii odagu jecelyahay, ilaa la gaaray xad adkeysimihii dhammaadeen, gacantana laysula tegey ayadoo ugu dambeyntii dagaal sokeeye ku dhex jajabtay dowladnimadii oo dhan. 

Halkii aan sharci ka jirin qofku wuxuu isku aaminaa hubkiisa iyo xooggiisa ama kaligii ama koox ay xigto isu yihiin, taasuna waa midda keentay dadka wada hubeysan iyo kooxaha oo dalkaan geys walba fadhiya, si caqli la’aan ahna marba meel isugu laaya.  

Hor iyo dib waxaa dadka caqligiisa ka baxday in hawl waluba leedahay dad yaqaan iyo in loo baahan yahay dad nadiif ah, daacadna ah; waxaana la runsaday in qof kastaa hawl kasta qaban karo, qof xun iyo qof san aysan kala jirin; halkaasna waxaa ka yimid jahawareer hawl kasta oo Qaran la socon weyday, qarannimadii lafteediina ku luntay, ayna hadda adag tahay in dib dambe loo dhiso. 

Markay caadyaal noqotay in hawshii qaranku hallawday waxaa billawday ishaaraan dhalliishiisu culustahay, kadibna waxay ka maarmi weyday in qabiil lala kaashado, dibadeedna leys laayo, taasoo keentay inaan qofna waxba helin, wax kastana baabe’een. 

Intaasoo dhan waxaa ka sii foolxun in shisheeye la miciinsado, oo loo noqdo dabadhilif, ayadoo leyska iloobay inaan dawladu cidna u adeegeyn aan danteeda aheyn, laakiin ay rejo dhalanteed ah ku adeegsan karto qof ama koox dadkoodii ka soo lumay; waana arrin caan ku ah taariikhda adduunka in dawladuhu sameystaan adeegayaal loo dirsado waxyeelleynta dalkooda, markii laga dhammeystana la khaarijiyo. 

Waxgaradku waa ogsoon yahay in aan damaca xad-dhaafka ah la aqbali karin iyo inuu yahay khasaare aan astaahilin in la taageero, ayna waajib tahay in laga digtoonaado leyskana maareeyo ayadoo loo dhan yahay, maxaa yeelay cidna kheyr u keeni mayo, lamana daaweyn karo. 

2.     DANAHA SHISHEEYE. 

Laga soo billaabo qarnigii 19aad bartamihiisii dawlado shisheeye ayaa si kala duwan u daneynayay dalka soomaaliya. sanadkii 1884kii waxaa shir ka dhacay magaalada Baarliin lagu qeybsaday soomaaliya, oo la gumeystay ilaa kaddib dhammaandii dagaalkii labaad Jamciyadda Qaruumaha Midoobay, ay qaar soomaalida ka mid ah xurnimo siisay, halka qaar kalena aysan nasiibkaas yeelan. Ha noqoto waqtigii Soomaaliya dawladda ahayd, hase noqoto wixii ka dambeeyey burburkii dhacay sanadkii 1990kii weli ma harin in dawladaha adduunku, kuwa fog iyo kuwa dhow intuba, siyaalo kala duwan u daneynayaan arrimaha Soomaaliya. Taasu waa midda ka dambeysa inay 14 shir oo leysku deyay in soomaalida la heshiisiiyo ay dhammaan u socon waayeen aanna laga gaarin wax horumar ah, inkastoo masuuliyadda inteeda badan soomaalidu leeyihiin, ayagoo fekerkooda ku saleeyey waxyaalo raqiis ah, oo ka indhasaabay danihii guud ee qarannimo.  

Mar haddaan xaaladda noocaas ah waxba ku hagaageyn waxaa la gudboon dawladaha arrimaha soomaaliya faraha kula jira inay wax ka beddelaan dhaqankooda ayna yeeshaan xilkasnimo ay ku heshiiyaan inay dhulka ka qaadaan xigtadooda dhibaatadu haysato, ayna saaxiib  ka dhigtaan qaran nool oo shaqeynaya, kalkey ka shaqeyn lahaayeen qeybsashada burburka. 

Taasu haddii ay dhici weydo soomaalida ayaa laga rabaa iney gartaan waxa dantoodu ku jirto, ayna tashadaan wadajirna ugu dhaqaaqaan wixii ay uga bixi lahaayeen gunnimada iyo baryaha marba dalka dibadda ah loogu yaacayo, la cilaaqtamayo, loo kala baxayo kooxa shisheeye kala taageersan, kaddibna la kala tegaayo ayadoo la sii kala fogaaday, ilaa goormaa waxaas la wadayaa, yaase danu ugu jirtaa? Sidaas waxaa uun ku lumaya dadnimadii, islaannimadii, waddaninimadii iyo xataa qofnimadii! 

3.     QEYBSANAANTA UMMADDA SOOMAALIYEED. 

Waa cudurka ugu daran ee na heysta.. dawladnimo waxaa saldhig u ah shacbi, oo macnihiisu yahay qabiillo midowbay, oo yeeshay una shaqeynaya dano isku mid ah; laakiin intaan qabiilladu garan iney wadaagaan dano aan qeysami karin oy ugu waaweyn yihiin: wax la qeybsiga shucuubta kale, waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka, biyaha, korontada, lacagta iyo iwm, iyo inaan kala qeybsanaan lagu gaari karin; intaan sidaas la fahmin dawladnimo la gaari mayo, adeegyada kalena la arki mayo, maxaa yeelay qabiil waxba gaar uma sameysan karo; waana soo marnay inaan qabiil dawlad ahaan karin, qabiilna dawlad noqon karin! Marka caqli ma ahan in aan fikrad shaqeyn kari weyday dul fadhinno, oon ku xiiqno iney shaqeyso; ayadoon ogsoon nahay inay nala gudboon tahay inaan wada-shaqeyn oo kali ah dowlad ku noqon karno iyo in ciddii qabata xilkeeda laga rabo iney dadkoo dhan isku si ugu adeegto, oon xigtanimo ama eex laga dareemin hawshiisa. 

4.     SAAXIIBBO TAARIIKHEED. 

Dhibaatooyinka liidashada dahqaale iyo colaadaha sokeeye waa mid ay wada qabaan dawladaha soo koraaya, gaar ahaan kuwooda goor dhow xuroobay, laakiin waxaa kala duwan xariirka u dhexeeya dowladihii dalka horay u xakumi jiray iyo kuwa dhaxlay, oo midda cusubi u baahan tahay in tii hore gacanta ka hesyo, weliba markay khatar gasho. Soomaaliya waxay weyday kaalmihii dowladihii xariirka taariikheed la lahaan jiray, ayadoo aragtiyo kala duwan lagu kala tegay, markii madaxdii soomaalidu u leexdeen xagga dawladaha hantiwadaagga, taasoon waqti dheer sii jirin lafteedu, keentayna in soomaalidu dhexda ku luntay. 

Mar haddii khibraddaas la soo dhaafay, waayo-aragnimana laga korosaday waxaa dhinacyada la gudboon iney dib ugu laabtaan xariirkoodii taariikheed, taasoo haddii si wanaagsan looga shaqeeyo keeni karta in Soomaaliya dawlad loo dhiso, saaxiibna laga dhigto. Dowrkaas waxaa laga sugayaa dawladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga, haddey daneynayaan iney gobalka saaxiibbo ku yeeshaan. Dawladaha carbeed, si kastoo ay ugu mushquuleen arrimaha Falastiin iyo Ciraaq, ayagana waxaa weli laga sugayaa dowrkii ay arrinta soomaaliya ka qaban kareen, haddey tahay Jaamacadda Carabta ama dawlad kasta gaarkeeda,  

5.     HUBKA. 

Hubka dagaal waa ibtilada ugu weyn ee ku dhacday dalka soomaaliya. ugu horreyntii asigaa loo adeegsaday boobkii xukunkii madaniga ahaay 1969kii, markii ciidamada qalabka sidaa xoogeen awooddii dalka, xirxireen dawladdii rayadka, kaddibna cabburiyeen codka dadweynaha, ilaa ay mararkii ugu dambeysay ugu dhaqmeen leynta shacbiga iyo burburinta hantidiisa.  

Haddana markii leysu wada qaatay waxaa loo dhammeeyay dawladnimadii oo idil iyo dad iyo duunyuo wixii meesha ku noolaay. Waqtigaan la joogo waxaa lala hor taagan yahay in heshiis la gaaro, si dalka dawlad loogu sameeyo, maxaa yeelay waxaa ku xiran awoodo aan caqli iyo dana guud ka shaqeyneyn, cid looga turayo ama looga xishoonayana aysan jirin, waxaana si joogta ah loogu gumaadayaa ummadda iyo hantideeda, ha noqoto mid kooxo haystaan ama burcad qabiillo ku daaban, oon cidna ka amar qaadan. 

In dalkaan dawlad laga dhiso waxaa ka horreysa in hubkaas la xereeyo, oo la geeyo meel ammaan ah, ayadoo ama xoolo la siisanayo ama xoog lagu muqiinayaayo ama labada oo wada jira loo adeegsanaayo. Si kastaba ha ahatee, laga samata bixi mayo haddaan loo dejin qorshe caalami ah oo si dhab ah loo hirgeliyo. Waa wanaagsanaan lahayd in kooxaha hubeysanu ka gaaraan heshiis hubka looga badbaado, laakiin taasu ma muuqato, ugu yaraan, waqti dhow, sida laga oddorasi karo jawiga guud ee siyaasadda cakiran. Intaasu waxay na tuseysaa inay tahay lagama maarmaan in arrinka hubka laga gaaro go’aan caalamku wada hawl geliyo, oo qalabkaas lagu arruriyo laguna ilaaliyo, mar haddaan soomaalidu kaligeed talo iyo tabar u heleynin. Si kastaba ha la yeelee, dowladdu kama dhismi karto dhul waxaasoo hub ah lagu hesyto, suuragalna ma ahan in laga fekero in si raalli ah loogu dhiibo dawladda, hadiiba,la dhiso. Waxaa laakiin suuraggal ah in la hormariyo dhismaha dawladda, kaddibna lagu taageero sidii ay dalka u hanan lahayd, ayadoo la siinaayo taageero xoog leh xag siyaasadeed iyo xag dhaqaale intaba. 

6.     MOWQIFKA JAMCIYADDA QARAMADAMiDOOBAY 

Wixii ka dambeeyey sanadkii 1994kii, galka soomaaliya waa iska yiillay xafiisyada JQM, mana jirin cid dhaqaajisay wixii ka dambeeyey Butrus Gaali. In arrinta Soomaaliya dhabarka loo jeediyo, maxaa yeelay waa adag tahay, waxay ceeb weyn ku tahay masuuliyadda Jamciyadda, waxayna dhaawaceysaa xilkasnimada hoggaamiyeyaasha.  

In badan waa la sameeyey go’aanno iyo tusaalooyin, laakiin arrinta soomaaliya ku dhammaan meyso hadal afka laga yiraahdo ama xaashi lagu qoro, ee waxay u baahan tahay rabitaan, hawl iyo dhaqaale fara badan, oo u dhigma culeyska arrintu leedahay. Go’aannada xayiraadda hubka, oo la jebinaayo ayadoo la arkaayo aanna waxba laga qabanayn dhaafsiisan kormeer, iyo hawlaha samafalka xafiiska Nairobi waxweyn tarimaayaan soomaaliya. Dawladaha iyo shakhsiyaadka kor taagan in soomaaliya isbeddel ka dhaco ka baqi maayaan ciqaab uga timaada JQM, oo waxay ogsoon yihiin inaan wax dhab ahi jirin meesha. Sidaas darteed, waxaa talo naga ah iyo codsi in Jamciyaddu la wareegto arrinka soomaaliya, ayna u sameyso go’aan iyo qorshe waxtar leh, oo looga bixi karo jahawareerka muddada dheer lagu soo socday.  

In la dhiso maxkamad ka shaqeysa dambiyadii dalkaan ka dhacay waxay xooji kartaa dadaalka loo galo xallinta arrimaha murgay ee dadka soomaaliyeed iyo guud ahaan cadaaladda adduunka. Si kasta ha ahaatee, ma muuqato cid kale oo tabar iyo talo u heli karta arrinka soomaaliya, oon aheyn Jamciyadda Qaramada Midoobay. 

7.     (CONSENSUUS) AAN QOFNA KHILAAFIN. 

Konsensuus ama go’aan loo wada dhan yahay, oon ciduna khilaafin laguma shaqeyn karo markii dhinacyada xaajoonayaa badan yihin. Waa suuragal in laba ama saddex dhinac gaaraan “Consensus”, laakiin dhinacyada soomaalida oo kor u dhaafaya 40 ma suuroobi karto inay kulligood wax isku wada raacaan, weliba marka laga hadlaayo wax fara badan.  

Arrintaasu ma ahan mid adduunka looga dhaqmo, mana suuroobi karto in lagu guuleysto shir ballaaran oo dhinacyadiisu wada haystaan codka diidmada qayaxan (Veto) haddii weliba lagu kordhiyo kalsooni la’aanta ka dhex jirta hoggaamiye kooxeedyada soomaalida. Waxaan laga maarmeyn in la sameeyo hab lagu gaaro aqlabiyad go’aan ka imaan karo, si looga samata baxo in shir kasta hal dhinac diidmo ku hor istaago, ama shirka ka baxo si aan meesha waxba uga dhalan, looguna dhaqmo hubka la magac baxey” looma dhama”. Laakiin ama ha lagu gaaro “Consensus” ama aqlabiyad,  go’aan soomaalidu gaarto ma shaqeyn karo haddaan adduunku si dhab ah u taageerin, maxa ayeelay ma jiraan karti iyo dhaqaale soomaalidu kaligood wax ku qabsadaan. Sidaas darteed waxaan ku talineynaa in shir soomaaliyeed laga horreysiiyo in leysla meel dhigo barnaamijka ku saabsan sidii adduunku u kaalmeyn lahaa ummadda soomaaliyeed, lana dhiso xafiis arrimaha dhadhaqaajiya “mechanism” ilaa laga dhammeynaayo barnaamijkooda, lana taagayo dawlad soomaaliyeed.  

Markaas kaddib, waxaa loo baahan yahay in la qabto shirweyne soomaaliyeed, oo degmooyinka iyo goballadu dhammaan usoo dirsadaan wakiillo ay soo magacaabaan odayaasha beeluhu, kana kooban ikhyaarta kala ah culumada diinta, aqoon-yahannada, hoggaamiye-dhaqameedyada iyo qaybaha kaloo bulshada. Markii dadkaasu dhisaan dawlad ku meelgaar ah, ayaa caalamku u hawlgelayaa hirgelinteeda ilaa ay kaligeed shaqeyn kareyso; taasoo loo bahan yahay inay nadiif ka ahaato cudurrada: qabyaaladda, eexda, musuqmaasuqa iwm kuwaasoo dhaawacaya taabbagalka qarannimada, sidey tii horaba u galaafteen. 

SOO-KOOBID.    

Markii leysku soo duubo talooyinka diraasaddaan ku jira waxaa loo baahan yahay inta halkaan ku xusan:- 

I)                  In ugu horreynta soomaalidu la timaado rabitaan dhab ah iney taagaan qarannimadoodii luntay, ayagoo ka xuroobaya danaha shisheeye iyo kuwa gaar ahaaneed, nadiifna ka ah jirrooyinka bulsho oo kor ku tilmaaman. 

II)               In Jamciyadda Qaramada Midoobay oo la kaashaneysa bulsahda kalee adduunku si dhab ah u qaabilaan mushkiladda soomaaliya, ayadoo loo sameynayo barnaamij isugu jira taakuleyn siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshadeed, fiiro gaar ahna loo yeesho arrimaha garsoorka la xiriira wixii dalkaan dambiyo ka dhacay mar haddii urur gobaleedyadu ku guuleysan waayeen xallinta dhibaatada soomaaliya. 

III)            In xoogga la saaro sidii hubka dagaal looga aruurin lahaa dalka oo dhan kaasoo ah dhibka ugu weyn oo hortaagan in dawlad dalka laga dhiso, marka horana sabab u ahaa burburintii diimoqraadiyaddii iyo dawladnimadii dalka. 

IV)            Xallinta iyo taabbagelinta arrimaha soomaaliya waa in lala kaashadaa maskaxda soomaaliyeed, qayb kastaba, dadka aqoonta u leh, maxaa yeelay dal lama hagi karo aqoon la’aan, dawladuna ma socon karto cilmi la’aan. 

V)               Soomaalida waa inaan loogu simin xallinta iyo ka shaqeynta arrimahooda taasoo ay horayba ugu fashilmeen, waana in la sameeyo faragelin waxtar leh, laakiin isla markaas waa in laga joojiyaa fargelinta dhibaatada wadata ee dibadda uga imaaneysa ama ay ayagu adeegsanayaan. 

WABILLAAHI TOWFIIQ

Saxeexayaasha.

  • 1-Dr. C/llaahi Macallim.  Qareen.
  • 2- Dr. C/llaahi cosoble. Garsoore.
  • 3- Prof.  faarax Axmed Cumar.(Qare) Guddo. Jaamicada Xamar.
  • 4-  Sh. C/Raxmaan  Xuseen Samatar.( Abuxamsa)  Qareen.

Warbixintan oo ay Qalinka u qaateen Aqoonyahano Somaaliyeed oo ay ugu hadlayaan bal sida ay iyaga ula muuqato Xaalada Murugsan ee Dalka Somaliya ee ah Dalka ay u dhasheen ayaa  soo gaarsiiyay Warbixintan  Wakiilka Somalitalk ee Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]