SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAAL

MUDULOOD DHIBAATADA KU HABSATAY MAXAA U SABAB AH

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatu

Waxaan ilaahay inooga baryayaa walaalayaal  inuu naga dul qaado dhibaatadan baahdey ee aan xalka lahayn oo noo danbi dhaafo isagaa Qafuuru raxiim ahe.

Walaalayaal waxaan rabaa inaan ka hadlo mowduuc ku saabsan dhibaatada haysata dadkayga gaar ahaan muddulood oo aan ka dhashay waan ka xumahay inaan u dhaqanno sida wuxuushta oo aan is cunno sidii xayawaanka oo kale  waxaana noogu

Wacan inagoo Illaahay nagu ilhaameeyay inaan ku dhaqanno kitaabka kariimka ah iyo sunnaha rasuulkeenii muxamad ( C.S.W) ayaan har cad daaqada ka tuurnay inagoo markaas aan ka fekerin waxa aynu samaynay ma sax baa mise waa khalad waxaana ka danbeeyay dad beesha ka tirsan oo aan hadhoow aan sheegi doono dadkaas oo dana gaara watay oo u adeegayay cadawga Islaamka oo ay soo hubeeyeen dadkaa wax ma garatada ah laakiin ciqaabka Ilaahay halkey ka geli doonaan ? markaasay ku andacoodeen maxkamada wiilasheena ayay lugaha iyo gacmaha jaraysaa oo waa naga eexday Sheikh Cali Dheere iyo sheekooyin raqiis ah oo ay dadka ku beerlaxawsadeen sidii oo ay dantooda ka shaqeeynayaan markasaa hubkii laga keenay xabashida loo qaybiyay bahweynta muddulood oo layiri aan iska qabano Sheekhaan waa nagu madax adeygaye Sheekhuna isagana si dhib yar uma dhihin idinkaa awalba ii dhiibteene xilkaan hadaadan ku qanacsaneyn hooda iga qabsada ee isagana shaydaan baa wax u sheegay markaasuu waxaan Ilaahay raali ka ahayn ku kacay  oo uu dagaal ooge noqday waa nasiib darro waxaanse leenahay xasbiyallaahu wa nicmal wakiil. madaxiina Allaha ka shubo Cali Dheeroow iyo inta ka soo shaqeeysay in ay maxkamadeenii bur buriyaan, maxaa dhacay ka bacdi maxkamadii oo la baabi'iyay mala qaboobay? dadkiise ku andacoonaayay in iyaga loo darnaaday ma faa'iideen?  mala xisaabtamay bacdal maxkama  wixii khasaare dhacay iyo fadeexada naga raacday hadaan nahay Abgaal umadda Illaahay waa naga yaabantahay maalin walba maatidiina laaya wax lagu hadlo miyaa? waryaada saa isu dhaama oo cadaabka Ilaah  ka  baqa oo iska daaya dhiigaan aad daadineysaan maalin walba iyo nimankaan aad ka amar qaadanaysaan ee idiin dalbaya naarta jahanama Allaah ayaan ka magan galnay ee walaalayaal Ilaahay aan cafis waydiisano oo isa saamaxno carada Ilahey yaysan nagu dhicine waxaadna ogaataan ineyan  nimankaan wax faa'iido ah aan laga sugaynin ee ku quus qaata Cali iyo Caydiid wixii laga dhaxlay wixii dhaawacmay ma daaweeyeen Cali iyo Caydiid mise ku dhinteen wax ay dhaleen maxaad la dhoohan tihiin nin walba caruurtiisa waa uu dhoofsaday oo tacliin bay usoo baranayaan waase kuwo aan wax laga dheefi doonin  waayo dhiiga dadka ayaa lagu koriyaa ee waxaan idiin sheegayaa inaad iska qabataan shaqsiyaadka bohosha nagu riday oo ay ugu horeeyaan  dadka waxashiinta ah ee ku naaxa xoolaha xaaraanta ah ee aan damqan.

  • Cali Mahdi

  • Muuse Suudi

  • Maxamad Dheere

  • Bashiir Raage

  • C/qaadir Beebe

  • Cumar Finish

  • Eenoow

shaqsiyaadkaas walaalayaal iska qabta oo iska daaya nin caabudka oo dantiina garta xusuusta dagaalkii ugu danbeeyay ee nacasnimada ahaa maxaa kasoo baxay oo la taaban karaa? nimanka u dagaalamayo habar Miinaay oo la ogyahay halkay ka shaqeeysay xoolahaas iyo Bashiir tuug oo dagaalada ka hor aan waxba ahayn  Alla! habaarka haayo nimankaan weynaa Ilaahow soo hanuuni. waryaa hadaad dhimato reerkiina ayaad ka dhimatay aakhirana cadaab ayaa ku sugayo ee kuma damiinanayaan xayawaaniintaas ee yaawaylakum min cadaabillaah kiinii dhaawacma ee naafoobana cidi wax ku fali mayso ee kuwana qaata ninka labada garab ka go'ay ee dagaalkii afar biloodka ku waayay lixaadkiisa ee jooga sanca iyo agagaarkeeda weliba  isagoo difaacaaya Cali Mahdi markii dagaalka istaagay ee uu u tagay oday Cali oo ku yiri: sidaan ayaa ii  danbeysee wax ii qabo difaacaadan sidaan  ku naqdaye ee uu ugu jawaabay: walaal magaca Abgaal aa u dhimanaysee aniga kuuma dirsan hadana aniga labadaas gacmood ee kaa maqan oo kaliya aan ku dheerahay ee raali ii ahoow wax kuuma tari karo. Marka idinkana walaalayal   saas aa idiin danbeysa iyo Cabdulaahi dhaxan nimankii uu  dirsan jiray ee uu dagaalgeli jiray mid ka mid ah oo si  xun u dhaawacmay oo xabbad sun ah kusoo dhacday isagoo uray ayuu ka waayay idila bes silicaan ha i daaye. markii la yiri dhaqtar gee ninkaan wuxuu ku jawaabay: iska dhaaf waa u baraayaane. Markaas ayaa qol lagu xiray oo uu ku dhax dhintay walaalayaal isdaba qabta oo caqli yeesha  Ilaahayna aan ka baqno  saas iyo nabad gelyo.)

  SACADIYO MAXAMUUD XASAN

nuuneyxasan@hotmail.com

ABU DHABI , UNITED ARAB EMIRATES

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Waxaaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
mohamed abdi hassan <diridhaba2001@hotmail.com>

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD