SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - W/AMEERKA

 Baaq Nabadeed oo Kasoo Baxay Guddiga Beesha Kablalax ee Woqooyiga Ameerika

  • Baaqan oo ku wajahan Beelaha ku dagaalamaya  Aagga Degaanka Doolo, Wardheer...

Dagaal Wiil ayaa Ku Dhinta ee Wiil Kuma Dhasho
Maahmaahdaas Soomaalidu waa taqaan laakiin kuma dhaqanto.

Anagoo ah guddiga beesha kablalax ee Woqooyiga Ameerika, waxaan ku baaqeynaa nabad iyo xabad joojin degdeg ah oo dhex marta labada beelood ee walaalaha ah ee ku dagaalamaya aagga Doolo ee Wardheer.

Waxaana ka codsaneynaa Dawladad Itoobiya iyo maamulka Puntland in arintaa labada beelood ay si deg deg ah wax uga qabtaan.

Waxaan kale oo aan ka codsaneynaa isimada, ugaasyada, garaadyada, culimada, waxgaradka iyo beesha kablalax gaar ahaan inta deggan aagga Wardheer iyo guud ahan Beesha kablalax meel kasta oo ay dunida ka joogaan in ay arintaas colaada ah ee labada beelood ay si degdeg ah wax uga qabtaan.

Ilaah waxaan ka rajayneynaa in baaqan aan qalbi wanaaga ku soo jeediney in uu ka dhigo mid ay aqbalaan, oo ay nabada aaggaas ku soo celiyaan.

Ugu dambayn waxaan Guud ahaan beesha Kablalax ka codsaneynaa in ay samaystaan guddiyo ilaaliya danahooda guud ahaan iyo gaar ahaan guddiyo qaabilsan nabad soo celinta.

Waxaa Baaqan Soo saaray:

  1. Garaad Cumar Garaad Dool
  2. Maxamed Xasan Maxamuud
  3. Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cabdi
  4. Daahir Mire Jibriil
  5. Maxamuud Cali Cabaas
  6. C/Nuur Siraad
  7. C/Fatax Caaqil Yare
  8. Axmed Shiino
  9. Maxamud Faarax Cigaal

Emailka lagala xiriiri karo waa: kablalax101@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

Dadkii kasoo Baro Kacay Dagaalkii ka Dhacay Agagaarka Wardheer oo Tabaalaysan
Kadib markii dagaal ba,ani uu labo beelood ku dhexmaray tuulada Mir-khaliif oo ka tirsan Degmada wardheer ee K/Shanaad, ayaa... Guji June 20

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]